SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
Sideedaba yaa iska leh Shirka Nairobi-Kenya?

Qore Xaawa Kamaludin H.Ali-Afhayeenka Haweenka nabadda jecel ee Gob.Minnesota
ee North America.


 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Assalaamu Aleykum

Walaalayaal waxaan hadal gaaban u soo jeedinayaa: dadka shirka majaraha u haya,Soomaalida ka dhursugaysa shirka,iyo kooxda hargaha waraabe loo lulay.

Walaalayaal shirka annaga(Soomaali) ayaa leh oo aad matishaan ama wakiil u tihiin una shaqaynayseen mudada sannadka ah, sidii sharafkooda iyo qaranmadooduna ugu soo noqon lahayd.

Su'aashu waxay tahay yaa dumin kara shirka oo awood u leh haddii Soomaali oo dhan, ay raalli ka tahay in natiijo ayatiin waara leh laga gaaro shirkan? Jawaabtu, aqristayaashow bal igala qayb gala, aniga aragtidayda cidina awood uma leh in ay dumiso shirkan mirihiisii bislaadeen, qof walibana Alle habeyn iyo maalin uga baryahayo in uu guulaysto.Cidina awood uma leh in ay dumiso oo lagu kala dareero, Ilaah baynuna ka magangalaynaa.

Walaalayaal waxaan idiin caddaynaysa arrintaas, in markii dhib yar ama hakad la geliyo shirka ay Soomaali, yar iyo weyn, meel ay joogtaba ka xumaato arrintaas, marag ma doontana waxaa u ah in kooxihii docfaruurka waday, iyagii la horjoogsadey oo waxba u shaqayn waayeen, sideedana ha ogaadaan kooxahaasi in Soomaalidu ayan xiise dambe u hayn dhiig isku daata, qub iyo qac, iyo colaad hor leh oo aan weligeed dhamaanayn. Waxaadese mooddaa iyagii in ayan marna ka xiiso goynayn arrintaas oo dantoodii baa meel xille la gashay.

Waxaan walaalaha shirka u sheegaynaa in aan ka wada maqsuudnahay, Ilaaheenna raalli idinka yahay, Sidii aad isugu dulqaadateen isuguna tanaasusheen si meel dhexe la isugu yimaado.

Waxaa kaloo lagu maahmaahay,"Bahdi ka carare bahal baa leh."

Walaalayaal,waxaannu idin leenahay wadajirkii waa qarka, naacow xornimo, liibaan, nolol iyo nabad waarta ayaad kaabiga u joogtaan ee israaciya, ku adkaysta oo ha u kala kicina, dhurwaayada iyo dugaagga malafsanahaya iska horeeya oo isku duubma.

Waxaase jira ,walaalayaal, haddii train la wada raaco cid waliba meel bay uga hartaa; intii uusan dadaalka is cafinta, Soo celinta dawladnimo loo dhanyahay iyo is xaq dhowrka daacad ka ahayn oo dan gaar ah ku maquunsanaysay, maalinba midbaa socday, intii kalana waa"daacadi ma hungowdo "oo trainkii halkay rabeen buu gaarsiin".
Annaguna waxaannu idinku soo dhawaynaynaa goortaad ka soo degtaan trainka -hambalyo, gacmo furan, bogaadin iyo billado dahab ah. Ogaada arrintani waa naga dhab haddii aannu nahay haweenka soomaaliyeed meel kasta aannu joogno iyo guud ahaan Somaali oo dhan.

Soomaalida waxaannu u sheegaynaa in ay si fiican ugu istaagaan shirkan, qof walibana dhankiisa ka difaaco oo uu qayb ka qaato meel marintiisa, taageeradiisa iyo hirgelinta wixii ka soo baxa shirka oo aannu gacmo furan oo wada jira ku qabsanno. Ogaada haddii uu kani naga dhicisoobo, sidii kuwii hore,in uu yaraan doono chanis dambe oo na soo mara, aynuna ku sifoobi doonno ummad aan jirin oo xayawaanka waxba aan ka duwanayn.

Waxaan ka rajaynaynaa qof kast oo Soomaali ah in uu u diyaar garoobo natiijada shirkan laga filayo, farxad iyo damaashaadna lagu soo dhaweeyo; qof walibana meel uu joogaba ka muujiyo-taageero, bannaan baxyo, xaflado iyo damaashaad aan kala go'in, daruurahana dambaaburo lagu qariyo, oo tani ay nooga dhignaato xoriyadii isticmaarku nooga tegey lixdameeyadii. Walaalayaal ,qoraalkan aan qorahayo, indhahayga illin baa ku taagan oo waxaad mooddaa dhibka ina haysta iyo masiibada nagu habsatay in ay keligay dusha iga saarantahay, waxaanna ka filaayaa qof kasta oo caqli uu wax ku garto Rabbi siiyay in uu ila wadaago dareenkan, iskuna dayo in uu waqti yar huro oo wax soo daabaco oo aynu wacyi gelinno dadkeenna, fikradaheenana wadaagno. Waa mahadsanyihiin dadkii hore oo maqaalkaygii dheeraa"Dhambaalka Shirka" igala soo qayb galay.

Haddii aynu taa samayno, waxaan u muujinnaynaa aduunka dad isku duuban in aannu nahay. Waxaa kale oo ay taasi caburin doontaa kuwa aan quusan oo israaca iyo nabadda aan rabin, dhiigga dadkuna u dhadhamahayo oo aan weli ka daalin dulmiga iyo colaadda.

Ugu dambayn waxaan talo u soo jeedinahayaa kuwa weli u xuubsiibanahaya-burbur,hurin colaad hor leh iyo beentii horaba ugu shaqayn weyday oo guri walba oo Soomaaliyeed ku gubtay, dib dambana aan looga rajo qabin in ay xal ama maslaxa Soomaaliyeed keenaan. Waxaannu leenahay-kooxda isfaquuqdayey bal dhib dambe ood Soomaali u geysato oo ay kaa yeelaan daaye, waxaadan ku bad baadi doonin tii hore aad u geysatey oo xisaabi waa kuu laabantahay; hana ka yaabin in aad qiiq dambe isugu qariso qof dambe oo Soomaali ah. Waxaana muuqata hadda in meeshii aad fariisataba iga kac ku leedahay oo ayan ciiduna ku rabin, dadkuna ku rabin, ee xaggee doonaysaa in aad danahaaga ku fushato, yaase ku dhagaysanahaya oo dambe.

Roob lagu nagaado Allaha na siiyo
Israac iyo nabad ha la helo
Rarka,qaxa,iyo gorfka cayrta Allaha naga reebo

Wassalaamu Caleykum Waraxmatullah

Xawa Kamaludin X. Ali
hawakali@hotmail.com

Dhambaal Ku Socda Shirka Nairobi-Kenya
Waa dhambaal kasoo baxay haweenka nabada jecel ee Minnesota Guji


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD