SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
Xisbiga caddaaladda iyo mideeynta soomaaliyeed (JUP)

Warsaxaafadeed

Dr.Khaliif Haaji Jamac(Computer)
Hogaamiyaha Xisbiga JUP (Somali Justice and Unification Party)
sjup2001@hotmail.com


Bismillahi Raxmaani Raxiim

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaan usoo gudbinayna ummadda soomaaliyeed xog-waran la xiriira xisbi cusub oo aan aasaasnay, kuna wajahan sidii loo baadigoobi lahaa, xalna loogu heli laha arimaha soomaaliyeed ee dalkeena hooyo.


Haddaba markaan aragnay in qarannimadi soomaaliyeed ay muddo badan laalnayd tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye laga bilaabo 31/12/1990 ilaa iyo haatan.

Markaan tixgelinay baahida loo qabo in Dowladnimadii soomaaliyeed la soo nooleeyo isla markaasna calankii dalka ciidda looga qaado.

Markaan xasuusanay sharaftii ummadda soomaaliyeed lahayd xilligii dowladnimadu jirtay iyo sida haatan lagu suganyhay.

Markaan la yeelanay shirar kala duwan waxgarad soomaaliyeed oo tayo leh,lana is tusaaleeyey in xal loo helo sidii looga bixi laha dagaaladan sokeeye,looguna gudbi lahaa nabadeeyn guud.

Markii la wada garoowsaday in loo baahanyahay in la uruuriyo dadka ehelka u ah dalka kuwaaso dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku kala baahsan sida Aqoonyahannada,saraakiishii sar sare ee qaranku lahaan jirey rayad iyo kuwo kaleba,waxgaradka iyo kuwa muwaadiniinta ah oo jiritaanka dalka hooyo jecel .

Ayaa waxaa lagama maarmaan noogu muuqatay in la dhiso” xisbi cusub” oo buuxiya kaalinta ummadda soomaaliyeed ay doonayaan xilligaan ahna sidii qarannimadda soomaaliyeed lagu gaari lahaa, sidaas darteed laga bilaabo 01/01/2001 waxaa la dhisay xisbigaan cusub oo lagu magacaabo “Xisbiga Caddaaladda iyo Mideeynta Soomaaliyeed” (Somali Justice and Unification Party).

Xisbigaan waxaa lagu dhisay dalka Ingiriiska UK,London,waxayna qaadatay muddo dhan 3 (saddex) sanadood fikirkiisa iyo asaasidiisaba.

Dhisitaanka xisbiga iyo warsaxaafadeedka muddada u dhexeeysey waxaan ku hawlaneeyn nidaaminta hawlaha shaqo ee xisbiga iyo u diyaarinta sharcigii / xeerarkii loogu hawl- gelilaha dhammeeystirkooda,kuwaaso la ebyey,xisbiguna
ku dhaqmi doono mustaqbalka dhow iyo kan foogba.

Xisbigaan hawlgalkiisa shaqo iyo meelaha uu dhaq-dhaqaaqyada ku yeelan doono waa sida aan hoos ku soo sheegi doono:

Xarunta xisbigu waxay mustaqbalka noqonaysa caasimadda ummadda Soomaaliyeed markii dawlad qaran la helo.

Inta ka horeeysa waxaa xisbigaan saldhig(xarun)u noqoneeysa meelaha nabadda ah oo uu ku haboon yaha,kana hawlgeli karo.

Gobolda kale ee dalka gudihiisa ah xisbigu wuxuu ka sameeysan doona wakiilo(representatives) oo hawlaha xisbiga fuliya.

Meelaha kale ee caalamka sida Euope,U.s.,Australia,Africa,Middleast iwm wuxuu ku yeelandona wakiilo,ayago qaar ka mid ah la buuxiyey,inta kalena la dhammeeystirayo waqtiga ku haboon.


Muhimadda aan u dooranay xisbigaan wuxuu noogu muuqday mid raali gelin kara ummadda soomaaliyeed sababtoo ah:-Xisbiyada haatan ka jira dalka waxay matilaan kaalin qabiil ku dhisan,kuna saleeysan hab dagaal*sidoo kale ayana ururada jira waxay ku dhisan yihiin hab mucaarad Beeleed taaso wax wanaag ah aan sameeynayn .Sidaas darteed xisbigaan ( Somali Justice and Unification Party ) waa mid ka duwan noocyadaas,una dhexeeya ummadda soomaaliyeed oo dhan,kuna dhisnayn qabiil,ujeedadiisuna tahay sidii loo soo nooleeyn laha midnimadii iyo Qaranimadii Soomaaliyeed,lona gaari laha horumar,loona heshiisiin lahaa walaalaha soomaaliyeed oo kala xaniban,taaso looga gudbi karo isjiidjiidka haatan jira.

Xisbi-weeynahaan bulshada soomaaliyeed u dhexeeya waxaa qaab-dhismeedkiisu ku saleeysanyahay hab casri ah (Modernise)wuxuuna leeyahay Gudoonka Xisbiga, Guddiga Fulinta oo ka kooban 15 xubnood,labo gole iyo guddiyaal kaadaris ah oo heer degaan.

Xisbigani wuxuu taagero buuxda siinaya,gacan saarna la yeelanaya cid kasta oo danta guud ee soomaaliyeed qadarineeysa una istaageeysa.


BAAQ GUUD:


Xisbiga caddaaladda iyo mideeynta somaaliyeed(Somali Justice and Unification Party)wuxuu ummadda soomaliyeed ugu baaqaya:-

In loo soo wada jeesto nabadeeynta guud ee dadkeena.
In la is cafiyo,dibna loo soo nooleeyo walaanimadii soo jireenka ahayd oo lagu wada noolaan jirey.
In la isu xilqaamo sidii dowladnimadii soomaaliyeed dib loogu soo curin Lahaa hagar la’aan.
In la isu muujiyo sabur ,is ixtiraam si danta soomaaliyeed loogu midoobo ehelna loogu nod dadka iyo dalka.

In la isufuro is dhex marka dadka,lana isa soo dhaweeyo si wada hadal iyo isla tashi loo helo.Waxaan ku faraxsanahay in maanta baaqa iyo warsaxaafadeedka aan soo saarnay ay ku beegmeen maalintii nabadda aduunka oo loo dabaaldegaayo maanta,waxaana rajeeynayna in ay anagana noo gudbiso nabadda. Aamiin.


Dr.Khaliif Haaji Jamac(Computer)
Hogaamiyaha Xisbiga JUP (Somali Justice and Unification Party)
sjup2001@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | September 24, 2003

 

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD