SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
3 Nin oo Lagu Dilay Bartamaha Magaalada Galkacyo

Cabdi Xasan Cali Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Axad Sept 14, 2003

Wararka naga soo gaaraya magaalada Galakcyo waxay sheegayaan in maanta saacaddu markay ahayd 12:00 duhurnimo ay niman hubaysan oo ka tirsan beesha reer Nimcaale (sacad)ay si gaadmo ah magaalada bartamaheeda ku dileen labo nin oo ah beesha Saleeman Cabdalle (Dir) islamarkaana xabadihii ay uwadeen ay haleeshay nin kale oo taagnaa agagaarka ragga lala beegsaday toogashada ninkaasoo aan ka tirsanayn labada beelood oo xurguftu ka dhaxaysay.

Sida lawada ogsoonyahay dagaal dad badani ku hoobteen ayaa udhaxeeyay beelaha reer nimcaale(sacad) iyo saleemaan cabdalle(Dir)kuna dhexmarayay dooxada golol laakin hadda waa markii uhoreysay oo dagaalka lasoo dhexgaliyo magaalada galkacyo labada beelood wada deggan yihiin.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in magaaladu kacaday oo laga cabsi qabey beesha laga dilay ragga inay iyana samayso aargoosi oo ay qalabqaateen. Masuuliyiin iyo odayaal ka tirsan degaanka ayaa aad ucambaareeyay falkaas fulaynimadu ku jirto oo dagaaladii miyiga soo dhex galiya magaalo camiran oo lawada degan yahay,waxayna ka codsadeen jufada reer nimcaale inay gacanku dhiiglayaasha soo qabtaan si sharciga loo horgeeyo isla markaana looga fogaado kala qax ku yimaada magaalada.

warkii udambeeyay waxay sheegayaan in nimankii wax dilay ay u carareen dhanka magaalada hobyo sarkaal ka tirsan ururka USC/SNA Caato ayaa noo sheegay in lagu raad joogo dhagarqabayaasha,kana codsadeen beesha gaadmada lagu waxyeeleeyay ee saleman cabdalle iyo qolada kamada(qasdi la,aanta) ninku uga dhintayba ay ka warsugaan oo xasilaanta ilaaliyaan inkasstoo magaalada dhiilo xuni ka jirto.

Dhacdo kale waxaa maalintii jimca ahayd lagu dilay tuulada beyra oo ka tirsan 20km waqooyi ka xigta magaalada galkacyo nin oday ah una dhashay beesha sacad isla markana waxaa lagu dhaawacay 2 qof oo kale waxaana gaystay baa la yiri dablay ka tirsan beesha cumar maxamuud. waxaad moodaa gobalka mudug inoo u qasanyahay sida xamar oo kale oo dilku macno ku fadhiyin.


Cabdi Xasan Cali Somalitalk.com/Muqdisho

abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD