Wasiirkii Arimaha Dibada Sweden oo Geeriyootay
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
Wasiirka
Arimaha dibada dalkan Sweden haweeneydii ugu aheyd Anna Lindh ayaa saakay
aroornimadii waxaa ay ku geeriyootay cisbitaalka Karolinsk Hospital ee
magaalada Stockholm ee xarunta dalkan Sweden kadib markii ay u dhimatay
dhaawaaciii kasoo gaaray mindidii shalay galab abaarihii afartii iyo barka
xilliga Sweden nin caloosha ka geliyey iyadoo ka adeeganeysa dukaan kamid ah
dukaamanka ugu caansan ee ku yaala magaalada.
"Aad ayaan ugu xumahay inaan maqlo warkan naxdinta leh in ay
Anna Lindh u dhimato dhaawicii soo gaaray shalay" ayuu yiri Göran Person oo ah
ra'iisal wasaaraha dalkan Sweden oo ay wejigiisa kamuuqatay naxdin iyo muraal
dilaac isagoo saakay shir jaraa'id oo deg deg ah qabtay.
"Anna waxey ka tagtay aabe iyo hooyo, shacab iyo xisibgii
Social-demokrat-ka oo u aheyd xidig caalami ah, caalamkana waxaa ka baxay
haweeney magac ku leh saaxada siyaasadeed" ayuu misna sii daba dhigay
hadalkiisa isagoo aad u tiiraanyeysan kana wel welsan mustaqbalka madow ee soo
wajahay taariikhda siyaasadeed ee dalkan.
Waxaana hadaladii sii mar walba kamid ahaa inta uu shirka
jaraa'id ku jiray "Anna kama aysan tegin Social demokrat-ka ee waxaa ay ka
tagtay dadka reer Sweden oo ay u aheyd furihii xiriirka caalamiga ah ee
dalkeena"
Si kastaaba arintu ha ahaatee Anna Lindh oo aheyd wasiirkii
arimaha Dibada Sweden waxaa ay kamid aheyd haweenka ugu magac dheer ee
taariikhda siyaasada dalkan Sweden,waxaana ay wasiirka arimaha dibada aheyd tan
iyo sanadkii 1998-dii markaasoo xisbiga talada dalka hayaaku guuleystay
dooroshooyinka dalka dhacay.
Waxaana ay caan ku aheyd cod kornimo iyo iyadoon runta ka
gaban caaladana aad ugu olaleyso, gaar ahaan Anna Lindh waxaa ay aad uga soo
horjeeday siyaasada arimaha dibada dalka Mareykanka ee ku wajahan guud ahaan
bariga dhexe iyo arimaha dalka Ciraaq iyadoo marar badan meel fagaari ah ka
sheegtay in Mareykan xagal daacinayo arimaha bariga dhexe.
Isku soowada duuboo Anna Lindh waxaa ay u dhimatay dhaawac
halis ah oo ka soogaaray mindidii caloosha shalay galab nin kaga dhiftay taasoo
u sii dhaaftay beerka oo waxyeelo xoogan u geysatay dhaqaatiirtana ay wax ka
qaban waayeen. Anna Lindh saakay oo khamiis ah markey saacadu aheyd
0:6:29 aroornimo ayey nafta kabaxday.
Ollalihii doorasha codbixinta ee qaadashada lacagta bahwadaagta midowga
Yurubna dib ayaa loo dhigay ilaa amar danbe, maadama dalka guud ahaan ay murugo
iyo siyaasad madow ku jirto.
FAALLO: [Faaladan waxaan qoray shalay galab
kahor intii aan Anna Lindha geeriyoon]
Sweden oo siyaasad mugdi ah gashay kadib isku daygii dilkii
Anna Lindh
[ Dhaawac taariikhda dib u xasuusiyey dilkii
Ra’iisalwasaarihii hore]
Faaladii, Ikraam Cali-kaar
D alkan
Sweden waxuu kamid yahay dalal dhowr oo caan ku ah siyaasad qunyar socodnimo,
dadka iyo dowlada Sweden waxaa lugu tiriyaa iney yihiin dad nabada jecel.
Siyaasada Sweden inta la xasuusan yahay weligeed nabadda ayey sheegtaa iney la
jirto, kolka ay timaadana artigda siyaasadeed ee dalkan waxaa iyana sheegtaan
iney ku moqif yihiin dalalka ay bahwadaagta yihiin ee Midowga Yurub oo wixii
dalalkaasi kale wadsa jir u soo saaran ay la qabto. Sidaa daraadaa dalkan guud
ahaan dhinaca siyaasada waxaa dadka ka faalooda arimaha dublumaasiyada ku
sheegaan dal degan oo aan nabad maahee aan colaad u qalab arruursan.
Si kastaaba arrintu ahaa waxaa maanta galinkii danbe saacadu markey aheyd
4-tii galabnimo xilliga Sweden, nin si ula kac ah caloosha mindi kaga hubsaday
haweeneyda wasiirka arimaha dibada u ah dalkan Anna Lindh, oo markaasi ka
iibsaneysay dhar dukaanka la yiraahdo NK oo ku yaala bartamaha magaalada
Stockholm ee xarunta dalkan. Dhaawicii cuslaa ee Anna ka soo gaaray mindidaasi
caloosha laga geliyey waxaa uu keenay qaliin saacado badan qaatay iyadoo
dhaawaca noqdu mid beerka wax u dhimay sida ay sheegayaan wararka iska soo daba
dhacaya ee ku saaban haweeneydaasi.
Inkastoo arrintani tahay mid saameyn weyn ku yeelatay guud ahaan siyaasada
dalkan ee awalba ullaha booca ku tukubeysay ayey dhalisay su’aal aan weli
jawaabteeda lahelin taasoo ah ”Yaa dhaawacay Anna Lindh, maxaase laga rabaa
yeyse danbi ka gashay??. Dhab ahaan dadka odorasa siyaasada dalkan siyaalo kala
duwan ayey durba ku sheegeen arintaasi. Waxaana in badan oo iyaga kamid ahi
aaminsan yihiin in iskudayga dilka ahaa ee Anna Lindh salka ku heyso sida ay
ugu ollaleeysay in dalkan kamid mid noqdo dalalka bahwadaagta ah ee ay ka
dhaxeyso lacagta Euro-da loo yaqaan. Taasina ay si weyn ugu careysiisay dadka
iyagu kasoo horjeeda in Sweden qaadato lacagta Euro-da, markaana ay dhici karto
in shaqsi si weyn u dhibsaday iidhehyada faraha badan ee haweeneydaaasi
sameysay uu isku dayey inuu dilo ama dad arintaasi ku lugu leh ka danbeeyaan.
Qolo kale oo siyaaasada rog rogta ayaa iyagana qaba mid taas ka duwan,
waxaana ay leeyihiin ”maadama Anna Lindh ay aheyd haweeney aan ku qanacsaneyn
qaabka ay u shaqeyso siyaasada arimaha dibada ee Mareykanka dhowr jeerna ay
sheegtay in Mareykan aanu dhex dhexaad ka aheyn arimaha bariga dheh, shaqsiyana
ay joojineyso cunista qudrada laga keeno dalka Israa’iil haddii aysan Israa’iil
aysan dhowrin xauuqda dadka falastiiniyiinta, islamarkaasina si weyn uga soo
horjeeday dagaalkii ka dhanka ahaa dalka Ciraaq” in arintaasi saameyn ku yeelan
karrto.
Qolo kale aanba aaminsaneyn in iskudaygii Anna Lindh ee galabta salka ku
heyn karto arimo diin ayaa iygauna waxey leeyihiin ” waxaa dhici karta iney ku
lug lahaan karaan qolo si weyn ugu carootay sanadii 2001-da qaraxyadii daarihii
dhaa dheeraa ee Mareykanka kadib ay Anna Lindh oo muslimiinta u muujineysa
dabacsnaan ku amartay wasaaradeedii arimaha dibada iney daabacdo buug si weyn
uga hadlaya diinta Islaamka taasoo ah ”diin xadaaradeed oo dadka nabada ugu
baaqeysa” islamarkaasina loo qeybiyo iskoolada dalka iyo xaruumaha kale.”
Hadaba Anna Lindh waa haweenay ruug cadaa ah oo siyaasada in badan ku soo
jirtay, islamarkaana ah haweeney fiiro dheer oo dhowrta argtiyada iyo xadaaraha
kala duwan ee dunida ka jira, soona dhaweysa dhaqamada kala duwan. Waxaana ay
shaqsi ahaan necebtahay dadka isku sheega siyaasiinta ku hadla hadalo aysan u
fiirisan, dhowrj jeerna waxaa ay canaan u soo jeedisay ra’iisal wasaaraha dalka
Talyaaniga Selvio Berluconi oo ah nin aan marnaba fiiro dheereyn oo wixii
afkiisa karro hadlo, horeyna dhowr jeer islaamka u aflagaadeeyey isagoo ku
sheegay diinta danbeysa.
Sanadkii ina dhaafayna waxey Anna Lindh midowga Yurub ka codsatay iney
xirriirka u jaraan Israa’iil maadama ay gumaadeyso maatada dadka laga awood
badan yahay ee Falastiin. Qadiyada Ciraaq iyo bariga dhexena waxaa ay aaminsan
tahay in gollaha Amaanka ee Qaramadda midoobey oo kaashanaya beesha caalamku
awood u leeyihiin iney wax ka qabtaan dalka Ciraaq iyo guu ahaan gobolkaasi
haddii Marekan joojiyo awood sheegashada dheeraadka ah ee uu sheeganayo.
Sidaa daraadeed dalkan Swedena waxaa uu kamid yahay dalalka sida weyn ula
leh xirriir caalami ah dunida muslinka, marar badana aan dheg jalaq u siin
amaradii ka yimid aqalka Cad ee Mareykana ee amrayey in gebi ahaanba la xanibo
dhaqaalaha kooxaha lugu sheego argagaxisada ee dalkan ka jira, gaar ahaan waxey
Anna Lindh geed dheer u kortay sidii sadexdii dhalinyaro ee soomaalida Sweden
ahaa looga saarilahaa liiska dadka Mareykanka ku sheegay argagaxisada ugu
danbeyntiina ay arintaasi ku guuleysatay iney wax ka qabato.
Ugu danbeyntiina Anna Lindh oo ah haweeney miisaan culus oo siyaasadeed ku
leh dalkan ayaa dhaawacii ka soo gaaray dilkii isku dayga, ayaa waxey tahay
tahay jug xoogan oo soo gaartay dalkan Sweden iyo siyaasadeeda qunyar socodka
ah.
Waxaana dadka arimaha siyaasada dalkan u kuuragala aaminsan yihiin iney
tahay qatar kale oo soo wajahday guud ahaan nabadgalayada qaar siyaasiinta
dalkan, tanoo ka dhigtay midsay markale dib u xasuusi dilkii habeenimo loo
geystay ra’iisal wasaarihii dalkan Olf Palm oo lugu dilay bartamaha caasimada
Sweden muddo haatan laga joogo 16 sanno. Lamana garanayo sida ay u wajihi
laheyd xukuumada Göran Person arintani oo dib u dhac weyn ku keeni karta u
diyaar garowga ay dowlada Sweden ugu jirto u codeynta qaadashada lacagta Euro-da
oo maalinta axada ee fooda innugu soo heysa loogu dareerayo codbixinteeda.
Waxaa Qortay;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
QORAALADII HORFE EE IKRAAM
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2003 |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |