SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Waxaan ogaaney inaan shucuub dhan la tirtiri karin ummaduhuna kala awood roonayn

Amiir Danashanmid
musanaf@hotmail.com

Waxaa alle qadarey inaan joogey magaalada Nairobi subax jamce ah oo taariikh-du ahayd 7 bisha Augost sanadkii 1998-kii oo anigoo isu diyaarinaya inaan u boxo salaadda jamce uu yeerey diryaan wayn oo gurigii aan ku jirey daaqaduhu isla garaaceen wax yar kadibna magaaladii oo qaxa ay xaggaa noo dhaaftey waxaa markaa jirey khilaaf ku salaysan dhul masjisku leeyahay oo u dhexeeya qolyo suuqleey ah oo gaala ah iyo masaajidka wayn ee jamiica mosque oo ku yaal bartamaha Nairobi sidaa darteed markii ugu horeysey waxaa maskaxdayda kusoo dhacay in masjidkii la qarxiyey isla markiiba warkii waa iskasoo baxay.

Arrintaani waxay reer kenya ku noqotey argagax wayn iyo wax lama filaan ah oo marnaba ay qaadan waayeen dadku maalmo badan ayey sas ka qabeen dhismayaasha dhaadheer inay u dhawaadaan khasaaruhu aad ayuu u badnaa ilaa ururka caafimaadka indhaha oo loo yaqaan Blind Control Program ay diiwaan galiyeen dadka indhaha dhaawacyadu ka gaareen kaliya ilaa shan kun uu ruux, anigu markaan tagey eeryadaas down town-ka Nairobi waxaan ogaadey in magaalo dhan oo wayn halmara dukundaakun laga dhigo inaysan maanta wax wayn ahayn ee ay taasi aadanaha u fududahay.

Waxaa kaloo alle qadarey inaan joogey wadanka maraykanka subax talaada ah oo bisha September ahayn kowyo toban sanadkii labada kun iyo kowda subaxaas anigoo qol hurda ayaa waxaa qayliyey nin hor fadhiyey TV barsada yaalla wuxuu leeyahay diyaaradbaa guri hardiday waan soo baxay meeshii anagoo fadhina ayaan waxaa aragney diyaarad kaloo burjigii kale hardiday maalintaa ilaa hal usbuuc iskuul iyo shaqo midna maanaan aadin cabsi badan oo jirtey iyo dareenka dadka oo kacsan darteed.

Run ahaantii dhacdooyinkaani aad ayey u dhib badnaayeen ninkiise lasocda aduunkaan waxa ka jira wuxuu soo xasuusanayaa halku-dhagga soomaaliga oo oranaya Haddaad aragto nin calooshu kasoo laalaaddo ha u garaabin ilaa aad kii kalana aragto.

Inkastoo aanan garanayn cid aan hubo oo aan falalkaas dusha u saari karo oo aanan hayn daliil cad oo aan u cuskado sidoo kale aanan aaminsanayn in dad aan waxba galabsan la iska layn karo haddana waxaan ogahay in hore loo tirtirey ummado aan waxba galabsan maalin walba maahee saacad walba lagu sameeyo waxyaabo ka daran falalkaas cid u garaabtaana jirin.

Waxaan ogahay in reer galbeedka oo uu horkacayo colka ugu wayni isagoo hore ku sita isku talaabta saliibka uu ku duuley dunida muslimka ah laguna tashaday ummado dhan in la liqo jiritaankooda.

Dunida oo dhan falalkaani markey dhaceen waxay muujisay dareen raxmadeed oo ku aaddan ummadaha ay ku dhaceen laakiin taasi maanta isla markiiba waa tirtirantey tallaabooyinka foosha xun oo ay ku kaceen dartood aniguse waxaan leeyahay aduun waynuhu hadda ayuu arkey laakiin waxaani waa soo jireen ilaa muddo hore.

Muslimiintu markastaba waa dulman yihiin markii horena ayadoon wax cad lagu hayn ayaa lagu eedeeyey baaritaanka eedayntaaba ka horeysey markii dhexena dushaa loo saarey markii dambana waa lagaga aargoostey oo lagu tirtiray waase siday tahaye ninka dambiga kusoo oogaya iyo kan ku xukumaya iyo kan ku fulinaya ayaa isku mid noqdey.

dhacdooyinkaan iyo arrimihii ka dhashay waxay galaafteen ummado badan oo muslimiin ah iyo dhaqaalohooda waxaa albaabada loo xiray hay'ado badan oo khayri ahaa oo quudin jiray kumanaan masaakiin iyo agoomo ah ama maal galin jirey kumanaan mashruuc oo islaami ah sida masaajida iyo madaarista waxaa aduunkoo dhan la hirgaliyey qaanuuno badan oo si midab kala sooc ah loogu dhibo ummada muslimiinta ah sidaa darteed shaki kuma jiro inay dhib wayn gaysteen waxaadse moodaa muuqaalka guud inuu leeyahay ma awalbaan labo ku lulan jiray amase nin qoyani biyo iskama dhowro.

Sikasta hanoqotee waxaa jira faa'iidooyin badan oo ka dhashay dhacdooyinkaan koley shar kastaa khayrkiisana waa leeyahay waxaa kamida faa'iidooyinkaan in magaca islaamku noqdey halku dhagga wararka maanta (headlines-ka) taasi waxay wadada u furtey in darfaha aduunka dadku ay baaraan islaamku waxa uu yahay taasoo sahashay in maanta aadanuhu si aan hore loo arag ugu soo qulqulayo islaamka ilaa maanta la sheegayo magaalooyin dhan oo isu rogeya islaam ilaa la waayey kutubta ku turjuman luqadaha kale ee qur'aanka ah.

Waxaa kaloo kamida shucuubta aduunkoo dhan waxaa ku dhalatey inay si taxadar ah u fiiriyaan wararka ku saabsan khilaafaadka bariga dhexe iyo ceeraaq taasoo keentey in ummado badan ogaadeen xaqiiqada waxa meesha kasocda iyo xumaanta la maleegayo oo ay maanta la xanuunsanayaan dhibanayaasha ilaa aan aragno banaanbaxyo caalami ah oo kasoo horjeeda gardarada iyo caddaalad darada aduunka ka jirta.

Waxaa kaloo kamida uguna muhiimsan in ay dhibaatooyinkaan indhaha u fureen in badan oo ahaa muslimiinta aan indhuhu u kala furreyn ee muqlaysnaa oo ay fahmeen sikastoo ay kaba-qaad gaalada ugu noqdaan inaan marna lagu jeclaanayn ama ay fahmeen mabaadiida waawayn ee aragtida reer galbeedku ku dhisan tahay taasoo ah mid gumeyste-nimo midab kala sooc muslim nacayb iyo isla wayni ku dhisan ilaa ay gaartey in maanta cilmaaniyiintii ay aad uga damqanayaan waxa dadkooda lagu hayo.

Inaan ogaaney inaan shucuub dhan la tirtiri karin ummaduhuna kala awood roonayn sidaa daraadeen tani ay tahay dubbihii ugu horeeyey ee ku dhacay quwadaha sharka ayna imaan doonto maalin laga xoroobo dhamaan quwadaha sharka iyo xulafadooda iyo kaba-qaadyadooda oo inta caddaalada iyo insaaninimada jecel ay guulaysan doonto taasoo ah mid muslimiintuna sugayaan ummada badan oo dunida daafaheeda ku noolla sugayaan.


By Amiir Danashanmid
musanaf@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2003 | 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 QORAALADII HORFE EE MUSANAF


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD