Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah
W. Q. Cabdishakur Ibrahim
Cabdishakur@yahoo.com
Waxaan dhowrkii sano ee ugu dambeeyey
daalacanayey una kuurgalayey qoraallo iyo maqaallo ay soo saaraan rag iyo dumar
badan oo qaarkood yihiin qoraayaal rasmi, qaarna is mooday in ay qoraa noqon
karaan, iyagoo oo aan aqoontii, xirfaddii, iyo khibraddii habqoraalka toona
lahayn. Waxaa qoraaldaas qaar badan oo ka mid ah laga dareemayaa aqoon yari,
laab la kac, janjeerid (bais) ama cadaalad darro iyo soo jiidasho iyo saameyn
yari ama la’aan dhinaca akhristaha ah.
Haddaba waxaan qormadan kooban doonayaa inaan
ku soo bandhigo talooyin iyo xirfado qoraaga ka kaalmeyn kara inuu qoraalkiisu
noqdo mid mira dhala, saameyna ku yeesha akhristayaashiisa, qoraalkaasi ha
noqdo mid uu qoraagu curiyey, mid uu ka waramayo, mid uu ku falanqaynaya kuna
qiimeynaya ama mid uu kaga jawaabayo qoraal kale.
Waxaa habboon in qoraaga soomaaliyeed
tixigeliyo aarimaha soo socda:
1. Doorasha Cinwaanka ama u-magaca-bixinta-qoraalka.
Cinwaanku waa qaybta ugu mihiimsan ee qoraalka,
sidaas awgeed waxaa muhiim ah, in uu qoraagu aad uga baaraan dego magac-bixinta
qoraalkiisa. Waxaa muhiim ah inuu cinwaanku matalayo ubucda iyo dulucda
ujeedada qoraalkaaga. Sidoo kale ma aha inuu cinwaanku muujiyo ray’iga kama
dambeysta ah ee qoraalkaaga, taasi waxay keeni kartaa inaanba qoraalkaaga la
akhrisan, maadaama aya natiijada qoraalkaagu cinwaanka ka muuqato, tusaale
ahaan haddii aad wax ka qoraysasid mowduuc QAADKA ku saabsan, isla markaana aad
rabto inaad muujiso inuu qaadku xun yahay ama dhib leeyahay, maxaad u bixin
lahayd qoraalkaaga?, a) Dhibaatada qaadka b) Xaqiiiqada Qaadka
c)Sunta cagaaran. c ) Muskiladaha Bulshadeena Soomaaliyeed Haysata.
Jawaabtu waa (b), sabab too ah, haddii aad ku magacawdo dhibtaada qaadka
ama suntan cagaaran, waxaad cadeysay inaad qaadka u aragto in yahay dhib ama
sun, marka ninka cuna uma badna inuu eegoba, sidoo kale kuma magacaabi kartid
sida ka muuqata qodobka (c) sababtoo kama turjumaya xaqiiqda qoraalkaaga,
oo ah qaadka oo kaliya, maadaam mushkiladaha bulshada soomaaliyeed ay badan
yihiin.
Waxaa kale oo muhiim inuuna qoraagu isku dayin
inuu bixiyo magac cajiib oo ay ka muuqato ka badbadin (exaggeration) ah oo aan
xaalada rasmiga ah ee qoraalkiisa ka turjumeen isaga oo is leh akhristaha soo
jiido. Waxaa dhici karta inaan qoraalkaaga la akhristo, laakiin aan adiga iyo
aragtidaadab loo bogin, dibna loo akhrisan qoraalkaaga.
2. Ereyada iyo erey bixinta qoraaga
Waa muhiim inuu qoraagu ka fiirsadao erayada
uu qoraya. Fadlan tigeli qodobadan
Waa in
qoraagu wax u qoro hab aqoon yahan (academic)
Waa in
uu qoraagu ka fogaada isticmaalka ereyada ama hadalada suuqa
Waa in
uu qoraagu iska ilaaliyo isticmaalka ereyada maxaliga ah ama degaanka/gobolka/qabiilka
gaarka lagu yaqaano. (waa hadii uu qoraalku ku wajahan yahay bulshada
guud)
Waa in
qoraagu ka taxadaraa soo celcelinta kalmadaha iyo jumladaha isku midka
ah
Qoraagu
si uu ilaaliniya tayada qoraalkiisa, waa inuu ilaaliya luqadda iyo
xeerarkeeda, kana dhawrsadaa isticmaalka erayada luqadaha kale, wixii
ay baahi keento, sida cadeynta arrimaha qaarkood iyo wixii loo waayo
kalmad ama jumlad af-soomaali ah.
Sidoo
kale waa muhiim in qoraagu dadku u sahlo in la fahmo ujeedadiis, kana
dhawrsado isticmaalka kalmadaha iyo maahmayada adadag ee marin
habaabinta ku keeni kara qoraalka.
3. Fahan waaqaca dadka aad la hadlaysid
Waxaa qoraaga looga baahan yahay inuu fahmo
dhaqanka, diinta, xaaldaha siyaasadeed iyo kuwo bulsho ee ay ku sugan yihiin
dadka uu la hadlayo. Waxaad marar badan arkaysaa qoraallo la soo guuriyey, gaar
ahaan kuwa ay qoraan dadka dibadaha ku nool, qoraaladaas oo aan la nooleyn
xaqiiqada bulshadeena, isla markaana aan u aabo yeelayn dareenka iyo waaqaca ay
bulshada soomaaliyeed ku sugan yihiin.
Qoraagu waa inuu fahmo inuu yahay dhakhtar,
qoraalkiisuna waa inuu noqdaa dawo.
Waxaa iyana lagam maarmaan ah in qoraagu uu
door bido inuu wax ku qoro af-soomaali, kana dhawrsado isticmaalka luqadaha
kale sida Ingiriiska, Talyaaniga, Carabiga iwm. (waa haddii uu qoraalkaasi ku
wajahan yahay bulshada guud). Sababtoo ah, dadkii luqada ajnabiga ah ma wada
fahmayaan, xitaa aqoonyhayanada wax bartya kan Ingiriiska yaqaan, Carabi ma
yaqaano, kana Carabiga yaqaanana Talyaaniga ma yaqaano. Tan kale, nooleynta
luqadu waxay ka mid tahay houmarka bulshada.
4. Habka Bandhiga qoraalka
Qoraalka u soo bandhig hab seddex-gees ah
(triangle) sida xabada saambuus ah oo taagan oo kale, waa in dulucda, ubucda
iyo natiijadu qoraalku hoos jirtaa, oo sii ballaarataa siina weynaata,
akhristahana ku xambaartaa inuu raadiyo gabgabada maqaalka si uu u dhameysto
akhrinta qoraalka. Haddii aan dib ugu noqono tusaalihii qaadka. Qoraalka haadii
aad ku bilowdo xumaanta qaadka, waxba kuuma dhina, waanad sheegtay natiijada
qoraalkaaga. Waa inaad marka hore xustaa taariikhdiisa, meelaha uu ka baxo
ama lagu cuno, qiimahiisa, dhibaatooyinkiisa dhaqaale, caafimaad, siyaasi, diin,
qoys iyo sida u bulshada u saameeyey, tusaalayaal rasmi ah, iyo natiijada ka
dhalatay cuniddiisa oo waxa ugu dambeeyey
Hordhac,
Araar,
Bilow,
Duluc,
Natiijo,
Gabagabo |
Waa muhiim inuu qoraalku leeyahay Hordhac,
Araar, Bilow, Duluc, Natiijo, Gabagabo. Sidoo kale waa inuu qoraalka rasmiga
lahaado lifaaqyo iyo tixraacba. Waxaa iyana muhiim inaad qoraalkaaga ku
taageertaa xaqaa'iq raadraac rasmi leh (references). Tusaale ahaan haddii aad
tiraahdo 90% ragga soomaliyeed qaadka ayey cunaan, waa inaad caddeysaa halka
aad ka keentay lumbarkaas, ma tirokoob (statistics) la sameeyey baa? yaase
sameeyey ?, heerkee ayeyse gaarsiisan tahay tayada cidda tirakoobka sameysay?.
Waxaanad ogaataa in tirokoob kasta looga baahan yahay inuu mid si rasmi ah wax
u matalaya (representative) isla markaana si gaar ah aan loo xulan (random).
Haddi kale waa inaad caddeysaa inaad adigu sidaas u maleynaysid, xaqiiqduse ka
duwanaan karto sida ay qortay.
Ugu dambeystii ka fogow cayda, aflagaadada,
duridda iyo xaqiridda dadka.
5. Kala fahan curinta, waramidda,
falanqaynta iyo radinta ama ka jawaabidda qoraal kale.
Qoraaladu waxay isugu jiraan kuwa oo qofku
allifay, kuwa uu ka waramayo, kuwo horey u jiray ama cusub oo uu qoraagu
falanaqaynayo ama qiimaynaya iyo kuwo raddin ama jawaab celin ah. Mid kastaana
asluub gooni ah ayuu leeyhay.
Waxaanse jeclahay inaan xuso dhowr qodob oo
aasaasi ah waxaana ka mid ah:
Qoraalada wararka ah waa inaad ka ilaalisaa aragtidaada, shucuurtaada
iyo dareenkaagaba, waa inaad warka keliya soo gudbisaa adiga oo aan
waxna ku darin waxna ka dhimin.
Kan
curinta ama aad alliftay waxaad si rasmi ah ugu muujinaysaa dareenkaaga,
shucuurtaad, aragtidaada iyo wixii macluumaad kale ah ee aad haysid.
Falanqaynta iyo qiimeynta waxaad ku daraysaa wixii war ama macluumaad
ah ee ku ayidaysid ama ku diidan tahay arrinta ama xaaldda aad ka
hadlaysid, dareenkaaga shakhsi na boos kuma laha.
Kan
radinta ama jawaab celinta (badanaa dadku halkan aad bay ugu xadgudbaan)
waa inaad kala saartaa qofka iyo aragtidiisa, ha ku xadgudbin qofka
shakhsiyaddiisa iyo sharaftiisa toona, muuji waxa uu qofku ku khaladan
yahay, iyo waxa aad kaga saxan tahay adigu, hana iloobin habka bandhiga
qoraalka ku xusan 4aad.
6. Qoraalkaaga ka ilaali inuu noqdo mid
dhan u janjeera
Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee hab qoraalka
soomaalida haysta waa caddaalad xumo, waxaad markiiba garan karataa in qoraagu
yahay qabiil hebel, ama degaan hebel ka yimid, sidoo kale inuu koox hebel
raacsan yahay. taasina waa ceeb iyo nusqaan qoraaga asiibtay. Qoraaga rasmiga
ah ma aha in la garto qabiilkiisa iyo gobolka uu ka yimid toona. (marka laga
reebo afhayeen qabiil ama gobol). Ugu dambeystii oggolow in aad khaldami karto,
lagu sixi karo, laguna khilaafi karo.
Wixii su’aal, sixid, ama soo jeedin ah ku soo
hagaaji Cabdishakur@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2003 |
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|