“Nacas“ waa erey ay dadka ku hadla afka
“Maxaa“ wada yaqaanniin oo wuxuu la macne yahay ”doqon”, hase yeesho ee
dadweynaha ”May” ku hadla lama hubo in ay wada garanayaan. Waxaa laga yaabaa in
uu ereyga ”nacab” xoogaa adag yahay, wuxuuse haddii la soo koobo u dhigmaa
kalmadda ”cadow”.
Waxaa si fudud loo caddayn karaa in
cadownimada iyo nacabnimadu ay ka buuxaan qof kasta oo soomaali ah maskaxdiisa
iyo laabtiisa oo ay yihiin dabeecado uu soomaaligu iska leeyahay, hase yeesho
ee isweydiin baa ka iman karta in nacasnimada iyo doqonnimadu laftoodu ay
dadkeenna dhiigga iyo dhuuxa kaga jiraan iyo in kale.
Dawladdii ugu danbaysey oo kacaanka
ahayd intii ay jirtey waxaa bulshada lagu dhexbaahiyey in uu qofka soomaaliga
ahi diric yahay. Dadkeenna in ay diricyo ka mid yihiin ujeeddadu ma ay ahayn,
ee wuxuu kacaanku sheegay in uu soomaali kastaa gaar ahaan diric u yahay, oo ay
diricnimadu tahay tilmaan uu qofka soomaaliga ahi ku dhasho, isla markaas aan
tilmaan kale dadkeenna looga baahnayn ee in uu qowmiyadda soomaalida ka dhashay
ay ugu filan tahay in uu qaato shahaadada diricnimada.
Waxaa jira labo erey oo isu dhawaaq
dhow oo kala ah ”diric” iyo ”dirac”. Midka hore macninihiisu waa qof caqli
badan oo firfircoon, midka danbena waa maro khafiif ah oo ay dumarku ku
lebbistaan markii ay rabaan in jirkooda meelo ka mid ah la daawado. Waxaa
qorraxda ka cad in aysan maro khafiif ah ahayn shahaadadii uu kacaanku innaga
oo caamo ah inoo qaybiyey, ee waxaa qof walba soomaali ah waagaas loogu
bishaareeyey in ay caqli iyo firfircooni ka dheregsan yahay.
Inta aynaan maqaalka dulucdiisa shaaca
ka qaadin ayeynu si kooban u sheegaynaa qiso ku saabsan sida uu kacaankii
diricnimada inooka safay innaga oo aan malaha diricyadu inaku badnayn. Oday
kacaankii muddo dheer ka mid ahaa baan maalin dhaweyd saacad la sheekaysannay.
Afeef ahaan baan u sheegaynaa in uusan sheekaysigaasi ahayn mid ay qalbiyadu
isu furnaayeen, waayo waxaannu qabnaa in qofkii kacaankii xilli dheer ka mid
ahaa uusan damiir fiican lahayn.
Idaacaddii kacaanka ayey markiiba
sheekadii nala gashay, waxaana hadalkii ka soo baxday qiso xilliyo kala duwan
laga baahiyey idaacaddaas oo malaha ahayd in nin ingiriis ah la weydiiyey
bulshada adduunka ugu diricyo badan, uuna ku jawaabey ”Waa Ingiriiska”,
dabadeedna uu sheegay in uu markii uu jawaabayey niyadda iska lahaa ”Waa
soomaalida”, hase yeesho ee uu ummaddiisa ka xishooday, oo uu markaas eex cad
ku tillaabsaday.
Qisadaas ayaa ugu cuslayd daliilihii uu
kacaanku u cuskaday in uu qof kasta oo soomaali ahi diric yahay, waxaana
hadalkaas idaacadihii kacaanka laga sii daayey boqollaal goor, si loogu
bishaareeyo qof kasta oo soomaali ah in uu meesha uu joogo diric ku yahay.
Xataa haddii ay run tahay in nin
ingiriis ah su’aashaas la weydiiyey, oo ay run tahay in ay qalbibigiisa ku soo
dhacday diricnimo soomaaliyeed ma diricyaynu arrintaas ku noqonaynaa?
Waxyaalaha dadka qalbiyadooda ku soo dhacaa aad ayey u badan yihiin, oo xataa
malaa’igta dadka garbahooda saarani ma ay qorto. Waxaannu hubnaa in dadka
caddaanka ah badankoodu markii ay arkaan soomaalida iyo madowga kale ay
qalbiyadooda ku soo dhacdo ”Devil Negro” oo ah ”Shaydaan madow”. Meel kasta oo
uu caddaan ku dhaqan yahay haddii uu qof madoobi ku noolaado wuxuu maqlayaa
ereyadaas oo markii ay caddaanku sarqaamaan ay sida fallaartii ugu soo ganayaan.
Dadyowga la gumaystey oo dhan dhibaato
ayaa ka haysata in ay u dullaysan yihiin hadal laga soo sheegay qof ingiriis
ah, laakiin dhibaatada ugu weyni waxay malaha ku habsatey soomaalida iyo
carabta. Qoraallada carabiga iyo kuwa soomaaliga waxaa ku walaaqan kalmado afka
ingiriiska ah, hase yeesho ee qoraallada ku qoran afafka lagaga hadlo Jarmal,
Denmark, Norway, Holland iyo Iswiidhan haddii indhaha lala raaco erey afka
ingiriiska ah malaha lagama heli karo. Laga yaabee in lagu arko erey ay
afafkaas qaarkood la wadaagaan afka ingiriiska sida ”information” oo markaas uu
ereygu ka mid yahay luqaddaas.
Xaggeenna haddii uu qof maqaal yar qoro
oo uu rabo in uu dadka soomaalida ah u sheego xog kooban wuxuu si qaab daran
ugu barxayaa ereyo badan oo ingiriis ah. Waxaa badan in qoraallada soomaalidu
ay sidaan u eg yihiin: ”Xog (information) ku saabsan (about) tacliinta (the
education) oo laga sii daayey idaacadda qaranka (the national radio”!
Ujeeddada ka banbaysa in uu qofka
soomaaliga ahi sidaas qaabka daran dadkiisa wax ugu gudbiyaa waa isla ujeeddada
ka danbeysey in aynu diricnimo ka raadinno hadal la sheegay in uu ku soo dhacay
nin ingiriis ah qalbigiisa. Haddii ay innaga qalbiyadeenna kun goor ku soo
dhacdo in aynu diricyo nahay kuma aynu kalsoonin, oo xataa madaxdii kacaanku
waxay awoodi waayeen in ay ayagu soomaalida u sheegaan in ay diricnimo riman
yihiin. Sidaas darteed ayey nin cad oo London khamro ku cabbaya niyaddiisa
diricnimo uga soo xigteen jeeljiraha harraadan ee soomaalida.
Ereyada sida fooshaxun loogu walaaqo
afka soomaaliga markii la qorayo iyo markii lagu hadlayo waxaa ka danbaysa
nacasnimo xun oo fadeexad ah. Qofka soomaaliga ahi wuxuu xoogga ugu badan saara
sidii uu bulshada inteeda kale u gelin lahaa in uu asagu wax yaqaan. Haddii uu
jaamacad ka baxo danta ugu weyn oo uu uga jeedaa waa in ay soomaalidu ogaadaan
in uu aqoon leeyahay. Markii uu dandaas gaaro wax kale uma uu baahna oo in uu
xirfaddii uu bartay shaqo ku helo iyo in kale waa isugu mid, waayo awalba wuxuu
gudanayey xil ah in ay dadku ogaadaan in uu jaamici yahay, waana uu gutey
xilkii saarnaa!
Markii uu aqoonyahanku xilkaas weyn
guto ka dib wuxuu ku dadaalayaa in uu soomaalida u muujiyo in uu ka aqoon badan
yahay. Haddii uu diinta soo bartay waa in uu wacdiga ku jeediyaa hadal uu
carabigu ku badan yahay si ay shiikhnimadiisu uga cagadhigato bulshada
soomaalida dhexdooda. Dadka uu wacdinayo waxaa malaha ka mid ah hooyadiis oo
aan wax weyn ka fahmayn wacdiga uu wiilkeeda daaciga ahi jeedinayo. Sidaas
awgeedna waa in hooyooyinka iyo wiilashooda culumada ah loo kala turjumaa!
Haddii uu maaddi iskoolka sare uga soo
baxay waxaa lagama maarmaan ah in uu caadaysto in uu afka ingiriiska ereyadiisa
soomaaliga ku barxo. Kalmad kasta oo uu afka soomaaliga ku qorayo waa in uu
macneheeda oo ingiriis ah ku dabaqoraa haddii uu garanayo ereyga ingiriiska ah
oo la macnaha ah.
Hal dhibaato ayuu qofka soomaaliga ahi
qabaa, waana in uu ka baqayo in aysan soomaalida kale citiraafin. Ummadaha kale
iskama uu dhiso ee wuxuu iska gadaa soomaalida, wuxuuna soomaalida u soo
bandhigaa inta uu ka garanayo afafka qalaad. Haddii qoraalkiisa laga waayo
luqad kale wuxuu dareemayaa in ay soomaalidu jaahil u haystaan. Sidaas awgeed
wuxuu ka shaqeeyaa in uu soomaalida harawsado, wuxuuna shahaadadiisa ku soo
bandhigtaa in uu hadalkiisa ku walaaqo ereyo qalaad, markaas ayuu qancaa.
In uusan qofka soomaaliga ahi ku
kalsoonayn afkiisa, oo uusan barashadiisa cilmi u qabin waxaa uga daran in
uusan ku kalsoonayn sidii uu u soo noolaa iyo meeshii uu ku dhashay. Waa uu yar
yahay qof soomaali ah oo ku kalsoon in uu run ka sheego meeshii uu ku soo koray
iyo habkii uu u soo koray. Haddii uu madax yahay wuxuu taariikhdiisa ku
dheeraadaa intii uu madaxda ahaa, intii ka horrayseyna waa uu qariyaa, waayo
waxaa maskaxdiisa ku jirta in uusan sharaf lahayn intii hore oo uu ceebaysnaa.
In siyaalo kala duwan loo soo noolaa oo
meelo kala duwan lagu soo noolaa waxay nolosha u tahay qurux, waxayna leedahay
xiiso weyn. Qof kastaa wuxuu soo maray waddo u gaar ah oo aysan dadka kale soo
marin, oo wuxuu la soo kulmay dhacdooyin xallad leh oo aysan dadka kale la soo
kulmin. Tuulo kasta iyo degaan walba waxaa ka jira murtiyo u gaar ah oo ay
tuulooyinka kale u baahan yihiin in looga warramo, waxaana ku duugan nolol
qurux badan oo aan tuulooyinka kale ka jirin.
Dunida inteeda horumarka fiican haysata
waxaa ku badan dadka qora taariikhnoloneedkoodii, waayo in qof aftahan ahi uu
filimadii nolosha oo uu soo maray soo bandhigo waxaa ku duugan xikmad weyn oo
ay bulshadu u baahan yihiin.
Innagu arrintaas oo kale ma aynu samayn
karno, waayo kalsooni ma aynu hayno. Afkii aynu ku qori lahayn kuma aynu
qanacsanin, oo dalkii iyo noloshiisa kuma qanacsanin. Qof kastaa meeshii uu ku
dhashay iyo hannaankii uu u soo koray waa uu qarsanayaa, siiba dadka miyiga ku
dhashay oo magaalooyinka soo galay ibtilo weyn baa haysata, oo waxay marayaan
heer ay noloshoodii oo dhan inkiraan. Kuwa magaalooyinka ku soo koray qudhooda
haddii ay faqri ku soo koreen inkiraad bay gelayaan, dadkuna faqri bay u
badnaayeen, oo dhawr wasiir oo lacag xaday iyo dad farokutiris ah baa ladnaa.
Qofkii uusan aabbihiis waddanka lacag ka musuqmaasuqin waa in uu
taariikhnololeedkiisa inkiraa. Odayga laftiisu waa in uu noloshiisa inteedii
hore qariyaa, waayo inkiraad baa socota!
Qofka soomaaliga ah yaa ka dhaadhiciyey
in ay saboolnimada iyo nolosha miyigu fadeexad yihiin? Bulshooyinka kale oo
afrikaanka ah badankoodu ma ay qabaan dhibaatadaan, waxaanse arkay dad ku
doodaya dabuub aan lagu qanci karin oo ah in ummadaha ay risaaqaddoodu roobka
ku xiran tahay dhammaantood ay ka lunto kalsoonida nolosha oo dhami. Maaddaama
xoolaha iyo beeruhuba roob ugu cimriyaan, roobkuna uu yahay wax aan
imaatinkiisa lagu kalsoonaan karin ayey dadka maskaxdoodu khalkhashay oo waxba
kuma ay kalsoonaan karaan.
Dooddaas waxaan ka maqlay dad ku
dadaaley ni ay xal u helaan dhibaatadaan, laakiin waa hadal aysan aragtitayda
waxba ka jirin, waayo dadka xoolaha iyo beeraha ka shaqeeyaa waa ay isku
kalsoon yihiin. Qofka xoolodhaqatada ah ama beeraleyda ahi inta uu xoolaha iyo
beeraha la joogo kalsooni buu qabaa beenna ma uu ka sheego nolosha oo wax kasta
sida ay yihiin buu uga warramaa. Markii uu beerta iyo xoolaha ka tago oo uu
magaalada qaraabo ugu tago ayuu wuxuu bilaabaa in baararka fariisto oo
noloshiisa been ka sheego, waayo wuxuu ku dayanayaa dadka uu soo dhexgalay oo
beenta badan.
Waxaa jirta dood kale oo sheegaysa in
ay kalsoonidarrida uu soomaaligu afkiisa, hantidiisa, hoygiisa iyo dalkiisa ka
qabo ay ugu wacan tahay in uu yahay qof asalkiisu reerguuraa ahaa oo aan
degganayn. Dooddaan waxaa rumaysan dad aan reermiyiga aqoon, waayo dadkeenna
miyiga deggani aad bay isugu kalsoon yihiin. Afka soomaaliga waa ay jecel
yihiin, degaanka aad bay u jecel yihiin, mid kastaana hantidiisa waa uu ku
iimaanqabaa, mana uu qariyo degaankiisa iyo xoolihiisa, beenna kuma uu faano
haddii aysan labo beelood isxifaalaynayn.
Qofkii sidaas ahaa markii uu magaalo
yimaado oo uu kalmado carabi iyo ingiriis ah barto wuxuu inkiraa afkii
soomaaliga, wuxuuna sheegtaa in uu wasiir dhalay oo waalidkiisii lo’da ama
beerta lahaa oo uu ka yimid badda ayuu ku daraa. Waxaa laga yaabaa in uuba
laftiisu sheegto in uu wasaarad agaasiye ama maareeye guud ka ahaan jirey, ama
uu gashaanle sare ahaa oo uu ciidamada ka ruqsaystay!
Waxaas oo shakhsiyadxumo iyo been ah ma
uu aqoon intii uu xoolaha iyo beerta ka shaqaynayey. Haddaba waxaa jira hadal
oranaya soomaalida reermagaalkoodu waxay la dhaqan yihiin carabta,
reermiyigooduna waxay la dabeecad yihiin reergalbeedka. Dadka reergalbeedka ahi
waxay ku kalsoon yihiin noloshooda iyo duruufohooda, mana uu jiro qof ay sida
uu u nool yahay ceeb la tahay, oo dadkooda qof kastaa waa uu ka sheekayn karaa
sidii uu u soo noolaan jirey, waana uu ku faraxsan yahay.
Xagga carabta waxaa ka jira isyasitaan
iyo isu faanfaan caqliga ka baxsan. Sidaas darteed waa in uu qofku sheegtaa in
uu ka mid ahaan jirey heerka bulshada inteeda kale ka sharaf badan oo ah
madaxda iyo maalqaabeenna. Halkaas ayeyna ku dhimatay shakhsiyaddii qofka
carbeed, waxaana ku dayday reermagaalka soomaalida oo dhammaantood wada
maareeye, agaasime iyo gashaanle ama saddex xidigle midkood ah!
Kalmadaha afafka qalaad ah oo la iska
soo hormarinayo, jagooyinka beenta ah iyo hantida la sheeganayo dhammaantood
wuxuu qofka soomaaliga ahi ka dhiganayaa gaashaan uu isaga difaaco bulshada,
waayo wuxuu ka baqayaa in la yaso. Waxa uu yahay waxaa kala weyn waxa ay ka
aamminsan yihiin dadka ay baararka ku murmaani.
Madaxmimada loo dagaallamayo iyo boobka
Soomaaliya ka jiraa waxay salka ku hayaan arrimahaan, waayo sharaftii baa waxay
gashay in madax la noqdo ama hanti la boobo. In uu qof kasta oo waddani ahi
qiimo iyo sharaf leeyahay, nabadduna ay tahay karaamadii dadka waxaa laga
jeclaaday in lagu dadaalo sidii jagooyin iyo hanti la isugu harowsan lahaa, oo
weliba qabyaalad damacaas loogu gaari lahaa. Dhaqanxumadaani ma ay aha dabeecad
afrikaan ee waa fakarxumo xagga carabaha laga keenay.
Dhaqanka carabtu gebi ahaan wuxuu ku
salaysan yahay in ay dadku isgumaystaan. Ninka carabka ahi xaaskiisa iyo
carruurtiisa wuxuu u gumaystaa qaab yaqyaqsi ah oo banii’aadanimada ka fog.
Markii uu oday noqdo wuxuu gumaystaa qaraabadiisa oo dhan, wuxuuna noqdaa ilaah
gaban ah oo ehelkiisa uga sokamara ilaaha weyn oo salaadda, sakada iyo soonka
lagu caabudo. Nin kasta oo carab ahi markii uu cirroole noqdo wuxuu noqdaa
sanab ay qaraabadiisu caabudaan, oo aan laga dabahadlin. Haddii uu madax yahay
ama uu maalqabeen yahay wuxuuba ninka carabka ahi ilaahnimo isu diyaariyaa
asaga oo dhallinyaro ah, waxaana caabuda dadka yaqaan dhammaantood.
Ereyga ”rag” markii uu qofka soomaaliga
ahi maqlo wuxuu dareemaa sharaf, laakiin ereyga ”naago” wuxuu dareemaa ceeb.
Haddaba maxaa labada nooc oo dadka mid sharaf magaciisa ka dhigay midna
fadeexad ka dhigay. Waa dhaqan carbeed in ”rujuula” oo ah ”ragannimo” ay faan
tahay, waxayna rujuuladu bannaysaa in dumarka iyo carruurta la addoonsado!
Qofka soomaaliga ahi wuxuu ku jiraa
halgan uu nacabkiisa kaga hortegayo. Haddaba nacabka qofka soomaaliga ahi waa
kuma? Nacabka ruuxa soomaaliga ahi waa bulshada soomaalida, wuxuuna qofku
cadowgaas isaga difaacaa in uu cilmi been ah, jago been ah iyo hanti been ah u
sheegto, isla markaas uu ka qariyo taariikhnololeedkiisa iyo filkiisa si aysan
uga helin goldaloolo ay ka yasaan, waayo dhagar baa socota sida uu u fakarayo
marka la eego. Si uu qofka soomaaliga ahi nacabkiisa uga guulaysto ayuu dagaal
uu ku xukumo iyo boob uu hanti ku helo u lebbisan yahay.
Nacabka qofka soomaaliyeed uma uu turo
dantooda guudna waxaa kala weyn difaaca adag oo uu ku dhacsanayo sharaftiisa ay
nacabku hororayaan. Xoolaha nacabka in uu dhaco iyo in uu caayo labaduba waa ay
u bannaan yihiin sida uu u fakarayo, isla markaas dhiiggoodu xataa waa mubaax,
waayo waaba nacab.
Xaasidnimo iyo xiqdi ay nacasnimo ku
dheehan tahay buu qofka soomaaliga ahi bulshadiisa kula dhexjiraa. Marka aynu
xaasidnimada iyo xiqdiga caadiga ah ka hadlayno waa wax la garan karo oo aynu
aadamiga kale la wadaagno, laakiin xagga soomaalida waxaa xaasidnimada ku
dhafan nacasnimo aan lala qabin. Tusaale cad waxaa ah in uusan ruuxa soomaaliga
ahi qofka uu neceb yahay dadnimadiisa iyo kartidiisa qiri karin, ee uu toos u
inkiro asaga oo axmaqnimo ku dhiirranaya. Qof ay kartidiisu qorraxda ka
caddahay ayaa haddii la neceb yahay waxaa la iska oranayaa ”Waxba ma uu qaban
karo”, isla markaas qof liita ayaa haddii la jecel yahay waxaa la iska oranayaa
”Waa halyey”. Sababaha qof lagu jeclaado ama lagu nebcaadaa waxay xagga
soomaalida u badan yihiin nacasnimo, sidaas darteed waxaa aad u badan dad aan
wax weyn ku fiicnayn in ay bulshada ugu magacdheer yihiin, waayo habkii wax loo
qiimaynayey baa waxaa ka buuxa axmaqnimo iyo xaasidnimo isbarkan.
Waxaa ugu daran in haddii uu qofka
soomaaliga ahi arko labo qof oo isku xirfad ah uu isku mid u qabo oo uusan
weligiis kala garan karin midka kartida fiican. Metelan haddii uu maqlo labo
qof in ay jananno yihiin ama ay wadaaddo yihiin ama ay magac kale wadaagaan,
sida gabyaa, wuxuu soomaaligu isku qancinayaa in ay siman yihiin, lagama loodin
karo aragtidaas, waayo waa nacas nacab ah.
Haddii ay iskaashadaan xaasidnimo iyo
nacasnimada noocaan ahi waxaa ka dhalanaysa in ay bulshadu gebi ahaanba dunto,
waayo dadkii baan la kala aqoon ama loo quurin mid kastaa hawsha uu ku fiican
yahay oo kulli isku mid ah.
Mar kasta qof baa waxaa loo dirayaa
hawl uusan ka bixi karin, markii uu guuldarraystana waxaa lagu beddelayaa mid
ka sii liita, waxaana meeshaas fadhiya dad sida ugu habboon ugu guulaysan lahaa
hawshaas, laakiin uusan nacaska nacabka ahi ogayn ama uusan kartidooda u qirayn.
Doorasho kasta oo ay dad soomaali ahi sameeyaan waxaa ku milan nacasnimo iyo
nacabnimo, waana lagu guuldarraysanayaa. Runtii waa wax laga murugoodo in uusan
qofka soomaaliga ahi waxba kala aqoon oo uu yahay nacas nacab ah, laakiin waxaa
laga yaabaa in bollaal sano ka dib la arko qof soomaali ah habayaraato ee wax
fahmi kara!
Waxaynu qofka sidaas nacaska u ah oo
dadka uu nacabka ku yahay iska difaacaya hadalkiisa kaga haraynaa mirarkaan
gabayga ah, oo soomaalida ku saabsan:
Macrifo uma yeeshaan wuxuu, baran
metaalkoode
Ayagaysu muuqanahayee, moog adduunyada’e
Cismaan Keenaddiid