SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

IN KA BADAN KUMANAAL CARUUR AH AYAA LA WAAYAA SANNAD WALBA DALKAN MAREYKANKA.

Maxamed Sufi Abasheikh
Atlanta, Georgia
Abasheik@bellsouth.net

In ka badan 2000 oo caruur ah ayaa la waayaa maalintiiba dalkan Mareykanka , warkani oo tibisey hay’adda FBI waxay kaloo sheegtey in 2 Milyan oo caruur ah la waayey sanadkii inaga tagey ee 2002 oo keliya. [ http://childlifeline.com/ ]

Afartankii sekenba caruur ayaa la waayaa , taasi macnaheedu waxaa weeye in cunugaada uu halis ugu jiro in la waayo 1-42 % . hadaba Jaaliyadeena Somaalidda ee ku dhaqan dalkani waxaan jecel lahay inaan u soo gudbiyo sidii ay caruurtooda ugu xafidii lahaayeen dhibataddaasi lumidda iyo waayidda faraha badan ee caruurta dalkani heysata oo waalidiin badani ay ku waayeen caruurtooda ay aadka u jeclaayeen.

Markaan dib ugu noqdo noloshii Dalkeena hooyo waxaanu la soconaa in hooyadda aan wax welwel ah aan ka qabin cunugeeda markuu ka maqan yahay guriga ,oo subaxii markuu tooso ayuu iska bixi jirey oo meeshuu doono ka mari jirey xaafadda uu degan yahay isagoo la ciyaaraya caruur kale oo isla xafadda la degan , weliba waxaa ka dhacda goboladda qaarkood ee dalkeena in caruurta ay isaga tamashaan meel degmadooda ilaa iyo 10 km u jirta, Tusaale caruurta iyagoo koox koox ah oo aan la socon qof weyn ayey tagayeen meelaha lagu dabaasho sidaBadda, Wabiga, Waraha,Togagaaa IWM .

Tusaala kale xiliga iskuulka ,cunuga keligii isagoo la socon waalidkiisa ayuu u lugeeyaa dugsigiisa kana soo noqdaa .

Hadaba dalalkan aan ku nool nahay ee Mareykanka xaalkiisu dhinaca caruurta way ka duwan tahay taa dalkeena, oo waxaad aragtaan in maalin walba la idin soo geliyaa Mailka ama aan iraahdee ( Adreskiina ) kaar lagu baafinayo Caruur la waayey oo ku qoran ereyo ay ka mid yihin MA ARAGTEEN CARUURTANI (HAVE YOU SEEN THESE CHILDREN ) Waalidiin fara badan ayaa sanad walba caruurtooda waaya halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dalkani waxaa ka jira koox ku caan baxdey afduubka caruurta ( KIDNAPPING ) kuwaasoo siyaabo kala gedisan u isticmaala caruurta ay qafaashaan ,sidoo kale waxaa ka jira dalkani hay’addo ka hor taga afduubka caruurta iyo kuwa kaa caawiya helidda caruurtaada hadiiba aad weydo.

Hadaba waxaan jecelnahay inaan idin soo gudbiyo talooyin laga hortagayo dhibaatadaasi , iyo halka ugu badan ee ka dhaca shilalka lagu waayo caruurta:-

1- Waalid walba waxaa waajib ku ah in uu caruurtiisa la socdaa seken walba waxa ay ku sugan yihiin , waa in ay ku hubsadaan baska iskuulka u qaada in uuu qaadey iyo in kale , sidoo kale sacadaha laga soo rawaxayo dugsiyadda waa in la socdaan waalidka in caruurtooda soo noqdeen, haddiiba ay dib ugu dhacaan saacaddii laga filanayey in ay dugsiga ka soo noqdaan waa in isla markiiba la xiriiraan dugsiga oo ay wacaan oo weydiiyaan xaalka cunugooda, waayo waxaa dhacdey marar badan in caruurtii la waayo markii ay tagayaan ama ka soo noqonayaan dugsiga .

2- Sidoo kale waalidiinta waa in ay caruurtooda gacanta hayaan marka ay ka shoobin gareynayaa Super marketyadda , caruur aad u tiro badan ayaa waalidkooda uga lumo Super marketyadda oo la waayaa caruurtaasi jaan iyo cirib meesha ay mareen , hadaba haddie ay dhacdo in aad cunugaaga aad kala luntaan inta aad ku jirto super marketka , degdeg u wargeli shaqaalaha ,si loogu sheego Microfoonka isla markaana loo gurmado , weliba superr marketyadda qaarkood waxaa ku yaal qalab lagu magacaabo CODE ADAM oo kaa caawiya gurmadka helidda caruurtaada .

3- waxaa dhacdey in waalidiin qaarkood caruurtooda ku dhaafaan gaariga dushiisa iyagoo leh shan daqiiqo keliya inta aad dukaankaa wax ka soo qabsaneyso cunuga ku dhaaf gaariga , taasi waa khatarta ugu badan ee lagu waayo caruurta ee fadlan caruurtaada ha uga tagin gaariga dushiisa oo la deg xataa hal daqiiiqo hadaad meel u degeyso.

4-Midda kale waa in aad la socotaa marka ay caruurtaada ku cayaarayaan gurigaada hortiisa ama back yardiga danbe, oo aadan is dhihin wey ciyaarayaane howshaada iska wado ama iska seexo inta ay ciyaarayaan , wabicinta aan ka akhristey hay’adda badigoobka caruurta luntey ayaan ka arkey in caruur badan sidaa lagu waayey.

5- Waalidiinta qaarkood ayaa caruurtooda uga taga guriga keligood , waxaana dhacdey in caruurtii ay iridda iska furan oo ay banaanka u baxaan amaba xataa guryaha loogu soo galo, oo halkaasi khatar ku galaan , hadaba waalidiinta waa in ayan caruuta ku keli yeelin guryahay iyo goob walba oo ay joogaanba ,guriga oo loogu tago caruurta keligood iska daa khatarta qafaalashadda waxaa kaloo u dheer khatarta dabka oo marar badan dhacdey.

Hadaba intaasi aan soo sheegney iyo kuwa kaloo badan ayaa laga rabaa waalidiinta inay xil iska saaraan ogaadana in waalidiinta uu xil aad u culus uu ka saran yahay badbaadadda caruutooda

Ugu danbeytii hadiiba dhacdo in caruurtaada aad weydo fadlan la xiriir haya’adda ka baadigoobka caruurta oo telefoonkoodu yahay 1800 THE LOST kaasoo 24 saacba diyaar lagu yahay.

Warbixino badan oo ku saabsan lumidda caruurta ka akhriso www.missingkids.com 

Maqaalkanina waxaa noo soo diyaariyey
Maxamed Sufi Abasheikh
 Atlanta, Georgia
Abasheik@bellsouth.net

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD