SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
  FAYSAL CALI WARAABE MA MAANTUU DHASHAY?!!

Aden Ahmed
johor65@yahoo.co.uk

Asalaamu caleykum

 Waxaa wax lala yaabo ah siyaasasada qar-iska tuurnimada ku dhisan ee uu Ina Cali waraabe lasoo shir tegay. Waxaa la yiri "shimbiri maalin beey dab qaaday maalintiina buulkii hooyadeed ayey gubtay!"

Sideedaba qofku haddii uu siyaasi yahay waxaa u haboon inuu kontoroolo hadalkiisa, waayo qofkasi wuxuu isku dayayaa inuu siyaasaddiisu ka gado bulshada inteeda kale. Shalay Ina Cali Waraabe wuxuu ku doodayey oo mediayaha oo dhan geliyey in inanka Addis Ababa jooga iyo kan Hargeisa joogaa ay is fahmi karayaan, halka aysan iska fahmi karin Inanka koofurta Soomaaliya jooga iyo kan Hargeisa joogaa, maantana wuxuu leeyahay waxaan heshiisiinayaa reer koofur. Waa yaabe, xaggee wax iska badeleen? ma inankii reer Hargeisa ayaa af koofurkii bartay?!

Haddaba waxaan shaki ku jirin inuu dhacay isbedel weyn oo ku dhaliyey Ina Cali Waraabe arintan, waxaan ognahay in Ina Cali waraabe iyo inta yar ee u ololeysa goonigoosadka ay 13 sano ay adduunka uga caano maalayeen koofur waa qasan tahay oo wax kuma darsan karno ee hanala aqoonsado, waxaa dhacday in hayado iyo NGO dhowr ahi ay u leexiyeen xoogaagii loogu soo dhiibay guud ahaan Soomaaliya dhinacaa iyo waqooyi iyagoo marmarsiinyoi ka dhiganaya nabad baa ka jirta, waxaase muuqda ineysan taasi soconeyn, oo maanta Soomaalidu diyaar u tahay in ay heshiiyaan, uuna soo muuqdo ifafaalihii heshiish caam ah oo dhex mara soomaalida, aduunweynuhuna wuxuu la garab taagan yahay taageero dhinac walba ah sidii ay ku heshiin lahaayeen. Waxaa kaloo oo adduunweynuhu u sheegay kooxda goonigoosad doonka ah in midnimada Soomaaliya tahay lagama hadlaan, isla markaana ay kusoo biiraan shirka dib uheshiisiinta, iyadoo sida aan ognahay ay kusoo biireen dad badan oo ka socda waqooyiga Soomaaliya waqtigaan la joogo shirka. Marka, waxaan shaki laheyn in Ina Cali waraabe iyo inta la fikirka ahiba ay qalqaleen oo olyada iyo saliidda ay isku dareen.

Marka arintu waa "boohintu orgiga ka weyn!" oo Ina Cali waraabe wuxuu usoo mindiyo lisanayaa sidii uu ku fashilin lahaa shirkan Soomaalida uga socda Kenya isagoo quuddareynaya inuu 13 sanoo kale iyo intuu heli karo inuu yiraahdo weli koofuri waa qasan tahay ee adduunkoo annaga uun na eega!.

Teeda kale, waxaan shaki laheyn in Ina Cali Waraabe uu ku yahay siyaasadda socod barad, waayo, meesha uu ka yiri Soomaalida qaar baan heshiisiin ayuu kaaga darane ka leeyahay kuwa kale oo Soomaali ahna waan baabi'in oo magaalooyinkoodu waxaaan ka dhigayaa sida "Baadma" waa magaalo Ethobiya iyo Ereteria isku dagaaleene. Siyaasadda noocaas ahi yeey ka suurtowdaa?

Waxaan filayaa maanta Soomaali meel kasta ha joogtee ma jirto cid u ciil qabta dagaal danbe, mana jiro qabiil maanta qabiil kale awood ku maquunin kara, balse haddii uu Ina Cali Waraabe maanta dhashay oo dagaalku kow u yahay hasoo daayo waxa uu haayo oo yusan waxba reeban, caanuhuu ka maalana yuusan waxba naga siin!.

Balse Ina Waraabow waxaad ogaataa in xeeladahaaga gurucan aadan cidna ku siri karin oo Soomaalidu is wada taqaan, ee bal inta aadan meel cidla' ah oo hadhowna ceebi kaa raaci doonto aadan ku howshoon bal wax hubso!.

Aden Ahmed
johor65@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2003 | 

Baaq: Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Waxaan caalamka u sheegaynaa in Somaliland hadiyad lagu helin Guji


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD