Islaamku wuxuu ku bilowday dhiirigelinta aqoonta dadka
muslimiinta ah ee diinta islaamka soo gelaya. waxay ahayd kelmaddii ugu
horeeysay qur'aanka karimka ah (iqra) oo macnahedu ayayd akhri.
Waa amar cad oo umadda musliminta ah lafarayo kor
uqaadidda aqoonta.
Cilmiga' fikriga baaritaanada dhamaan noolayasha dunida
kunool
amarkan kuma koobna barashada nooc kamid ah cilmiga ee
wuxuu kulminayaa oo laga fahmayaa barashada wax alla wixii wax tar u leh qofka
muslimka ah waxaa laga doonayaa barashada culuumta kala duwan sida culuumta
diinta iyo culuumta maadiga sida caafimaadka injineerinka cilmiga bulshada iyo
wixii lamid ah.
Ilaah ha unaxariisto ragii kadhigay mar in dunida
islaamka loosoo cilmi doonto jaamacadii ugu horaysay waxaa laga hirgaliyay (Andalus)
oo hadda loo yaqaan isbayn waqtigii islaamku katalin jiray waxaa la oran jiray
jaamacatu qurduba waxaa lagu baran jiray dhamaan culuumta kala duwan wakhtigaas
o ay yurub ku sugnayd jahli iyo mugdi cilmiyeed.
Waa in umadda islaamku gaaraan isku filaansho dhanka
aqoonta ah maxaa yeelay diinteena islaamka ayaa ina faraysa.
Waxaa caadi iska noqotay in umadda muslimiinta ku
tiirsanaadaan wadamada reer galbeedka waxay awoodaan inay sumeeyaan dhamaan
umadda islaamka sababtoo ah iyagaa loo daawo iyo cilmi doontaa, reer galbeedku
waxay cilmi badan kaqaateen diinta islaamka iyo culumadeeda sida Ibnu siinaa,
Abuubakar raasii, Bayruuni, Ibnu khalduum ,iyo kuwo kale oo badan waxaa
kutubtooda lagu bartaa wadamada reer galbeedka halka dunida islaamku ka
oomanyihiin waxaa laga rabaa wadamada muslimiinta inay kor uqaadaan barashada
culuumta kala duwan si ay uga kor maraan dhigooda o ah reer Galbeedka.
Camalka Wanaagsan....
GUJI
Sharma'arke C.risaaq Ilmi
Cairo, Egypt
shsugulle@hotmail.com