SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
SALFUDEYDKA C/WAXID, QORAALKA XAGAR-YARE IYO XAALKA TAAGAN!

A.Dirir | burashadley@hotmail.com

Maalmo dhoweyd waxaa Somalitalk lagu soo daabacay warbixin saxaafadeed ee uu soo diyaariyey wariyaha la yiraahdo Xagar-yare kuna saabsaneyd taariikh nololeedkii Kol. C/llahi Yusuf ilaa laga soo gaaro
1978 oo aheyd wakhtigii inqilaabkii fashilmay uu dalka ka dhacay.

Baaritaanka Xagar-yare ee uu soo qoray ayaa waxay ka koobneyd saddex qaybood oo ay wali dhiman
tahay qaybtii 3aad uguna xiisaha badneyd.

Marka intii uusan soo dhameystirin Xagar-yare qormadiisii sida weyn loo wada sugayey ayaa ninka la
yiraahdo C/waaxid wuxuu durbadiiba la soo booday ma-qaala oo aan wakhtigeedii aan la joogin.
Marka C/waaxid oo isku daya in uu gabayo bal aliftu , laguna bartay in uu gabaad ka dhigto diinta soo
ma oga mise danba kama laha arrimaha hoos ku qoran:-

1. In Somalidu ay tiraahdo,"Nin war sugi waayey, waran ma sugo ", oo ujeedadunu tahay in warka la kala
helo iyadoo aanan anshaxa iyo degenaanshahaba laga tegin .

2. In dadka muslimiinta ah marar badan looga digay in ayan deg degin degenaanshahana lumin, taas oo
aad wax badan ku arkeyso "Quraanka Kariimka ah" in ay ku qoran tahay , *Wallaa Tastacjiluu..* maxaa
yeelay - *Inal Isticjaala Lil Shayaadhiin...*.
Intaas oo dhan wuxuuba kaga daray isagoo iska soo qoran jiray qoraallo aad marka hore isleedahay waa
*Diini* balse markaad u guda gasho aad ku arkeysid waxyaabo badan oo ka fog diinta iyo Somalinmadaba.
Waxyaabahaasna waxayba ku cad yihiin websiteska Carte ka dib la aasaasay watana sumadda Puntland.
Qoraaladiisana waxaa ka mid ahaa :-

1. Isagoo ku sheegay in Wasiir ka mid ahaa mamulka PL kana soo jeeda Nugaal uu yahay... oo anigu
hadda ku dhici waayay in aan afka soo mariyo. Wakhtigaasna waxaan u diray C/waaxid E-Mail aan
ku leeyahay ,"Dufku baxe wax iskula har" ee miyaadan maqal ninkii Ciise ee maqlidda warkaas darteed
nafta iskaga gooyey!.

C/waaxid oo figtii horeba heer gaaray ayaa waxaa caadi u aheyd in uu reer Sool uu ku handado Somaliland
marka meeday Somalinimadiisii iyo diintiisiiba mar hadaanu wada garan karno iyo labaduba ay taageersan yihiin midnimada!.

Gabogabadiina, C/waaxid waxaa cad in uu fudeydku uu daanooyin fara badan uu soo gaarsiiyey kana mid aheyd bayaankii beesha Omar Mohamud ee been abuurka ahaa ee uu ku farsameeyey London oo ayba u dhowaatay in faraha la saaro iyo jawaabtiisii Xagar-yare ee telegraamka fariintii ku qorneyd ku sheegay wax aanan jirin iyadoo dadkii ka qeyb galay inqilaabkaas ay qaarkood nool yihiin ee dadow C/waxiid oo maanta qoraaladiisa sawirkiisii ku soo lifaaqay loma miyirin karee ha la ogaado in "Waano ay abuuris ka horeeysay".

A.Dirir | burashadley@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2003 | 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD