SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 WAX RAG KULA LEEYAHAY LA ISMA KELI SIIYO!!

Jawaabtii:  CAGTII JOOGSAN WEYDAA MAR BEY CEEB LA KULANTAA

Warsame Geelle Warfaa: afmaal@hotmail.com

Reer Mudug wuxuu ku maahmaahaa “Dhurwaa dhurwaa ka gardaran markaad arko dhagta maka qaniintaa baa igu soo dhacda”. Waxaan ka mid ahay dadka aadka u akhrista waxyaalaha Soomaalida fadhi ku dirika ahi shabakadda intarneedka kusoo qorto, waxaase yar inta aan wax ku soo qoro anigu. Waxaa maanta igu kallifay inaan u qalabqaato qoraal aanan caado u laheyn waxaa weeye markaan akhriyey qoraal halku dhiggiisu ahaa “ Cagtii joogsan weydaa marbay ceeb lakulantaa” oo loogu jawaabayey nin aad wax ugusoo qora shabakadahaan soomaalidu leedahay magaciisana la yiraahdo C/waaxid Khaliif. Qoraalkaas iga careysiiyey waxaa qoray Faarax Warsame. Waxaan jeclahay inaan wax ka iraahdo qoraalkaas anigoo mar u caqlicelinaya Faarax, marna garabsiinaya C/waaxid.

Waa marka koowaade, marka wax laga qorayo waddan, hogaamiye waddan iwm waxaa habboon in la ogaado in aan cidna laga xigin, cidina isxijin, qofkastaana xaq u leeyahay in uu bidhaamiyo wanaag iyo xumaan wixii jira, maadaama falkasta oo hoggaamiyahaasi sameeyo uu saameyn ku yeelanayo dadka waddankaas ama gobolkaas ku nool.

Qoraalkaas Faarax waxaa ku jiray meelkadhac aad u fara badan, handadaad iyo cagajugleyn sida laga fahmi karo cinwaanka uu u bixiyey “Cagtii joogsan weydaa marbay ceeb la kulantaa” waana tan igu dhalisay inaan jawaabtaan soo laliyo.

Faaraxow walaal wax rag kula leeyahay la isma kalisiiyo waayo ninkii durbaan tumay isagaa dadka u yeertay – waxaa taa la mid ah ninkii yiri aniga ha la idoorto ama xoogba ku qabsaday aayaha ummad meel degan. Qof kastoo Soomaali ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ka hadlo waxna ka sheego C/laahi Yuusuf (xumaan iyo samaan wixii ay ula muuqato aqoontiisa), waayo ninkii inanta aad dhashay kaa soo doona xaqbaad u leedahay inaad xogtiisa heshid kadibna jawaab ku habboon siisid, maxay kula tahay ninkii waddankaaga hoggaankiisa kaa soo doona ama xoog kaaga marooqsada??

Anigoo wax ka oran doona ninkaan la isku maandhaafay ee C/laahi ah, maadaama aan Soomaali ahay reer Puntlandna ahay xaqna u leeyahay inaan ujawaabo ninka qarankayga usoo gogolfariistay, ayaan haddana waxaan dulmar yar ka bixinayaa qormadaas Faarax ee uu ku tilmaamay unti – virus.

a. Waxaa ka muuqata durid uu durayo iyo naceyb uu u qabo culimada: Ufiirso hadalkaan Faarax ee aan ka soo guuriyey qoraalkiisii:“waxaanse la yaabanahy dadkan isa soo taraya ma jaamacad bey kaga soo baxeen ceyda iyo aflagaadada C/laahi Yuusuf? jawaabtu waa HAA, oo waxaan kuu ogahay kooxo isu habarwacda oo yiraahda maanta muxaadaro ayaa la qabanayaa markii ay dhowr aayadood iyo xadiisyo sheegaan oo dadku dhagaha taagaan in ay wax wanaagsan soo wadaan ku xijiya C/laahi yuusuf ma taqaaniin????? sidii ay haddii aysan magiciisa sheegin naarta gelayaan. Wuxuu leeyahay culimadu cey iyo afxumo ayey jaamacad uga soo baxday… waayaabe waa xaggee jaamacadda ceyda iyo aflagaadada C/laahi lagu dhigaa?

b. Waxaa ka muuqata handadaad iyo cagajugleyn: waa kan qoraalkii Faarax: “CAGTII JOOGSAN WEYDAA MAR BEY CEEB LA KULANTAA. Waa qoraal jawaab u ah qoraal hore oo uu qoray C/waaxid

Farah Warsame bile1971@hotmail.com. waxaa beryahaan soo baxay virus la dagaalamaya cid walba oo damacda in ay soo bandhigto arimo xiiso leh”.

c. Waxaa ka muuqata marinhabaabin iyo masabidasho: Wuxuu ku durayaa C/waaxid soo qaadashada uu axaadiista Nabigeena naxariis iyo nabdgelyo korkiisa ha ahaatee uu soo qaato marka uu ka hadlayo qoraaladiisa, isla markaas wuxuu akhristaha uga dhigayaa in meel qaldan C/waaxid u isticmaalo axaadiista iyo aayadaha quraanka. Waxaase habbooneyd inuu cadeynteeda raaciyo si aan eedeyntaasi u noqon been-abuur iyo marinhabaabin.

Waxaa lasoo gaaray markaan anniga qudheydu C/laahi wax ka dhihi lahaa: ee waxaan ka codsanayaa ragga aaminsan in C/laahi wanaaggiisa la qariyey ee xumaantiisa uun lasheego in ay iyagu wanaaggiisa noo soo qoraan, si dooddu u caddaato tuhunkuna u yaraado.

. C/laahi iyo diinta: Qofka muslimka ah wuxuu daafoco waxaa ugu mudan iimaankiisa (diintiisa). Anigu ma garanayo meel C/laahi diin ku difaacay, ama dadka diinta jecel ku difaacay, haddii taasi jirto oon ka ilduufay waxaan ka codsanayaa walaalaha C/laahi caashaqsan iney noo soo sheegaan goobta iyo waqtiga.

. C/laahi iyo dalka: Marka laga soo gudbo dhaawaca xagga millatari ee C/laahi dalka u geystay 25kii sano ee ugu danbeysay, anigu ma garanayo ceel, iskuul, isbitaal ama xataa meel dumarka uurka lihi ku dhalaan ama lagu xannaaneeyo oo C/laahi dhisay intii uu maamulka Puntland haystay, haddii taas Puntland looga waayey ma filayo in Soomaliweyna ka helayso, ee bal haddii ay jiraan wax aan hilmaamay noosoo sheega si odayga aan waxqabadkiisa u xusno!.

. C/laahi iyo dadka: Meel dheerba innagoon isla aadin immisuu Puntland ka dilay? Waxaaba la dhihi karaaba 99% dadka C/laahi amarkiisa iyo taladiisa ku dhintay waa ilma adeeradiis iyo reer tolkiis, ee maxaad taasna ka tiraahdeen?

. C/laahi iyo muslimiinta kale: Waxaa maanta oo aan qaraalkaan qorayo Boosaaso ku xiran dhowr nin oo Carab ah (qaar waxaa la tagay sida aan ka akhriyey Internetka ciidamada FBIda Mareykanka). Waxaan ognahay in diinteennu inoo sheegeyso in muslimiintu walaalo yihiin (Suuradda Laatuqadim ama Xujuraat), maxaa haddaba C/laahi iyo maamulka Puntland ee uu madaxda ka yahay innaba ugu diirnixi la’yihiin dadka muslimiinta ah ee martida inoo ah? Waxaa laga yaabaa in qaarkeen yiraahdo maxay hoosta noogala soo galeen argagixisnimadooda oo waddankoodii ujoogi waayeen? Annagoo inteena caqliga leh ama wax fahmi kartaa ognahay waxa looga jeedo argagixisada maanta Mareykanku baafinayo, haddana haddii ayba yihiin raggaas la baafinayo maxaan u dhihi weynay war idinma nabadgelin karno oo annagaa nafteenna u baqeyna ee nooga baxa waddankeenna diyaaradna loogu hubsan waayey inta gacanta cadowga lagu hubsanayo?

Iskusoo xooriyoo dulqaad la’aan iyo durbaan tumasho hala kala daayo. Diinlaawe, damiirlaawe, dadlaaye u doodkiisana ha la iska daayo. C/waaxidna weerarka ha laga yareeyo haddii kale rag ka daran baa idinku soo bixi doona.

Wabillaahi Tawfiiq

Warsame Geelle Warfaa: afmaal@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2003 | 

CAGTII JOOGSAN WEYDAA MAR BEY CEEB LA KULANTAA

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD