Dawlado iyo Daaro Xaaraana!
Ali Shire Jama
Sharmaake@hotmail.com
Inta la xasuusto taariikhda bini’aadamka lama hayo
mar dhaca iyo xatooyadu ay sharci ahaayeen. Dhamaan dhaqamada aan diimaha
ku saleysneyn iyo kuwa ku dhisan labaduba waxay ka mideysan yihiin la
dagaalanka arrimahaas foosha xun noocyadooda kala gadisan. Mushtamac
burcadnimo u godoomay waxaa la og yahay dadkii loo yaqiin
”Viking” ee ku noolaa koonfurta
Raashiya iyo wadamada ku yaal waqooyiga Yurub oo kala ah Finland, Sweden,
Danmark iyo Island. Ummadaas waxay ahaayeen kuwa adduunka ku gilgiley
dhac iyo dil joogaa, waxaana caado u ahayd in aysan shaqaysan ee ku
noolaadaan xoolo ay soo dhaceen. Waxaa taas ka darnaa iyaga oo xasuuqi
jirey dhamman dadka ay hantidoodii ka soo dhaceen. Waxaa sawir wanaagsan
ka bixiyey dhaqamadii Viking filmka
“thirteen warior ”.
Qofkasta oo adduunka ku nool kolka uu maqlo dhac iyo
xatooyo waxuu dareemayaa in wax xun dhagahiisa ku dhaceen, xataa haddii
qofkaas isaga laftiisu tuug yahay. Marna adduunka lagama sifeyn karo
dhaca iyo tuugnimada, laakiin waxaad moodaa in aan aad loola dagaalamin
arrinkaas, waayo waxaa maanta dunida ka socda in wadamadii iyagu adduunka
ugu dhaqaalaha badnaa qaarkood ku hadiidayaan dhac iyo xatooyo.
Dhanka soomaalida iyo burcadnimadu waa mid waligeed
soo taxnayd ha kala xoog badnaatee. Waayihii hore waxaa ugu badnaa
burcadnimda soomaalida geel la kala dhaco oo qaab qabiil ku saleysnaa,
laakiin waxaa taas wax ka badaley Sayid Maxamed Abdille Xassan oo qaab
aan horey loo aqoon ku soo kordhiyey dhaca ummada loo geysto, qaabkaas oo
ahaa in urur burcadnimo ku dhisan lagu mooraduugey soomaalida.
Burcadnimadii Siyadka waxaa ku xigey tii Siyaad Barre uu kula wareegey
hantidii qabiilada soomaaliyeed qaarkood.
Kolka laga soo gudbo dhacii ay sameeyeen Sayidkii iyo
Siyaad Barre ayaa waxaa waayahaan danbe soo ifbaxay dhac iyo xatooyo
kolkii la arkay Sayidkii iyo Siyaad loo duceeyo. Koonfurta Soomaaliya
ayaa hantida looga nool yahay waxaa lagu qiyaasaa in boqolkii sagaashan
ay booli tahay, laakiin waxaa la yaab leh in daaraha, dhulka iyo beeraha
xaaraantaa ee koofurta kaliya la sheego, ee aan dhulka Soomaaliya intiisa
kale ee boolida looga nool yahay aan marna la soo qaadin, taasna waxaad
moodaa in ay xaqdaro tahay, waayo kolka wax laga qorayo waxii dal ka
dhacay maahan in qaar la qariyo qaybna la buunbuuniyo. Somaliland ayaa ah
meesha labaad ee soo raacda koonfurta Soomaaliya markii dhaca iyo xasuuqa
laga hadlayo. Markii SNM soo gashay Hargeysa, Burco iyo Barbara ayey
waxii aan ahayn reer SNM dhagta dhiiga u dareen, ka dibna la wareegeen
waxii hanti ahaa ee dadkii kale oo soomaaliyeed lahaayeen. Reer SNM waxay
kale gabi ahaanba qaateen beerihii ku yiil koonfurta Sanaag. Haddaba
waxaa nasiibdaraa in caqlixumda soomaalidu u ceeb qarisey burcadnimda
reer soomaaliland, ceebaha koonfurtana makhaadaha looga sheekeysto.
”Mushtamaca qaar ka mid ah waa qaadan karaan xoolo
booli ah haddii ay Ilaahay ka furteen, laakiin ummad dhan meeshii laga
xukumayey in ay booli noqoto ayaa ah mid lala yaabo.” Waxaan cidna
ka dahsooneyn in Somaliland laga xukumo daartii general
Maxamed Saciid Xirsi ”Morgan” uu reekiisa u
dhistay. ”Haweenku kama fasaqan karaan nimankooda
inta ay xoolohooda ku intifaacayaan, iyaga oo ku marmarsiyoonaya masruuf
la’aan, waana arrin xadgud ku ah sharciga diinta islaamka.” Taas
waxaa la mid ah in Somaliland ku andacoodaan in ay dacwad u qabnaan
general ”Morgan”, laakiin waxay moog yihiin in ay manaafacsadaan
daartiisii oo uusan waqaf uga dhigin dadka reer Somaliland.
Haddaba waxaa halkaas ka cad in ummad iyagu danbi
faraha kula jiraa ay cid kale danbiyo ku soo ogaan. Waxaan ku soo
gaabineynaa qoraalkaan yar in loo cadaalad falo waxii ka dhacay
Soomaaliya, waxaan kale oo leenahay koonfurta Soomaaliya cidna kama
fakarto maamul iyo daaro madaxtooyo, ee qofkasta waxii gacantiisa soo
gala ayuu duurka la xulaa, laakiin maamulka Somaliland ka dhisan ayaa
laga xukumaa daar xaaraan ah.
Ali Shire Jama
Sharmaake@hotmail.com
»
Soomaalida iyo Suleymaan! [Cali
Shire]
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan
|