OGEYSIIS: JAGO BANAAN
12.09.03
JAGADA MADAXWEYNANIMO OO KA BANAAN SOMALIA
ku: Dhamaan warbaahinta xorta ah.
Ku. Dhamaan ummada Somaliyeed.
Waxaa lala socodsiinaayaa dhamaan ummadda somaaliyeed in ay Somaliya ka
banaan tahay jago amase shaqado muhiim ah taas oo ah QOF MADAXWEYNE U NOQDA
SOMALIYA.
SHAHAADOOYINKA
Qabyaalada iyo kala qaybinta
Guulihii Kacaankii 21 oktoobar.
Dagaal Ooganimo
Aqoon dheeraad ah Xasuuqa,abaabulka ciidan beeleedka
iyo kicinta qabaailka uu ka soo jeedo,musuqmaasuqa iyolunsiga xoolaha dadka ka
dhexeeya.
SHAQADA UU QAABANAYO.
Waa in uu soo dhisaa dowlad balaadhan ,waana in ay iska
dhex arkaan qabaailk oo dhami,waan in dowladaasi ay raali gelisaa dowladaha
deriska iyo kuwa fogfogba,waa in dowlada uu soo dhisaa haba yaraatee aanay
raali gelin dadka Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.
Dowlada uu soo dhisaaa waa in haba yaraatee aanay waxba
u qaban ummaadda Somaliyeed,waana in aanay dhaafin mid ka mid ah Xaafadaha
Muqdisho.
SHURUUDAHA
Waa in dadiisu aanay ka yaraan 55
ilaa uu ka dhinto.
Waa in uu Qabyaalada si fiican ugu
dhaqmi yaqaanaa, si dhaqso ahna isugu diri karaa qabaailka
Somaliyeed,dagaalna ka dhex ridi karaa saacado gudahood amase
markasta oo loo baahdo.
Waa in uu ka soo shaqeeyey
Kacaankii 21kii Oktoobar,xilal kala duwana ka soo qabtay.
Waa in 12kii sano ee ugu dambeeyey
uu ahaa Dagaal Ooge,kana qayb galay dagaalo sokeeye oo badan kana
soo hooyeyey ,guulo wax ku ool ah.
Waa in uu haystaa ugu yaraan 2000
oo ciidamo beeleed ah,qalabkooda dagaalna u dhan yahay.
Waa in uu haystaa ugu yaraan 40
gaadhi oo kuwa Tekniko-da loo yaqaano ah.
Waa in uu xukumaa mid ka mid
xaafadaha Muqdisho,haddii laysku dayo in laga qabsadana waa in uu
difiici karaa.
Waa in uu leeyahay saaxibo xun xun
sida Qadaafi oo kale.
Waa in shir dibada lagu qabtay
laga soo magacaabay,lana yimaadaa Dastuur iyo Baarlamaan shirkaa
dibada laga soo wada magacaabay.
Waa in wixii mucaawino ah ee la
siiyo dowladiisa uu sida u dhaqsaha badan u jeebka ugu shuban karaa.
Waa in ay col yihiin dhamaan
dagaal oogayaasha kale oo dhan ,laakiin ay heshiis ku yihiin in
Somaliland in aanay gooni u goin.
Cidii isu aragta in ay shuraadahaa buuxin
karto shaqadaana ka soo bixi karta waa in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo
hagaajisaa codsigeeda shirk gudoonka shirka Narobi ee Kenya amase Abdi
M.Saleiman aniga ayaa u sii gudbin doonee .
F.G. Ogeysiiskan hore ayaa qaarkiis loo
daabacay wuxuu ku qornaa afka English,haddaba cabashooyin badan oo naga soo
gaadhay dad doonaya in tartanka ka qayb galaan ayaanu hadda mar kale idiinku
soo daabacnay afkiina hooyo.
Araajidu waxay ku egyihiin 30.10.03
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2003 |
QORAALADII
HORE EE CABDI M. SULEYMAAN...
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
»
Hab-Qoraalka
Miro-Dhalka ah
[C/Shakur]
|