Waxa macquul ah aqristoow inuu kusoo jiitay cinwaanka
"Aayaha Soomaaliya adinkuu idin agyaal". Oo aad doonayso inaad ogaato
cidda uu aayaha Soomaaliya lajiro ama uu agyaal maanta.
"Tastuur" macne ahaan waa xeer; caado; dhaqan. Balse
marka aan u eegno macnaha dhabta ah ee uu Tastuur xambaarsanyahay,
waa aayokatalainta ummad. Tasuurku waxa loo dejiyaa in aanay ka
dhicin iska horimaad xaga sahrciga bulshada dhexdeeda mustaqbalka dambe. Waxa
loogagga golleeyahay in uu u noqdo udub-dhexaad dhismaha dowlad ay ummad
iskuraacday. Tasuurku cidna (qofna) majebin karto, ciddii jebisana waxa
la horkeenaa sharciga. Hadaba, macnaha cinwaanka maqaalkan waa "Aayaha
Soomaaliya waxa uu kuxiranyahay hadba qaabka Tasuurka Soomaaliya loo
dejiyo."
Run ahaantii, aayaha ummadda Soomaaliyeed ee uu dagaalka
sokeeye sida ba’an u aafeeyay waxa uu agyaal dadyawga (qabqablayaasha)
kushiraya MBAGATHI, KENYA. Waxa lasoo hordhigay sida aanu wararka kuheyno
‘draft’ (qoraal koowaad oo aan rasmi ahayn) ee lagu doonayey in lagu ansixiyo
Tastuur Federal ah ee uu Dalka yeesho. Qodobada loogagga doodayo
qoraal-Tastuureedka aan rasmiga aheyn waxa kamid ah waxyaabo aysan damiirta
Soomaalinimo u ogolaanneyn in ruux Soomaali ah uu aqbalo ama in loo ansixiyo
qaab Tastuureed aayaha dambe ee Soomaaliya cawaaqib xumo xaga sharciga
iyo kala dambeynta kuyeelankara. Hadaba, hadii aan kubilaabo qodobada weerarka
halista ah kuhaya maskaxda ruur walba oo Soomaali ah oo indheer garad ah ama
dhanka san wax kaeega. Waxa ay yihiin (1) Islaanta Amxaarta ah ee iyadoo fool
ah kasoo duusha Adasiababa ee kudhasha canug, carriga Soomaaliya meel kamid ah
waa Soomaali (canugaas), waxa uuna leeyahay xuquuda qof Soomaali uu y! eelan
karo. (2) In diinta Islaamka oo kaliya ay kajirto dalka, laakiin
la’ogolaado in dugsiyo iyaga aan Islaami aheyn ay howlo waxbarasho
kafuliayaan (kafulinkaraan) dalka; (3) In ay Soomaaliya tahay dal kala Af, Diin
iyo Dhaqan ah.
1. Canuga Kudhasha Carro Soomaaliyeed waa Soomaali:
Waa layaab! dad iskusheegaya inay yihiin hogaamiyeyaal oo doonaya inay
bulsho hoggaamiyaan ama doonaya inay magacooda kuqaraabtaan misena aan
wadadeeda kutaagneyn. Aqristoow! Miyaanu aqbali karnaa in uu yahay Soomaali
nala xuquuq ah canuga kudhashay ama kudhasha dulka Soomaaliyeed meel kamid
ah ee aan Aabihii Soomaali abkii iyo isirkii layaqaan aheyn? Marka aan
leeyhay "Islaanta Amxaarta ah ee iyadoo fool ah kasoo duusha Adasiababa ee
kudhasha canug, carriga Soomaaliya meel kamid ah waa Soomaali (canugaas),
waxa uuna leeyahay xuquuda qof Soomaali uu yeelan karo." Waxa ay
katurjumeysaa, hadii maanta la’ansixiyo qodbkan, waxa dhacaysa arintaas oo
aan sinaba looga fursaneyn. Waayo qodobka waxa wata Ethiopia oo ah dal aanu
deris nahay oo colaad soojireen ah nadhextaal, mar walbana dooneysa inay
naga gacansareeyso. Iyadoo danaha ay hiigsaneyso ay yihiin kuwo fog fog,
sida in Soomaaliya la’halmaansiiyo dhu! lka ay Ethiopia kaheysato ee
Soomaali-galbeed, in dalka Soomaaliya laga suuliyo magaca ah 100% waa wadan
