SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Warmurtiyeed ka soo baxay Hogaanka Warfaafinta ee JWXO.
  • Ø Kaligii taliye Meles Zenawi oo sheegay in uuna xukunka ka dagaynin.
  • Ø Shir Itoobiya iyo hoggaamiye kooxeedyadyo soomaaliyeed ka burburay.
  • Ø Addis Ababa oo mar kale weerartay Ergada xadka ee Qaramada Midoobey.
  • Ø Jaaliyda Oromada ee Yeman oo dhaqaale ugu deeqday OLF.
    Rag ka mid ah ergooyinka shirka dib u-heshiisiinta soomaalida o la dilay.
  • Ø Waraysi aanu la yeelanay Masuuliyiin ka tirsan Jaaliyada Minisota iyo suugaan halgameed.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Warmurtiyeed ka soo baxay Hogaanka Warfaafinta ee JWXO

Warmurtiyeed ka soo baxay Hogaanka Warfaafinta ee JWXO ayaa si kulul u dhaleeceeyey war dhawaan ka soo yeedhay dawladda Itoobiya , kaas oo ay dawladda Itoobiya ku sheegtay in "nidaamka dimoqoraadiyada aanan weli la gaadhsiinin Gobolada Ogaadeeniya iyo Canfarta"

Warmurtiyeedkan oo soo xiganayay hadal uu dhawaan ka soo jeediyey Wasiirka Arimaha Federalka ee Itoobiya Gerbera Barnabas shir ay soo qaban qaabisay Jimciyadda Qorumaha ka dhaxaysa qaybteeda Dhaqaalaha ee u qaabilsan Afrika, ayaa wasiirku ku cadeeyey "in aysan wax dimoqraadiyada ah iyo nidaamka dawliga ah ka jirin Ogaadeeniya", laakiin uu dhinac maray in ciidamada TPLF yihiin kuwa maamula maxkamadaha wareega awooda maamulkuna iyaga tahay. Warmurtiyeedku wuxuu intaas ku daray "in Itoobiya doonayso in ay caalamka khiyaamayso si ay u sharciyeysato una dheeraysato nooca dimoqraadiyada ee TPLF" taas oo aflagaado ku ah ummada ay gumeysato ee ku hoos nool caddaadiska xukumadeeda. Sidoo kale Hogaanka Warfaafintu wuxuu intaas raaciyey "in dimoqraadi la'aanta Itooboya tahay waxa hortaagan doonista shacabka Ogadeeniya ee ku wajahan aayo ka tashigiisa"

Gebogabadii JWXO waxay caalamka ugu baaqdey in aysan dhegaysan khaa'inimada Itoobiya ee ku dhisan daboolida xaqiiqda jirta. Waxayna ururada xuquuqil insaanka u dagaalama ka codsatey in ay banaanka soo dhigaan dhibka ay Itoobiya u geysato dadka ama kuwa doonayo dimoqoraadiyadda dhabta ah.

Dhinaca kale Warmurtiyeed kale oo uu Hogaanka Warfaafintu ka soo saarey arinta soohdinta Eritrea iyo Itoobiya ayuu Itoobiya ku eedeeyey jebinta ama diidmada qaawaaniinta caalamka ee go'aankii gudiga soohdintu ka soo saarey soohdinta labada dal, kaas oo ay labada dalba markii hore qalinka ku duugeen in go'aanka gudigu noqon doono mid ay u hogaansami doonaan oo ah kii ugu danbeeyey.

JWXO, waxay u mahadcelisay talaabada ay qaadey dawladda Maraykan oo ergay u dirtey labada dal iyo qorshaha uu soo jeediyey Goleha kongaraska ee Maraykanka oo taageeray go'aankii gudiga caalamiga ee soohdinta labada dal.

Warmurtiyeedku wuxuu intaas ku daray in shacabka Itoobiya iyo kuwa ay gumeysato dhibaato ka soo gaadhey xukumadda dagaal abuurka ah ee Adis Ababa, isla markaana hadii dagaal ka qarxo soohdinta labada dal in wax kasta oo kayd ah ay u jahayn doonta dhinaca dagaalka, sidaas darted meel marinta go'aankii gudga caalamaiga ee soodinta labada dal ay dan ugu jirta xasiloonida Geeska Afrika.

Kaligii taliye Meles Zenawi oo sheegay in uuna xukunka ka dagaynin.


war aanu ka soo xiganay Wakaalda Wararka Ogadeniya ayaa sheegay in xubno aad u yar ay ka soo qayb galeen munaasabaddii furitaanka Barlamaanka Itoobiya oo ku beegnayd maalintii khamiista ahayd, waxaana fadhigaas ka soo qayb galay 356 xubnood oo kaliya, iyadoo tirada guud ee xubnaha Barlamaanku ay gaadhayso 540.

Waxaa baarlamaanada adduunka caado u ah in maalinka baarlamanka la furayo ay xubnaha oo dhami ka soo qayb galaan. Tiradan yar ee munaasabadda furitaanka baarlamaanka timid waxaa lagu fasiray caga-jiid ay xubnaha baarlamaanku ka caga-jiidayaan gudashada hawlohooda xildhibaanimo, taasoo macneheedu yahay inay ka biya-diiddan yihiin siyaasada xukuumadda Meles Zenawi.


Wararku waxay kaloo intaas ku dareen in xildhibaanadii fadhigaas ka soo qayb galay ay su’aalo badan u soo jeediyeen keligii taliye Meles Zenawi, isla markaana ay ugu baaqeen inuu xukunka iskaga dago, hasa yeeshee wuxuu ku adkaystay inuusan xukunka ka dagaynin wax kasta oo dhaca.


Waxaa jira xildhibaano badan oo baarlamaanka Itoobiya ka tirsanaa, kuwaasoo Itoobiya ka soo baxsaday oo magangalyo siyaasadeed ka codsanay wadamo kala duwan oo reer galbeedka ah.

Shir Itoobiya iyo hoggaamiye kooxeedyadyo soomaaliyeed ka burburay.



Wargayska lagu magacaabo Itobi ayaa qoray in shir ay dawlada Itoobiya si qarsoodi ah ugu qabatay qaar ka tirsan hooggaamiye kooxeedyada Soomaaliya uu burburay oo ayna waxaba ka soo bixin.

Sida uu wargaysku qoray wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya Siyoum Mesfin ayaa jimcihii la shiray hooggaamiye kooxeedyada soomaaliyeed ee kala ah: Xuseen Maxamed Caydiid, Cumar Xaji Masale iyo Cismaan Xasan Cali Caato, wuxuuna kala hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen in aynan kooxaha soomaalidu caawinin mucaaradka taliska Itoobiya.


Wargaysku wuxuu kaloo intaa ku daray in hooggaamiye kooxeedyadu ay iyaguna dhinacooda xukuumadda Itoobiya ka codsadeen inay joojiso dhaqdhaqaaqyada millatari iyo farogalita liddiga ku ah Soomaaliya ee ay waddo, taasina waxay keentay inuu shirkii burburo.

Addis Ababa oo mar kale weerartay Ergada xadka ee Qaramada Midoobey

Xukuumadda Itoobiya ayaa mar kale si wayn u weerartay Ergada caalamiga ah ee Qaramada Midoobey ay u xilsaartay calaamadaynta xadka uu dheerarkiisu dhan yahay 1000 km ee u dhexeeya dalalka Eritereya iyo Itoobiya.

Bayaan ay dhammaadkii toddobaadkii hore soo saartay wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya ayay ku eedysay Ergada Qaramada Midoobey ee xadka Eritereya iyo Itoobiya ee EEBC, waxayna Itoobiya Ergada ku eedaysay isla-wayni iyo khaladaad culus oo ay gashay, iyadoo saldhig uga dhagaysa go’aankii Ergada ka soo baxay ee magaalada Bademe lagu siiyay dalka Eritereya.

Keligii taliye Meles Zenawi ayaa isaguna maalintii khamiista ahayd furitaankii baarlamaanka ka sheegay in Ergada EEBC ay tahay “mid aan waxba ka jirin”, Meles Zenawi wuxuu kaloo yidhi; “Dhibaatadu way ka sii daraysaa, waxayna iyadoo waji kale leh qarxi kartaa waqti kasta”.

Dhinaca kale masuul maraykan ah ayaa isaguna khamiistii dawlada Maraykanka ugu baaqay inay joojiso gabi ahaanba caawimaada dhaqaale ee Itoobiya ay u fidiso, sababtoo ah buu yidhi, waxay Itoobiya hortaagan tahay calaamadaynta xuduudda ay Eritereya la leedahay.

Donald Payne, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadi, isla markaana xubin ka ah Kongareska Maraykanka, ayaa Itoobiya ku canbaareeyay caqabadaha ay hordhigayso hawlaha calaamadaynta xadka ay Eritereya la leedahay.

Mudanuhu wuxuu kulanka Kongareyska Maraykanka ka yidhi; “Dhaqanka noocaas oo kale ah ma aha mid la aqbali karo, wuxuuna labada dal u horseedi karaa dagaal lagu hoobto”.

Jaaliyda Oromada ee Yeman oo dhaqaale ugu deeqday OLF


Radyowga Oromada ayaa sheegay in Jaaliyada Oromada ee dalka Yaman ku dhaqan ay yeelatay shir ballaadhan oo lagu soo qaatay arrimo aad muhiim u ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen sii xoojinnta halganka lagula jiro gumaysiga Itoobiya.


Jaaliyaddu waxay halkaas ka sheegtay inayna marna ku niyad jabaynin waxyaabaha foosha xun ee dawlada wayaanuhu ay ku samayso umadda Oromada, balse ay waxyeellooyinka noocas ahi sii kordhinayaan dadaalka lagu baadi-goobayo sidii heerayad gumaysiga la isga tuuri lahaa.

Jaaliyaddu waxay canbaarayn kulul dusha kaga tuurtay xukuumadda Wayaanaha iyo xadgudubyada ay ku hayso shucuubta ay gumaysato, ka dibna waxay Jabhada Xoraynat Ormiya OLF ugu deeqday lacag dhan 175.000 oo raiyaal.

Rag ka mid ah ergooyinka shirka dib u-heshiisiinta soomaalida o la dilay.

Seddex nin, oo uu ka mid yahay nin ka mid ahaa ergada ka qayb qaadanaysa shirka dib u-heshiisiinta soomaalida ee ka socda dalka Kenya, ayaa la dilay oo maydkoodii lagu xooray duleedka magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Sheekh Ibraahim Cali, oo ergada shirka ka mid ahaa, saaxiibkii Xuseen Axmed Maxamed iyo darawalkoodii ayaa la waayay fiidnimadii sabtidii, waxaana axaddii maydkooda laga helay kayn ku taalla duleedka magaalada Nairobi.

Sheekh Ibraahim Cali wuxuu ka tirsanaa baarlamaanka dawlada ku meelgaadhka ah, wuxuuna ak mid ahaa xubnihii ku gacan saydhay inay shirka ka soo baxaan, markii ay dawlada ku meelgaadhka ahi shirka qaaddacday.

Booliska Kenya ayaa sheegay in nimankaas rasaas lagu laayay, ayna maydkooda xabbado badani ku yaalleen. Warar hada soo baxayna waxay sheegayaan in dilka nimankas ay ka danbeeyeen Nabad sugida Itoobiya.

21.10.003

Dhiidhi Nuur.

raadioxoriyo@yahoo.com   
radioxoriyo@ogaden.com   

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD