SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Dumarkuna uroonaa(2) !!!

Haweenka shaqada gurigooda waajib ma ku tahay !!!!

Casharkii hore waxaan kaga soo hadalnay khaladka ragga soomaaliyeed ay ku jiraan xagga ka caawinta shaqada guriga ay haweenkooda ka caawiyaan,haatanna waxaan eegeynaa waxa islaamku ka qabo shaqada haweentu ay ka shaqeyso gurigeeda ma waajib bey ku yahay mise waa axsaan ay noo sameynayaan. Waxa uu allaah noogu sheegay quraankiisa :(...Haweenkuna waxa ay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican ...)2: 238. Taas oo macnaheedu yahay in ruux kasta hawl gaar ah uu leeyahay oo la doonaayo in uu si fiican u guto asgoo tixgelinaaya midka kale si macruuf ah.

QURBAHA IYO XALKA ISLAAMKA
 Qaybtii 1aad | 2aad | 3aad |

Waxaan halkan ku soo qaadaneynaa labo xadiis oo noo cadeyneysa xukunka islaamku ka qabo shaqada haweenka ay ka shaqeeyaan guriga ninkooda:

1)waxaa laga wariyey Asmaa Bintu Abii-Bakar inay tiri:( waxaa i guursaday zubeer oon wax maal & adoomo ah aan heysan adduunka, rati iyo faras mooyee, waxaana ahaa mid quudisa faraskiisa, biyaha waraabisa,wadaantiisana tosha muufadiisana cajiinta, dubowgana si fiican uma aqaanin, waxaana iga caawin jiray gabdho ansaar ah oon daris nahay oo ahaa haween fiicfiican, waxaana madaxeyga kaga soo qaadi jiray dhulkii zubeer nabigu u gooyey laf timireed kaas oo iga fogaa farsakh(1) labo meeloodkiis. maalin ayaan la kulmay ay nabiga nnkh asagoo ay la socdaan rag Ansaar ah, anigoo madax ku sida laf timireedkii wuu ii yeeray intuu tujiyey hashiisii si aan ula fuulo, waana ka xishooday in aan ragga la socdo, waxaana soo xasuustay zubeer iyo maseyrkiisii, wuxuu ahaa nin maseyr badan, markaas ayuu nabigu i fahmay in aan xishooday, markaas ayuu iska tegey. markaan zubeer u imid ayaan ku iri Nabiga ayaan la kulmay ooy rag Ansaar ahi la socdaan aniga oo xanbaarsan laf timireedkii, markaas ayuu ii tujiyey hashiisii waanan ka xishooday in aan la fuulo, maseyrkaaga ayaana soo xasuustay. markaas ayuu zubeer yiri: Wallaahay timir xanbaaridaada ayaa iiga dareyd in aad nabiga la fuusho hashiisa(2), waxay tiri Sidaas ayaan ahaa intii uu Abuubakar iiga soo diray adeege iga caawiya quudinta faraskii zubeer, wuxuuba ahaa mid i xoreeyey oo kale) waxaa wariyey Bukhaari & Muslim.

Sida ayuu xadiiskaas ku fasiray caalimkii weynaa ee Ibnu Xajar AL-casqalaani: ( waxaa loo soo daliishaday qisadan in ay haweenta waajib ku tahay in qabato hawsha uu ninkeedu guriga uga baahan yahay oo dhan , sidaasna waa ku tagey caalimkii weynaa ee Abuu thawr, Qaar kale oo culumada ka mid ahina waxay ku fasireen xadiiskan in ay Asmaa shaqadaas oo idil axsaan ahaan u qabatay ee aysan waajib ku aheyn sida uu asaguna sheegay caalimka kale ee AL-malhab & qeyrkiis. Waxaase aniga ii muuqata ayuu yiri Ibnu xajar in qisadan iyo wixii la mid ahba ay aheyd xaalad dhibaato jirto oo aan xukun laga soo dhirindhirsan karin macnaa laga soo qaadan karin xukun guud...hadalkiisii wuu dhamaaday.

2) xadiiska labaad asaguna waa xadiiskii Faaduma binti Rasuul ay aabaheed uga soo dacwootay waxa uu gacmaheeda gaarsiiyey dhagax shiidkii ay ku shiidi jirtay galeyda, markaas ayey aabaheed u soo doonatay ruux shaqaale ah oo ka caawiya hawsha guriga wey weyday markaas ayey iska noqotay ,markii nabiga loo sheegay ayuu u yimid gurigoodii oo ku yiri Cali & faaduma ma idiin sheegaa wax idiinka fiican ruux shaqaale ah, markaas ayey yiraahdeen haa, markaas ayuu ku yiri:
( seddex iyo sodon jeer dhaha subxaana laah ,seddex & sodon jeena al-xamdulilaah,afar & sodon jeerna allaahu akbar) ama sidaas oo kale ayuu yiri. xadiiskaas waxaa sidii kii hore culumadu qaarkeed ku doodaan in hawsho haweenka waajib ku tahay maadaama uusan nabigu Cali ku qasbin in uu faadumo asagu u shaqeeyo ama uu adeegto u sameeyo. siduu cali ugu caddeeyey markuu faadumo guursanaayey in uu meherkeeda u hormarsho, marka nabigu kama aamuseen gabadhiisii & Saaxiibkiis Abuubakar gabadhiisii in wax aan waajib ku aheyn ay ku dhibtoodaan.

Waxaa jira qowl seddexaad oo culumada qaarkeed qabto sida ibnu xajar AL-casqalaani wuxuu yiri: (... waxaa aniga ila quman in arrinka loo daayo caadooyinka (4) dadka oo aad u kala duwan...) taas oo micnaheedu yahay haddii ay dad ay caado u tahay in ay haweentu gurigeeda ka shaqeyso in ay waajib ku noqoneyso in ay ka shaqeyso, haddiise caadada dadkaas ay tahay in haweenta loo shaqeeyo ama loo adeego in ay ninka waajib ku tahay in uu adeegto u keeno amaba uu asagu u shaqeeyo, haddii kale nikaasi haweentaas macruuf kulama dhaqmin siduu rabi ku yiri ( Haweenka macruuf kula dhaqma) suuratul baqra, Arrinkaas waxaa kaloo qaba shiikh Ibnu tiimiyah oo ku sheegay kitaabkiisa Assiyaasa al- sharciyah in shaqada haweenta curfiga ama caadada loo celinaayo. culumada qaarkood waxay dhaheen haddii haweeneydu ay keensato adeegto waxaa ninka waajib  ku ah in uu quudiyo oo uusan guriga ka eryi karin.

Haddaba akhristoow ma ila garatay in caadada soomaalida & tan western-ku arrimahaas ku kala gedisan yihiin oon maanta haweenka soomaaliyeed la oran karin wey kibreen ee ay haboon tahay in la yiraahdo meel il laga la, yahay ayey yimaadeen oo isha iska rideen. Haddii aan si kale u iraahdo markii la joogay soomaaliya caadadeenii waxay aheyd in haweentu shaqada guriga qabato tii aanu ninkeedu u heli karin in uu adeegto u qabto tii loo heli karona loo kireeyo adeegto, se wadamada western-ka caadadoodu waa in haweenta la caawiyaa oo digsiyada lala dhaqaa , cuntadana lala kariyaa, ilmahana lala xanaaneeyaa, marka meesha aad joogto la qabso sida ay ku tusineyso maahmaahda soomaaliyeed ee oraneysa: ( Haddii meel laga il la, hayhay aad joogto ishaa la iska ridaa). !

Qaybtii 1aad... GUJI

Mahadsanidiin

saahid maxamed yusuf

Toronto,Canada
gacamay@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD