SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - OHIO

 Shirweynihii 2aad ee Golaha Masaajidda America

Columbus, OH, USA August 30, 31 & September 1, 2003

September 1, 2003

  • Ku: Guddoomiyaha Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Mr. Kibligat

  • Ku: Hoggaamiyayaasha kooxaha iyo dowlad goboleedyada
  • Ku: Culimada, Salaadiinta, Boqorada, Isimada, Ugaasyada, Garaadyada, Islaamada Malaaqyada iyo dhamaan cuqaasah beelaha soomaaliyeed.
  • Ku: Dowladaha goobjoogyaalka ka aha shirka
  • Ku: Ururada caalamiga iyo cid kasta oo daneysaya arrimaha ummmada soomaaliyeed
  • Ku: Ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto

Ujeeddo: Baaq ku wajahan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
(iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed)

Annagoo ah ummadda soomaaliyeed ee degen Maraykanaka, anaga oo ah Imaayada iyo Ducaadda Masaajidda Soomaaliyeed, anagoo ah dadka ka qayb galaya shirweynaha labaad ee golaha Masaajidda ee ka dhacaya Masjidka Ibnu-Taymiyhay ee magaalada Columbus. OH, USA oo lagu qiyaasay in ay ka qayb galayaan in ka badan 3000 oo qof.

Waxaan ugu horreyntii idinka mahadcelinaynaa waqtiga, dhaqaalaha, dadaalka iyo juhdiga aad gelinaysaan sidii ummadda soomaaliyeed loogu sameyn lahaa dowlad soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Marka xiga waxaan idiin soo jeedinaynaa arimaha hoos ku qoran:

    1. Waa inay muujiyaan xubnaha shirka ka qaybgalaya xilkasnimo, aragti fog, daacadnimo, dulqaad iyo isu tanaasul.

    2. In aan la luminin fursadan oo la xaqiijiyo ujeedadii loo yimid shirkan, uuna noqda mid miro dhala.

    3. In dastuurka dalka lagu dhiso shareecada Islaamka ee ku saleeysan Qur’aanka iyo Sunada Nabiga, taas oo ah rabitaanka iyo waxa ay ummadda soomaaliyeed doonayso.

    4. In talada iyo hogaanka loo dhiibo dad leh aqoon, Alla ka cabsi, xilkasnimo, karti iyo daacadnimo.

    5. In ummaadda soomaaliyeed ay is cafiyaan, lana hilmaamo wixii ummadda kala gaaray, horeyna loo socdo, loona soo jeesto wax ka qabadka aayaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

    6. In masiirka iyo hanaan socodka shirka ay ummadda soomaaliyeed yeelato, una tashato aayaheeda isla markaana soo dhoweeyaan cid kasta oo gacan ama taageero ka geesanaysa aasaaska dawlad soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

    7. Waxaan ummadda soomaliyeed xasuusinaynaa in liibaantooda adduun iyo aakhiraba ay ku jirto qabsashada xariga ilaahay.

Waxaa qoraalkan soo saaray Imaamyada afar iyo toban (14) Masaajid oo Soomaliyeed oo ku kala yaala gobolada kala duwan ee Maraykanka iyo qaar ka mid ah indheer garadka soomaliyeed in Maraykanka ku sugan. Wixii faahfaahin fadlan la soo xiriir Sh. Maxamed Idriis Imaamka Masjid Assunah Atlanta, GA, Sh. Cabdirahman Cumar Imaamka Masjid Imaam Ashaafic Minneapolis, MN, Sh. Ibrahim Maxamed Masjid Abuubakar Assidiiq, Seattle, WA iyo Sh. Cabdishakur Ibrahim Imaamka Masjid Al-Farooq, Nashville, TN.

Jawaabta qoraalkan waxaa lagu hagaajin karaa
Email:
cabdishakur@yahoo.com | C/O: Imam Abdi-shakur

Faafin: SomaliTalk Sept 3, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD