SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Nairobi oo Laga Xusay Maalinta Nabada Aduunka

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Nairobi,Kenya.

ridwanhaji14@hotmail.com

22/9/2003 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaa magaalada Nairobi xalay ilaa iyo shalayba ka dhacayay munaasabadaha xuska maalinta nabadda aduunka ee 21 sep ,waxaana lagu kala qabtay dhowr meel oo katirsan Nairobi oo ay kamid yihiin shirka soomaalida iyo Hotelka Grand Regenc ee Magaalada Nairobi.

waxaa ka hadlay dad fara badan oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo dadka nabadda ka sheqeeya , waxaana soo abaabulay xafladii ka dhacday hotlaaka Grand Regence ururka dhalinyarada ee Somali Concern Group Fadhigooduna yahay dalka Ingiriiska, dhalinyaradaas waxaa kamid ahaa Bashiir Goobe iyo Cali Xaashi Dhoore.

waxaa munaasabadan hadal ka jeediyay mas'uul ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Femu Badeja oo soo gudbiyay dhambaalka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee ku aadan maalintan iyo muhimada gaarka ah ee ay uleedahay soomaaliya.

Run ahaantii waxaa aad loola dhacay khudbadii ay soo gudbiyneen dhalinyaradan oo uu soo jeediyay Xuseen Sheekh Cali (damumaye) sidan ayayna u qornayd.


Mudanayaal iyo marwooyin, martida sharafta leh ee nagu soo maamuustay ka soo qeybgalka munaasabaddan qaaliga ah ee aan ku xuseyno iskuna baraarujineyno qiimaha ay nabaddu u leedeahay, nolosha aadanaha, horumarka, caddaaladda iyo ilbaxnimada dhammaantiin maalin wanaagsan.

Mudanayaal iyo marwooyin, ayadoo ay bulshada caalamku garowsan tahay muhimadda ay nabaddu u leedahay noolaha, ayuu golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midooobay ku go’aamiyey (7th Sep 2001) kalfadhigiisii 57aad ee caadiga ahaa in laga bilaabo 21 Sep. 2003 caalamka looga aqoonsado in sannad walba maalintaas looga dabbaaldago maalinta nabadda adduunka.

Maalintaas waxay astaan u noqoneysaa nabad jaceylka, waxay yeelaneysaa astaan ah in la isku baraarujiyo nabadda iyo nabad kuwa noolaashaha, waxay astaan u noqoneynaa joojinta colaadaha iyo dagaalada, waxayna aadanaha caalamka guud ahaan u noqoneynaa maalin deggenaasho, maalin xasilooni iyo maalin colaad la’aaneed.

Maantay waxa dhammaan dawladaha waddamada xubnaha ka ah qaramada midoobay iyo ururadooda bulshadu sida ugu habboon ay u xusayaan uguna dabbaaldagayaan Maalinta Nabadda aduunka, ayadoo la sameynayo wacyi galin, la bixinayo casharro, lana abaabulayo kulamo baraarujineed. Sidoo kalena waxaa Qaramada Midoobay lagala shaqeyn doonaa in la hirgaliyo xabbadjoojin guud oo caalami ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan shaki ku jirin in nabaddu tahay furaha horumarka, qiimaha jiritaanka, macaanka nolosha iyo astaanta ilbaxnimada. Haddaba Umadda Soomaaliyeed oo ka mid ah ummadaha caalamka qargigan 21aad, maxay ku nooshahay? maxay nabaddu qiime ku leedahay? mase loo dulqaadan karaa sida nabadda loogu kufsaday dalkeenna, dadkiisana loo baday dullinimada.

Tan iyo intii nidaamkii dalkeenna ka jiray burburay, bulshada caalamka iyo sokeeyahuba waxay inoo abaabuleen 14 shirweyne dib u heshiisiineed kuwaasoo uu ugu dambeeyo kan hadda gebi dhaclaynaya ee dalkan Kenya.

Tan iyo intii nidaamdarradu sadka inoo noqotay waxa dalka ka qaxay boqollaal-kun oo Soomaaliyeed kuwaasoo nasiib wanaag ama nasiib xumo midka ay tahayba aan ka mid nahay dadkayaga xafladdan soo qabanqaabiyey. Haddaan si gaar ah laba eray ugu xuso dullinimada, karaama-darrada iyo ihaanada nagu heysata qurbojoogga waxaa idiinka filan midda aynu manta isla\soo hor yuururno. Waa kuma keenna magaaladan bilicdasan qabkii Soomaliga lagu yiqiin ku dhex mushaaxi kara, waa kuma keenna damiirka leh ee indhaha u dhamayn kara gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dulleysan waddooyinka iyo goobaha lagu kulmo ee Nairoobi, waa kuma keenna aan yaxyaxin oo aan danqan marka Hoteelada waaweyn ee aan degganahay hortooda ay farqaha iska kaa lulaan waayeello, hooyooyin iyo caruur Soomaaliyeed oo dayacan, dulleysan oo dawarsanaya.

