SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dad ay ciidamada cadawga Itoobiya ku laayeen meelo ka mid ah Ogaadeenya.
  • Ø Geeska Afrika oo noqday meelaha aduunka ugu khilaafka badan.
  • Ø Qorshaha Meles oo la sheegay in uu aad u liito.
  • Ø C/qaasim oo eedeeyay Kenya iyo Itoobiya.
  • Ø Maqaal dheer oo uu mdaxwaynaha JWXO ugu hanbalyeeynayo Bisha Soon Shacabkiisa iyo waliba suugaan halgameed dareenkiina dhaqaajin.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Dad ay ciidamada cadawga Itoobiya ku laayeen meelo ka mid ah Ogaadeenya.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay gumaad joogta ah ku hayaan shacabka Ogaadeenya, waxaana ugu danbeeyay falalka argagaxa leh ee ay ciidamada Itoobiya ku gumaadayaan shacabka Ogaadeenya kuwan.

10.10.03 waxay ciidamada dheefsada dulmoiga ee Itoobiyo ku dileen Dagmada Danood Nin ganacsade ahaa oo lagu magacabi jiray Axmed cabdi dacar (Timo-jilic)

sida oo kale waxay ciidamada Taliska Adis Ababa ka amar qaata ee Itoobiya ku dileen magaalada Awaare 11.10.03 nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Xussein C/qaadir Adan deyl.

11/10/03 waxay ciidamada Wayaanuhu Tuulada Garoonka ku dileen, nin shacaba oo magaciisa la yidhahdo Xassan Ahmed Bucul.

Isla 11.10.03 waxay ciidamada cadawgu ku dileen Tuulada Dig nin shacabka deegaankaas ka mid ahaa oo lagu magacaabi jiray Ahmed Nuur Shaafi.

12.10.03 waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya magaalada Caado ku dileen gabadh Shacb ah oo lagu magacaabi jiray Faadumo maxamed Cabdi Gaas.

22.10.03 waxay ciidamada dulmiga dheefsada ee gumaysiga Itoobiya ka soo afduubteen Tuulada Wijiwaaji gabadh lagu magacaabi jiray Xaliimo Macalin Cabdi oo shacabka deegaankas ka mid ahayd. Gabadhaas ayaa la sheegayaa in ay ciidamada cadawga Itoobiya dileen kadib markay si xoog ah u faraxumeeyeen. Sida oo kale deegaanka Qoratto ayaa lasheegayaa wiilyar oo ay ciidamada cadawga Itoobiya ku dileen.

Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ee ku caanbaxay boobka hantida dadwaynaha ayaa bilaabay hanti ay dadka si xoog ah kaga qaadanayaan, taas oo loogu tala galay in ciidamada xasuuqa iyo xaqdarada u jooga Ogaadeenya lagu biilo, waxayna tuulooyinkan ku xukumeen Lacag ay ku sheegeen ganaax oo ayna dadku awoodin, waxaana ka mid ah Tuulooyinka laganaaxay kuwan.

1- Tuulada Dusmo waxaa lagu ganaaxay 10/kun, oo Bir.

2- Tuulada Yoocaale waxaa lagu ganaaxay 10/kun, oo Bir.

3- Tuulada Garawo, waxaa lagu ganaaxay 6/kun, oo Bir.

4- Tuulada Dhagax-tuur, waxaa lagu ganaaxay 4/kun, oo Bir.

5- Tuulada Meer-meersane waxaa lagu ganaaxay 4/kun, oo Bir.

6- Tuulada Ceelka Bulxan waxaa lagu ganaaxay 2/kun, oo Bir.

sida oo kale waxaa Badhtamihii Bishan ganaax iyo xadhig laysugu daray Labanin oo ku noolaa Dagmada Danood, lana kala Odhan jiray.

1- Cabdi Buuni Xassan (Tamiin)oo lagu ganaaxay 2000 Bir iyo.

2- Cali Qodhob (afguduud) oo isagana lagu ganaaxay 2000 oo Bir.

Degaanka Ararso waxay ciidamada cadawgu ku xidheen nimanka lakala yiraahdo

1- Mukhtaar Ibraahin Ciid iyo

2- Cabdi Xassan. oo kiiba lagu dhacay lacag dhan 5/Milyan oo Sh. Soomaali ah.

Ciidamada cadawgu waxay deegaanka galaashe ka qabteen 8 Nin oo ay ka qaateen Qoryo ay horay ugu sharciyeeyeen, kuwaas oo ay dakaasi Dugaaga kaga ilaashan jireey duunyadooda. Nimankaas ayaa la sheegayaa in loo dhaadhiciyay xabsiga magalada Jig-Jiga.


dhinaca kalana waxay ciidamada cadawga Itoobiya xabsiyada ka buuxiyeen dad aad u farabadan, waxaana ka mid ah dad ay 15/10/03, Dagmada Dhanaan ku xidh xidheen oo ay ka mid yihiin.

1- Bashiir Ahmed Cabdi.

2- Mursal Xaji Cabdi.

3- Mohamed Cabdi Maxamuud.

4- Bashiir Kaamil Ahmed.

5- Kaamil Shafeec Yuusuf.

6- Bashiir Cali-noor Cabdi.

7- Hanad Ahmed Cabdi-bedel iyo

8- Cabdi-noor Cabdi Budul.

Isla xiligaas waxaa xabsiga magaalada shilaabo loo dhaadhiciyay dad shacab ah oo laga soo qabqabtay Tuulada Garoonka waxaana ka mid ah dadkaas.

1- Ibraahin Sheekh Muuse.

2- Faysal Cago Laab.

3- Cali Xaaji Maxamuud.

4- Ahmed Faarah Dhofaan.

5- Aamina kaaro dile.iyo

6- Ardo Mahamed.

sida ay sheegayaan dadka deegaanadaas oo u waramayay wariyaha Radio Xoriyo ee Magaalada Dhagax Buur, oo kormeer dagmooyinkaas ku tagay, wax danbi ah oo dadkaas ay galeen ma jiraan balse waxaa dhibaatooyikaas loogu gaysanayaa oo kaliya tuhun ay ka qabaan ciidamada Itoobiya in ay taageersanyihiin Jabhada Xoreeynta Ogaadeenya oo dagaal hubaysan kaga soo horjeeda Xukuumada Itoobiya..

Geeska Afrika oo nqday meelaha aduunka ugu khilaafka badan

Wargayska The Press la yidhaahdo ayaa jimcihii la soo dhaafay qoray in Geeska Afrika uu yahay meesha aduunka ugu khilaafka badan.

Wargaysku wuxuu qoraalkan ka soo xigtay shir wayn oo lagaga hadlayay arrimaha nabad galyada gobolka Geeska Afrika oo lagu qabtay School of International Service, waxaana shirkaas ka soo qayb galay aqoonyahano aduunka ka kala yimd, safiiro aad u tiro badan iyo dad kale oo arrimaha Geeska Afrika daeenya.

Halkaas waxaa hadal dheer oo dadka soo jiitay ka jeediyay safiirkii hore ee dalka Marykanka Itoobiya u joogi jiray Mr. David Shiene.

Waxa kaloo shirkaas lagu qaadaa-dhigay khilaafka ka dhextaagan Itoobiya iyo Eritreya, iyadoo la sheegay in muddadii uu labadaas dal dagaalku ka dhex socday ee sadexda sano ahayd ay ku naf waayeen dad ka badan 120.000 oo qof.

Shirkaas dadkii ka soo qayb galay waxaa mid ahaa labad safiir ee Itoobiya iyo Eritreya u jooga waddanka Marykanka.

Sfiirka wadanka Eritreya u fadhiya Marykanka Mr. Girma Asmarom oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in dawlada Eritreya ay qaadatay go'aankii ay Qaramada Midoobay ka soo saartay khilaafka xadka, wauxuuna eed ballaadhan dusha kaga tuuray dalka Itoobiya, wuxuuna sheegay inuu aad ula yaabay siyaasda gurracan ee dawlada Itoobiya ee lagu macnayn karo Aniga mooye cid kale ma noolaan karto”.

SAfiirka Itoobiya u fadhiyay wadanka Marykanka fagaarahaas wax haba yaraatee hadal ah oo uu ka jeediyay ma jirin.

Qorshaha Meles oo la sheegay in uu aad u liito.

Nin ka tirsan baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in qorshaha dawlada Meles uu yahay mid aad u liita oo aan horumar lahayn, isla markaana uu magac u-yaal oo kaliya yahay.

Wuxuuna sheegay inay tahay arrin lala yaabo in ra’iisul wasaaruhu uu warbixintiisa ka reebo lacagtii dunida laga soo barayay ee loogu talogalay barnaamijka dhimista saboolnimada.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in qorshe sanadeedka uu Meles Zenawi baarlamaanka soo hordhigay uu aad uga sii liitay midkii sankii hore, waxaa kale oo uu intaa raaciyay inay dawlada Meles ku dadaalayso oo kaliya sidii mar kale Meles loo dooran lahaa.

C/qaasim oo eedeeyay Kenya iyo Itoobiya.

Madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa eed dusha kaga tuuray dalalka Kenya iyo Itoobiya, oo uu ku eedeeyay inay shirka dib u-heshiisiinta soomaalida ka leexiyeen dariiqii saxda ahaa.

Madaxwayne C/qaasim wuxuu shirka ay magaalada Kampala ku yeesheen madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ka sheegay in shirkii dib u-heshiisiinta, ee sanadka ka badan soomaalida uga socday dalka Kenya, uu guud ahaanba burburay.

Wuxuuna guddiga farsamada ee IGAD ku eedeeyay inay iyagu masuul ka yihiin burburka shirka, wuxuu kaloo sheegay in ururka IGAD uu shirka iska dhaga-tiray, isla markaana Itoobiya u oggolaaday inay iyadu dejiso ajandayaasha shirka.

Madaxwayne C/qaasim wuxuu intaas ku daray in ergadii rasmiga ahayd ee dawlada ku meelgaadhka ah ay noqotay mid laga tira badan yahay, ka dib markii ay hadheeyeen kooxo fara badan oo Itoobiya ay abuurtay, isla markaana gacan ku siisay inay shirka ka muuqdaan.

Wuxuu sidoo kale dalka Kenya ku eedeeyay inay ku guul farraystay inuu ka soo baxo axdigii uu galay ee ahaa inuu qabanqaabinayo shir loo dhan yahay.

Wuxuu labada dal ee Kenya iyo Itoobiya ku eedeeyay inay isku dayayaan inay Soomaaliya kala qaybiyaan, iyagoo rumaysan in Soomaaliya oo mid ah oo xoog badan ayna iyaga dan u ahayn.

28.10.003

Dhiidhi Nuur.



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD