SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
WARARKA SHIRKA: SEPT 29, 2003
  • Aragtida shirka ee Guddiga Hoggaamiyaasha
  • Digil iyo Mirifle oo Soo saaray Warsaxaafadeed

war-1,29,Septembar,mbagthi,nairobi.
Madasha shirka dib u heshiisiinta soomaalida ayaa saakey waxa laga soo saarey qoraal-saxaafadeed ku aadan xaaladda shirka hadda uu ku sugan yahay iyo Mowqifka kaga aadan shirka dib u heshiisiinta Hogaamiayayaasha ku sugan madasha ee saxiixay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo haatan ka socda Mbagathi,qoraalkan warsaxaafadeedka oo Orjinaal ah waa sidan:-

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Jamhuuriyadda Somalia

Shirka dib u heshiisiinta Somalia.
______________

Taariikh 23ka Sebtember 2003

Aragtida shirka ee Guddiga Hoggaamiyaasha

Ku: Mudane Bethuel Kiplagat
Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee IGAD
Og: Xubnaha Dowladaha Safka hore
Og: Xubnaha Beesha Caalamka ee IPF.

Mudane:

Annaga oo tixraacayna shirkeenii 23ka Sebtember 2003, kaas ooo aad guddiga hoggaamiyaasha uga xogwarrantay booqashadii aad ku tagtay xarunta Ururuka Midowga Yurub ee Brussels iyo Sweden, iyo arrimaha kale ee la soo qaaday oo ku saabsanaa hab socodka shirka.

Guddiga hoggaamiyaasha waxay dhammaantood kugu bogaadinayaan dadaalkaaga aan kala go’a lahayn ee ku wajahan nabadda iyo dib u heshiisiinta Somalia, iyo hoggaamintaada wanaagsan ee ee wada hadallada socda.
Waxaa sharaf noo ah Mudane, in aan kula socodsiinno in Guddiga Hoggaamiyaashu si aad ah uga baaraan degeen dhammaan arrimaha aaad soo qaadday, ayna si wadajir ah ugu heshiiyeen in ay mowqif mideysan ka qaataan qodobada soo socda.

1. U dhammaanshaha shirka:-

Guddiga Hoggaamiyaashu waxay caddeynayaan in shirkaani uu yahay shirkii ugu horeeyay taariikhda shirarka nabadeynta Somalida oo u dhammaanshihiisu heerkaas gaaray.
Muddadii 11ka bilood ahayd ee wadahadalladu socdeen, shirku wuxuu meelmariyay afkaar waxtar leh oo ay hormuud ka ahaayeen IGAD iyo IPF.
Shirku tan iyo bilowgiisiiba wuxuu ahaa shir ku socda hal abuurka Somalida, halka IGAD iyo IPFna alintoodu ka ahayd isku dubaridka, dhexdhexaadinta kooxaha Somalida, si loo gaaro ka qaybgal loo wada dhan yahay, taas oo waafaqsan dardaarankii dowladaha IGAD xubnaha ka ah.
Sidaas darteed shirkaani waa mudan yahay in la yiraahdo waa loo dhan yahay, waayo afarta kooxood ee waaweyn oo kala ah. (TNG,SRRC,G8 iyo Bulshada Rayidka ah) oo ka wakiil ah dhammaan kooxaha siyaasadda iyo beelaha ayaa ka wada qaybgalaya.
Waa in aan maanka ku haynaa U dhammaansho in ayan la mid ahayn Isku wada raacid
Waana in aan loo isticmaalin muran la doonayo iln shirka lagu burburiyo, ama lagu dhalleeceeyo waxa ka soo baxa.

2. Dadaalka la doonayo in dib loogu soo celiyo kooxaha shirka ka maqan.

Guddiga Hoggaamiyaashu waxay soo dhoweynayaan dadaal kasta oo la doonayo in dib loogu soo celiyo kooxaha yar ee shirka ka baxay.

Inkasta oo mowqifkayagu kaas yahay, haddana waa in la ogaadaa in kuwa shirka ka baxay wakiiladoodii in ay si buuxda uga qayb qaataan hab-socodka shirka. Marka, xagee dhibaatadu ka jirtaa?
Saas oo ay tahay haddana, Guddiga Hoggaamiyaasha wuxuu soo dhoweynayaa dadaalka IGAD iyo IPF ay ku doonayaan in ay dadka shirka ka maqan dib ugu soo celiyaan, iyada oo maanka lagu hayo lama huraanimada in la sugo sii socoshada shirka, si aan shirku ugu afduubnaan koox gaar ah. Madaxdu waxba kama qabto haddii walaalahood maqan la soo celiyo.
Waxaa kale oo aan soo dhoweyneynaa in samajeceleyaal Somali ahi ka mid noqdaan ergadaas, siiba shaqsiyaad miisaan culus leh.

3. Habraaca xulashada xildhibaanada.

Guddiga Hoggaamiyaasha waxay la tahay in hanaanka xulashada xildhibaanadu sida uu hadda yahay uu ku sii socdo, lana sii xoojiyo.
Marka la eego habka xulashada xildhibaanada, hoggaamiyaashu waxay isku raaceen sida uu qabto qodobka 30naad ee Axdi Qarameeka la insixiyay 15/09/03

4. Kalsooni abuurid hoggaamiyaasha dhexdooda.

Guddiga Hoggaamiyaashu wuxuu soo dhoweynayaa fikradda ah in kalsoonigelin lagu dhex abuuro madaxda si wada shaqeyntooda iyo is-fahamkooda ku saabsan nabadda Somaliya u xoogeysto, si ay meel uga soo wadajeestaan dhaqan gelinta guulaha shirka ka soo baxa.
Sidaas darteed Guddiga Hoggaamiyaashu waxay talo ku soo jeedinayaan in kulankaas loo xulo goob ku habboon, oo ay hoggaamiyaasha si furan uga wada hadli karaan, taas oo u horseedi karta in natiijo wax ku ool ahi ay ka dhalato jawigaas wadahadalka ku habboon.

5. Lahaanshaha Somalida ee hannaanka shirka.

Dhowr jeer oo hore ayaa la soo qaaday arrinta ku saabsan lahaanshaha hannaanka shirku u socdo, iyada oo aan la sheegin wax sababa.
Ka qaybgaleyaasha shirku waxay si furan oo xor ah uga wada doodaan dhammaan arrimaha shirka horyaal, go’aamadana waxay ku gaareen hab saldhigiisu yahay dhaqanka dimoqraadiga.
Sababtaas darteed, Guddiga Hoggaamiyaashu waxay u arkeen arrintaan mid aan khilaaf ka taagnayn, maadaama shirku uu si habsami ah oo aan lahayn iska horimaad wayn ku socday muddo 11 bilood ah.
Waxaa intaas sii dheer , in maanka lagu hayo hadda, shirku in uu foodda la galay, qaybtiisii ugu dambeysay, lahaanshaha shirka ee dhabta ahina waxaa masuuliyaddiisu ku wareegeysaa, hayadaha cusub , oo hadda ka dib dhismaya, kuwaas oo ka dhalanaya natiijada shirka ka soo baxda.
Illaa waqtigaas laga gaarayana, Guddiga Hoggaamiyaasha waxay mar kale garab taagan yihiin kaalinta wadareed ee guddiga farsamada IGAD, sida ku cad habaraaca shirka loo dejiyay in la xushmeeyo, si ay u ahaadaan tiir u taagan dhexdhexaadin iyo xallinta khilaafaadka .

6. Kaalinta Beesha Caalamka.

Mar kasta ka qaybgalayaasha shirku Beesha Caalamku kaalintoodu waxay u arkaan mid waxtar leh oo ku salaysan horumarinta shirka nabadeynta Somaliya.
Guddiga Hoggaamiyaashu waxay Beesha Caalamka u soo jeedinayaan mahadnaq ballaaran, taageeradooda joogtada ah.
Guddiga Hoggaamiyaasha waxay soo dhoweynayaan, baaqa ku saabsan in deeq bixiyaasha Caalamka shir loo qabto, ka dibna marka uu dhammaado shirka nabadda ee Mbagathi, si loogu ururiyo Somaliya Maalgelin dib loogu dhiso.
Sababtaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la diyaariyo liis ay ku qeexan yihiin, sida baahidu u kala mudan tahay, waxaan kale oo aan soo jeedinayaa in wufuud ka kala socda guddiga hoggaamiyaahsa loo kala diro dalalka deeq bixiyaasha muhiimka ah ayna hoggaamiyaan guddiga farsamada IGAD.
Ugu dambeyntii Guddiga Hoggaamiyaashu, waxay mar kale dib u xaqiijinayaan mowqifkooda mideysan oo ku aaddan ciidamo nabadda ilaaliya in la helo waxay ka mid tahay xilka saran Beesha Caalamka, si loo kaalmeeyo Somaliya oo 13sano ku jirtay Qalalaase iyo dagaal sokeeye, sidaas darteedna u baahan jawi xasiloon,amni iyo nabad, taas oo suurtogelinaysa in ay taabbogal noqdaan howl fulinta hay’adaha shirkaan lagu dhisay.

Guddiga Hoggaamiyaasha saxiixay.

1. H.E. Hassan Abshir Farah (Prime Minister-TNG)
2. H.E. Abdalla Derow Isaaq (Speaker of TNA-TNG)
3. H.E. Mohamed Qanyare Afrax (USC/G8-Chairman.)
4. H.E. Hilowle Imam Omar (SRRC Current Chairman)
5. H.E. Abdullahi Sh. Ismail (SSNM/BIREM/SRRC-Chairman)
6. H.E. Mowlid Ma’ane Mohamud (Chairman of SAMO)
7. H.E. Ahmed Sh. Mohamed (SPM/SRRC- Chairman)
8. H.E. Hassan Mohamed Nur (RRA/SRRC-Chairman)
9. H.E. Hussein Farah Aidid (USC/SNA/SRRC-Chairman)
10. H.E.Abdullahi Yusuf Ahmed (Punt-land State/SRRC)
11. H.E.Sharif Saalah Mohamed (Civil Society-Chairman)
12. H.E.Omar Mohamud “finish” (USC/SSA/G8-Chairman)
13. H.E.Hassan Abdulle Qalaad (Hiran Admin/SRRC)
14. H.E.Mohamed Diriye Ilmi (USC/G8
15. H.E. Mohamed Omar Habeeb (Jowhar Admin/SRRC)
16. H.E. Col. Deq Abdi Hassan (Gen. Secretary of JVA/G8)
17. H.E.Mohamed Sayid Aden (SNF/SRRC-Chairman)
18. H.E.A/qadir Hassan “Bebe” (USC/SSA/SRRC-Chairman)
19. H.E.A.aziz Sh. Yusuf (SSNM/SNA/SRRC-Chairman)
20. H.E.Mohamed Aden Wayel (SPM/SRRC- Chairman)
21. H.E.Sh. Aden Mohamed Nur (RRA/SRRC-
22. H.E.Gen. Mohamed S. Morgan (SPM/SRRC-Chairman)
23. H.E.Mohamed Osman Maye (SANU/SRRC-Chairman)


Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein
Mbagathi,nairobi.

War-2-29,Septembar.Mbagathi,Nairobi.
Digil iyo Mirifle:-waxaan taageersan………………
Warsaxaafadeed ay ku saxiixan yihiin 25-malaaq ee Digil iyo Mirif ayaa maanta laga soo saaray xarunta shirka uu ka socdo ee Mbagathi.

Qoraalka warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

1-Waxaan si buuxda u taageersan nahay heshiiskii dhexmarey labada hogaamiye ee RRA Septembar ,24-2003,magaaladda Nairobi.taasina waa guul u soo hoyatey guud ahan Ummadda Soomaaliyeed ,gaar ahaan Qawmiyadda Digil iyo Mirifle.

2-waxaan u mahad celineynaa dhamaan shaqsiyaadfki ityo hay’adihii gacan ka geystey heshiiskan ,sida guddoomiyaha guddiga farsamadda IGAD Ambasator Bathuel A.Kipliga,wakiilada dawladda safka hore,Odoyaasha iyo waxgaradka Digil iyo Mirif iyo hogaamiyayaasha Sdoomaaliyeed.

3-waxaanugu baaqaynaa dhamaan malaaqyadda iyo salaadiin qawmiyadda digil iyo mirifle ee guddaha iyo Dibadda in ay mawqif mideysan ka yeeshaanisku meelna ugu soo wada jueestaan ,gacan adagna heshiiska kuwa qabtaan ,cid kasta iyo jiho walba oo isku dayda in ay dhaawacdo heshiiskan.

4-waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka ,dawladaha safka hore ee IGAD,sdhamaan hogaamiayaasha siyaasadeed iyo Soomaalida nabada jecel in ay gacan nagu siiyaan hirgalinta taabo galinta heshiiskan oo ay natiijadiisu waxweyn ka tari doonto ka miro dhalintaiyo guusha shirka dib u heshiisiinta soomaliyeed

Mbagathi,Kenya.
Wa bilaahi Tawfiiq.
Malaayadda saxiixay.
1-Malaq Mukhtaar malq xasn
2-Malaq Xasan shuuriye Maxamed
3-MalaqSeemoow Cabdi Garuun
4-Suldhan Siidey Hj. Maxamede Nur
iyo Qaar kale .

Dhamaad.
Abdikarim Aden hussein.
mbagathi,Nairobi.
Abdikarimhussein@hotmail , Akariim@yahoo.com , abdikarimhussein@lycos.com
 

"Shirka Soomaaliya ayaa iska leh"
Sidaas waxaa yiri Dr.cabdullahi Cadow oo shir jaraa'id ku qabtay Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | September 29, 2003

UNICEF: Somalia Has Unique Chance to Halt AIDS Read Here.... [Reuters.com]

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD