SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Sweden oo looga dareertay aftida lacagta Euro-da kadib dilkii wasiirkeedii Arimaha Dibadda


Inkastoo guud ahaan dalka uu kujiro xaalad murugo leh iyo siyaasad madow kadib dilkii loogeysatay wasiirki Arimaha dibada Sweden ee Anna Lindh, hadana maanta axad ah waxaa gebi ahaan dalka looga dareeray aftidii luga qaadayey qaadashada lacagta bahwadaagta Midowga Yurub ee Euro-da loo yaqaano.

Booliiska Sweden oo u Dhow inuu Aqoonsado
Qofkii diley wasiiradii arrimaha dibadda Sweden.. Guji..

Wasiirkii Arimaha Dibada Sweden oo Geeriyootay
kaddib markii la tooreeyeeyey... warbixintii iyo faaladii Ikraam.. Guji..

Gebi ahaan waxaa albaabada loo furay xarumaha codka lugu qaado iyadoo dadku badi weli ku jiraan naxdin iyo muraal dilaac ay ka qaadeen geeridii ku timid wasiirka Arimaha Dibada ee Anna Lindh. Ka hor inta aysan dhiman Anna Lindh waxaa ay warbaahinta dalkan sheegtay iney aad u tiro badneyd inta diidaneyd qadashada, hase ahaatee mar qura dadku isbadaleen oo codkii siiyeen ururada sida weyn ugu ololeeynaya qaadasha lacagtan. Waxaana arintan sabab looga dhigay dilkii loo geystay wasiirka oo si weyn ugu ololeynesay qaadashada lacagta Euro-da.

Dhanka kale maalintii jimcihii ayaa si weyn dalka looga baroordiiqay wasiiradii la dilay ee Anna Lindh, waxaana guud ahaan dalka oo dhan laga xusay waxqabadkeedii muddadii dhowr iyo tobanka sanno ee ku jirtay siyaasada. Gaar ahaan masaajida ku yaala magaalooyinka Stockholm, Gothenburg iyo Malmö ayaa muslimiintu xuseen salaadii jimcaha kadib, sida ay warbaahinta dalkan sheegtay. Hase ahaatee qaabkii ay dadka muslimiinta ah u xuseen ayaan faallo laga bixin, waxaana ay Anna Lindh noqotay shaqsigii ugu horeeyey ee aan Islaamka meel kasoo galin oo lugu xuso goobaha diiniga ah ee dalkan Sweden ku yaala.

Anna Lindh wasiirkii Arimaha Dibada Sweden ayaa galabnimadii arbacada aheyd waxaa nin aan la aqoon si ula kac ah mindi kaga dhuftay caloosha iyo beerka oo waxyeeladii mindidaasi kasoo gaaray u dhimatay aroornimadii khamiista, kadib markii qaliin qaatay saacado badan la bad baadin waayey nafteedii.

Sidoo kale Anna Lindh markii ninku mindida ku soo weeray waxaa ay la socotay saaxiibteed oo ay ka wada adeeganeeyn dukaanka caanka ah ee NK, markaasoo aaney la socon wax ilaalo ah haba yaratee. Taasina ay keentay in buuq badan hareeyaan canaana dusha looga tuuray ciidama amniga oo iyaga arintaasi ka seexday. Ra'iisalwasaaraha dalkana markii uu warfidiyeenada u sheegayey iney wasiiradiisi dhimatay maalintii khamiista, waxaa uu sheegay inaan tafaasiil ka bixin karin sababta keentay in wasiirka xilligii shilkaasi dhacayey aanu la socon wax ilaalo ah.

Wasiiradii geeriyootay ee Anna Lindh waxey aheyd haweeney aan dadka badankiisi ilaawi doonin kaalintii wax ku oolka aheyd ee kaga jirtay siyaasada dalkan iyo guud ahaan midowga Yurub, waxaana lugu tilmaamay iney aheyd haweeney cod kor ah oo cadaalada iyo sinaanta u dirirta Islamarkaasina aan runta la gaban.

Sidoo kale waxey aheyd haweeneydii keliya ee reer Galbeed ah ee ku tilmaanta madaxweyne Bush nin Axmaq ah, ra'iisal wasaaraha dalka Israa'iilna ay sheegtay nin waalan aaneyba kala saari karin waalidiisa iyo fiyoobidiisa., arimaha murugsan ee bariga dhexena waxaa Anna Lindh sheegtay in maamulka Bush iyo Israa'iil aysan dooneyn xukuumad falstiin leedahay, mareykana uusan ka aheyn arimaha bariga dhexe dhex dhexaad si xal loogu hello mushkilada daba dheetay ee bariga dhaxe.

Isku soo wada duuboo maalintii khamiista ee taariikhdu ku beeneyd sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay maalintii daarihii dhaa dheeree ee New York iyo wasaaradii Gaashaandhiga dalka Mareykanka lugu soo qaaday, maalintaasina si weyn looga xusayey maalintaasi murugada leh ayaa dadka reer Swedena waxey maalintaas u tahay maalin madow kadib markii maalintaas wejiyada badan leh ay ku soo beegantay geeridii Anna Lindh oo dhimatay 11 september ee 2003-da

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden

ikraam@journalist.com

Booliiska Sweden oo u Dhow inuu Aqoonsado
Qofkii diley wasiiradii arrimaha dibadda Sweden.. Guji..

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD