Maxamed Cabdulle
Xassan wuxuu ahaa geesi hamaan ah oo aan aadami iyo axad kale midna ka cabsan,
wuxuuna sheegay in qofkii ay asaga ismaandhaafaan uu diinta islaamka ka baxay.
Diinta islaamka oo asaga oo aan dhalan jirtey ayuu wuxuu Maxamed Cabdulle u
ekaysiiyey in ay tahay qayb naftiisa ka mid ah.
Haddii wadaad xoolodhaqato ah, oo
weligiis tukan jirey uu ku adkaysto in uu xoolihiisa dhexdooda muslim ku
ahaanayo, ee uusan rabin in uu ku biiro xerta saalixiyada wuxuu Maxamed
Cabdulle ku andacoon jirey in uu wadaadkaasi gaal yahay oo ay dilkiisa
iyo dhaciisu jihaad islaami ah yihiin!
Si caddaan ah ayuu Maxamed
Cabdulle Xassan wuxuu ugu bareeray in ay diinta islaamku asaga laftiisa
ka mid tahay, oo uusan qofka soomaaliga ahi muslim ahaan karin haddii
uusan asaga taageerin, taasina waxay keentay in ay asaga iyo
xoolodhaqatadii soomaaliyeed si foolxun dhiig ugu faroxasheen, oo ay
tobannaan kun oo soomaali ahi aakhiro u guureen.
Taariikhdii daraawiishta waxaa si
basarxumo ah u dhaandhaamay humaagyadii siyaasada soomaaliya hoggaanka ka
noqday, wayna iska caddaayeen sababaha basarxumadaas keenay. Waxay
madaxdaasi ogaayeen in haddii sawir qurxoon laga bixiyo kuwii ayaga la
dabeecadaha ahaa ay ayaga laftoodu yeelanayaan sawirro wanaagsan, waayo
waxaa isu ekaa jidkii uu Maxamed Cabdulle hayey iyo waddooyinkii ay ayagu
markaas ku taagnaayeen. Labadaas wadiiqo oo isku tooraha ahi waxay
ahaayeen in qofka madaxda ah la iska ammaano, oo qofkii aan taageeradiisa
u xamaasooni uu gaal Alle ka fog yahay.
Farsamadii dhagarta ahayd oo uu
Maxamed Cabdulle Xassan diinta u huwadey si uu ugu gaaro damaciisii xukun
jacaylka ahaa waxaa mid la nooc ah damcay Maxamed Siyaad Barre. Qaabkii
uu Maxamed Cabdulle Xassan u maray in uu naftiisa dadka diin uga dhigo
iyo habkii Maxamed Siyaad Barre waa ay kala duwanaayeen. Ninka hore wuxuu
dadka u sheegay in haddii asaga la khilaafo diinta la khilaafay, wuxuuna
dadka tusay calaamado diineed oo mardabo ah.
Maxamed Siyaad qaabkaas ma uu
marin ee wuxuu isku deyey in uu muujiyo in ay diinta had iyo jeer masuul
ka yihiin dadka madaxda siyaasadda ahi. Wuxuu sheegay in madaxdii
siyaasadda oo waagii ay diimuhu soo degayeen noolaa ay hadba la jaanqaadi
jireen sidii ay markaas arrintu ku habboon tahay.
Wuxuu Maxamed Siyaad Barre
arrintaas daliil uga dhigtay in ay diinta ku jiraan aayado isnasakhaya,
oo uu taas macneheedu yahay in ay aayaduhu siyaasadda la socdaan oo
middii maalintaas siyaasadda taagan aan waafiqi karin la nasakhi jirey,
si ay horumarka nolosha iyo diimuhu u wada socdaan!
Maaddaama uu markaas asagu
siyaasi ahaa wuxuu isu arkey in uu hawsha nasakhaadda asagu u xilsaaran
yahay, wuxuuna nasakhaaddii ka bilaabay aayado dhaxalka ku saabsan iyo
kuwo ku saabsan in ay dadku is addoonsan karaan. Arrintaasi dadka
soomaalida ah qaarkood waa ay u cuntami weydey, waxaana sababteedii u
godgalay toban iyo dheeraad nin oo si qayaxan nasakhaadda madaxweynaha
uga horyimid.
Haddii uu Maxamed Siyaad Barre
markii uu nasakhaadda ku fakarey qaadan lahaa waddadii saaxiibkiis
Maxamed Cabdulle Xassan waxaa laga yaabaa in aysan dadka badankoodu sabab
diineed uga dideen, taasna waxaa u sahli lahaa labo arrimood. Midda
kowaad asagu dalka oo dhan ayuu gacanta ku hayey oo sidii daraawiish
loolama dagaallami karayn. Midda labaad lamana fahmeen in uu diinta
khayaano ku hoos wado, waayo soomaalidu waa dad maskaxfalluuq qaba, oo
dareenkoodu ma uu qoddo dheera. Intaas waxaa dheer in ay labada xilli
kala duwanaayeen oo uu Maxamed Siyaad ku soo aadey goosh aysan dadku
diinba u soo jeedin ee ay heesaha iyo shukaansiga xiisaynayeen.
Haddii uu sidii Maxamed Cabdulle
oran lahaa “Ninkii aniga i khilaafaa waa gaal oo diinta waxaa lagaga
baxaa in aniga la i maandhaafo“ wuxuu heli lahaa taageero weyn. Waxaa
arrintaas daliil cad u ah in uu Maxamed Siyaad markii danbe oo uu
xukunkii Migisto la hardamayey ay dad badani ku tilmaameen in uu ahaa
mujaahid islaami ah. Arrintii nasakhaadda weli waa uu aamminsanaa markaas
uu mujaahidka ahaa, waxayna wadaaddo badani iftoodeen in ay dadkii
kacaanka mucaaraday ahaayeen gaalo diinta islaamka ka baxay.
Maanta xataa dad badan ayaa
rumaysan in madaxdii hoggaaminayey mucaaraddadii ku kacay kacaanku ay
gaalo yihiin. Waxaa marmar badan saxaafaddu soo qortay in uu Cabdiqaasim
Salaad Xassan gaalo ku sheegay niman ay ka mid yihiin Silaanyo iyo
Cabdullaahi Yuusuf.
Maxamed Siyaad baa nimankaas iyo
kuwo kale had iyo jeer “gaalo“ ku tilmaami jirey, waxaana ku raacsanaa
wadaaddo ay ka mid ahaayeen shiikh Maxamed Guuleed oo hadda mootan iyo
shiikh Cumar Faaruuq oo hadda gacansaar weyn la leh Cabdiqaasim iyo
Ismaaciil Cumar Geelle.
In hoggaamiyeyaashii mucaaradka
gaalnimo lagu tilmaamo waxaa barbar socda in had iyo jeer loo duceeyo
Maxamed Siyaad Barre. Idaacadda BBC waxaa maalin dhaweyd laga sii daayey
Cabdiqaasim oo leh: “Labadii madaxweyne oo Soomaaliya iiga horreeyey oo
kala ahaa Aadan Cabdulle Cismaan iyo Alle ha u naxariisto ee jaalle
Maxamed Siyaad Barre waxay ku fariisan jireen kursi dahab ah“!
Horta marka kowaad labo
madaxweyne keli ahi soomaaliya ma soo marin ee waa ay ka badnaayeen,
waxaana jirta qiso qosol badan oo aan anigu goobjoog ka ahaa, oo daliil
loogu soo qaadan karo sababta uu mudane Cabdiqaasim Salaad
madaxweyneyaasha labo uga soo reebay. Meel Yurub ah baan waxaan ku arkay
saddex nin oo soomaali ah oo hilib doofaar iyo bariis isu dulsaaran
yihiin, waxaana hilibkii diidey mid ka mid ah, markaas ayuu mid kale ku
yiri:
“Waaryee! Oo haddaanad wax dufan
leh afka saarayn, heede dee, sidaad u noolaan?“
Wuxuu ninkii doofaarka ka
caagganaa ku jawaabey:
“Waar heedhe! Dee anigu xaaraan
iyo xalaal ugama jeedo, ee dee bahalka waan ka yara wiswisaa!“
Midkii saddexaad baa wuxuu
hadalkii kaga qaybgalay:
“Waryaahee! Dee haddii aad
caynkaas u wiswis badan tahay inta xunee aad ka shakisan tahay uun iska
tuur oo inta nebigaaga ku sallidid, dee bariiska oo qudha iska cun“.
Inta xun oo uu iska tuurayaa waa
hilibka doofaarka, wuxuuna cunayaa bariiskii uu hilibku dulsaarnaa!
Haddaba Cabdiqaasim wuxuu madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray iska
tuuray inta xun oo uu ka wiswisay, waxaase uga sii fiicnaan lahayd in uu
Aadan-Cadde laftiisa iska tuuro, si uusan ula mid noqon nin bariis maraq
doofaar leh cunay, oo uu shakiga yaqiin uga baxo!
21kii Octoober Qarankii
Soomaaliyeed uu tabey shicibkuna waa u darsadey.
Qore: Yusuf
Osman |
“Alle ha u naxariisto” in Maxamed
Siyaad lagu yiraahdo lafteeda waxaa jirta qiso cilmiyaysan oo ku saabsan.
Nin macallim ka ah qaybta cilmunafsiga ee jaamacadda Gothenburg ayaannu
ka mid ahayn dad uu khudbad u jeediyey, wuxuuna nagaga qosliyey arrin
cilmi ah. Waxay arrintu ahayd in markii ay dadka keligitaliyeyaasha ahi
geeriyoodaan ay dadkii ay ayagu tabobarteen oo indhaha xirnaa u maleeyaan
in ay meydadkii diktaatoorradu jannadii ilaahay aadeen. Wuxuu
macallimkaasi intaas raaciyey ”Waxaa la mid ah dumarka laga dhintay oo
ayaguna nimankoodii dhintay mooda in xagga Rabbi laga casumey“.
Hadalka haddii la soo koobo nin
ku dhiirradey in uu qur’aanka nasakhi karo waa xaaraan in “Alle ha u
naxariisto“ loogu duceeyaa, wuxuuna ina Salaab-Boy ka mid yahay dadkaas
uu barafasoorka cilmunafsigu inoo sheegay, mana uu fahmin naxariista
Rabbi.
In Maxamed Siyaad Barre sida nabi
oo kale loogu daydo ayaaba ka sii yaab badan in loo duceeyo! Wuxuu
maalmihii ina dhaafay Cabdiqaasim sheegay in uu Cabdalle Deerow iyo
Xassan Abshir ku xukumay dil toogasho ah, taas oo uu sheegay in uu uga
dan lahaa in uu xagga toogashada kala mid noqdo ninkii indhaha u kala
furay, Maxamed Siyaad; oo uu sida cilminafsigu sheegay rumaysan yahay in
uu jannada ilaahay xaggeeda u dhoofay.
“Gabayre, Caynaanshe iyo
benbiileyaashii badnaa oo tiirarka lagu xiray denbiyadii waaweynaa oo ay
xilligii jaalle Siyaad qaranka ka galeen waxaa ka weyn xumaanta ay maanta
Soomaaliya ku sameeyeen Cabdalle Deerow iyo midka kale oo aynu dilka ku
xukunnay“ ayaa Cabdiqaasim laga sheegay asaga oo gaar ula hadlaya beel
soomaali ah oo nabadda iyo dawladda Kenya ka soo socota u baahan, laakiin
lagu dirayo.
Soomaalidu waxay ku maahmaahaan
“Ninkii ciid kugu qubay calooshiisa ayuu ku tusay ee waxba kuma uu yeelin”.
Wuxuu Cabdiqaasim muujiyey in uu dad soomaali ah toogan lahaa haddii uu
tabar u leeyahay, laakiin tabari kula tol ma aha! Arrintaan waxaa ka
murugoonaya hanfadihii horay loogu dagay dhalanteedkii Ismaaciil Cumar
iyo Carta, laakiin debinkaboodyadu awalba waxay ogaayeen in uusan geel
carruuri qaadday fogayn!
Maqaalkaani wuxuu ku
wareegaalaysan doonaa in ay wadaaddadu diin yihiin iyo in ay dadka ka mid
yihiin sidii loo kala garan lahaa. Maxamed Siyaad Barre ma uu ahayn
wadaad diinta caalim ku ah, laakiin Maxamed Cabdulle Xassan waxaa la
sheegaa in uu diinta wax ka yaqiin, hase ahaato ee labada ninba waxay
damceen in ay soomaalida xagga diinta ka maraan, si ay taageero u helaan.
Labadaba wax baa uga hirgalay qorshihii ahaa in lagu tilmaamo mujaahidiin
islaami ah oo diinta Rabbi gaalada ka waardiyeeya.
Waxaa sidii labadaas nin oo kale
mujaahid islaami ah lagu tilmaamay Maxamed Faarax Caydiid, oo ay
qandhuufooyin yaryari kala gaareen ciidamadii qaramada midoobey oo
Soomaaliya gaarey 1993. Maxamed Faarax Caydiid diinta kuma uu gabban ee
wuxuu ahaa jenneraal jabhad ah oo aan naftiisa diin ku hafrin ee iska
jabhadeeya, laakiin waxaa mujaahidnimo uusan codsan dhuunta ka geliyey
wadaaddada soomaalida qaarkood.
Waxaa yaab leh in uusan Maxamed
Faarax Caydiid sida badan diinta farogashan jirin, hase yeesho ee ay
niman uu Cumar-Faaruuq ka mid yahay u bixiyeen “Jenneraalkii diinta
koryeelay“! Waxaannu fadhiney Cumar-Faaruuq oo markii uu jenneraalkaasi
geeriyoodey leh: “Nin baa diinta iyo ummadda soomaaliyeed difaaci jirey,
jumcadii uu dhintay jumcadii ku xigteyna waxaa dalkeenna hooyo soo
weerartay dawladda Itoobiya, waayo waxay ogaadeen in uu jenneraalkii
mujaahidka ahaa aakhiro jiro, raxmatullaahi calyhi!“. Khudbadaas aad ayuu
shiikh Cumar-Faaruuq ugu dhexqiirooday, wuxuuna markii ay muxaadaradaasi
sii dhammaanaysey lahaa xabeeb uu codkiisu xirmay!
Jenneraal Maxamed Faarax Caydiid
Itoobiya iyo diinta wuxuu u dhawaa Itoobiya, waayo markii uu dagaalkii
sokeeye oo aarsiga ahaa bilaabay waxaa laga soo shixnaday xukuumaddii
Mingito, wuxuuna dabadeed dalal ay Uganda iyo Itoobiya ka mid yihiin ka
heli jirey wixii uu Rabbi uga calfo, diintana Maxamed Faarax xiiso weyn
iyo qaddarin uma uu hayn ee shiikh Cumar-Faaruuq ayaa sidii micigamaar
banka maray iskiis u uburshuqleeyey!
Diinta lagu qaraabanayo oo la
maqaarsaarayaa waxay karaarkii ugu weynaa qaadatay markii ay Carta ku
xoomeen dad soomaali ah oo ay badankoodu garka iyo rubadda dhexdooda
dhego iyo indho ku lahaayeen. Wadaaddada diinta jeceli shirkaas aad bay u
yaseen, wayna ku qosli jireen markii ay arkaan kuwo cimaamado madaxyada
ugu duubanaya in ay goobtaas ceebeed diinta Rabbi ku soo bahdilaan.
Wadaaddada xilkasyada ah oo
meeshaas yaabka leh ka yaxyaxay, lana yaabay waxaa ugu darnaa shiikh
Cabdulqaadir Nuur Faarax-Jeex. Shiikhu waa nin diinta aqoon weyn u leh,
waxaana arrintaas daliil u ah in waagii uu jaamacadda Madiina ka
qalinjebiyey aqoontiisa lagu soo qoray dhammaan joornaallada dalka
Sucuudiga, oo ay saxaafaddu hal toddobaad aqoontiisa ka hadlaysey. In ay
sidaas warbaahinta dalkaasi uga hadashay qalinjebinta shiikha waxaa u
sabab ahaa in uu ahaa ardaygii ugu buundo sarreeyey ardadii sanadkaas ka
baxay jaamacadaha diinta ee dalkaas.
Afartii sano oo uu shiikh
Cabdulqaadir jaamacadda dhiganayey wuxuu ahaa ardayda sanad kasta ugu
heer sarreeyey jaamacadda, wuxuuna ahaa arday yaab leh oo aan waxba
khaldin. Waa ninka keli ah oo Soomaaliya ka yimid oo ay ilaa hadda
saxaafadda carabtu aqoontiisa diineed ka hadashay.
Markii uu shirkii Carta socdey
baa shiikh Cabdulqaaddir asaga oo dalkiisa ku sugan waxaa lagu yiri
“Wadaaddo ayaa Jibuuti u yaacay ee maad la yaacdid“. Shiikhu dabci ahaan
nin qosol badan ma uu aha, laakiin maalintaas waa uu qoslay, wuxuuna yiri:
”Meeshayada ayaannu joogaynaa”! Shiikhu muddo dheer ayuu ku xirnaa
xabsiyadii uu kacaanku ku silcin jirey ummadda soomaaliyeed, waayo
Maxamed Siyaad ragga waa uu kala yaqiin.
Shirkii Carta ujeedka laga lahaa
wuxuu ahaa in dalalka carabaha dhaqaale laga helo, waxaana loo baahnaa in
ay meeshaas ka muuqdaan dad cimaamado kuwa carabta u eg madaxyada ku sita
oo carabiga wax ka garanaya. Xataa kuwii kacaanku ilaaha u ahaa oo aan
meel ay qibladu jirto weligood isweydiin baa waxay bilaabeen in ay
hadalkooda ku bilaabaan bisin iyo xamdi aan weligood shirkaas ka hor
afkooda ka soo bixin!
Dhanka kale haddii laga eego
raggii shirkaas dadka ugu baaqay waxay ahaayeen kuwo ay khamro dilootey!
In dadka balwadahooda iyo arrimohooda hoose la faaqidaa waa arrin laga
habboon yahay, laakiin waxaan marna loo dulqaadan karin in diinta
islaamka khamro la hoosgeeyey. Sidaas awgeed waa in aynu si cad u
sheegnaa in uu Ismaaciil Cumar Geelle ka mid yahay dadka “Calan cas“ loo
yaqaan, oo ah kuwa uu dhiiggoodu khamrada ku shaqeeyo, oo aan habeen iyo
maalin khamrada afka ka qaadin!
Markii uu madaxweynuhu
cabbitaankaas ay diintu nacday kabbaysanayo ayuu shirka arrimihiisa ka
fakari jirey, waxaana la cabbi jirey shakhsiyaad qurbaha ama kacaankii
khamrada ku soo bartay oo uu iska dhigayey in uu gooni ula tashado asaga
oo og meesha uu usha ka goyn doono.
Kacaankii oo dhigaysan oo
meeraxeeran oo uu mid weligi tukadey ku yar yahay iyo mudane Ismaaciil oo
dalkiisa wax ku kabbaysanayey ayaa kitaabkii Rabbi la hoosgeeyey!
Xoolihii carabaha laga rajaynayey baa waxay dhaleen khamro iyo qur’aan
isdabamaraya! Haddii aad ergooyinkii shirkaas iska xaadiriyey faallo ku
saabsan rabtid waxaad dib u akhridaa maqaalkii uu magaciisu ahaa
“Federalka iyo walaalaha galgaduud“.
Waxaa maadayskaas ugu xallad
badnaa in meeshaas wax lagu kabbaysanayey ay dad Yurub iyo Ameerika
deggani markii ay cimaamaduhu kuga hillaaceen lacago badan oo badan u
uruuriyeen, ayaga oo moodaya in ay Rabbi ugu dhawaanayaan!
Diinta iyo afcarabiga aan laabta
jirin ee Sucuudi iyo Masar la maqashiinayey waxaa ka mid ahaa aayado uu
Cabdiqaasim Salaad Xassan markii meesha lagu kala tegayey qardadiciyey!
Dad badan oo caamo ah baa in uu
shirkii Carta fiicnaa oo diinta islaamka waafaqsanaa waxay u daliishadaan
saddex arrimood. Midda kowaad in uu Cumar-Faaruuq joogey, midda labaadna
in uu Cabdiqaasim aayado akhriyey uuna dhaartay, iyo midda saddexaad in
ay Cabdiqaasim iyo Gallayr carabi kaga hadleen dalalkii carbeed oo ay
markiiba ku ordeen!
Maaddaama uu Maxamed Siyaad
mujaahid islaami ah ku noqday in uu mar Itoobiya weerar aan xikmadaysnayn
ku qaaday, Maxamed Faarax Caydiidna uu mujaahid ku noqday ciidamadii
qaramada midoobey dartood ayuu Cabdiqaasim wuxuu damcay in uu
mujaahidnimo ka qalqaashado wadaaddada qaarkood. Sidaas darteed ayuu iska
caayaa dalalka IGAD ugu waaweyn oo hadda isu xilsaaray in dawlad loo
dhiso dalka ay walaalaha iyo deriska yihiin ee Soomaaliya. Haddii uu
awood haysan lahaa weerar macne daran ayuu meel ku qaadi lahaa, laakiin
wuxuu hadda ku koobmay maahmaahdii ahayd “Af labo daan lihi dood ma waayo“.
Waxaa la hubaa in ay jiraan kuwo
diinta been ka sheega oo sidii labadii jenneraal oo le’day mujaahid ku
sheega Cabdiqaasim oo saddexdii sano oo danbe jeebkiisa ku guray xoolo
aan xisaab lahayn, oo uu magaca Soomaaliya kaga xantoobsaday dunida
carabta iyo meshii kale oo sadaqo leh, haddana ka murugaysan dawladda
dhawaan dhalan doonta iyo federalka loo dhan yahay.
Geelu markii ay qodaxi muddo
cagafta ayuu dhulka la dhacaa, wuxuuna cagafta dhulka ku garaacaa jeer ay
qodaxdu ku libirto, laakiin xoolaha kale addinka ay qodaxdu ka muddey
ayey tartiib dhulka u dhigaan oo dhutiyaan. Haddaba Cabdiqaasim wuxuu
maanta u eg yahay tulud ragaaddey oo cagafta dhulka la dhacaysa. Asaga oo
aan diinta jeclayn ayuu isu yeelay calaamadihii ay dalalka muruqyada
waaweyni “Argagixiso“ u yaqaanneen, wuxuuna si weercalaannimo ah ugu
wacwac yiri dalalkii deriska ahaa oo siyaasadda ay soomaalidii lahayd
gabtay waldaaminayey.
Hadal aan laga fiirsan oo
Cabdiqaasim ku saabsan ayaannu dhawaan ka maqalnay idaacadda BBC. Wuxuu
hadalkaasi ka soo yeeray ninka Puntland hoggaamiya oo magaciisa la
yiraahdo Cabdullaahi Yuusuf oo yiri: “Cabdiqaasim nin oday ah oo siyaasi
ah waa uu yahay, laakiin wax kale ma uu aha!“. Wax daliil ah oo muujinaya
in uu Cabdiqaasim siyaasad wax weyn ka og yahay ilaa hadda lama hayo,
waxaana hadalka Cabdiqaasim iyo ficilkiisaba ka muuqata in uu ku habboon
yahay in lagu tilmaamo “Guulwade“ uu Ismaaciil Cumar Geelle jeclaaday, ee
siyaasinimo noogama ay muuqan!
Hadalkaas caatada ah oo
Cabdullaahi Yuusuf wuxuu lahaan karaa labo macne midkood. Midda kowaad
waa in uu Cabdullaahi indhokugaraadle yahay oo uu siyaasad u qabo in uu
Ismaacii Cumar Geelle karbuuno maran bateri ku guray. Midda labaad waa in
uu Cabdullaahi labogalle yahay oo uu xumaan hadalka ula jeedey,
xumaantaasina ay tahay in uu arkay Cabdiqaasim oo asaga oo ihaanaysan
garoonkii cayaarta laga saaray, oo uu hadalkaas ku sii jiscimayey.
Middaas danbe ayuu u dhaw yahay hadalkaas aan macquulka ahayn oo ka soo
yeeray Cabdullaahi Yuusuf.
Dhammaan tusaaleyaasha ku saabsan
Maxamed Cabdulle Xassan iyo raggaas ka danbeeyey waxay caddaynayaan in ay
dadka iyo diintu kala duwan yihiin. Dadka waxaa laga abuuraa nin iyo
haweeney isu galmooday dhexdood, waxaana had iyo jeer caloosha ugu jira
wasakh, markii ay naftu ka baxdana waxay dadku noqonayaan mayd uraya oo
uu dixirigu cuno. Sidaas awgeed dadku diin ma ay ahaan karaan, ee waa
noole uu badankiisu xaasid yahay oo uu badankiisu caqli xun yahay.
Dadku waa noole damac xun oo ay
badankoodu imaan la’ yihiin. Dadka midka ugu maan gaaban baa isula weyn
oo ugu hunguri badan. Dadku waxay jecel yihiin in ay sheegtaan oo ku
faanaan wax aysan ahayn. Dadku wax aysan aqoon oo garan karin bay in ay
ka hadlaan jecel yihiin, waxaana ugu hadal jecel midka ugu caqli iyo
cilmi yar. Dadku inta ay wax lugooyaan baa ka badan inta ay wax caawiyaan,
waayo xumaan baa uurkooda ka buuxda. Dadku isma ay jecla, oo qofka waxaa
jecel hooyadiis waxaana laga yaabaa in uu aabbihiisna jecel yahay, inta
kalese waxaa ka dhexaysa duruuf, hoos oo hoos bayna iska xasdayaan oo xin
baa ku kala dhexjira. Dadku qofka kartida badan waa ay neceb yihiin, oo
colaad aan macne lahayn iyo xiqdi bay caloosha ugu hayaan, waxayna ku
dadaalaan in uusan tillaabo horay u qaadin. Dadku ma ay kala maarmaan,
isumana roona! Dadka qofkii fahmaa cawinaad kama dalbo, ee ayaga ayuu
caawiyaa, waayo dadku waa haad, waana qadduuc! Dadka Rabbi waa uu
karaameeyey, laakiin ayagu isma ay karaameeyaan. Dadka dabeecadohooda
lama soo koobi karo.
Waxa sidaas ahi diin ma ay noqon
karaan, ee diintu waa arrin kale. Cilmigu guud ahaan waa waxa ugu fiican
oo dunida ka jira, laakiin dadka cilmiga yaqaannaa ayagu cilmi ma ay aha,
ee waa dad. Dadkana intooda liidata ayaa ka badan inta waxgaradka ah. Qof
kasta oo kitaabbo sita oo diinta wax ka bartay waxgarad ma uu aha, oo
waxaa aad u badan kuwo calooshooda la cayaara, oo ay nacasnimo
maxkaxdooda ku maarowdey. Sideedaba guud ahaan dadka waxaa waxgarad ah oo
caqli cuntada iyo galmada dhaafsiisan leh in aad u yar. Inta kale sidii
uu Xasanul Bisri sheegay badeecadda ayey qaaliyeeyaan, biyahana waa ay
wasakheeyaan, wax kalena nolosha kama ay oga.
Diinta lama khilaafi karo,
laakiin dadku waa ay ismaandhaafi karaan. Haddii ay qof diinta aad u
bartay iyo qof kale oo muslim ahi arrin ku kala aragti duwanaadaan
macneheedu ma aha in uu midka aan diinta aad u aqooni gaal yahay! Qofka
diinta yaqaan laftiisa ayaaba gaal noqon kara, ama faasiq noqon kara.
Gaalo badan oo badan ayaa diimaha ku takhasusa, waxaana sidaas oo kale
diinta islaamka barta muslihiin badan oo aan taqwo iyo cibaado u baran,
ee dano kale ku gaaraya.
Si aan diinta laguugu khayaanin
waa in aad dadka iyo diinta kala saartid. Diintu kuma ay khatalayso,
laakiin dadku khaa’imiin iyo maangaabyo ayey u badan yihiin, diinta
lafteeda ayaana sidaas sheegtay.
Xilligii uu nebigu (sallallaahu
calayhi wa sallam) noolaa waxaa jirey dad muslimiin la yiraahdo, oo
dhammaantood siman, oo kulligood is wada maamuusa, laakiin ma ay jirin
wax ”culumo” iyo ”caamo” la yiraahdo oo diinta u kala sokeeya. Dadku
diinta waa ay rumeeyn karaan, waana ay ku dhaqmi karaan, laakiin ayagu
diin ma ay aha. Midkii aad diinta u bartaa weli waa qof, isla markaas
midka bisinka keli ah yaqaannaa weli waa qof, waayo bisinku asaga ka mid
ma aha ee waa aqoon uu bartay. Haddii uu qofku muslim yahay diinta cidina
kama ay xigto, mana ay jirto cid Rabbi iyo asaga u dhexaysa oo u kala
turjuntaa, taasina kuma ay xirna in uu diin badan yaqaan iyo in kale.
Sida ay makhluuqa uu dadku ka mid
yahay iyo qur’aanka oo ah diinteennu u kala duwan yihiin, oo u kala fog
yihiin waxaannu qayb aad u yar kaga soo qaadannay maqaal cilmi ahaa oo
aannu u bixinnay ”Maaweelada ma Rabbi baa abuurtay”, laakiin waxaa
arrintaas dulucdeeda fahmi kara qof aqoon ahaan iyo garasho ahaan u
dhisan, ee dadka suuqu waxay xiiseeyaan oo ku hafteen xiisadaha
siyaasadda iyo qabyaaladda, mana uu soo jiidan karo maqaal hadalka Rabbi
iyo midka dadka lagu kala soocayaa. Tusaale ahaan haddii laga doodo
qabiilkee buu madaxweynuhu noqonayaa? Ama gobolkee baa Soomaaliya ugu dad
badan? Ama qabiilkee ugu tiro badan soomaalida? Ama maamulgoboleed miyaa
wax lagu maamulaa mase tuugaysi? Waxaa dooddaas danaynaya ummadda
soomaaliyeed intooda badan, oo weliba jecel in si dacaayad ah arrinta
loogu nuuxnuuxsado. Haddana arrinta sidaas loo xiisaynayo wax daliil u
keeni karaa ma jiraan, ee waxaa lagu saleeyaa caadifad qabiil iyo nacayb
gaarsiisan heer uu qofka soomaaliga ahi rumaysan yahay in qabiilkii uu
asagu neceb yahay uu dhulka ay degaan aad ku kulul yahay, asaga oo aan
malaha degaankooda weligiis arag.
Haddii laga doodo in ay kala
duwan yihiin hadalka Rabbi iyo makhluuqa Rabbi ama laga faalloodo kala
duwanaanta hadalka xalladda leh iyo midka aan quluudda lahayn waxay
dooddaasi noqonaysaa wax aan qofka soomaaliga ah xiiso u lahayn oo lagu
marganayo, waxaana laga yaabaa in dadka aan hadalka iyo diinta aqoonta
fiican u lahayn qaarkood ay u maleeyaan in Rabbi iyo diinta la caayayo.
Macnaha ku qarsoon in labadaas
jinsi oo doodaha ah ay midi bulshadeenna xiiso u leedahay midina aysan
nuxur u lahayni waa in uusan qofka soomaaliga ahi jeclayn in uu wax
korodsado ee uu ka helo wax uu horay u yaqiin in qaab dacaayad ah looga
hadlo. Qofka soomaaliga ahi wuxuu jecel yahay wax uu weligiis ka hadli
jirey in hadba waji cusub loo rogo, oo xamaasad la geliyo, ee arrin kale
oo cilmi ah haddii loo furo waa uu ka qaloonayaa, wuxuuna eedaynayaa
qofkii bilaabay, oo wuxuu u arkayaa in uu ka soo daray, waayo waxaa laga
weecday dacaayaddii iyo ismaagmaaggii uu jeclaa. Waxaa jirta maahmaah
carabi ah oo leh: ”Dadku waxii aysan aqoon waa ay neceb yihiin”.
Marka laga hadlayo in uu qofku
colaad uusan waxba hubsan arrin ama qof u qaadi karo waxaa tusaale laga
dhigan karaa waxyaalo badan, laakiin waxaynu hadda sheegaynaa hal qaab oo
tusaaleyaashaas ka mid ah. Waxaynu akhriyaynaa qiso ku saabsan nebi Muuse
iyo malaggii nafta ka qaaday. Qisada meeshaan ku sheegi mayno in ay diin
tahay iyo in aysan diin ahayn, waayo waxaynu ku baaraynaa in uu
akhristaha aan diinta ku fogaani gaalnimo u qaato iyo in uu muslimnimo u
filo. In uu qofku argagax aan habboonayn ama habboon la didi karo ayeynu
naftaada ka baaraynaa, ee bal adiga oo fakaraya qisadaan akhri!:
”Rabbi baa wuxuu nebi Muuse u
diray malaggii nafta ka soo qaadi lahaa, wuxuuna malaggii u yimid Muuse,
oo wuxuu u sheegay in uu nafta ka qabanayo. Muuse wuxuu malaggii ku yiri
’Ma yeelayo in aad naftayda qaaddid, oo waxaan rabaa in aan iska noolaado’.
Malaggii wuxuu Muuse ku yiri ’Muran looma baahna oo waxaa la ii soo diray
in aan nafta kaa qaado’, wuxuuna u soo dhaqaaqay Muuse xaggiisa asaga oo
raba in uu xoog nafta kaga qabto! Muuse aad buu u xanaaqey, wuxuuna
malaggii ku dhuftay dharbaaxo xoog badan! Malaggii il baa ka dhacday oo
bannaanka u soo baxday, waana uu cararay! Orodkii uu malaggu Muuse ka
cararay ma uu kala goyn jeer uu Rabbi u tegey, oo uu asaga oo ishii
dhacday ka lulato ku yiri: ’Waxaad ii dirtay nin aan in uu weligiis
dhinto rabin’. Rabbi wuxuu mar labaad soo diray malaggii, wuxuuna ku yiri:
’Waxaad Muuse amartaa in uu neef lo’ ah calaacashii uu kugu dharbaaxay
saaro oo uu tiriyo inta ay timaha ay calaacashiisu taabatay yihiin.
Markii uu Muuse tirada dhogorta dhammeeyo waa in uu ogaadaa in uu sii
noolaan doono sanaddo tira la eg dhogortaas uu tiriyey’. Malaggii oo
ordaya ayaa Muuse u yimid, wuxuuna u sheegay fartiintii Rabbi, markaas
ayuu Muuse naxay waayo wuxuu ogaadey in kolley iyo kolley uu dhiman doono,
wuxuuna yiri: ’Haddeerba nafta ha la iga qaado, waayo dhimasho ma ay kala
macaana’. Sidaas ayaa Muuse nafta looga qabtay!”.
Qofkii diinta baranayaa wuxuu ka
baran karaa qof kasta oo wax ku dhaama, laakiin waxaa xaaraan ah ni uu
dadkaas mid ka mid ah u tacasubo, ama uu u hoggaansamo. Haddii aad qof
cajalad uu tafsiir ama xaddiis ku duubay dhegaysatid oo aad maqashid in
uu shir aadey ma iska jeclaanaysaa shirkaas?! Maxaa iska galay cajaladdii
aad wax ka faa’iidaysatey iyo nin shir lacag u doontay?! Qof kasta ayaa
gabay ama naxwe uu yaqaan cajalad ku duubi kara, laakiin adiga maxaa qof
danihiisa wata kugu xiray, sow adiguba qof ma ahid?
Ka warran haddii uu qofka aad u
tacasubaysaa qabyaalad rumaysan yahay, oo uu adiga iyo hooyadaa idin layn
lahaa haddii uu fursad idiin helo? Asaga oo sidaas ah oo aan ku aqoon
haddii aad lacag shirkiisa loo uruurinayo 3000 oo doollar ku dartid, oo
ay xaaskaagu intay qiirooto kuusheeda iyo kaatumadeeda ku darto ka warran?
Haddii aad arrimaha noocaas ah
waa danbe ka shallaydid waxaad ogaataa in dadkii markii hore arrintaas
diidanaa ay kaa fiiro dheer yihiin, ugana danbee arrimaha hadda taagan si
aan mar danbe laguu dhagrin, waayo caqli kugu filan ma lihid oo waa in
masuul lagaa noqdaa.
Waxaas oo dhan waxaa ku baday in
aadan dadka iyo diinta kala aqoon, oo aad dadka qaarkood diin u
malaynaysid sidii Maxamed Cabdulle Xassan iyo Maxamed Siyaad Barre ay
dadka qaarkood diin ugu maleeyeen.
Adigu waxaad tahay qof waddani ah
oo muslim ah, waxaadna leedahay xuquuq iyo sharaf aadan cidna marti ugu
ahayn. Qofkii kaa aqoon roon asaga ayey anfacaysaa, adiguna haddii aad ka
baratid waa ay ku anfacaysaa, laakiin labo arrimood iska ilaahi. Midda
kowaad aqoonta uu ku dheer yahay ha ku xasdin, midda labaad ha iska
dabagelin oo ha ku sifoobin mirahaan gabayga ah:
-
”Niman baa xornimdaad lahayd,
xoogsadoo dhacaye
-
Adna kama xumaatide rag baad,
bada xushlaysaaye
-
Sidii awr xiriir lagu wadaad,
xarigga raacdaaye
- Xilka reer Awaariyo intaad, xididka tuugaysid
-
Dabka xaaska joog meel xillaad,
xoogag dheer tahaye”
Waxaa tiriyey aabbahay
Xassan Maxamed Geeraare