Walaalayaal, waxyaabaha aad ku arkeysaan halkan waa loo qaateen marka la barbardhigo kuwa nagu heysta Yurub , Amerika iyo Australia. Waddamadaas waxaa looga noolyahay ihaano, karaamo darro iyo bahdil. Dumarkeenna, raggeenna aqoonyahankeenna, juhaladeenna, waxgaradkeenna, maangaabkeenna, cuqaasheenna, ciyaalkeenna, culumaau’diinkeenna,caamadeenna, dhammaantood waxay wadaagaan hal magac oo la yiraahdo “qaxooti”waa isma dhaanto waana isuma taliso. Waxa sii lumaya dhaqankeennii, waxa sii aasmaya diinteennii, dadnimona haba sheegin.

Waxaa ayaguna dhinaca kale masiibooyinkaas aan soo xusay kuwa ka sii daran ay ku habsatay bulshadiii dalka ku hartay kuwaasoo ayagana nasiibkoodu ama nasiib darradoodu u saamixi weysay inay meelna u baqoolaan. Waxaan jirin mustaqbal, waxaa la xabaalay aqoontii iyo waxbarashadii, waxa la waayey daryeelkii caafimaad iyo adeegyadii guud ee bulshadeed, waxaasoo dhanna waxay abuureen jiil aayaahoodu madow yahay, mas’uuliyaddana aan waxba ku laheyn.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan waxyaabahaas u soo xusay in aan isu sheegno xaqiiqada waxa jira oo ay nabad la’aantu na badday. Waxaa iyadana barbar socda oo xusid mudan wanaagyada ay bulshada rayidka Soomaliyeed ka wadaan dalka gudihiisa; oo isku tashiga ah, isku hiiliska ah iyo isku dayga soo celinta adeegyadii guud ee dadwaynaha

Isku soo duub, dhibaatooyinka nagu dhacay! yaan ku eedeynaa, yaan eersaneynaa, ma bulshada caalamka, ma qaaradda, ma gobolka, ma deriska mise innaga ayay maskaxdeennu, garashadedennu, dadnimadeennu gaabis tahay? Meel fog yeynaan ka raadin, ummadaha Ilaaheyna aan ammaan gelinno, wax aynaan is yeelinna cidina inama yeeli karto ee ilaaheen inaan runta isu sheegno, kalana qaadanno ha ina tuso. Maahmaah Soomaali ayaa aheyd:”Laxiba shillalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa”! Waxaynu ku sifoownay kuligeen hal abuurkii abwaan ,Mudane Yamyam uu mid ka mid ahaa shirarkii guuldarreytay ee la inoo qabtay uu ergooyinkii kuraas ku dirirka ahaa ku sifeeyey:”mici ku dhiiglayaal, maskax ku dhiiglayaal, muruq ku dhiiglayaal, mara ku dhiiglayaal, jeeb ku dhiiglayaal iyo meelo kale ku dhiiglayaal aanan soo koobi Karin.

Walaalayaal, caalamkii wuxuu inaga taagan yahay quus, waxa wax laga xishoodo ah in la inoo baryo nabaddeena, nolosheenna iyo aayaha ubadkeenna. Waa ayaandarro, waa garaad li’i, waana garasho yari, ku gorgortonka maatada, ku faanka waxii ay aheyd in laga faano.

Mudanayaal iyo Marwooyin, aan u jeedinno, Madaxda Soomaalida ee shirkanu ku kor sakaraadayo, in uu geesigu yahay kan tanaasula, fuleyguna yahay kan macangaga, in uu halyeygu yahay kan quura, looharahuna yahay kan qaaqleh. Mudanayaal hoggaamiyayaal, maatadiinna ma qabato falsafadda aad ku shaqeeneysaan oo abwaanka soomaaliyeed ku soo koobay: “ii talin meysid, kuu talin mayo, wada tashan meyno, kalana tagi meyno”!

Mudanayaal iyo marwooyin, kan tagay yuu u tagay, yuuse ka tagay, kan joogaase yuu u joogaa, yuuse ka joogaa. Ogsoonaada, idinkaa isku dan ah, guushiinnu waa inaad wada guuleystaan, guuldarradiinnuna waa markaad is garbisaan, meel ku guntada koox guuldarradoodu in aysan koox kale guul u noqoneyn ee inta aan mudnaanta idin siineyno na maamula, inta aan hayinka idiin nahay na hoggaansha, haddii kale ummadu way idinka tashanaysaa!

Ugu danbayntii waxaan idiin kula dardaarmaayaa sidan:

Bulshooy isgarabsi ayaa guul leh, iskaashi ayaa karaamo leh, isbahaysi ayaa badbaado leh.

NABAD AYAA NAAS LA NUUGA LEH!!!!!

Ridwaan Xaaji C/weli
Nairobi.

ridwanhaji14@hotmail.com

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD