Marka
u horaysa waxaan u hambalyaynayaa Soomaalida degan waqooyi ama dhulka afka
qalaad lagu yiraahdo “Somali-land” oo ay macnaheedu tahay Dhulkii Soomaalida.
Dadkaasi Soomaaliyeed waxa ay ku guulaysteen inay degaankooda nabadda sugaan
kala danbayn iyo nidaamna u sameeyaan. Somaliland ama dhulka Soomaaliyeed
dadka dega waxay muujiyeen isxilqaam wayn iyo xadaarad weyn waayo maanta oo
sharafta dadka Soomaaliyeed ay jabhadihii meeshii ay dhigeen la wada og yahay
ayay dadkaasi badbaadiyeen sharaftii dadka soomaaliyeed intii tabartood ah.
Somaliland ama dhulka Soomaalida ama waqooyiga Soomaaliya qofba afkuu u
yaqaan waxaa ka hirgashay horumar weyn gaar ahaan dhinacyada caafimaadka,
waxbarashada, doorashooyinka xorta ah iyo meelo badan oo aanan soo koobi
karin taas oo ay ku farxeen dhammaan Soomaalida nabadda jecel.
Markii dawladdii Soomaaliyeed ee u danbaysay la riday shacabka
Soomaaliland ama dhulka Soomaaliyeed waxay garteen dantooda halkaas oo ay
waxooga dagaal sokeeye ka dib isu yimaadeen oo ku heshiiyeen in aanay dhiig
danbe oo Soomaali ah qubin.
Waxgaradka isu yimid waxay markiiba garteen in jabhad aan wax loo dhiiban
karin dagaalna aan lagu macaashin. Sidaa darteed ayay si dhaqso ah jabhaddii
iyo warlodskiiba u kala direen oo hogaankii waxaa soo ceshaday waxgardkii
kuwaas oo ku baaqay in nabad iyo walaaltinimo Soomaaliyeed la ilaaliyo
Waxaan rabaa in aan halkan ku xuso in dadka Soomaaliyeed ee dega koofurta
Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn wixii ay dawladdii hore gaysatay iyo
waxa ay ku hadlaan hogaamiyeyaasha kooxaha weliba ay aad u jecel yihiin
walaalahooda waqooyi.
Ingriiska markii uu damcay inuu gumaysto dhulkaas waxa uu kala kulmay
dhowr arrimood oo aad u waaweyn oo ay ka mid yihiin:
Dad ka xadaarad badan oo dhaqan iyo diin adag haysta kuna kalifay
heshiis iyo shuruudahooda inuu raaco. Ingriiska uma suurtoobin inuu magac
u bixiyo dhulkaas sida Oxford ama Capetown ama Freetown iwm. Waayo
hogaamiyeyaashii Soomaaliyeed ayaa ku yiri magaceena waxaa la yiraahdaa
Soomaali dhulkeenana waa dhul Soomaaliyeed -Somaliland- kaas oo hirgalay.
Labadooda haddii mid magac loo bixin lahaa waxaan aaminsanahay in
Ingriiska loo bixin lahaa waayo dadkaasi Soomaaliyeed ma yeeleen in uu
Ingriisku magac u bixiyo waayo ayagaa ka xadaarad fogaa ingriiska.
Cududdi Africa ugu weynayd uguna horaysay ee la dagaasha (Daraawiishtii
1899-1921) kuwaas oo diidanaa gumaysi iyo canshuur tii qasabka ahayd kana
dilay ciidankii ingriiska saraakiil badan ilaa markii u danbaysay
ingriisku isticmaalay dayuurado dagaal ( kuwaas oo addunka ku cusbaa)
markii ugu horeysay Africa .
Waxaa kale oo uu ingriisku kala kulmay halgan adag oo xornimo doon ah oo
ay horkacayeen rag badan oo uu ka mid yahay sheekh Bashiir iyo gesiyaal kale.
Soomaaliland
ama dhulkii Soomaalida waa meeshii ugu horeysay ee laga taago calankii
Soomaalida xorta ah waana meeshii ay Mandeeq ku curatay
 
Daahir Riyaale | Islaamcii Cumar Gelle |
Waxaa mahad leh ilaahii dadkaas ku toosiyay nabad ku wada noolaanshaha iyo
inay u dadaalaan mustaqbalka ilmahooda ka dibna waxaa mahad leh shacbigaas oo
fahmay qiimaha nabadda iyo qiimaha qofka Soomaaliga ah. Ugu danbayntii waxaan
u hambalyeynayaa Mudane Cumar Gelle iyo Mudane Dahir Riyaale oo muujiyay
waayo aragnimo iyo bisayl siyaasadeed ka dib markii ay xoojiyeen xiriirkii
walaaltinom iyo markii ay nabad kula dhaqmeen walaalaha Soomaaliyeed ee
dhinaca kale deris kala ah si dhiig Soomaali ah uusan u daadan.
Soomaaliland ama dhulka Soomaaliyeed waa iftiin u soo baxay Soomaaliya oo
dhan mana ah in nabaddaas la waxyeeleeyo. Waa nasiib darro in dhowaan lagu
dilay halkaas dad ajnabi ah oo hawlo samafal iyo waxbarid ku hawlanaa waxaan
muujinayaa sida aan uga xumahay dilkaas oo qof Soomaali ah oo waxgarad ah
uusan raali ka noqon karin .
Isla markaas dawladda dhulkaasi Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay
taxadarto oo ay hubsato danbiilayaasha si aanay ugu xadgudbin dad aan
waxba galabsan. Eedeysane kastana waa inuu helaa fursad maxkamad dadkana aan
lagu tuhmin dhulka ay ka soo jeedaan iyo waxa ay aaminsan yihiin ee uun la
raadiyaa ficiladii tuhunsanaha ama wixii cadayn ah ee lahelaa. Xusuusnaada
muhimadda ugu weyn ee aan leenahay waa ilaalinta nabadda iyo ka hortgidda
wixii amman darro keeni karaa iyo in aan fahamnaa wixii isku dhac beeleed
keeni kara intiiba aanay dhicin.
Marka siyaasiyiinta dhinac la iska mariyo Umadda Soomaaliyeed meel kasta
ha joogtee waa ul iyo diirkeed waana dad is jecel. Raali kama aha in iftiinka
Soomaaliland ama dhulka Soomaaliyeed la demiyo iskaba daa taase waxay ku
hamiyaan in koofurta Soomaaliya loo sameeyo nidaam iyo dawlad si aan mardanbe
loo arag ubad Soomaaliyeed oo silicsan MARKAASNA DHIIGGA QOFKA SOOMAALIGA AHI
UU QAALI NOQDAA.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota USA.
