SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  Soomaalida iyo Suleymaan!

Ali Shire Jamac
Sharmaake@hotmail.com

Ummadaha dib u dhacay waxaa guul darada ugu wacan xaasidnimda. Kolka aad maqashid in ummad dhan horumar la’aanteeda xaasidnimo sabab looga dhigay ayaa laga yabaa in aad la yaabtid, laakiin qofka diinta garanayaa waa hubaal in uu madaxa ruxayo isaga oo raacsan in xiqdiga iyo xaasidnimado ka mid yihiin waxyaahaba ugu xoogga badan ee ummad hoos u ridi kara, Ilaahayna uu ummadiisa u sheegay in ay markasta ka duceystaan. Maahaan in wadamada faqiirkaa kaliya xasadku ku badan yahay ee adduunka oo dhan ayuu hareeyey. Waxaa la cadeeyey in bulshooyinka faqrigaa ay ka xasad iyo maseyr badan yihiin kuwa horey u maray, taas oo ay ugu wacan tahay in ummadaha horumarka gaarey aysan badanaa la soo istaagin xaasidnimo mutuxan, ee waxay guusha u qiraan kuwooda Alle ugu talagaley in ay hagaan dhan siyaasad, dhaqan iyo dhaqaalaba, laakiin ummadaha saboolkaa ayaa iyagu sidii ay isku xasdayeen waxay kuli isugu miirmeen ummad dhan oo wada indhala’.

Mushtamacu waxuu ku hormaraa in ay helaan xeeladdo dadka qaarkiis soo kordhiyeen. Markii xeeldheerayaashaas ay soo bandhigaagaan curiskooda ayaa ka dib waxaa loo hawlgalaa qaabkii loo fulin la lahaa. Qof kasta oo aan shaqogab ahayn ayaa waxaa lagu aadiyaa booskii uu kaga haboon yahay shaqadaas, waase haddii ay meeshaas cadaaladi ka jirto. Kolka hawshii la isu diray laga soo dhalaalo ayaa waxaa misaan la saraa dadka waxqabad koodii. Haddii qofku uu horumar keeno waxaa loo abaalmariyaa qaab sharaf iyo maamuus ku dheenhan yihiin waxaana lagu sii dhiiri galiyaa in uu meeshaas ka sii anbaqaado shaqdii uu bulshada u hayey, laakiin haddii uu guuldaro u soo hoyiyo waxaa lagu wajahaa canbaareyn iyo in booska laga saaro. Waxaa laga yaabaa in qofkaas guuldarada keeney uu meel kale guul ka dhaliyo, waana tan la yiraahdo:

”Ma jiro qof aan meel ku fiicneyn, laakiin waa in helaa booskii uu ku haboonaa”

Haddaan u galno dhanka soomaalida ayaa waxaa la dhihi karaa kama jiraan wax miisan ah, waana wadanka ugu xaasidnimo badan adduunka, waxaana cadeyn u ah arinkaas, maadaama aan horey u sheegney in wadamada faqiirkaa ay ka xaasidnimo badan yihiiin kuwa hodankaa ayaa waxaa iska cad in soomaalidu ugu faqrisan yihiin caalamka, halkaasna ay koobkii xaasidnimada ku qaadeen inta laga helayo ummad kale oo ay gudoonsiiyaan. Waxaan xusnay in adduunka hodankaa uu tixgaliyo qofkii ka soo dhexbaxa caqli iyo cilmi ahaanba, laakiin soomaalida ayaa taas aad ugu yar tahay. Kolkii mid khaa’in ah oo Cagaaran qu’raan dhurwaa ragga iyo dumarka isugu mehershaa uu maqlo waxaa magaalada soo galay shiikh laamaha diinta ee tirada badan is waafajin kara ayaa boga iyo beerka loo dhaafaa, waxuuna jeclaystaa in wiil mooryaan ahi uu shiikhaas wadnaha xabad tareesaa kaga joojiyo. Markii Ilaahay ummada u soo saaro qoraa caan ah oo sheekooyinka si farshaxan leh uga xariidinkara, ayaa kii ama tii aan waraaq qoran karin, waxay wadada ugu teediyaan qoraagaas qodxo uu ku istaago. Midkii hogaanka u qaban lahaa ayaa waxaa ka feeryaaca kuwii mushtamaca ugu liitey kolka laga eego arinka ay ku angaxayaan oo ah hogaanka ummada. Qofkii aan laba mir oo maansaa tirin karin ayaa isaga oo isku dheerarinaya maansayahanada gaamurey waxuu dhahaa:

”Waxaan duubay boqolaal cajiladood oo gabay, buraanbur, geerar, guurow iyo heeso isugu dhafan.”

Kolka aftahanku meel fagaaraa hadal ummada deeqa ka jeediyo waxuu afkarooco dhahaa:

”Waa jaahil aan la afgaran karin”

Markii geesigu cadowga caabiyo ayaa fuleygu waxuu xasuuqaa maxaabistii uu geesigu soo qabtay ka dibna waxuu dhaa:

”Guushii dagaalka anaa soo hoyiyey”

Suldaanka nacaskaa ayaa aad uga carooda nabadoonka hadalkiisu miigan yahay, waxuuna suldaanku dadkiisa ku dhahaa:

”Nabadoon hebel waxuu rabaa in uu beesha haadaan ka tuuro, ee yaan taladiisa la qaadan”

Siyaasiga aan Ilaahay u abuurin in uu ma’suul noqdo ayaa markuu arko halyey soo baxay, oo bulshada horumar gaarsiin lahaa waxuu shacabka ku dhahaa:

”Waa jaajuus ee iska ilaaliya”

Kii ama tii aan laba erey u qori karin mid uu jecel yahay ama ay jeceshay ayaa waxay yiraahdaan:

“Waxaan soo saaray labaatan buug oo sheekaa”

Haddaba madaama soomaalidu tahay ummada ugu xaasidnima badan adduunka ma jiraa qof mushtamaca soomaalidu ay ka siidaayeen xayndaabkaas adag ee ay u dhigeen dadkoodii kartida lahaa? Waxaa la hubaa in dadka badankoodu dhihi la haayeen:

”Oo yaa dhaafi kara darbigaas adag ee ummadu dhisatay?”

Waxaan ummada soomaalida kaga farxineynaa in ay guuli u soo hoyatey maadaama la hayo qof ka baxay xeradaas, waana Maxamed Suleymaan Tubeec oo noqday qofkii ugu horeeyey ee dhaafa deyrkaas siliga lagu ooday. Dabarkaa Suleymaan laga gooyey waxuu wali dhuuqsan yahay dhamaan culumadii kala duwaneyd ee laamaha cilmiga iyo dhaqanka.

Markii mushtamacu qofka ka daayo in uu xasdo ayaa waxaa ku bilowda xaasidnimo kale oo kaga timaada dadka ay isku xirfada yihiin. Dadkaas saaxiibkood ka hor maray ayaa waxay niyada ka jeclaystaan in uu dhinto ama maskaxda ka curyaamo. Waxaan shaki ku jirin in ummada soomaaliyeed ay Maxamed Suleymaan Tubeec si sharaf badan oodafadii xaasidnimada uga rogeen iyaga oo u qiray in uu noqday qofkii ugu cod baxsanaa ee taariikhda inta la xasuustu soo maray Soomaaliya. ”Laakiin Axmed Cali Cigaal, Ilma Mooge iyo Xassan Aaden Samatar ayaan midkoodna ku farxin guulaha uu Maxamed Suleymaan gaarey.” Xaasidnimo marna xaq uma leh in la difaaco, laakiin hadddii la dhaafo xaasidnimada shacabka caadigaa, mida dadka aad isku xirfadaha tihiin waa laga soo kaban karaa, taasna waxaa markhaati u ah in Maxamed Suleymaan Tubeec mijoxaabin waday xaasidnimadii saaxiibadiisa ay heesaha kuwada luuqeeyaan, laakiin tan dadku waxay uga darnaanan la hayd in uu inta uu nool yahay badaha adduunka oo idil gacamha ku dhuro.

Ali Shire Jamac

Sharmaake@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD