CAGTII JOOGSAN WEYDAA MAR BEY CEEB LA
KULANTAA
- Waa qoraal jawaab u ah qoraal hore oo uu
qoray C/waaxid
Farah Warsame
bile1971@hotmail.com
- waxaa beryahaan soo baxay
virus la dagaalamaya cid walba oo damacda in ay soo bandhigto
arimo xiiso leh.
Assalaamu Caleykum.
Waxaa baryahan jiray wiil iyo weriyaal wax ku
soo qora bogag soomaaliyeed oo bogga Somalitalk.com kamid yahay, wiilashaas
waxey inta badan soo qoraan ama ka sheekeeyaan arimo cilmi ah ama taariikheed
ama waxyaalo kale oo xiiso leh oo soomaaliya ama qof somaali ah ku saabsan.
Waxey waqtigoodii qaaliga ahaa u lumiyeen sidii ay u gaarsiin lahaayeen
bahweynta soomaaliyeed waxyaabo ka maqan amaba ayan waxba kala socon. waxaase
beryahaan isana soo baxay virus la dagaalamaya cid walba oo
damacda in ay soo bandhigto arimo xiiso leh. Aan kuu iftiimiyee Akhriste,
haddii aad daalacato bogga somalitalk ma ku aragtay nin wax ku soo qora oo
magiciisa ku sheegay C/waaxid, waxa uu u soo dhar dhigtay waqti badana ku
lumiyay sidii uu wax uga sheegi lahaa madaxweynaha maamul goboleedka Puntland
mudane C/laahi Yuusuf, si walba wax uga sheeg intii uu kari karo intaa keliya
kuma harine ee hadda faraha ayayba ka baxday oo waxey arini mareysaa cidii C/laahi
Yuusuf amaanta ama run ka sheegta taariikhdiisa iyo halgankiisa siyaasadeed YAA
WEYLAK ( ha iska jiro).
Waxaa horey u jiray nin kan ka horeeyay oo
sidoo kale shaqo ka dhigtay aflagaadada ina Yuusuf, maalin ayaan jawaab qancisa
u qoray, kadibna hadalkiisa lama maqal malaha anti -virus buu
ahaa qoraalkeygu. waxaanse la yaabanahy dadkan isa soo taraya ma jaamacad bey
kaga soo baxeen ceyda iyo aflagaadada C/laahi Yuusuf? jawaabtu waa HAA, oo
waxaan kuu ogahay kooxo isu habarwacda oo yiraahda maanta muxaadaro ayaa la
qabanayaa markii ay dhowr aayadood iyo xadiisyo sheegaan oo dadku dhagaha
taagaan in ay wax wanaagsan soo wadaan ku xijiya C/laahi yuusuf ma taqaaniin?????
sidii ay haddii aysan magiciisa sheegin naarta gelayaan.
sideedaba waxaa in loo jawaabo ku habboon qof
wax fahmaya, haddii aad beri iskuul tagtay oo aad wax ka xarxariiqday taa
macnaheedu ma ahan in aad cilmi leedahay xitaa haddii aad jaamacad ka baxdo ama
dhowr xadiith xifdiso. hadalna waxaa ugu wanaagsan kan asluubta hadalka wata,
ileyn wax waliba asluub iyo nidaam laraaco ayay leeyihiine.
Aan u soo noqdo dulucda hadalkeyga, waxaa
jiray niman beryahan sharaxayay taariikhda C/laahi Yuusuf, midi wuxuu halqabsi
ka dhigtay C/laahi Yuusuf iyo Cali Dhuux isagoo kaga hadlayay
halka ay labadaas halyey isaga midka yihiin midna wuxuu u bixiyay maqaalkiisa
Waa kuma C/laahi Yuusuf ??? qoraaga maqaalkan ninka la yiraahdo
Xagar yare wuxuu kaga hadlayay taariikhdii iyo halgankii Col. C/laahi, hadaba
waxaa soo baxay nin aad uga carooday labadaas maqaal waana tan aan maanta
qoraalkeyga ku xusayo, ninkaa isaga ah oo aan magiciisa kor ku xusay wuxuu
hadda marayaa hadaan qoraalada C/laahi lagu xusayo la joojin anigu ceyda iyo
aflagaadada joojin mayo. CAJIIB!!!! goormay noqotay in aflagaado lagu faano
waxaan soo xasuustay anigoo aad u yar ayaan waxaan arkay beri laba gabdhood oo
inta iska soo horjeesta, korna u boodboodaya hadana is ceynaya. Berigaa
gabar-ba gabadha ay ka cey badan tahay wey ka adkeyd. waxaase iiga sii darnaa
markaan daqi! iqado kadib arkay wiilal sidii gabdhaha sameynaya, waxaa halkaa
iiga caddaatay in ceyda iyo aflagaadada la wada bartay qofba si ha u bartee oo
aan gabdhaha keliya loo nisbeyn.
sidaan la wada soconno maanta qof wada
dhameystiran (wanaagsan) ma jiro ILAAH mooyee qof wada xunna iskaba daa.C/waaxid
waxa uu caado ka dhigtay in uu qof xumaantiis soo taxo sidii tusbaxii, xumaanta
inteeda badana waxaa dabooli kara hal wanaag ah oo aad qabato. xumaanta C/laahi
sheegye maxaa wanaaggiina u diiday??? waa su'aal qof walba oo wax garad ah is
weydiinayo. Qofka baniaadamka ahna xumaan iyo wanaag labadaba waa leeyahay.
Anigu ma lihi C/laahi waa nin wada wanaagsan XAASHA! laakiin dadka reer
Puntland iyo Soomaaliba maanta isagaa hudhan, wuxuu madax u yahay dadkii
sharafta iyo aqoonta ehelka u ahaa, Soomaalina waa laba qeybood kuwo wax
garanaya iyo kuwo jihaduba ka lunsan tahay, qofkii wax garanaya maanta xaaladda
lagu jiro wuu garanayaa ciddii uu naftiisa ku aamini lahaa.
Bal u fiirso akhriste, qoraalada C/waaxid
wuxuu ku bilaabaa Rasuulkii ilaahay SCW, ama dadkii suubanaa sida asxaabtii
rasuulka iwm, intaa kuma ekaadee xoogaa yar haddii uu sii wado hadalkiisa wuxuu
sii daba dhigaa aflagaado qof, qoys ama qabiil lagu aflagaadeynayo, haddana
wuxuuba marayaa in uu dadka kaga qosliyo ( uga majaajileeyo) asxaabtii iyo
culumadii diinteena islaamka, ileyn waxba lama soconee heerkaas ayaa lagaaray?
dadbaa yiraahda indhahaaga oo dheeraada geel dhalaayana waa ku tusaan, wacade
haddii ilaah nafta yari kuu daayo wax kaa yaabiya waad arki.
waxaan hadalkeyga ku soo gaba gabeynayaa
anigoo ninkaa isaga ah la dardaarmaya, qof shakhsiya wax waad ka sheegi kartaa
laakiin markaad asxaabtii iyo dadkii karaameysnaa aad dadka ugu majaajileyso
wacade waa laguu yaabaa, cagtii joogsan weydaana mar bey ceeb la kulmi.
waad mahadsan tihiin.
Farah Warsame
bile1971@hotmail.com
Qoraaalkii Hore ee
Faarax Warsame... GUJI...
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2003 |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |