Jawaab: USC IYO AQOONSIGA SOMALILAND (Faallo
gaaban) Waxaa
qoray: Cumar Cabdinuur Nuux (Nabaddoon)
Email: omarabdinur@hotmail.com
Mahad Ilaahii Soomali abuuray baa iska leh, Naxariis iyo Nabadgelyana
Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Intaas kadib Soomaali idilkeed waa
salaamantihiin.
Waxaa maalmahaan dood ka taagnayd laba arrimood oo
midnimada ummadda Soomaaliyeed taabana. Midi waa aqoonsi lasheegay in USC
siisay Jabhadda SNM ee gobolada waqooyi Somaliya maamusha. Midda kalana
waa baaq kasoo yeedhay ninka layiraahdo Faysal Cali Waraabe oo madax ka
ah qeyb kamid ah Jabhaddaas SNM.
Waxaan jeclahay inaan uga hadlo qormadeydaan gaaban dhowr arrimood oo
muhim ah.
1. Baaqa la sheegay in uu ka soo yeeray USC
2. Aqoonsiga Somaliland
3. Heshiisiinta beelaha USC ee ururka UCID ku hawlanyahay.
1. Baaqaan la sheegay in uu ka soo baxay
Halgamayaashii USC, ee lagu aqoonsanayo goosashada SNM ee gobolada
waqooyi waa mid been abuur ah sida qaar ka mid ah raggii ku qornaa
baaqaas ay caddeeyeen in aysan waxba ka ogeyn arintaas, ayna tahay mid
lagu been abuurtay. Ragga arrintaas been abuurka ah lagu sameeyey waxaa
kamid ah Col. C/laahi Black oo ahaan jiray Xoghayaha arrimaha ciidamada
ee ururkii USC. Ninkaasi wuxuu wareysi lalayeeshay ku qiray in uusan
arrintaas waxba kala socon aysanna ka suurtoobin nin wax garad ah oo
Soomaali ah in uu waqtigaan lagu jiro qoraalkaas oo kale ka qeybqaato.
Halkaan hoose ka akhriso warbixintiisii:
Col. C/llaahi Max’uud Samatar (Black) oo ahaa
xoghayihii gaashaandhiga ee ururkii USC ayaa si kulul u beeniyay qoraal
lagu soo daabacay bogga Somaliland news oo lagu sheegay in 9 xubnood oo
lagu magacaabay golaha halgamayaasha USC oo uu isagu ka mid ahaa ay
aqoonsadeen madax banaanida maamulka la baxay Somaliland.Col. Black oo
saaka u waramayay boggan Dayniile ayaa ku tilmaamay arrintaasi been abuur
la dhoodhoobay, isaga oo gaashaanka ku dhuftay in ay jirto aqoonsi la
aqoonaday maamulka la baxay Somaliland.“Ma garanayo meesha ay ka keeneen
magaceyga, waxeyna igu noqotay filan waa, waana la yaabay markii aan
qoraalkaasi ku arkay magaceyga, ragga liiska ku qorana waxaa isugu kaaya
dambeysay 2001-dii” ayuu yiri Black oo talaabadaasi ku tilmaamay masabid.
“ Wax aan wax ka ogahay ma ahan qoraalkii ku soo baxay bogga Somaliland
news, mana ahan in been abuur la sameeyay lagu raadiyo Aqoonsi, waxaana
anigu aaminsanahay Midnimada Soomaaliya” ayuu yiri Col. Black.
Sida ku cad wareysiga Col. Black baaqaas wuxuu ahaa
mid la been abuurtay. Waxaase wax lala yaabo ah sida rag waxgarad ah oo
aqoonyahan ah sida C/fataax Caraalle oo aan uga baranay in uu Madrasa
India nooga soo tabiyo nolosha iyo dhacdooyinka ku saabsan caalamka
Islaamka gaar ahaan Soomaalida wax ku barata India in uu gees ka raaco
caadifada iyo baroordiiqda ay ku sifoobeen Maxamed Diridaba iyo ragga la
ayniga ah (nooca ah). Haddaba baaqaas waa been abuur, aqoonsina ma
keenayo ee yaan sharafta la iska qaadin dadka iyo dalka Soomaaliyeedna
loo gefin. Gef iyo waxyeello intii horaa noogu filan!!
2. Aqoonsiga Somaliland laba mid uun buu ku imaan
karaa:-
b. Waa midda horee, Soomaalida oo inta shirta, meel
wada fariisata kadibna isla garata in Somaliland dawlad gaar ah loo
aqoonsado. Waayo Somali Rebuplic hal xudduud ayaa loo aqoonsan yahay, hal
calan iyo hal magac ayaa ka dhexeeya. Yaan lagu kadsoomin magacyadaan
jabhaduhu la baxeen. Qarankii Soomaaliyeed adduunku deyn iyo heshiisyo
ayuu ku leeyahay ama la galay, yaa loo raacanayaa aan idin weydiiyee
qolooyinkiinaan reer Somaliland haddii aad iska dhaqaaqdaan ma Koonfurta
ayaad ku reebeysaan oo inta Somalia u bixisaan ayaad uga tegeysaan wixii
qaan lagu lahaa Somali Republic? Haddaba waxaa habboon inta kayn cidlaa
la jafayo, haddii aqoonsi iyo gooni isutaag ay idinkaga dhegtay inaad
marka hore Somalida oo dhan meel wax kulaqaybsataan, la shirtaan, dhibka
iyo is fahanwaaga jira wax kadhammeysaan, kadibna wixii xuquuq ah oo
idinka maqan ama la idinka duudsiyey aad goobta shirka uga gorgortantaan.
Tan ayaa ka sahlan, ka dhaw kana sharaf badan ismaqiiqaan iyo xoog wax ku
raadin. Timirtii horeba dab loo waa ayey Soomalidu tiraahdaa, oon uga
jeedo Soomaali xoog iyo isxaqirid wax ku kala qaadi weyday ee ilbaxnimo
iyo wadahadal amaa lagu dayaa!!
t. Midda kale ee Somaliland ku go’i kartaa waxay tahay:
Dagaallada Sokeeye ee Koonfurta ka jira oo sii dabo dheeraada, taas oo
ina dhaxalsiisa in midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliya haadaan kasii
dhacdo, SNM iyo xisbiyada matalaana ku dawarsadaan jabka iyo waxyeelada
gaadhay walaalahood reer Koonfur sidaasna aqoonsi caalami ah ku helaan,
waana tan qolyaha u ololeeya goosashada gobolada waqooyi ay had iyo jeer
doorbidaan kuna dadaalaan. Waatan Adna iyo Somaliland Forum ku beer-laxowsadaan
waddamada deriska iyo dawladdaha adduunka oo dhan
3. Heshiiska UCID iyo Faysal Cali Waraabe ugu baaqay
beelaha Hawiye: Waa mid soo dhaweyn mudan, waxaanse ka baqayaa in uu
yahay “Hadal san oo hadaf xun loola jeedo” waayo hadduu cidaan Faysal
Cali Waraabe aheyn kasoo yeeri lahaa wuxuu ahaan lahaa loo qaateen,
waxaase amakaag iyo yaab ku noqday Soomaalidii la socotay hadaladii
Faysal hore uga soo yeeray ama mowqifkii lagu aqoon jiray ee ahaa “Wiil
Koonfureed waxaa iiga dhow wiil Xabashiyeed” in uu maanta yiraahdo wiilal
Koonfureed baan heshiisiinayaa!! Waa arin ujeeddada ka danbeysa caruurtu
garan karto, kuna saleysan labada qodob ee Somaliland ku go’i karto kan
danbe. Nin baa waxaa laga sheegay “ Maxaa Caruurta xumaha baray samahana
gees marshay” oo ay had iyo jeer wax u ba’shaan. Maxaa Faysal u diiday in
uu labada weji midka wacan qaato, Soomaali oo dhanna meel lagu ballamo,
wixii laga badin waayana lagu heshiiyo?
Gunaanad iyo talo waxaan ku bixin lahaa:
.
Ninkii dhib Soomaaliyeed ku faraxsan ha ogaado in uu dhibku soo
gaarayo goor ay noqotaba. Waayo Soomaali waa mid, dalkeedu waa mid,
cadowgeedu waa mid, doqonnimana waa isaga mid.
.
Itoobiya ninkii moodaya saaxiib ama dad wax lala qaybsan karo,
mucaahado lala geli karo dib ha u akhriyo taariikhda geeska Afrika,
beydadka soo socda oo ka mid ahaa gabay aan ugu magacdaray
“Xankakaabsi” ha akhristaan Faysal iyo ragga ku jaadka ah:
- Xabiib jecel ninkii moodayow, Xabashi waa tiiye
- Xurguftii horaan laga heshiin, xeerna loo dhigane
- Xudduudihii la beensiyey baan, lagala xaajoone
- Xukunkeeda waataan kunsano, xiiso loo qabine
- Xalay dhalay maxaa idinka dhigay, Xabashi waa tiiye?
.
Qabqabdhaafay bay laba qabiil qaran ku waayaane, SNM iyo qabaa’ilka u
badan Somaliland waxay doonayaan in ay ka yeelaan Somaliland siday
rabaan iyagoon tixgalin aragtida beelaha kale ee la degan gobalkaas.
Puntaland iyo beelaha u badan deegaankaas waxay rabaan in ay siday
doonaan ka yeelaan gobolkaas ilaa Puntland iyo Majeerteen ay noqdeen
laba magac oo isku mid ah! Abgaal wuxuu yiri Xamar anaa iska leh,
isla markaasna wuxuu ku doodayaa in ay tahay Caasimaddii Soomaaliya!!
Adduunka ma jirto meel Caasimadda dalka beel gaar ah leedahay ama ka
taliso. Shaatigaduudka RRAna wuxuu yiri haddii aanan ka talin lix
gobol oo uu ula baxay South West Somali State wax heshiis ah oo aan
cid la gelayo ma laha xataa RRA la heshiin mayo haddii aan
madaxnimadii dhuntay markale la ii caleemasaarin!! Waxaa intaba ka
yaab badan Isbahaysiga Dooxada Jubba oo iyagu aan gobolkaas wax
taariikh hore ama deegaan midna ku laheyn ee xoog ku qabsaday. Isku
soo duuboo ninkii xaq doonayaa xaqdarada ha joojiyo, xalkana meel
uusan jirin yaan laga raadin.
Waxaa qoray: Cumar Cabdinuur Nuux (Nabaddoon)
Email:
omarabdinur@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 28, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK
.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|