SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
AJIGU WAA MID MADHIBAANKUNA WAA KA KALE!

C/Rahman Eelay. eediran@yahoo.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay Soomaalidu uga duwantahay caalamka intiisa kale waa:

Soomaalidu waa dad meel ka soo wada jeeda dad yar mooyee, luqad aan sii kala fogeyn kuwada hadla, isku diin ah, isku dhaqan ah. Intassoo dhan caalamka dhamaantii way kaga duwan yihiin. Haddana iyagoo intaa wadaaga ayaa habaar ku dhacay oo waxaaba maanta dhaama kuwa intaaba ku kala duwan oo gartay inay danta guud ka wada shaqaystaan. Is khilaafka dhexdooda ah dartii iyagoo in badan isku mid ka ah bay mar labaad caalamka kale kaga duwan yihiin!

Dadyowga dunidu waa kala duwan yihiin intii isku qoys ahina waa is leedahay. Qoys walibana qoyska kale waa ka magac duwan yahay oo meel gooniya ayuu galaa. Waxaa taa la wadaaga Soomaalida oo dhamaantood hal qabiil oo keliya ah hal qoysna ah sida aan anigu aaminsanahay. Waxaa la sameystay magacyo aan la garaneyn asalkooda oo dadku ku kala tageen, haddana marka colaadda xumi timaado laysugu gurmado! Qolaba qolada kale ayay sheegataa oo waxaad maqlaysaa Sacad waa Ogaadeen, Galgale waa Majeerteen, Leelkase waa Xawaadle, Macallin weyne waa Isaaq, Leysaan waa Abgaal, Hadame waa Ogaadeen, Duduble waa Dhulbahante iwm.

Madhibaan iyo Ajji
Qore: C/Waaxid

AJIGU WAA GOB SABTUNA WAA GUN !!!!! Qore: Eelay

Colaaddii sokeeyana qofkii la qabtaa wuxuu ku qaylin jiray reerka qabatay cidda ay is sheegtaan markaasaa la siideyn jirey! YAAB!

Haddii qolaba qolo leedahay ama ay isku asal yihiin sow markaa ma oran karno Soomaalida Gobta sheegataa waa hal qoys oo keliya ! AJI!

Midda kale weli ma arag qoys ay is sheegtaan ama is galaan MIDGAAN, MADHIBAAN, TUMAAL, GABOOYE iwm. Markaa sow taasina na tusi mayso inaysan isku meel ka soo wada jeedin ee laga dhigay LA YAAL, LA DEGE, REERKANI REERKEENAY LA DEGAAN! WAA MIDGAANKAYAGII! ANAGA NAMA AHA EE ANAGAA LEH! ISKU ASAL IYO ISIR TOONA MA NIHIN!

Takoorid qaab daran markaanu ka hadlano Madhibaanka oon aan ku saleysnayn Maal, Xukun, Boqortooyo, Dabaqad, Haybad, Asal Luqad iwm. Dadka qaar baa lagu takooraa arrimaha aan kor ku soo sheegnay sida Jareerta oo kale ama dadyowga Hindiya ku nool oo kale laakiin waxaa caqliga ka fog sida ay Soomaalidu dad ka qurux badan xag walbana kaga horeeya ay u takoorayaan.

Soomaalidu waxay taqaanaa abtirsiinyo dheer oon lagaraneyn meesha ay ku dhamaato ama asal ahaan kasoo jeedo. Waxaa la xafidaa magacyo badan oo is dabayaala halka dunida kale ay kaleedahay magac keliya oo caan ah oo qooys keliya uu leeyahay ama abtirsiinyo meel ha garanayo ku dhamaata. Dadku sida uu u badan yahay ma haystaan abtirsiimyo ee waxay yaqaanaan meesha ay ka yimaadeen oo keliya. Tusaale ahaan qof baa ku oranaya waxaan asal ahaan ka imid Irish, Jarmal, Faransiis,Turki oo ahaan jirey magacyo qabiilooyin markii danbe wadamo noqday. Qofkaasi mayaqaano abtirsiimo laakiin wuxuu haystaa magac guud oo reerkiisu leeyahay iyo Asalkiisa oo uu hubo. Soomaalidu waa cagsi oo waxay haysataa magacyo fara badan oon lagaraneyn asalka ay ku dhamaadaan!

Islaweyni iyo kibir ay Soomaalidu ku faanto oon ahayn wadaniyad ama diin ee ah Nasab iyo Laandheeranimo. Dunida kale waxaa ka jirta in lagu yiraahdo “ Ha is waalin halkani waa Kenya, Itoobiya, Ameerika, Faransiis iwm. Laakiin Soomaalidu waxay isugu faantaa nin waliba magaaladuu ka soo jeedo arki maysid-mabaanan aqoon” qof ku oranaya HALKANI WAA SOOMAALIYA! MA JIRO! Imisaad maqasheen ANAGOO REER HEBEL AH MIYAA…. Reeraha ay soomaalidu ku abtirsato ee Daarood, Samaale iyo Saab intuba waxay wada sheegtaan inay isku meel ka soo jeedaan. Waa asal aan la hubin oo ah Qureesh. Haddii la weydiiyo in Qureeshi ay ka maqan yihiin dad magacyadaa leh oo Soomaaliya jooga wax kuu sheega in warkaasi sax yahay heli maysid. Waxaa hadda qaxootigii tegay Cumaan ay soo sheegeen in reero Darood la dhashay oo la yiraahdo MEHERI ay degan yihiin Xadrumut. Meherina Qureysh ma galo, markaa waxaan layaabaa haddiiba ay jiraan kuwaasi maxaa Beelaha Daarood abtirsiimadoodu halkaa ay uga soo qishi waayeen si ay isku meel ugu dhamaadaan!

Dhibaatooyinka BBCda Af-Soomaaligu
ku hayso xoriyad doonka Soomaalida Ogaadeenya iyo Guud ahaanba Dadka Soomaaliyeed... Guji...
[Nuur Liibaan] Aug 21

Soomaalidu mataqaano Iskaa Wax U qabso(Volunteer) in lagu qasbo mooyee. Waxaad in badan dadyowga dunida ku arkasaa in ay iyagoon ladirin lacagina ka soo gelin dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan. Soomaaligii la weydiiyaa warkaalay oo maanta Iskaa Wax U qabo ku shaqee su’aasha u horeysaa ee ku weydiinayo waxay tahay maxaan ka soo helayaa? Kii qabtana wuxuu u yaqaan Majnuun !. In yar baa Ilaah hortii wax u qabata haba u badnaadeen dadka Diinta xageeda ku dadaala. Iskaa Wax U qabso la’aantu waa sababaha ay carruurteenu ugu lumeen qurbaha, waa sababaha ay uga sagsaageen Iskoolada, waa sababaha ay dadyowga ajnabiga ahi ay nooga bateen meelaha lagu gorfeenayo qorshayaasha Soomaalida ku saabsan!

Xoolaha Soomaalidu xoolaha kale waa ka duwan yihiin oo qaylo, dagaal iyo dhiba waxay la wadaagaan dadka dhaqda ee Soomaalida ah. Xoolaha kale oo dunidu jabaq badan ma leh marka sayladaha la geeyana iyagaa is dugsada oo ma carcararaan ismana dilaan! Waxaan filayaa waxyaabaha ugu weyn ee nalooga joojiyey inaanu xoolaha

dhoofino waxaa ugu muhiimsan cudurka la sheegayo ka sokow sida ay xoolaha soomaaliyeed u dhaqmaan ee Ilaahay uga duway xoolaha kale. Waxaa laystusay maadaama xoolahani aysan joogsanayn, qaylana dhaafeyn, dagaalna badan yihiin Soomaalidii cuntayna ay ka qaadeen cudurkaa anagana yeynaan waalanine YAY NA SOO GELIN!

C/Rahman Eelay. eediran@yahoo.com

QORAALADII HORE EE EELAY 

Faafin: SomaliTalk.com | September 28, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

UNICEF: Somalia Has Unique Chance to Halt AIDS Read Here.... [Reuters.com]

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD