Mushaxa Madaxweynenimada Dawlada Soomaaliyeed ee ka dhalan doonta shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida oo haatan ka socda Mbagathi, Muddane Cabdullaahi Axmed
cadow ayaa saakey shir jaraaid ku qabtey Hotelka SARENA ee magaaladda Nairobi.
Shirka jaraaid ee Dr.Abdulaahi ayaa waxa uu kaga hadley qoddobadan Soo
socda.
1-waxaan si qiiro leh u codsanayaa ama baaq ugu jeedinayaa Hogaamiye
kooxeedyada Soomaaliya, Masuuliyiinta iyo waxgaradka kale ee
Soomaaliyueed (Odoyaasha, Duubabka iyo bulshaweynta rayidka in aynu
shirka badbaadino.
2-In danta guud laga hornmariyo mida gaarka ah ee shaqsiyuadeed,
dawladda cadeynu dhisano qof waliba waa u faaido weyn oo uusan hadda heyn,
dalka xaalada uu ku sugan yahay iyo shacabkaba dhibaatada haysata iyo
halaga tiiraanyada leh waa in deg-deg shirka u socdaa.
3-Duubabka dhaqanka ,hogaamiye kooxeedyada iyo siyaasiyiinta shirka
lagu casuumay waa in ay wadajir u xulaan xubnaha baarlamaanka, Xulitaanka
baarlamaankam waa u saldhig dawladda curaneysa,sidaa awgeed waa in
wadajir lagu xulaa ,laguna xulaa xubno shirkasi culus lagu aamini
karo,maadaaama aynan lahayn axsaab tartamaysa oo sharci ku dhisan oo
xulaysa musharaxiintooda, habkaasi wadajirka ah ayey dantu ku jirtaa
ayadoo ahmiyada koobaad ee ugu saraysa uu leeyahay duubka beeshaas,
4-in wax yaalaha buuqa dhaliyay ee laga qaylinayo ee ku saabsan
dastuurka AXDIGA ku meelgaarka ah waa in la iska qanciyaa lana saxaa
qodabada buuqa dhaliyey,
5-in shirka dib loogu soo celiyo intii ka baxday, IGAD iyo caalamku
dadaal dheer sameeyaan soona celiyaan ergadaasi,
6-in hadaan soomali nahay aan tanaasul iyo samir isku yeelano waa
danteen.
shirkaasi jaraaid ka dib waxaa halkaasi musharaxi lagu waydiiyey
su'aalo dhawr ah oo ka hadlayey arrimaha shirka dib u heshiisinta .
Dhamaad.
war-2-28,Septembar,Mbagathi,Nairobi.
Beesha Yibraha oo ku baaqay..............................................