w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- DUBAI
|
Xaflad Loogu Mahadceliyo Boqor
Cismaan Maxamuud (Buur-Madow) Iyo Suldaan Saciid Suldaan C/Salaan iyo intii ka
qayb qaadataya Nabadii Puntland oo Lagu Qabtay Dubai
Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:
Waxan halkan dhamaan Umadda Somaliyeed , iyo Gaar ahaan Jaaliyadda Reer
Puntland Ee Dibadda Iyo Gudaha
Somaliya Jirtaba usoo gudbinayaa In taariikhdu Markii ay ahayd 21.09.2003
Habaynimadii Isniinta ay Jaaliyadda Reer Puntland ku qabteen xaflad Casho
Sharaf ah , oo si aad ah loosoo agaasimay, Xafladdaas oo lagu qabtay Dalka
Isutagga Imaradka Carabta, Magalada DUBAI.
Xafladdan Casho sharafta ah , waxaa inay qabsoonto Saldhig u ahaa Ganacsade
Reer Puntland ah , Ganacsade Cabdi-Wali Cali Taar oo ah Muwaadin Reer Puntland
ah , isla markana Nabaddii Puntland wax kasoo qabtay, Xafladdan oo
Nidaaminteeda iyo Qaabkii ay u socotayba ay hogaaminayeen dhallinyaro Reer
Puntland oo kala ah Mudane Bile Xeroow Xaaji iyo Mudane Maxamed Cabdi F. Botan
Shiike.
Xafladdan oo lagu qabtay Bartamaha Magaalada Dubai, gaar ahaan Deira Dubai,
Hotel SADAF, oo kuyaal Agagaarka Qunsuliyadda Somaliya ee Dubai waxaa lagu
casuumay, Illaahay Haka abaalmarshee, BOQOR CISMAAN MAXAMUUD (BUUR-MADOOW),oo
nabaddii Puntland ka dhacday Saldhig u'ahaa Isaga Iyo Suldaan Saciid Suldaan C/Salaan,
Iyo Wafdi Ballaaran oo isagu jira SALAADIIN, WAXGARAD,XILDHIBAANO REER
SOMALILAND ah, IYO GANACSADAYAAL.
Xafladdan oo ahayd Casho Sharaf loogu talagalay in Looga Mahadceliyo Boqor
Cismaan Maxamuud (Buur-Madow) Iyo Suldaan Saciid Suldaan C/Salaan , sidii ay
wax oga qabteen , xoogga baddanna ay u gasheen Barmaamijkii Nabadaynta
Puntland, Casho Sharaftan oo ay kasoo qayb galeen Boqorka Iyo wafdigiisa iyo
Ganacsadayaal, Waxgarad Iyo Dhallinyaro Reer Puntland ah , waxa la'isku
waydaarsaday Hadalo aad u dhiirigalin badan oo dhammaantoodba nabadda looga
hadlayay.
Maxamed Cabdi F. Botan(Shiike) Oo Furaya Xafladda
Boqor Buur-Madow, Oo Hadlaya, C.Wali Cali Taar, Salaadiin kale
Wafdiga Salaadiinta, Kamaaludiin, CWali CaliTaar. Bile Xeroow Xaaji iyo
Axmed Claahi Yusuf, dhinaca Kale CKarin Xassan iyo Kamaludiin
Ganacsade Cal iCLaahi Diiriye, Cabdi Botan Isaaq (Ex-SomaliAirline
Reprensantative,Dubai, iyo Wafdiga Boqorka qaarkod. |
Markii Cashadii laga soo jeestay , ayaa waxa xafladda furitaankeeda billaabay
SHIIKE oo kamid ahaa Dhallinyarada Jaaliyadda Puntland ee Dubai, oo xafladda
Isku xirkeeda iyo Hadalqaybinteeda iska lahaa, waxa uu Shiike Mahadballaaran
usoo jeediyay Boqorka Iyo Wafdigiisa sidii sharafta badnayd ee ay oga soo qaby
galeen Casho Sharfatan lagu martigashay iyo Waxa kale oo Mahad middaas lamid ah
usoo gudbiyay Ganacsade Cabdi-Wali Cali Taar oo xafladdan qaban qaabadeeda iyo
isu imaatin keedaba qayb wayn ka qaatay.
Bacda Intaas waxa uu Shiike xafladda Furitaankeeda inuu Aayado Quraan ah ku
Billaabo Ka Codsaday Ganacsade C/Kariin Xaaji Xassan oo kamid ah Jaaliyadda
Reer Puntland ee Magalada DUBAI, Markii C/Kariin uu ka aqriyay Madasha xafladda
aayadihii Quranka, ayaa waxa Hadalkii lagu soo wareejiyay Ganacsade Cabdi-Wali
cali Taar oo Isna Halkaas kasoojeediyay Hadalo si'aad ah loogu riyaaqay oo
dhamaantoodba ay ka koobnayeen sidii Mutadawacnimada iyo dadaalka badnayd ee uu
Ogala qayb qaatay Boqorka Iyo Suldaanka Qorshihii Nabadaynta Puntland. waxa uu
Cabdi-Wali ku dhiiri galiyay Boqor Cismaan Maxamuud Buur-Madow Iyo Wafdigiisa
Ballaaran ee isagu jira Salaadiinta, Waxgaradka iyo Xildhibanada ay horay usii
wadaan Dadaalkooda nabadda oo ay hadda ku guda jiraan, oo ay gaarsiiyan illaa
Somaliwayn.
Waxaa kale oo Hadalkii lagu soo dhaweeyay Ganacsade Cali C/Laahi Diiriye iyo
Cabdi Botan Isaaq(EX-Somali AirLine Reprensantative -Dubai) oo iyaguna ka mid
ahaa Jaaliyadda Puntland ee Dubai, oo hadalo aad loogu bogay oo nabadda
taabanaya soojeediyay markii ay dhameeyeen Hadalkii ayaa waxa hadalkii lagu soo
warejiyay Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-Madow) .
Bacda Salaan , Dhamaan Waxgaradka , Ganacsadayaasha , Dhallinyrada ,Odayada
Jaaliyadda Puntland ee Dubai, waad ku mahadsan tihiin sida sharafta badan
Walaalnimada leh, kalsoonida leh, idinkaga mahadcelinayaa xafladdan Ballaaran
oo intaas oo RUUX ay kasoo qayb galeen, illaahay ha'idinka abaalmarsho .
waxan si gaar ah ugu mahad celinayaa Ganacsade Cabdi-Wali Cali Taar oo in badan
nagala shaqeeyay Qorshihii Nabadaynta Puntland, illaa ugu danbayntii aannu
kawada qayb galnay si wada jir ah QADO oo aannu GEED QURAC Hoostiis oo kuyaal
TUULADA KARIN aannu wada fariisanay , inaga oo wadna Nabadayntii Puntland,
Boqor Buur-Madow waxa uu Jaaliyadda ka codsaday inay Xoogga saaraan sidii ay
Nabadda u ilaalin lahayeen,isla markana Walaalaha Somaliyeed, Gaar ahaan Reer
Somaliland si wada jir ah loo'ilaasho nabadda Deeganka Puntland iyo Somaliland,
Boqorku waxa uu Af-ka ku dhuftay in Xaggooda (Somaliland) aysan wax dhib ahi ka
imaandoonin, wax kastana ay ugu qiimo badan tahay NABADDA, Jaaliyaddana laga
doonayo inay sidaas iyo si ka ballaaranba sameeyaan.
Waxa markale Hadalkii lagu soo dhaweeyay Prof. Maxamuud A Jamac oo ka mid ahaa
Wafdiga Boqorka, waxana uu isna halkaas kasoo jeediyay hadalo kooban oo Kaftan
iyo Dhiiri Galin isagu jira, waxan hadaladii uu ku kaftamay Prof kamid ahaa ,
in Puntland Markii ay nabaddeeda heshay ay kula soo kuftay Somaliland(QOSOL),
inkasta oo anan qoraal kusoo koobikarin hadaladii ka dhacay Goobtaas Habaynkaa
, ayaa waxa haddana sharaf ah in Habaynkaas uu ku Beegnaa Habaynkii Nabadda
Adduunka Looga Hadlayay UN-ka, Warbixintii UN-ka ee Nabadda Adduunka Waxad ka
aqrisan kartaa , (http://www.un.org/News/Press/), TIX NO
(SC/7880 ).
Waxan Halkana idinku soo gudbinayaa Dhamaan Martisharaftii kasoo qayb gashay
xafladdaas Magacyadooda.
Somaliland : Puntland:
Boqor Cismaan Maxamuud Buur Madow. C/Wali Cali Taar (Abaabulahii Xafladda).
Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen. Cali C/laahi Diiriye.
Suldaan C/Raxmaan Qodax. Cabdi Botan Isaaq.
Suldaan Maxamuud Guuleed. Kamaaludiin Xaaji C/Laahi.
Prof. Maxamuud A Jamac. C/Kariin X. Xassan.
Col. Maxamuud Nuur Xirsi. Bile Xeroow Xaaji.
Xildhiban. Yassin Ismaciil. Maxamed Cabdi F Botan - Shiike.
Mudane. Maxamed Rage Ismaciil.
Prof. Ismaciil Jamac Ibraahim.
Qoraalkan kala xiriiri:
Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike
faaraxbotan@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 26, 2003
FOGAANTA U
DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|