SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GUMEEYSI-RAACYADII HORE, KUWA DAWLADNIMADA DIIDAN IYO BUUGGA M. PANKHURST

A.Dirir
burashadley@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Arimaha Somaliya ka taagan ayaa waxay isoo xasuusiyeen buug ay qortay haweeneey la yiraahdo Mary Pankhurst oo qoyskooda ay wax ka qori jireen arrimaha geeska Afrika, buuggeedanna waxay ugu magac dartay "Italian Trusteeship in Somalia", oo aadba isleedahay goorta aad akhrisid bal tollow ma maanta ayuunbay ka hadlaysaa!

Mary waxay kaga hadashay buuggaas in Somaliya ay ka jirtay adoonsi oo ay wadeen gumeeysigii
Talyaaniga ahaa oo waliba xoog ku qaatay dhul beeredka u dhaxeeya labada webi ee Jubba iyo Shabeelle.Intaasna waxay ku dartay in dadka wadanka u dhashay aan loo oggolaan jirin in si xor ah ay u mushtaraan sida Talyaaniga oo kale.

Xaaladdaaas oo taagan ayaa Talyaanigii waxaa lagu jebiyey dagaalkii labaad ee Aduunka, dawladihii Aduunka ugu weynaa ee guushu ku raacdayna waxay goosteen in wadamadii ay gumeysan jireen kuiwii laga adkaaday in xoriyad la siiyo. Sidaas darteedna ayaa 1947, waxaa booqasho ku tegay Xamar wafdi ka koobnaa afarta dal ee Aduunka ugu awoodda weynaa si ay ugu kuur galaan xaaaldda ka jirtay Koonfurta Somaliya iyo rabitaanka shacbka ee xoriyadda.

Marka Talyaaniga oo ogsoon in xaaladdu ay ku xun tahay ayaa waxaa uu abuuray ururo Somaliyeed oo isaga u shaqeeya inkastoonan ayan heysan taageerada dadka ay magacooda ay wateen.Ururadaasna waxaa ka mid ahaa Majeerteen Progessive Party, Abgaal Progressive Party. Marehan Progressive Party iyo HDMs amaba xisbiyo. Ururradaasna waxaa u kala madax ahaa X. Muse Samatar (MPP), Islaw Mahadale(APP), Adan Loow(MPP) iyo Hiiloow Maalin (HDMS).Waxaana halkan xusid mudan in beelaha kala ah Majeerteenka , Abgaalka iyo Digil &Mirifle ay ka mid ahaayeen aasaasayaashii SYL oo ka koobneyd 13ka halgame.

Wafdiga Aduunka ka socdayna waxaa gacanta loo galiyey qoraallo badan oo Talyaaniga lagu dacweenayo
oo ka mid aheyd in ay Soomaaliya ka jiraan "Force Occupation" sida haatan ka jirta meelo badan oo ay Gobollada Shabeelle iyo Jubba ay ka mid yihiin.
Kulankii kale oo dhexmaray guddiga caalamiga ahaa iyo raggii Pro-Talyanka ahaa ayaa horaantiiba waxaa
ka hadlay ninka la oran jiray Islaaw Mahadale oo magacoodana ka dalbaday wafdiga in Soomaaliya 30 sanadood oo hor leh ay sii xukunto Talyaaniga si ay xoriyad u gaarsiiso.

Ninkii ka socday Midowga sofiyeeti ( Ruushka ) ayaa si carro leh u weeydiiyey Islaawga in uu dafirayo in dhulka iyo beeraha laga boobay uu xoog Talyaanigu ugu shaqeysto dadka Somalida ah.
Islaawgii oo jawaab uu bixiyo garan la' ayaa hadalka waxaa daf ku soo yiri ninkii ka socday HDMS oo ahaa
Hiiloow oo yiri arrinta aad sheegtay waa dhab waana wax aanan la qarin karain!
Intaas ka dibna, Islaaw Mahadale ayaa dantu waxay ku kaliftay in uu yiraahdo, 'Xumaantaas oo kaliya ayey
Talyaanigu ay leeyihiin'.

Maantana, Somaliya waxaa ka jira xaalad ka ba'an tii jiri jirtay xilligii gumeysiga iyadoo jawigii hore ay bedelen C/qaasim (Talyaniga cusub), Muse Suud i(Islaawgii oo jaahil ah), Jaamac C. Jaamac ( X. Muuse Samatar oo dadnimadiisase ka liita ), Bare Hiiraale ( Adan Loow) iyo Xaabsade oo aanan fileynin in uu gaari karo heerkii Hiiloow Maalin ee Talyaaniga dulmigoodii daaha ka qaaday.

Qof kastana wuxuu garan karaa in kuwa diidan dawladnimada ay yihiin kuwa dawladda marka la soo dhiso
ay baa'bi'in laheyd oo kala ah burcadkii dhulalka ayan laheyn xoogga ku heystay, dalka furfurtay, daroogadana ku beeray iyo shaqsiyaad qaxooti ah, dambiyana horana soo galay haatana qaxooti ku ah dibedda sida Jaamac iyo Jees.

Marka waxaa hubaal iin dadka noocaan ah ayan hor- istaagi karin rabitaanka shacabka dulman ee Soomaliya
waxaana habooneyd haddii intii ay joogeen Nairoobi lagu weeydiin lahaa Su'aashii ninkii Ruushka ahaa uu
weeydiiyey Hiiloow Maalin in xaaladdooda kala haadka ah ayba gaarsiin laheyd in ay is-dhiibaan dadkana dhinac ay ka raacaan. Aakhirkoodana waxay isku meel taariikhda kala geli doonaan meeshii ay gumeysi-
raacyadii hore ka galeen iyagoose jab iyo ceebba ku dhacday maxaa yeelay ,"Al-xaqu Yaclaa Wallaa Yacluu Caleyhi".

A.Dirir
burashadley@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD