SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
(HADALKII FAYSAL CALI WARAABE) MA CALAACAL BUU AHAA??????

Madaxa Ururka Darwish Party Of Kenya

Maxamed Maxamud Gutaale

gutalle@yahoo.com

Waxaan ku bilaabayaa hadala salaan qaali ah iga gudooma akhristayaal dhaamaantiinba meel kasta oo aad joogtaanba salaan dabadeed waxaan doonayaa anoon hadalka badinaynin in aan waxoogaa ka idhaaho hadalkii faysal walow rag badani jawaabo ka bixiyeen hadana shaqsiyan sida ay iila muuqato ama uu iila egyahay (hadalka ka soo Baxay Ina Cali Waraabe)

Horta ina cali warabe ninka aan aqoonta u lahayni waxa uu u maleeyaa hogaamiye fayow oo weliba dadka reer Hargeysa waxay qabaan intooda badani hogaamiye dhab ah marka dhinac laga eego dadka inta caqliga u saaxiibka ahi waxay u yaqaanaan (Qof waalan) waayo ? anigu faysal waan aqaanaa oo maanta ma ahan nin agtayda ku cusub waxaana ku aqaanaa in uu yahay nin aan hubin ama ka fiirsan hadalka afkiisa ka soo baxa (Macanaha Afkiisa iyo dhegihiisa isma maqlaan)hogaamiyena waa sheeganayaa beri dhoweyd oo la lahaa waa isa soo sharaxay markaan maqlay waxaan in mudo ah is weydiinayey waxan la sheegayaa ma dhab baa mise waa hadal la faafinayo waayo?(faysal Cali waraabe) ma qaadi karo mas,uul umadna ma hogaamin karo hadii run la doonayo Tusaale Idaacada (BBC) mar ay waraysi ka qaaday dadku weli waa xasuusan yihiin hadalkiisii hadana anigu ma ahi nin la yaabaya hadalka faysal waayo?

Aniga iyo inta aanu isku si wax u wada aragnaa hadalkiisa culays ama wax la qiimeeyo uma aragno way dhici kartaa (Faysal nin aan aqoon u lahayni in uu hadalkaas qaadan waayo) oo ka dhigo nin dunida rogaya ama cid wax yeeli kara war ninkan afkiisa iyo dhegihiisaan is maqlin waxaan hadlka ku dhaafayaa dadka aan ninkaas iyo kuwa la midka ah aqoon u lahaynow waxba ha ka soo qaadin qoraalada wargeysda looga soo qorayo ee calaacalka ah,

Akhristaha aan su,aal weydiiyo jawaabteedana waan idinka sugayaa (Qabiil qaran ma noqdaa?)hargeysa iyo Burco waxaa dega reer haduu reer dawlad keligiis noqonayo(reer koonfureed baa noqon lahaa oo aan cidina ku xeerayn iyana waxay arkaan in aan Soomali kala maarmin wakhti kastana ha gaadhee dawlad loo dhan yahay la dhisi doono lakiin (Qoys yari qaran ma noqodo) waxaana shabciga reer Hargeysa iyo Burco leeyahay yaan umada la idinka reebin kama maarantaan Soomali inteeda kale idinkumana Fila (Qol iyo bersed) waxaan la hadlayaa inta caqliga u saaxiibka ah, reer Sool,Sanaag,Caynhawdna waxaan ku boorinyaa ilaalinta nabada iyo derisnimada waxaadna sugtaan midnimo Soomaaliyeed taas ayaa muhiim ah laguna danbayne magaca iyo maamuuskuna ku jiraa taariikhdiinana ilaashada (Daraawiisheey imisaad cadowga kula jirteen dagaal imisaa darwiish ciida hoos maray isaga oo difaacaya geyiga iyo magaca Umada Soomaliyeed Soomaalina way idiin ogtahaye ha ka daalina meesha aad joogtaan dhegna ha u dhigina wax ma garatada)

MADAXA URURKA DARWISH PARTY OF KENYA

MAXAMED M.GUTAALE

gutalle@yahoo.com

KENYA MOBIL.254.721.238.984

 QORAALADII HOFRE EE GUTAALE

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2003

Baaq: Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Waxaan caalamka u sheegaynaa in Somaliland hadiyad lagu helin Guji


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD