Sida intiina badan ay la socoto waxaa soomaliya u
socda shir lagaga hadlayo aayaha wadanka, iyo sidii
loo samata bixin lahaa ubadka abaaday ee dibad yaaca
ah wareegayana daafaha caalamka iyo meel kastaa oo xun
oo laga naxi karo runtii. Hadaba maadama dhibka ka
taagan wadankii uu noqday afkiibaa juuqda, ayaa hadana
waxaa kusoo gaaraya hadalo runtii kaa yaabiya oo
naxdin badan, mararka qaarkoodna aad isleedahay ragu
ma sidaan bay u liiteen.
Cabdiqasim salaad xassan ayaa ugu horeeyey nin u
dhuunta cabdullahiga uu cabdi waaxid iska arkooday
inleyn waa adeerkiise, cabdiqasim waxaa uu dirsaday
ergay si Cabdullahi iyo isaga loo wada hadal siiyo,
waxaase yaab leh miyuusan ku kalsooneyn raga ehelkiis
ah ee ay meel wada degen yihiin. Cabdiqasimwaa uu ku
hungoobay qorshihiisaa oo waxaa uusan aqoon
cabdullahiga uu doonay in uu la dhiil gareeyo.
Waxaan kaloo dhacday in uu Muuse Suudi Yalaxoow meel
kastaa marshay, ee ahaa “aniga iyo cabdullahi ma wada
hadalno, heshiisna ma nihin ee heshiis baa loo baahan
yahay in hogaamiyeyaasha la dhax dhigo si xal loo
gaaro” hadaad hadal ahaan u fiirsato waa dood sax ah,
balse maxaa ay huwan tahay. Hadalkaan Muse kama sal
gaarin runtiina waxaa uu ahaa nin ficil qaaday oo wax
walbaa oo weyn isaga oo aanan fiirin nuxurkooda u
heystay mid wax tarleh.
Hadaba Cismaan Xassan Cali Caato ayaa isna wadadii
maray, kadib markii uu si bareer ah u sheegtay in
isaga iyo cabdullahi Yusuf ayan wada hadlin, waxaa
yaab leh cabdullahi maxaa ku gaar ah oo uu caato
keligiis ugala soo dhex baxay Somalida shireysa.
Cismaan Caato waxaa kale oo uu hadana sheegay in uu
isagaba cadkiisa ka rajeynayo dowlada dhalaneysa,
hadalkaan oo ah markii ugu horeysay abad ee Cismaan
caato afkiisa laga maqlo. Hadaba maxaa kulmiyey
heshiis doonka kooxaha somalida ee maanta ay la
doonayaan cabdullahi Yusuf.
Waxaa Jirta aayad qur’aan ah oo leh “ TAXSABAHAM
JAMIICAN WA QULUUBAHUM SHATAA” oo ah aayad ka hadlaysa
dadka iyagu ka shiraya wax ayan niyad u heyn amaba
daacad ayan ka aheyn amaba dad quluub diintu ka qoyan
tahay aanan laheyn, hase ahaatee anigu kama wado diin
waa ka maran tahay quluubta ragan balse dhaqankooda
ayaa u’eg in ayan niyad u heyn waxa ay ku balamaan had
iyo goor.
Taariikhda kama dhicin Hogaamiye Daarood oo loo kala
yaaco, waxaan naqaanay hogaamiyeyaal xamar isku shuba
hadba marka ay wax isugu toosi waayaan, balse marakan
waa ay ka duwan tahay, loomana kala harin oo markii
cabdullahi la loodin waayey ayaa la bilaabay in daal
lala agfadhiisto. Ethiopia ayaa wadata, waa cadawga
diinta, waa nin ad-adag oo aanan naxariis laheyn. Waa
af xun yahay iwm ayaa lala caadeystay hogaamiyahan wax
walba soo jiiray, waxaana ugu yaabka badan in isaga
lagu dooran doono doorashada soo socota, sababtuna
waxaa weeye yaa dhiban oo daryeelka u baahan.
Dadweynuhu ma aha inta caloosha balaaran ee qurbaha ku
dhaqan dharag awgeedna hadli la’ ee kuwa xaashiyaha
iyo bacaha cuna ee weliba inta usoo baaqi noqota
lagaga furto wadooyinka. Waa kuwa ka go’ay in ay
biilaan ehelkoodan baaba’ay ee xawaaladaha loo
agtaagan yahay, amaba madax furashada loogu heysto
somaliya, cabdullahina kuwaas ayuu ehel u yahay ee
ogaada.
Shirwac A. Ali
ragyaqaan@yahoo.com