DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
- Ø Ciidamada Itoobiya oo wiil yar toogasho ku dilay.
- Ø Waftigii JWXO oo kulan la yeeshay Jaalliyadda Ogaadeenya ee Ohio.
- Ø Dood Cilmiyeed ku saabsan Xoojinta Halganka ay ka wado JWXO dhulka
Ogaadeeniya oo lagu qabtay Toronto.
- Ø QM oo ku adkaysatay in bishan la jeexayo xadka Itoobiya iyo Eritereya
- Ø Ururka macalimiinta Itoobiya oo laga horjoogsaday banaanbax ay
isuqabanqaabinayeen.
- Ø Waraysi aanu la yeelanay Dr. Cibaado Xirsi mahad izo suugaan halgameed.
Ciidamada Itoobiya oo wiil zar toogasho ku
dilay.
War naga soo gaadhay Caasimada Ogadenia ee
Godey ayaa xaqiijinaya in magaalada Dhanaan lagu dilay wiil yar oo xerow ka ahaa
magaaladaas oo cilmiga diiniga ah ka baran jiray halkaas. Wiilkaas oo ay dileen
ciidamada wayaanaha ee ka howl gala magaalada Dhanaan ayaa waxay ku eedeeyeeyn
wiilkaas inuu u shaqeeyo ciidanka wadaniga xoraynta Ogadenia CWXO. Wiilkaas
wuxuu ku dhintay xerada ciidanka ee magaalada Dhanaan kadib markuu xidhnaa in
mudo ah. Ciidamada Itoobiya ayaa kadibna markuu dhintay wiilkaas ku soo war
galiyay dadkii qaraabadiisa ahaa in ay meedkiisa aastaan. wiilkaas oo la odhan
jiray Wacdi Sheekh Maxamed Aw-kilaas ayay dadiisu ahay 22 jir.
Sida uu noo soo tabiyay wariyaha Radio Xoriyo
ee Gobolka Qoraxay waxay 05.10.03 ciidamada cadawga Itoobiya waxay ku xidh
xidheen meelo badan oo Ogadenya kamid ah dad badan oo rayad ah wax dambi ah na
aan galabsanin waxaana ka mid ah dadkan oo ay ku xidh xidheen magaalada
Shaygoosh.
- 1-Kaad Cabdulaahi Dhicis.
- 2-Cabdi-wahaab Mohamed Cismaan.
- 3-Noor Sheekh Xassan.
- 4-Cabdulaahi Mohamed Ibraahin.
- 5-Abshir Cabdi-noor Cismaan.
- 6-Mustafe Khaliif Qorane.
- 7-Nooro Shafeec Xassan, oo xabsiga ku
umushay, kadib markii jidhdil fool xun loo geystay.
7/10/03, Magaalada Birqod waxaa lagu xidh
xidhay dad shacab ah oo aan waxba kalabsanin oo ay kamid yihiin:
- 1- Faadumo Mohamed Cabdi.
- 2- Saynabo Mohamed Cabdi.
- 3- Ahmed Xassan Carab.
- 4- Cabdi Cabdulaahi Noor.
- 5- Cabdi Cabdulaahi Muumin iyo 3/caruur ah
uu dhalay.
- 6- Nimco Maxamuud Cabdi
8/10/03, Tuulada Gudhis waxaa lagu xidh xidhay
dadkan kala ah
- 1- Shekh Ahmed Yuusuf.
- 2- Indho-biraale Muxumad Dahir.
- 3- Fatxi Cismaan Shekh.
- 4- Weli Amir Garaas.
- 5- Xassan Ciid Garaas.
- 6- Macallin Faarah Budul Digaale.
- 7- Dhaqane Mullaax.
Sida oo kale Tuulada war-gaadsan waxaa
xabsiyada loo taxaabay dadkan kala ah.
- 1- Xussein Cabdul-qaadir.
- 2- Cabdi Faacuul Cali.
- 3- Ahmed Deeq Faarah.
- 4- Cabdi Macallin Ismacil.
- 5- Fadumo Aden Badal.
- 6- Sareedo Aw Badal.
- 7- Xaliimo Xassan Mohamed.
- 8- Xaliimo Mohamed cumar.
- 9- Sacdo Sh. Ahmed, oo Umul ah.
sida uu wariyuhu noo soo tabiyay dadkaas ayaan
loo haynin wax sabab ah oo xabsiyada loogu guray balse mar uu waraystay wariyuhu
dad ku sugnaa magaalada Shaygoosh waxay u sheegeen in ciidamada Itoobiya ay
dadkaas ku tuhunsan yihiin in ay taageero u hayaan Jabhada Xoreeynta Ogaadenya
oo dagaal hubaysan kaga soo horjeeda Xukuumada Itoobiya.
Waftigii JWXO oo kulan la yeeshay Jaalliyadda
Ogaadeenya ee Ohio.
Oktoober 11keedii 2003 ayaa lagu qabtay
magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka shir balaadhan oo ay soo
qabanqaabiyeen Jaalliyadda Ogaadenya iyo hawlwadeenada JWXO ee gobolada Bariga
Maraykanka. Shirkaas waxaa ka soo qaybgalay wafdigii uu hoggaaminayey la
taliyaha Madaxwaynaha JWXO General Abdullahi Mukhtaar, dadwayne ka kala socday
gobolada iyo magaalooyinka Atlanta, Indiana, Kentucky iyo marti sharaf kale.
Shirkani wuxuu ahaa qayb ka mid ah hawlaha
abaabulka iyo xogwaranka isugu jira ee ay waddo Jabhadda Wadaniga Xoraynta
Ogaadeenya. Shirkaas waxaa lagu furay heestii calanka ee dalka Ogaadenya.
Waxaa halkaas ka hadlay La taliyaha
Madaxwaynaha General Abdullahi Mukhtaar iyo guddoomiyaha hogaanka Dhaqaalaha
JWXO Eng Salaahdiin Macow. Labada masuulba, waxay si aad ah uga warameen
xaaladda uu halganku marayo, waxqabadka iyo guulaha jabahadda iyo waliba
waajibka shacbiga guud ahaantiisa ka saaran halganka loogu jiro madax banaanida.
Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka mid ah
dadwaynihii ka soo qaybgalay shirkaas oo hadallo talo iyo taageero isugu jira ka
soo jeediyey goobtaas. Mas’uuliyiintu waxay kaloo dhagaysteen wixii dhaliil ama
sixitaan u baahan ee loo soo jeediyay Jabhadda. Goobtaas waxaa heeso iyo suugaan
qiiro galisay dadwaynaha ku soo bandhigay xubno ka mid ah hobolada Waaberi. Ugu
dambayntii waxay dadwaynihii halkaas ka soo qaybgalay balan qaadeen inay
taageerayaan halganka xaq u dirirka ah ee lagu raadinayo aayo ka talinta
shacbiga Soomliyeed ee Ogaadeenya. Wafdigu inta ay joogaan gobolkan waxay shirar
gaar-gaar ah la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada si looga wada
hadlo kaalinta ay qayb walba ka qaadan karto halganka.
Dood Cilmiyeed ku saabsan Xoojinta Halganka ay
ka wado JWXO dhulka Ogaadeeniya oo lagu qabtay Toronto.
Toronto (ONA) October 13, 2003 Waxaa shir aad
loo soo abaabulay lagu qabtay magaaladda Toronto ee dalka Kanada. Shirkaas waxaa
soo qabanqaabiyey maamulka JWXO ee magaaladda Toronto. Shirkaas waxaa ka soo
qayb galay Madaxda JWXO ee Kanada, culuma awdiinka, odayaasha, indeergaradka,
haweenka iyo dhalinyarada kunool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa. Ujeedada
shirka laga lahaa ayaa ahayd mid lagaga doodayey sidii loo xoojin laahaa
taageereda la siiyo JWXO iyo sidii loo heli lahaa figradaha dadwaynaha.
Waxaa shirkaas furay gudoomiyaha unuga JWXO
Mukhtaar oo ku soo dhaweeyey Wakiilka kanada u fadhiya JWXO Farax Cismaan.
Wakiilka wuxuu ka waramay xaalada halgan ee ay JWXO kula jirto Gumaysiga
Itoobiya iyo sida uu u sii xoogaysanayo halganka ay wado JWXO malinba maalinta
ka danbaysa, wuxuuna ka qaybgalayaashii shirka ka codsaday in ay halmeel ooga
soo wada jeestaan gumaystaha aan naxariista lahayn ee Itoobiya. Sidoo kale waxaa
qudbad aad loo jeclaystay ka jeediyey shirka gudoomiyaha abaabulka iyo kicinta
mudane Mohamed Qamaan oo ka waramay sida wanaagsan oo ay ooga qayb qaataan
taageerida halganka dadweynaha kunool Toronto iyo agagaarkeeda, wuxuu kaloo ka
waramay sida ay u wadaan halganka guud ahaan gaar ahana magaalada Toronto,
wuxuuna u mahadceliyey dadweynaha reer Toronto sida wanaagasan eey uga
qaybqaataan xoreeynta dhulkooda hooyo.
Qudbadaha madaxda kadib waxaa furmay figrad
isdhafsi iyo talo-bixino ay is waydaarsanayaan dadweynihii ka soo qaybgalay
shirka waxaana gabagabadii la isku raacay in halmeel looga soo wada jeesto
gumaystaha Itoobiya, lana xoojiyo taageerada la siiyo JWXO. Waxaa kalo la
sameyey gudi isku soo habeeya figradaha iyo talooyinka la isla gartay in ay
waxtar u leeyihiin halganka, sidoo kale waxaa la isku raacay in laqabto shir
kale dhamaadka bisha December si loo fuliyo go'aamadii la isla gaadhay.
QM oo ku adkaysatay in bishan la jeexayo xadka
Itoobiya iyo Eritereya.
Sida aan kasoo xiganay WWO, Xadka uu muranka
wayni ka taagan yahay ee u dhexeeya dalalka Eritereya iyo Itoobiya ayaa la
astayn doonaa bishan oktober dhexdeeda, iyadoo uu waliba muran ba, ani ka taagan
yahay go, aankii ka soo baxay Ergadii ay Qaramada Midoobey u saartay khilaafka
xuduudda ee labadaas dal, sidaas waxaa khamiistii sheegay masuul sare oo ka
tirsan Qaramada Midoobey.
Badhtamaha bishan oktober ayaa la billaabi
doonaa calaamadaynta soohdinta u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritereya, haddii ayna
Ergada xallinta khilaafka xuduudda ayna xilli kale qabanin, sidaas waxaa tidhi
afhayeenka Ergada EEBC Gaile Sainte.
Itoobiya ayaa marar badan ku gacan saydhay go,
aanka Ergada EEBC, oo magaalada lagu muransan yahay ee Bademe siiyay dalka
Eritereya. Bishii horana Meles Zenawe ayaa warqad u diray Qaramada Midoobey,
taasoo uu ku codsaday in mar kale dib loogu noqdo arrinta soohdinta ay ku
muransan yihiin dalkiisa iyo Eritereya, wuxuuna sheegay in Itoobiya ayna marna
aqbalaynin go’aanka Ergada EEBC ee Eritereya siinaya magaalada Bademe.
Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ayaa cabashada
Itoobiyay kaga soo jawaabtay warqad kulul oo ay ku cadeeynayaan in aan go,
aankaas laga laabanaynin lana bilaabi doono calaamadaynta labada Dal badhtamaha
Bishan eeynu ku jiro ee Oktoobar, Itoobiyana looga baahan yahay in ay go,
aankaas meel mariso. Ergada EEBC waxay sheegtay in soohdinta u dhaxaysa
Eritereya iyo Itoobiya, oo dherarkeedu dhan yahay 1000 km la astayn doono inta u
dhaxaysa badhtamaha bishan oktober ilaa iyo dabayaaqqada bisha julay ee sanadka
2004.
Ururka macalimiinta Itoobiya oo laga
horjoogsaday banaanbax ay isuqabanqaabinayeen.
Sida aanu ka soo xiganay wakaalada wararka
Ogaadeenya Ururka macalimiinta Itoobiya ayaa laga horjoogsaday banaanbax ay u
soo mareen shuruudihii u sharcigu dhigayay, waxayna ka diiwaan galiyeen
banaanbaxaas booliska , maxkamadaha iyo hayadaha ku shaqo leh.
Waxaase saacaduu dhici lahaa looga hor
joogsaday si xoog iyo amar ku taaglayn ah. Waxaana is hor taagay cutubyo ka
tirsan ciidanka Booliska iyo nabad sugida Meles Zenawi oo sitay amar ka sareeya
Sharciga wadanka. Sida u todobaadkii hore soo sheegay wariyaha ONA ee magaalda
A.A waxay macalimiinti mudo ka badan bil ku jireen qabanqaabada banaan baxaas,
kaas oo ay rabeen in ay ku soo gudbiyaan dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen, hoos u
dhaca waxbarashada iyo duudsiga xuquuqda Macalimiinta oo mar walba lagu xad
gudbo.
14.10.003
Dhoodi Danwaa.
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|