SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab Warsame Geelle Warfaa

WQ. Miicaad M. |  marasheeg@hotmail.com

Cabdullaahi Yuusuf Axmad

Qoraalkan ma aha mid aan ka dhinacqaadanayo, qorahii maqaalkiisa taxanaha ahaa ee laga hortagay, asagoon dhamaystirin...

Soomaalidu dhaqan iyo caado ayey u leedahay inay aragtideeda ku dhisto xamaasad, xiisad, iyo xaasidnimo. Waxaanse hadda jeclahay inaan ka jawaabo dhowr qodob oo uu soo qaatay qoraha ku andacooday inuusan waligiis ka jawaabin arimaha ku saabsan fadhi-ku-dirirka, laakiinse ay hadda qaaday 'ina adeernimo iyo ficil' ileyn soomaalidaa tiraahda markay rabto inay qabiilka kaa dhaadhiciso, 'Doofaarkaba ficil la'aan baa lagu caddaabaa'

1. C/llaahi iyo Diinta: C/llaahi waligiis laga maqal diinbaan difaacaa, waligiisna waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin xukun jecel, marka aan adiga kugu soo celiyee maadaama soomaalidu tahay 100% muslim, yaa laga difaacin diinta? Mise su'aashu waa ma difaaco nimanka magacyada badan ee la yiraahdo Al-Itaxaad, waxaan xasuustaa 1990's mar nin ka mid ah raggaas oo ah ragga ugu waa weyn isla markaasna kasoo jeeda deggaanka PL uu noogu muxaadareeyey "naxnu firqatu-naajiyaha wa antum muhlikiin"...Waxaan nahay kuwa badbaaday, idinkuna waad halaaksanteen...!!!

Nimankaas sidaas kaa aaminsan ma difaaci lahayd mise waad, ka hortagi lahayd?

Shicaarkaas waxay isticmaali jireen waagey xooga iyo lacagta haysteen ayagoo qofkasta oo waxyar ka aragti duwan gaaleysiiya, sida gabdhaha khimaarka xiran oo ay u yaqaaneen "caariyiin", maanta waa naqaan heerka ay gaareen, ilaa kuwoodii ugu waaweynaa ay ku caddaatay inay u shaqeeyaan CIA.....

Caalamka Islaamka waxaa ka taliya dad mulxidiin ah, gaalo ah, shuuci ah, calmaaniyiin ah, amase marba calan qaata dhinacay hawadu u socoto markaas..C/llaahi waligiis dariiqo ayuu ahaa madhabkiisu waa Shaafici, waa sunni, iskamana badalin intaas...Soomaaliduse ma waysan ahayn kuwii u sabcinayey, markii Macangagii Maxamad Siyaad Barre laayey culimadda 1975 oo uu ku khudbeeyey 'Annigu nin baan ahay, Maxamadna waa nin (rasuulka SCW), Leninna waa nin, ninwalbana fahamkiis' ! C/llaahi wali heerkaas ma gaarin.

Waxaan kaloo ognahay ragga aad diinta ku sheegaysid in maanta kuwii maalgelin jiray shalay ee Sacuudiga ahaa ay geedkay galaanba ku laayaan, kama dhacdo America waxay sameeyaan nimankaas...

Waxaan xasuustaa 1991kii markii Gen.Caydiid qabsaday Kismaayo oo waddaadu ku dagaalameen Araare, ayay waxay la wareegeen(afduubeen) markab ku xirnaa dekadda markaas, Waddaadadii (Al-Itaxaad) waxay la hor-istaageen qori markabkaas waxaana loo diiday inay u ogolaadaan qof aan ayaga ahayn, Gabadh uur leh, oo caruur yaryar waddatay ayaa laga dajiyey markabka sababtoo ah way asturnayd laakiinse Jalbaab ma qabin, dhacdadaan waxaa ka carrooday wiil ay isku reer ahaayeen laakiinse waa laga tol badnaa, hadday ka suurtoobi karto kuwa sheegta inay xaqii fahmeen xaqdarada intaa le'eg maxaad ku eedeynaysaa dadka kale?

2. C/llaahi iyo Dalka, arintan waxaa kaaga filan inaad hilmaamtay, in adiga iyo C/llaahi aad kala aragti duwantihiin, oo sida ka muuqata aragtidaada waxqabad ay ku dhisantahay shuuciyadda fashilantay ayaad u taqaan waxqabad. C/llaahi waagii uu isu sharaxay inuu noqdo Madaxweynaha PL marna ma oran waxaan dhisin ceel, isbitaal, iyo iskuulo, waxa kaliya ee uu ku andacooday waxay ahayd inuu nabaddana sugayo iyo difaaci doonana PL, oo aysan dhicin in la qabsado hal magaalo oo ka mid ah PL, arimahaas ma u qabtay siduu u sheegay?.1998-2003...Hadaba ummadda markay hesho deggaan leh maamul iyo kala dambayn waxaa sahal u noqda inay wax qabsadaan, oo hadda waxaan hubnaa C/llaahi intaan loo magacaabin ka hor PL waxay lahayd afar isbitaal(4), saddex school sare(3), iyo magaalooyinka waaweyn oon lahayn biyaha tuubada....Maanta shan sanno kadib Puntland waxay leedahay 15 isbitaal iyo clinic, 14 iskuul sare, iyo magaalooyinka waaweyn oo leh biyo-gelin iyo qaar qorshahoodo socdo in la geliyo, sidoo kale waxay leedahay Jaamacad heer sare ah, waxaad kaloo ogtahay in Puntland ay tahay meesha kaliya ee laga dhoofiyo caruurta dhasha ayagoo wax ka khaldanyihiin, si qaliin loogu sameeyo dibbada Australia, qolyaha arimahaas sameeyana waa reer PL...Ma samayn kari lahaa qof ka fakaraya hoyadiis oo barakacsan, caruurtiisa oo maalinwalba madfac ku dhacayo iyo ayadoo meelwalba isbaaro taal?

Ayadoo dadka reer Puntland ay intaas qabteen ayaan haddana saluugsanahay waxqabadkooda, laakiinse taas macnaheedu ma aha, inaan waxwalba ka dhigno inaan waxba la qaban, ee waa inaan xaqiraada joojinaa!..Oo qofkaad xaqirto waxqabadkiisa asaguna ma wuusan xaq u lahayn inuusan ku dhagaysan?

3.C/llaahi iyo dadka Arintan waxaan jeclaan lahaa in uu C/llaahi laftiguusu ka jawaabo, runtiina maanta waxaa ceeb ah qofka wax garanayaa, da'daasna ku jiraa inuu ugu hanjabo mucaaradkiisa xabad iyo xarig!. C/llaahi waxaa la dhihi karaa xoogaa dhinaca ogolaanshaha fikirka xorta way ku adagtahay, oo waxaa haboonaan lahayd inuu dadka fasaxo fikirkooda iyo aragtidooda taas ayaana u keeni karta horumar shacabka soomaaliyeed dhamaantood iyo kan PL...Waxaan tuhmayaa dhaqanka C/llaahi ee arimahaas ku saabsan waxaa la qaba soomaali badan, laakiinse waxay ahayd inuu ka duwanaado dadkaas aragtida xun aaminsan!

4. C/llaahi iyo muslimiinta kale; Madaxda muslimiinta ee adduunka maanta waxaa Allaah ku diray dadkoodii diinta yaqaaney, taasna waxaa la dhihi karaa C/llaahi waa dadka ugu yar ee si toos ula dagaalama dadka ehlu diinka ah, Culimaddiina waa joogaan waddanka sida Sh. C/qaadir Gacameey iyo Sh.Daahir, waxa kaliya ee uu la dagaalamo waa qofkii kursigiisa ugu yimaada...Ma filayo inay jiraan dad loo dhiibay FBI, iyo hay'addo kale toona, waxwalba oo internetka lagu soo qorana ma aha run, tusaale, waxaa netka lagu soo qoray in laba gabdhood Boosaaso isku guursadeen, waxaana soo qoray waraaqaha Xamar kasoo baxa oo maalinwalba dacaayad ka faafiya Puntland iyo dadkeeda.

Runtiina C/waaxid haddaad aqoon lahayd ma difaacdeen, C/llaahina maadan aflagaadeyseen... dhowr iyo afartan jir aan guursan, ka dhashay reerku sheegto, ehlu diin ah siduu sheegto, aan shaqayn, jeclayn inuu shaqeeyo, waxa kaliya ee aad ka waraysataa waa dadka ay isku manhajka yihiin ee la deggan London, ma akhriyo maqaaladiisa sababtoo ah qof aad garanaysid siduu u dhibanyahay waxa kaliya ee aad u samayn kartaa waa Allaah barri,iyo in Allaah caafimaad siiyo ileyn asagaa awoodee...

Ugu dambayntii C/llaahi wuu khaldami karaa sida qofkasta oo banii-aadam ah, asaguna waa inuu ogolaadaa in la saxi karo, dadka mucaaradka ahna waa inaysan ku dayan qofkasta oo u dhashay akhlaaq xumo iyo xumaan, ee ay isku dayaan inay qabtaan waxay qaban karaan....Kuwa mu'ayidka ahna oo aan anigu ka tirsanahay inaysan ku xadgudbin dadka fikradooda sida xorta ah u dhiibanaya, jecelna inay wax hagaajiyaan...

WQ. Miicaad M. |  marasheeg@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 QORAALADII HORE EE MIICAAD M

Qoraalkii Warsame Geelle Warfaa

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD