DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay
- Ø Gaadiid ay ciidamad gumaysiga Itoobiya dhaceen.
- Ø Dad ay ciidamada Itoobiya xidh xidheen.
- Ø Kililka Koonfurta Itoobiya : Xafiiskii xisbiga Dimoqraadiga ah oo la
xidhay.
- Ø Itoobiya oo mar kale diidday go, aankii soohdinta.
- Ø Wasiirka arimaha dibada ee Eritreya oo wada-hadal la yeeshay madax Ruush
ah.
- Ø Barnaamuj aanu ku soo qaadanayno dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee
Ogaadeenya.
- Ø Waraysi aanu la yeelanay fanaanka wayn ee maxanuud Cabdi (Jaango) iyo
waliba waxyaabo kale oo aad ka heli doontaan.
Gaadiid ay ciidamad gumaysiga Itoobiya
dhaceen.
Ciidamad gumaysiga Itoobiya ee ku sugan xuduuda
ay Ogaadeenya la wadaagto Soomaaliya ayaa bilaabay hawlgal ay ku dhacayaan
gaadiidka iyo hantida dadka ka ganacsada Soomaaliya iyo Ogaadeenya.
Sida uu noo soo tabiyay wariyaha Radio Xoriyo
ee magaalada Jigjiga waxay ciidamada Itoobiya ee ku caan baxay boobka hantida
dadwaynaha Todobaadkii lasoo dhaafay dhaceen gaadiid ay saaraayeen badeecooyin
iyo waliba xoolo nool oo loo iib gaynayay dhinaca Soomaaliya halka kuwo kalana
loo iib keenayay Ogaadeenya.
Qaar ka mid ah gaadiidkaas ay ciidamada
wayaanuhu qabsadeen waxaa saaraa Adhi tiradiisu ay gaadhaysay 450 Neef, halka ay
4 Baabuur oo kalana saaraayeen badeecooyin kala duwan. Gaadiidkas ayaa intiisa
badan lagu qabtay deegaanka Daroor oo aan sidaas uga fogeen magaalada Jig-Jiga.
Dhinaca kalana waxaa magaalooyinka Hargaysa iyo
Barbara Todobaadkii hore ku sugnaa wafti Itoobiyaan ah oo uu hogaaminayo
wasiirka arimaha gudaha ee Itoobiya, kaas oo maamulka Goboladaas kala hadlayay
arimo ku saabsan dhinaca nabad galyada iyo sidii ay Itoobiya u istcmaali lahayd
Dakada Barbara.
Dad ay ciidamada Itoobiya xidh xidheen.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhagax-Buur
ayaa sheegaya dad badan oo ay ciidamada Itoobiya 22.09.03 xabsiyada u taxaabeen.
Waxaana ka mid ah dadkaas qaar laga keenay magaalada Gunagado.
Dadka Gunagado laga keenay waxaa ka mid ah.
- 1- Muxumed Ahmed Cabdille.
- 2- Shariif Indha weyne.
- 3- Cabdulaahi Cabdi Bakeeri.
- 4- Cabdulaahi Mohamed Xussein iyo
- 5- Amina Xassan Ciise
Waxaa kale oo iyaguna magaalada Dh/Buur lagu
xidhay daka kala ah
- 1- Assad Xukkun Muumin.
- 2- Maxamuud Gaab.
- 3- Shamso Cabdi Xaashi.
- 4- Ardo Yuusuf Madoobe.
- 5- Quraysh Cabdi Siyaad.
- 6-. Quraysh Cali Ahmed.
- 7- Aamina Xassan Carab.
- 8- Sacdo Maxamed Cilmi, oo iyada oo umul ah
xabsiga loo taxaabay iyada iyo
ilmaheediiba.
- 9- Khayro Ahmed Muxumed
- 10- iyo Nin la yidhahdo Bacaluul
sidaas oo kale waxaa magaalada Qabridahare lagu
xidhay niman reer Fiiqeed
ah, uu ka mid yahay: khaliif Macallin Qaalib. Waa iyana Magaalada Dhuxun lagu
xidhay dad uu ka mid yahay: Mohamuud Cabdi Guhaad, oo la sheegay in uu la
shaqayn jiray hayadda amniga Gobolka.
Kililka Koonfurta Itoobiya : Xafiiskii xisbiga
Dimoqraadiga ah oo la xidhay
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Shika ee
Kililka Koonfurta Itoobiya ayaa sheegaya in la xidhay xafiskii uu halkaas ku
lahaa xisbiga Dimqradiga Itoobiya, waxana isku xeeray ciidamo aad u tiro badan
oo xukuumada Wayaanaha ka socda, kuwaas oo si xoog ah ku galay xafiika, isla
markaana xabsiga u taxaabay guddoomiyhii xisbiga Birhanu Hayle.
Wararku waxay intaas ku darayaan in laga
dajiyay xafiiskaas calankii xisbiga, isla markaana albaabada loo laabay,
shaqaalihii xisbiga u shaqaynayayna shaqooyinkoodii laga eryay.
Nin u hadlay xisbiga Dimoqradiga Itoobiya ayaa
sheegay inay tallaaboyinka ay dawlada Itoobiya ku qaadayso xisbiyada ay
mabaadiida iskaga soo horjeedaan ay yihiin kuwo ka baxsan hannaanka
dimoqraadiyada oo ay dawlada Wayaanuhu caadaysatay.
Xukuumada Wayaanaha ayaa sidoo kale dhawaan
albaabada u laabtay xafiis uu ku lahaa xisbiga Dimqraadiga Oromiya magaalada
Adis Ababa, waxayna tallaabooyinka noocan ahi ka dhigan yihiin kuwo ay xukuumada
Wayaanuhu ku doonayso inay keligeed ku hanato talada dalka, iyadoo ayna jirin
xisbiyo mucaarad ah oo si dhab ah uga soo horjeeda siyaasaddeeda.
Itoobiya oo mar kale diidday go, aankii
soohdinta.
Itoobiya ayaa mar kale diidday go, aankii ka
soo baxay guddiga soohdinta ee Qarammada Midoobey, oo magaalada Bademe xaq u
siiyay dawlada Eritereya, waxayna diidmadan cusub ka denbaysay maalmo yar kadib
markii uu Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey Itoobiya u sheegay in looga
baahan yahay inay oggolaato go, anka guddiga.
Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey ayaa
diiday codsi qoraal ah oo keligii taliye Meles Zenawi uu daba-yaaqadii bishii
hore u soo diray, kaasoo uu Golaha Ammaanka kaga codsaday in dib loogu noqdo go,
ankii ka soo baxay guddiga xallinta khilaafka soohdineed ee u dhexeeya Itoobiya
iyo Eritereya.
Xukuumadda Itoobiya ayaa iyaduna mar kale
dhaleecaysay go, anka guddiga. Bayaan ay soo saartay wasaarada warfaafinta
Itoobiya ayaa lagu sheegay in Itoobiya ayna marna aqabali doonin go, aanka
guddiga soohdinta ee magaalada Bademe siinaya Eritereya, waxayna xukuumadda
Itoobiya bayaankan ku sheegtay in go, aanka guddigu uu horseedayo xasillooni
darro iyo dagaal hor-leh.
Warkan ka soo baxay xukuumada Adisababa ayaa
muujinaya sida aysan Dowlada Malese u hogaansamaynin qawaaniinta caalamiga ah.
Wasiirka arimaha dibada ee Eritreya oo
wada-hadal la yeeshay madax Ruush ah
Wasiirka arimaha dibada ee waddanka Eritreya
Mr. Cali Saciid Caballa ayaa wada-hadal la yeeshay wasiir ku xigeenka arrimaha
dibada ee dalka Ruushka Mr. Urri Fedetov.
Wada-hadalladan dhex maray masuuliyiinta
Eritereya iyo Ruushka waxay u badnaayeen sidii loo dhammaystiri lahaa go’ ankii
soohdinta lagu sugayay ee ka soo baxay gudida soohdinta ee caalamiga ah.
Wasiirka arrimaha dibada ee Eritereya ayaa u sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha
dibada ee Ruushka in beesha caalamka looga baahan yahay inay dawlada Itoobiya ku
khasabto inay sharciga caalamiga ah u hoggaansanto oo ay aqbasho go’aankii ay
Qaramada Midoobay ka soo saartay soohidinta u dhaxaysa dalkiisa iyo Itoobiya.
Mr. Urri ayaa isaguna dhiniciisa carrabka ku
adkeeyay in la hirgalinayo go’ ankii gudida soohdinta Eritereya iyo Itoobiya wax
kastoo ay qaadataba, waana sharci aan meel laga maro lahayn oo kama danbays ah
ayuu ku daray. Wasiirka arrimaha dibada ee Eritereya wuxuu sidoo kale la kulmay
wasiirada arimaha dibada ee dalalka Yaman iyo Aljeeriya Mr. Abu Beker Al -Karbi
iyo Mr. Ollemi Adengi, waxayna ka wada- hadleen arimo muhiim u ah iyo siidii loo
sii xoojin lahaa saxiibtinimada ka dhaxaysa wadanka Ertrea iyo dalalka Aljeriya
iyo Yaman.
07.10.003
Dhoodi Danwaa.
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|