Muslim ah iyadoo loo soo marayo Tastuurka ay gacantooda
kusaxiixayaan. Aqristoow! Waa maxay macnaha koowaad ee kusoo dhacayo
maankaag amarka aad maqasho erayga, "Amxaar"? Run ahaantii, erayga amxaar
iyo erayga Yuhuud marka ay maanka qof Soomaali ah kusoo dhacaan waxa uu
dareemayaa inay utaaganyihiin cadow aan naxariisan. Taasi waxa daliil u ah,
isku day aqristoow inaad caruur Soomaaliyeed kutiraahdo erayada Amxaar iyo
yuhuud kana wardhawr waxa ay kaa yiraahdaan. Halkaasi waxaad kafahmeysaa in
macno khalafsan oo ay dareemayaan caruurtayada oo aan iyagu ulaheyn wax
cilmi ah, waxa "Amxaar" uu yahay ama "Yahuud" ay tahay. Hadaba, waxa
isweydiin leh halkee bay caruurta Soomaaliyeed kadhaxleen macnayaasha
khalafsan ee labadaasi magac leeyihiin. Marka aan dib u eegno hab
dhaqameedkii Soomaalidii hore ee darisnimada iyo colaadda waxaanu
kafahmeynaa halkaas in Sooma! alida ay waligeed daris lasoo aheyd Ethiopia,
kalana dhaxeyn j! irtay co laad dheer. Tankale magaca "Yuhuud" isagana waxa
sababtay in caruurta soomaaliyeed ay u fahmaan eray xun ama khalafsan,
dagaalka Yuhuud ay kula jirto dadka reer Falastiin ama dagaalka soojireenka
ahaa ee ay Yuhuudu kula jirtay Islaamka waligeed. Waayo, Soomaaliya
waa dal Muslim ah diintana soo heystay mudo aad ufarabadan, oo
kadanqada dhibaatooyinka soo wajaha Islaamka. Sidaa darted bay
caruurta Soomaaliyeed oo aan taariikhiyan lasocon waxa dhacay waayadaas,
balse un bulshada aragtideeda kuwajahan labadaas magac "Amxaar" iyo "Yuhuud"
kafahmay inay yihiin erayo xun xun.
2. In diinta Islaamka oo kaliya ay kajirto dalka,
laakiin la’ogolaado in dugsiyo iyaga aan Islaami aheyn ay howlo waxbarasho
kafuliayaan (kafulinkaraan) dalka: Waxa iyadana layaab leh dad
sheeganaya inay Islaam yihiin misena aan karunsheegeyn waxa (mabda’ooda)
ay aaminsanyihiin. Waa maxay Islaam? Islaam waa isdhiibis uu qof isu
dhiibo Eebe weyne isagoo qiraya in uusan jirin Illaah xaq lagu caabudo Alle
mooye, Nabi Muxamed na uu yahay rasuulkiisa. Marka qofka intaas laga helo,
waxa uu sheegan karaa Muslimnimo. Waxa dad farabadan isaga qaldan
Islaam iyo Muslim. Dhab ahaantii, Islaam waa mabda’ halka
Muslim macnahiisu yahay qofka mabda’aasi raaca ee qaatay. Hadii aan
kunoqdo dadka kushiraya MBAGATHI, KENYA, waxa lasoo hordhigay sida aan kor
kusoo xusay qodobo ay kamid yihiin, saddexda aan soo xushay ee aan
udareemay in dad aad utirobadan oo Soomaali ah ila qabaan inay yihiin
qodobo loobaahanyahay in laga dhii! dhiyo ansixintooda. Qodabka baneynaya
in dalka lagu faafinkaro diin aan aheyn diinta Islaamka, waxa uu
liddi kuyahay dhaqanka Soomaaliyeed. Run ahaantii qodoka si qeexan uma
cadeynayo in la ogolaado in diimo kale dalka lagu dhex faafiyo balse si
sibiq ah ayuu ugu jiraa ‘drat’ (qoraalka koowaad oo aan rasmi ahayn) oo ay
si lama filaan ama ula kac intaba dadyawgaasi meesha kushiraya u ansixin
karaan. Su’aasha dad badan maskaxdooda kusoo noqnoqta waxa ay tahay, "Hadii
uu shirkan fashilmo wax alle iyo waxii looga wada hadlay miyey sii jirayaan?".
Haa, qodob mar shir Soomaali leedahay looga hergaliyay qaab Tastuureed
waxa uu ahaanayaa tusaale waligii dibloo eeggo hadii uu xitaa fashilmo
shirkan. Su’aal kale oo ay Soomaali oo dhan isweydiinayaan ayaa waxa ay
iyana tahay; Dadka shirka Soomaali magaceeda kumatalayo miyeysan laheyn wax
damiir ah oo ay kaga dhiidhiyaan arinta kusaabsan qodobada khalafsan ee aan
soomaaliweyn oo dhan u cuntameyn barrina aan u noqoneyn Tas! tuur waara?
Su’aashaan jawaabteeda waxa ay agtaal dadka Soomaa! liyeed s aqiir iyo
kabiir, waayo waa iyaga kuwa soo arkayey mudo badan qabqablayaasha
damiirtooda, waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan iyo garaadkooda inta
uudhanyahay intaba. Maalmo kahor, madaxweynaha Kenya "Daniel Arab Moi"
waxa uu kahadlay xaaladda Soomaaliya iyo caqabadaha kuhorgudban nabad
kadhalata Soomaaliya. Waxa kamid ahaa hadalkiisa, in soomaaliya ay
kaguuxeyso aragtidii ay qabeen waagii ay dawladda lahaayeen balse aysan
suuroobi Karin inay helaan dowlad inta ay aaminsanyihiin (maskaxdooda
kujrto) aragtidaas. Waa maxay aragtida Soomaali ay wada qabaan? Waa dhulka
Soomaaliya ay leedahay ee sida sharcidarrada uga maqan oo ladoonayo in
Soomaaliya lagu halmaansiyo sifudud, iyadoo loosoo marayo qabqable
mooryaan ah oon waxba hambeyn. Hadba, waxa wax lalayaaba ah nin kuleh
waligaa nabad helimeysid ilaa aad kasabarto dhulka kaa maqan in aanu
hoostagno oo uu naheshiisiiyo. Soomaaliyeey! Ma wax inoo cuntamaa inaanu
isudhiibno cadawgayaga isagoon xitaa iska kaaya qariney! n inuu yahay
cadawgeena?
3. In ay Soomaaliya tahay dal kala Af, Diin iyo Dhaqan
ah: "Ninkii ifka jooggoow maxa aragti kuulaaban". Waa layaab! In ruux
Soomaali ah ay kasuuroobi karto in laga dhaadhiciyo in uu dalkiisu yahay
kala Af, Diin iyo Dhaqan intaba. Dalkayaga ma inagaa
naqaan mise waa nalaga badiya oo noolaga khabiirsanyahay waxa uu yahay?
Waxaan filayaa inaysan isweydiin qabqablayaasha iyo dadka kale ee iyaguna
shirka kaqeeb-qaadanaya su’aashan. Markasta way fiicantahay inaad
kadiktoonaato cadawgaaga xitaa marka aad hoostagto, sida Soomaali manta
heysata oo kale. Waxaan shaki kujirin in Ethiopia iyo Kenya ay yihiin labo
dal oo deris nala ah misena si xaqdarro ah ay inooga heystan dhul
baaxaddiisu aysan yareyn dheel dheelna aan looga harikarin. Marka lagu
leeyahay waxaad tahay dal kala Af, Diin iyo Dhaqan ah waxa
loogagolleeyahay in marka hore qaab psychological (maskaxiyan) ah laguu
kala daadiyo (furfuro) oo lagaa dhaadhiciyo inaadan wax! dhiig ah
lawadaagin Soomaali-Galbeed, N.F.D iyo Jibuuti oo aan dhamaanteen
dareensannahay inay yihiin walaalahayaga oo shisheeye uu nakalageeyay.
Waliba Tastuurka aad kuqorotay inaad tahay dal kala Af, Diin
iyo Dhaqan ah waxa uu mustaqbalka dambe dhiirigalin doonaa in
Soomaaliya ay kala qolobanto oo ay imaaraddo yar yar isu rogto.
W/Q: Axmed Qaasim Faarax