SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Xabaasha Qaranka Soomaaliyeed

Dr. Saciid Ciise
USA
Saciidciise258@aol.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Shirka Mbagathi ee ka socda Kenya waa meel lagu qaban qaabinayo aasida qaranka Soomaalida. Duugtana waxaa maalgelinaya ururo ku soo dhexdhuuntay deeqbixiyeyaasha. Kiplagat oo soo xulaya dadka Soomaaliyeed oo gacantooda ku qodi lahaa qabriga lagu duugi lahaa qaranimadii dalkooda. Ethiopia oo soo magacaabeysa musharaxa iilka gelin lahaa Soomaaliya, iyo Jabuuti oo indhaheeda siinweysey in walaalkeeda Soomaaliya meesha lagu gowracayo ay goobjoog ka noqoto.

Kiplagat oo ah ninka sida rasmigaa loogu qorsheeyey inuu ahaado madaxweynaha Soomaaliya xiliga kala guurkaa ayaa gacanta ku haya qorshe dhameystiran. Wuxuuna koox walba u agaasimay dabin uu ku soo xerogashado, ugana xusho siyaasiyiinta labawajiileyaashaa oo soo qiyaamay wacadkii ay la soo galeen saxiibadooda ay isku mabda’ ahaayeen. Axdiga lagu muransan yahay maxaa diidey in loo daayo iney dhameystiraan mudanayaasha barlamaanka la soo dhiso doono? Maalgelinta Kiplagat uu manta u raadinayo dowlada la soo dhisi doono miyeysan muujineyn in xilkiisu uu sii soconayo xataa dhismaha dowladnimada kadib. Waxaa la arki jirey marka la dhisayo dowlad in loo sii diyaariyo aqoonsi, dowladaasna ay wadato wixii danaheeda. Laakiin shaxda Kiplagat waa ay ka duwan tahay sidaas. Waxaana la soo hormariyey dhaqaale raadin ujeedadeedu tahay in lagu fuliyo nidaam maxmiyada oo tirtira jiritaanka Soomaalida, arrintaas oo loo kireysanayo goleyaal loo tebinayo xeelado siyaasadeed oo dheefraac ku dhisan.

Waxaa muuqata in xubnaha loogu tala galay in loo xulo baarlamaanka ay noqonayaan kuwo aqoontooda iyo tayadooda aysan gaarsiisneyn iney siyaasada wakiil ugu noqdaan ummadda Soomaalida. Waana taas mida keentay inaan iyaga dib loogu dhigin axdiyada uu ka taagan yahay muranku, maadaama ay ku tahay howl culus oo aysan lahayn xirfadeeda. Miisaanka mudanyaasha oo aan cusleyn ayaa macneyneysa in loo soo diyaariyo xeer dhameysan oo aan dib ugu noqosho lahayn. Xeerarkaas qaldan oo laga ansixiyey mudanayaasha la soo xulayo ayaa ah furihii soo dedijineysey qodida xabaasha la gelin lahaa qaranka Soomaalida.

Nin aaminsan inuu Tigrey madaxweyne ka dhigi karo, 30 sannana u adeegayey dalka Ethiopia oo ah cadowga ugu weyna ee uu leeyahay dalka Soomaaliya, ayaa horseed u ah siyaasada lagu xabaalayo magaca qaranka Soomaaliyeed oo badda ummada lagu laqsiinayo. Ninkaas waayeelkaa oo uu hankiisu circa geeyey waxaa meel dheer uga muuqda riyada uu ku doonayo inuu Tigrey Xamar keeno, si ummadda Soomaaliyeed badda loogu shubo. Waxaan shaki lahayn inuusan ninkaas aaminsaneyn nidaam dimoqaraadiya oo ummadda doorashadeeda loogu baahan yahay. Waxaa u qorsheysan qofkaas inuu qabyaalada u adeegsado sidii u been been koox qabqablayaala ugu soo xero gashan lahaa si uu u gaaro degaanada uu la damacsan yahay dibindaabyada. Magacaabista ninkaas ay Tigreydu u soo doortay Soomaalida waa siyaasadii ugu casrisiyeesneyd oo nin madax u yaal Soomaaliya uu ku tirtiri lahaa madaxbanaanida dalka Soomaaliyeed.

Jabuuti oo ka dheregsan siyaasada ka socota Mbagathi waa ay u suurtoobi weysey iney Kenya iyo Ethiopia culaab u dhiganta miisaankooda kala hor timaado. Waxaana u muuqatay in lagu quursaday doorkeeda dhexdhexaadnimada ku dhisan. Meeshii ay u ololeyn lahayd in shirka loo dalal badsado oo lagu soo daro Suudaan iyo Uganada ayey kawaanka u baneysay si ay indhaha uga dadabto dhiiga Soomaaliyeed ee lagu damaashaadayo gunaanadka shirka. Waxaa Jabuuti wajigabax ku noqtay iney goobjoog ka noqoto lana qeybsadaan dareenka yaxyaxnimada leh ee uu nin soomaaliyeed ninka walaalkiisa qoortiisa ugu dhiibayo Tigrey uuna ku diirsanayo damaashaadka dhiiga walaalkiis.

Dr. Saciid Ciise

USA

Saciidciise258@aol.com 

 QORAALADII HORFE EE DR. SACIID

Faafin: SomaliTalk.com | September 28, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD