MADHABAA IN WAKIILADA SAFAARADUHU YIHIIN
WAKIILO BELEED
Taqi Bashiir Hassan
Bille taqibashiir@hotmail.com
"Kulukum raacin wamas'uulun can caaciyatihi"
waxaa inta badan dadka uheestaan masuuliyada jagooyinka sarsare balse war uma
hayaan in tixaa hoosha qooska masuul tahay sidaa darteed waxa suuroowda in qof
hoowl caamaa loodhiibo balse uu kutagri falo isagoo u,aabo yeelin .
Dhanka kale waxaa laga yaabaa in ruuxa sidaa
yeeli uu canaan iyo canbaareen usoojeedin dadka hoowsha uu hayo kaga sareeyo
isagoo kucanbaareen waa dad daneesta yaala iyo erayo lamidaa .
Waxaa isbedel kuyimid dhamaan dhaqankii wanaag
sanaa ee soomaalida lagu yiqiin sida taariiqda kuxusan qofka loodhiibo ama lagu
amaano hoowl caamaa wuxuu ka,ilaaliya wax kasto naftiisuba ha,ugu horeesee.
Hadaan guda galo warbixintayda laxiriita
dhaqanka iyo macaamiisha safiirada iyo qunsulalda soomaalida ujoogo dalalka
dibadaa waxaa safar kutagnay dal kamida dalalka soomaalia dariska la,ah waxaa
kakoob need ilaa iyo dhoor iyo 20qof markii aan kasoo degnay garoonka waxaa
nalookeenay baabuur calanka soomaalia kababan oo aad uqurux badan kadib. Anigoo
layaaban gaari quruxdiisa ayaa ruux i.agtaanaa weediiyey waa maxay baabuurka
quruxda badan misana calankeena kababay wuxuu iisheegay inuu yahay gaari laga
leeyahay safaarada soomaalida oo ladooni in nagula qaado waxaa markiiba
dareemay qiiro wadanimo maadaamo aan wadanka uga soo cararnay dagaalo sokeeye
in misana wadan kale oo dibadaa soomaalinimo nagula soo dhaweeyo ay tahay wax
aad unasiib badan,
Dhoor daqiiqo kadib waxaa gaariga kasoo degay
nin dheer oo aad uqurux badan isagoo aan dheg laqabtaa lahen ayuu inasoo dul
joogsaday kadib wuxuu ina warsaday halka iyo magaalada aan kanimid iyo waxa aan
unimid waqtigaas waxaa kamid ahaa dadka rakaabka diyaarada kuwa ugu da,da yar
dhoor oday oo u,muuqday inay wax badan diyaarad iyo dalal shisheeye horay
utageen ayaa hadalkii qabsaday una sheegay halka aan kanimid iyo waxaan usocono
kadib isagoo ninkii gaariga quruxda badnaa lasocday hadalkisii sii wata ayuu
su,aalo dhoora oo is daba joogaa nagu soo kadiyey isaga oo markaas caro
kamuqato ayuu inagu yiri waxa aad shegeesaan ! mafahmin balse hadii ay idinku
jiraan dad reer fulaan ama fulaan bin fulaan gaariga haraacaan dadkii dhamaan
afkaa lawada taaggay waayo hadalkaas marnaba lagamo fileen ninka sidaa uquruxda
badnaa misana gariga quruxda badnaa watay, dadkii kuligood afkaa gacanta
lawadasaaray oo laqeeliyey laguna yiri saaxiib fulaan bin fulaan wadankaan uga
nimid ee waxad sheegeeso manaqaan kadib isagoo ciil iyo caro kamuuqata ayuu
lasoo baxay warqad dhoor magac kuqoran yihin kadibna yeeriyey magacyada dadka
uu watay kuqor naayeen balse nasiib wanaag dadka magacyadooda uu watay waxaa
ahaayeen dad wadani yiinaa waxay ushegeen inaysan raaceen kaligood ilaa dadka
lawada qaado ama lagawada tago un mooyee waxaaba moodaa aashito dhulka lagu
shubay misana liin dhanaan lagu miiray intuu sii xanaaqay ayuu lasoo baxay
mobile kadibna inta dhoor tilaabo inaga durkay ayuu qof lahadlay wax kayar
daqiiqad gudahooda ayuu inagu soo yara noqday isagoo dadkii magacyadooda uu
watay kuyiri jaalayaal hadii ay dan idiin tahay garigaan qurxuun sooraca
meeshan kuleel iyo boor yuusan idinku diline, soomalinimo iyo afaaraheeda
wadankaad uga soo cararteen (nin aduun joogo maxaa aragti kuulaaban ).
Waxaan rumeesna dhibka aan kasooo cararay inuu
geel jire sabab u,ahaa waligay ismo laheen ruux ilbaxaa ama aqoon iyo garaad
dheeri leh ayaa waxaas wuxuush nimadaa sameen balse wax kasto waa la,arkaa .inagoo
wali sidii utagay ayaa nin da,diisu dhexdhexaad tahay hadalka qabsaday una soo
dhawaday ninkii gaariga watay kuna yiri kaabo gaariga aad sidato adiga iyo reer
fulaan malahan ee waa gaari soomaliyed oo calanka ayaa iicadeen ee haddii aad
nin raga tahay gaari iga celi walaahi surkaan kugoon hadii aad gacantaada
isaarto isagoo hadalkii siiwata ayuu gaarigii galay kadibna dadkii dibada
joogay kuyiri soogala gaariga ma,isaga iska leh soogala walaahi waan raceenaa
intaan boorsadaydii gacanta kusoo qabsaday ayan usoo dhawaday dhanka gaariga
mise ninkii ayaa gacanta igu dhegay iyiri wiil yaraa tahaye naftaada ha,isku
haligin ninkii rakaabka kamidka ahaa ayaa isagoo! gariga gudihiisa kujira dhoor
hadal oo isdaba jooga sootuuray kuna yiri farahaaga hasaarin inanka yar
halkaasaa kabilaamay qeelo iyo buuq ilaa dadkii iskusoo baxaan rakaabka dumar
badan ayaa saarnaa waxay bilaabeen inay ragu kala celiyaan iyaga marba nin
qaban.
Waxay xaajo sida aahaato waxaa xaalki lagu
gooyey inuu baabuurkiisa qaato rakaabkana taxi qataan kadib waxaa qaadanay
dhoor taxi kuligeen hal xaafad ayaan degnay waloow aniga iyo waalidkay magalada
horay guri uga sii kireesnaa sidaa darteed kaasaa laysku soowada raacay dhamaan
halkaas lajoogay ilaa qofba meeshuu rabo magaalda kadego waxaa layaab iyo
amakaag noqotay sheekadaas oo in badan dadka oo horay isku aqoon isku bartay
kuna abuurtay isjeceel iyo walalnimo taasoo sabatay in aan aqalka aan daganeen
dad aan muuqaalkooda iyo heebtooda aan horay u,aqoon aan kuwada noolaano inagoo
isjecelna kukala tagnay .
Runtii waxaa xasustaa waqtigi aan dugsiga
dhexe ee saqshiid dhiganayey in macalimiinta oo ila fariisiya arday kale aan!
ka,aheen walasheen iga yar oo aan isu fasal aheen iyagoo ula jeeda inan dhamaan
dadka fasalka wada dhigto walaalo yihiin marka siday usoo barbaaray in nin sita
calanka somaaliweyn kadhaxeeyo uu sidaa foosha xun inoola dhaqmo wixii inagula
abaabin jirin iyo waxaa lakulanay waa kaaf iyo kala dheeri.
Nasiib wanaag 21cisho kadib waxaa qooskeenii
udhoofnay wadan kamida wadamada carabta waxaa Transit kusii marnay isla wadan
kaloo carab ah, intaan diyaarada saarneey waxaa isna nala saarnaa fanaanka
axmed naaji sacad, isla diyaaradaas waxaa nala saarnaa dad badan oo soomaliyaa
oo u,socday halka aan usocono iyo meesha aan Transit-ka kusiimareeno dadkii
rakaabka diyaarada ayaa kacodsaday axmed naaji inuu hees uqaado maadaamo uu
sitay kitaarkiisa caanka ahaa, halkaasuu dhoor hees oo wadani ah inuugu qaaday
diyaraarada dusheeda kadib wadankii aan Transit-ka ku,aheen waxan joognay
habeen iyo maalin kadib meeshaan usoconay ayan gaarnay xili duhura ah, waa
yaabe markaan diyaarada kasoo degnay ! waxaan lakulnay garoon aad uga qurux
badan dhamaan garoomadii aan horay usoo aragnay waa garoon dadka
imaanaayo aad iyo aad ubadan yihin oo kakala socda dhamaan 5-ta qaaradood,
waxaa layaab sii noqotay markii aan nimid qeebta immagration-ka si wadanka
galidiisa naloogu fasaxo ayaa waxaa naloogu jawabay wadanka galimeesaan waxaan
warsanay sababta naloogu diidaayo waxay inoo sheegeen in amar doowlada kasoo
baxay yahay in aan qof somalia loo ogoleen wadanka waxaan kuwar celinay in
safaaradiina visaha ina soosiisay hadii aan naloo ogaleen gelida wadanka maxay
safaaradiina visahan inoo siisay oo ay inoogu diidi weesay dood dheer kadib
waxa inaloo cadeeyay inan wadanka aanan gali karin talo ayaa naga wareertay
waxaa markiiba lahadalnay safaarada soomalia oo is,niri waxbay idiin qaban
kartaa qof dumara oo inoogu aqoon badnaa ayaa safarada wacday una sheegtay
dhibka ina heesta waxaa loogu soo werceliyey waan garankaraa hadalkaaga inuu
soomaali yahay balse soomaalidu waa badan tahee gabolkee katimid su,aashaas
markii ay dhegeheeda kusoo dhaceen ayey caro iyo ciil hor leh ayey kasii qaaday
waayo waxay markiiba sooxasuusatay dhibkii horay inooga soogaaray ee laxiriiray
safarda iyo qaabka xun ee udhaqanto nasiibxumo iyadoo aanan ogeen wax ay
kuhadleeso iyo qofka ay lahadleso ayey caay iyo canbaaren dusha kaga tuurtay
xiliigaas ay sidaa u,hadleeso waxaa lajoogo aniga oo qura intaan layaabay ayan
telfonka madaxiisa kaqabtay kadibna lahadlay ruuxii heestay maxada qeebtiisa
kale kadib waxaan bilaabay inan xaal mastuur raadiyo anigoo iska dhigi ruux
da,diisu weyn tahay ayaa kubilalbay hadalkayga walal waxaan nahay dad somaliyaa
oo halkaan kudhibatesan waxaan ubaahanahay gargaar iyo in wadanka galidiisa
inaloo fasaxo maadaamo ay diyar yihin school-ka aan wax kabaran laheeen iyo
buugtaba fasalka aan fariisan laheen ay kaharsan tahay 3 maalmood oo quraa,
intii aanan hadalka dhamen ayuu igu yiri
idhageeso anigu garan maayo naagtaan waalan ee telfonka igu soowacday misana
icaayeeso waxay igu heesato garan maayo ma,mas ruufaa kasitaa maxay iicaayi
waxaa usheegay inay dhib daran kujirto sidaa darted ay maciin kuusoo wacday
balse hadalkaaga ayaa niyad jabiyey wuxu igu yiri waxaad sheegeesan garan maayo
ee halkee katimaadeen asal kiinaba intii aanan kajawaabin su,ashiisa ayaa waxaa
inoo yimid nin isna dadka noogu waayo aragsan kamid ahaa oo telfonka gacantiisa
igaqaday iskuna dayey inuu sifudud ugu qeexo dhibkeena balse waa nin
balaayeesane isla hadalki ayuu isna lasu,alay intuusan dhameen ayuu isna
carooday oo uu caayey kadib telfonki ayuu isi saaray.
Talaa naga sii wareertay waxaa iskudaynay dad
wadanka horay u,siijoogay oo aqalka iyo waxbarashada inoo sii diyariyey inan
waco balse markaan xaafada lahadalnay waxa la,ii shegay in Air port-ka nagula
sugaayo qadana guriga diyaar kutahay .waxaa halkas joognay ilaa kudhawad 16saac
oo xal raadin kujirnay dadka aan wada socono badidooda waxay ubadan yihhin
caruur yar yar iyo hooyoo yinkooda, ragu sidaa uma badna waloow dad wax
ku,oolaa nala socdeen waxaa hadbia irid iyo police wacno aaqirkii waxaa inoo
cadadtay in nala celin inagoo waxba cunin oona nasan ayaa diyaaradeenii hore
dib ugu soo noqonay waxaa dib inuugula sooceliyey wadakni aan Transit-ka kusoo
marnay waqti danbe ayaa soogalnay garoonka kadib ninkii shaqada qaabilsanaa
habeenkaas ayaa isna na su,aalay halka aan kanimid waxaa usheegay in si sharci
daraa naloogu soo celiyey isna intuu carooday ayuu nayiri anigana wadnkayga
idiin oglaanmaayo mar hadii la,idin sooceliyey xiligas waxa da,aayey baraf aad
udaran waxaana kanimid wadan kulul qabooga aad ayuu inoo dhibaayey maadaamo
aanan heesay wax laga gashto oo boorsooyinka diyarada ayey saaran yihin
habeenkii waxaa waagu inoogu baryey garoonkii qabooga badnaa maadamao
diyardeena 2maalin kadib imaneeso.
subixii markuu waaga baryey waxaa garoonka
kula kulanay gabar soomali oo aad iyo aad unaxariis badan misana wadani nimo
kujirto waxay shaqo culus oo dhanka maamulka kaheesaa garoonkas qaboowgu nagu
dilay waxaa usheegnay dhamaan wixi dhibaataa aan lasoo kulanay laga soo bilaabo
safarkii aan wadanka uga soobaxnay ilaa iyo xiligan aan lajoogno intay yara
ilmeesay ayey wacday telfon waxayna tiri hada wadanka waad gali kartaan oo
anigaa masuul idinka noqon waxay ina dejisay Hotel aad ufiican oo wiilal
soomali kashaqeyan waxay inoobalan qaaday ugu yaraan inan usbuuc kunasano
qarashkana waxa qaba garonka iyo diyarada sidaa ayan magalada kugalnay waliba
iyado dacweesay ninkii sida xun habeenkii inoogalay, waa yaabe naxariista eebo
waa mid aan lakoobikarin gabadhii wanagaas isoo sameesay waxay kaloo inoogu
dartayin viso allle iyo visaha aan rabno iyada inooga sooqaadi safaarada aan
rabno balse tigidka diyaarada aan labaxno waxay kaloo duco qabtadu inoo
sameesay inan maalin kasto 2jeer magaalda kusoo dalxiisno inagoo nagula qaadi
baabuur bilaa beesaa.
Rutnii gabadhaas ilaah kumaneestay naxariisa
iyo wadanimada wax la,iloobi karo maahan. Waxay xaaju sidaa ahaataba dadkii
qaaraa goostay inaysan carab danbe udhoofin oo halkaasey bilaabeen inay viso
Yurub raadsadaan halka dadka qaar kasii aadeen dal kaloo carabaa aniga iyo
qooskeena marnaba fikirka ah Yurub iyo wadamada aan islamka aheen raadistooda
niyada noogamo soodhicin oo waxaa inoo diidanaa dhaqanka islamka aan kusoo
kornay aawadiis, laga yaabe marka dadka aqriyaan halkaan waxay iimaleen nin aan
garaadkiisu fiicneen, markaan dib ugu noqodo dhaqanka wanaagsan ee somalida
marnaba waalidka muusan jecleen in caruurtiisa laga geedo dal kaloo shisheeye
iyagoo ubaqan aayaha mustaqbal kooda iskaba daaye dalalaka Yurub iyo America
balse waqtigaan iyagaa loogu jaceel badan yahay oo waxaa la,amin sanyahay
qooskii aan mid ama labo dibada ujirin in Alle naxariistiisa waayeen.
Sidaa darteed qooskeena oo kaliyaa ayaa dib
ugu soonoqday dalkii aan horay uga dhoofnay ee somalia xuduuda lalahaa (East
and West home is the best) "dhar aadan lahen dhaxani kaamo celiso" markii ay
kawarheleen in inala soo celiyey ayey aflagado iyo cago juglen nagu bilaabeen
iyagoo ina caayi oo oran dalkinaa soogubteene keena gubi meesaan ee wadan
kiinaa idinku celin, dani waa maseektee waxan sameen karnaa majirin balse in
wadanka dib noo gula celiyo waa inagu cusleed waayo xiligas waxa dalka kajiray
dagaalo ahliya oo aad uculus sidaa darteed anagoo rajo kaqabin in safaaradii
sidii hore inoo gula macaa mishay ay wax inoo qaban ayaan nafta kusasabnay inan
mar 2baad nasiib keena tijabino mise wixii hora iqarso ahaa waayaabe dadka
wakiilada u,ah somalia misana calanka somalia harsan oo sharaf iyo cizi
kuheesto misana aan dadka uu nasiibka kuyeeshay inuu calankooda kumushaaxaan
aysan wax uqabaneen oo wax discrimination lagu sheego midka ugu xun ayey dadka
kusameen waxaaba laqataa midka madoowga iyo cadaanka udhaxeeyo waayo waxa
suurooda in meel madoow aad kubadbaado balse dad isku midabaa, mad,habaa, afaa
oo sidaa isu faquuqi sidee la.oran.
Aniga dhibkaan iyo warkan aan halkaan kuqorayo
wax aniga oo kaliyaa saameen igu yeeshay maahan balse waa wax caama oo
qofkastoo soomaalia kudhaco meeshuu doono hajoogee waxaa hubaala in safiirada
aqalkooda yahay meel beesha ama degaanka ay kasoojeedaan kushiraan ma,ahan meel
dana soomali lagu hayo waloow loofuray.
Waqti aan sidaa ufogeen ayaa waxaa e-mail
iisoodiray wiil aan wax wada baran jirnay oo dal kaloo shisheeye joogo wuxu igu
yiri saxiibo aqoon ma,uleedahay safiirka ama qunsulka safaadara XXX waxaan
warsaday waxa uu karabo wuxuu iisheegay inuu jaamacad usoo aaday dalka uu joogo
balse jaamacadii shardi uga dhigtay inuu safaaradiisa kasoo cadeesto jinsiyada
uu sheeganayo shardigaas lagu xiray kaneeco baalkeda waa kaga fududaa oo wuxuu
aamin sanaa inuu yahay soomali safaaradana aysan udiidi karin malaha wax
uu,aamin san yahay waa wax xaqa balse waxaa loogu jawaabay wixii aan horay uga
soocabaaday oo ahaa inuu sheegto number-ka ID Card-ka uu soomail kayahay si uu
uhelo warqada uu doonaayo marku warkas dhegihiisa kumaqla waxa olol kufurmay
jirkiisoo dhan oo dhinbil naar in lagu dhejiyaa umoodaa, waayo mar hadii uu
ruux somalia kuyiraahdo somalinimadaada ayaa tacliiqin ubaahan maxaa kadhib
badan runtii,
Markaan e-mailkas aqriyey waxa dib usoo
xasuustay 11 sano kahor dhibkii isoogaaray in maanta uu wali sii jiro waana
taas waxa igu kalifay inan maqaalkaan qoro anigoo aqoontayda qoraal iska
yartahay.
Wadankii hadaan uga soo bax sanay kumaa tahay
iyo geel jira yaashii mawaxaa inoogu darsamay gudigii soomaalidu wakiilka
dibadaha uga dhigeen ninbaa laga shegay ((Annaa Qaati Abbii Yajiihu Abbii
Abbuuhu ) ,geel jir hadana wadanka kaga soobaxsanay halkee looga baxsan
wakiilada mararka qaar ay dadka wax magaratadaa faquur tamayaan. waxaad maqli
wadan hebel qabiilkeena XXX ayaa safiir ka,ah ama qunsul ah taasi waxaan
hubsaday markaan arkay guryihii safiirka oo noqday guri oday dhaqameed oo
beesha tahliisha usoo doonato ."Aduunyaa daaran man laa daaran lahu fil aafiqa
" xadiiska micnaha laga garan waa in dadka soomalidu daaraha aduunyo raali
kuyihiin waayo hadii ay daarta aaqiro doonayaan aqalada somalida dibada uga
furan ruuxna laguma dhibeen beelna masheega teen.
Dhanka kale shirkii carte ee dalka jabuuti
waxaa xasuustaa beelaha wax wada qeebsanayey in ay kaga dood badnayen kuraaska
wadanka mida dibada (macnaha safiirnimada) show mar hadii tuulooyin oomanleeyda
ah hadii sheega shadooda dhig badan kudatay waa sidee tuu looyinka wadamada
horay umar ay kulee yihin umadda soomaaliyed waxaa hubaala in 13sane oo kale
iyagana xalinttooda shirar loogu qaban lahaa dibadaha ilaa ugu danbeen
tuulooyinkaas wadamada ina siiyey ay iyagu ciday rabaan wakiil nimada udoortaan
madaamo tuulooyinka gudaa aysan faraha lasoo gali karin.
Aqrisayasha sharafa badan waxaa idiin sheegi
inusan maqaalkan shaqsi ama qolo gaara quseen balse aan ula jeedo waxa uu
maantay Aduunku joogo iyo sida aan nahay waxaa lamarayaa waxa logu yeero
Globalization ama in aduunka lawada leeyahy bal iskaba daaye wadan ama safaarad
meel kafuran .
Taqi Bashiir Hassan Bille
taqibashiir@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15,
2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
»
Hab-Qoraalka
Miro-Dhalka ah
[C/Shakur]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|