Hargeysa (Halganews): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin
ayaa gaashaanka ku dhuftay hindisaha dhowaan ka soo yeedhay koox salaadiinta
Somaliland ah oo sheegay inay heshiisiinayaan beelaha reer Muqdisho (Hawiye),
isaga oo sheegay inaanay xukuumaddu arintaa ogolayn, isla markaana aanay
salaadiintu ku talaabsan karin talo aanu qaranka Somaliland u dhamayn, wuxuuna
madaxweynuhu sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay aqalka
madaxtooyada.
Shirjaraa’id ee uu madaxweyne Rayaale qabtay waxa uu ka
dambeeyey kulan wax yar ka hor dhexmaray qaar salaadiinta ka mid ah iyo isaga (Madaxweynaha),
iyadoo dhinaca kalena uu hadal xagga salaadiinta ka soo baxay sheegay inay
hindisahan xukuumaddu la ogayd, laakiin madaxweynuhu ganafka ayuu ku dhuftay,
isaga oo beeniyey hadalka odhanaya inay xukuumaddiisu wax ka ogayd hindisaha
caynkaas ah.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanay hadda muuqan dan
Somaliland halkaa ugu jirta iyo buu yidhi Hawiye islaynaya oo la heshiisiiyaa
toona, laakiin hadalkii hordhaca ahaa ee uu shirkaa jaraa’id ka jeediyey waxa
ka mid ahaa “Aniga iima muuqato dan ay qayb inaga mid ahi ay Xamar ku tagto ama
meel kale ku tagto, taa uma arko runtii inay Somaliland dani ugu jirto,
Salaadiintana waxaan qabaa inaanay ku kicin karin wax aanay qaranka kala tashan
ama aanu la ogayn ama ka gooniya talada uu qaranku leeyahay, taasna iyaga waanu
u sheegnay oo waanu ka wada hadalnay, waxayna ballanqaadeen inaanay taas oo
kale ku kacayn.
Run ahaantii anigu ma arko talo maanta Xamar taal, waayo
hadii ay talo halkaa taal waxa lagu maamuli lahaa Xamar gudaheeda, Somaliland
iyo Somaliyana laba dal ayey kala yihiin, Mawqifka xukuumadduna gooni isu
taagga Somaliland halkii hore ee ay ka taagnayd wax iska bedelay iyo wax
bedelayaa toona ma jiro, ciddii talo xumaysata ee shir aanay ummadda Somaliland
dan u arkayn ka qayb gashana waxay noqonaysaa cid tala xumaysatay sidii ay
awelba shakhsiyaad ahi ay meelahaa u tegi jireen, xukuumadda Somaliland-na ma
jirto cid ay gacan ku siinayso ama ku taageerayso talo ka duwan ama lidi ku ah
gooni isu taagga Somaliland”.
Intaa ka dib weriyayaasha ayaa madaxweynaha su’aalo ka
waydiiyey mawduuca uu ka hadlay, waxayna su’aalahaas iyo jawaabahoodu u dhaceen
sidan:
S: Salaadiintu waxay sheegeen inay doonayaan inay soo
heshiisiiyaan beelaha Hawiye oo naga soo codsaday inaanu heshiisiino, anaga oo
aan madax banaanidii iyo qaranimadii Somaliland meel kaga dhacayn, markaa
mawqifka xukuumadda ee arintaasi muxuu yahay ?
J: Horta anigu ma ogi Hawiye qabiil ahaan isu laynaya oo
maanta Xamar qabiil-qabiil isugu laynaya, laakiin waxa jira Hawiye siyaasad
isku haysta, balse siyaasadda ay Hawiye isku haystaan ma jirto wax allaale wax
inaga khuseeya arimohooda gudaha ee iyaga ayey u taal inay ku kala baxaan
waxyaalaha ay isku hayaan, markaa hadii aanu jirin Hawiye islaynayaa uma arko
Hawiye in loo tago.
S: Kulankii aad hadda (Shirka jaraa’id ka hor) la yeelatay
salaadiinta miyey u dhamaayeen salaadiintii bayaanka soo saaray, mise qaar ka
mid ah ayaa kula joogay ?
J: Saddex suldaan baa ila joogay, laakiin inaanay
bayaankaa isla wada ogayn baa ii soo baxday.
S: Salaadiintu waxay sheegeen inaad adiga iyo xukuumadaadu
la ogaydeen arinta, adiguna waxaad sheegtay inayna xukuumaddu la ogayn, markaa
maxaa isbedelay ?
J: Horta suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir baa sheegay oo
yidhi xukuumadda ayaa nala ogayd, taasi waa beentii oo waxba kama jiraan, aad
baana uga xumahay inuu yidhaahdo wax aanan la ogayn wuu ila ogaa. Maalin
maalmaha ka mid ah ayaa markii aanu xam-xamta maqalay ayaanu suldaan Maxamed u
yeedhnay aniga iyo saddex oday oo guurtida ahi, waxaanuna ku nidhi qaar kalena
(Salaadiin kale) waa kuwa ku shiraya Abudhabai oo iyaguna hawshan hawl la mid
ah wada, markaa waxaanu ku nidhi Somaliland maanta uma baahna ninba tuur
gooniya inuu istaago oo uu ku kaco talo aanay Somaliland isla ogayn, sidaa
darteed ma jirto talo aad ku dhaqaaqi kartaan ilaa wax aynu ka wada tashanno
mooyee, iyaguna taa way nala ogolaayeen.
S:Waxa la sheegay inaad dhambaal ka hesheen Imaamka beelaha
Hawiye, taasi ma jirtaa ?
J: Wax allaale wax aan anigu ka helay ma jirto.
S: Masalan maxaa Somaliland u diidaya inay arimaha Somaliya
gasho oo ay wixii danno ah ee kaga xidhan ka fushato ?
J: Taasi farsamooyin kale ayey u baahan tahay , laakiin
inaga oo talo isla ogayn hadii kolba kooxi meel tagto ma jirto wax dan ah oo
inoogu jirtaa.
S: Hadii ay salaadiintu iska tagaan maxaad ka yeelaysaan ?
J: Anigu ma qabo inay tegayaan.
S: Salaadiintii Somaliland ee Puntland heshiisiisay iyo
kuwani maxay ku kala duwan yihiin ?
J: Horta Puntland dad aynu jaar nahay oo inagu soo qaxay
ayey ahaayeen oo aynu dib isaga celinay, markaa inaynu dad aynu jaar nahay oo
inagu soo qaxay dhibaatadooda iska celino ayey ahayd taasi.
S: Waxa kale oo la sheegayaa inay Abudhabey wax ka soc-socdaan,
taa maxaad war ka haysaa ?
J: Taa lafteeduna inay iska soo dhamaatay ayaan filayaa
oo ay salaadiintii halkaa joogtayna imanayaan.
S: Dawladaha shirka Kenya maamulaya ee gobolka waxa la
leeyahay way ku kala qaybsameen shirka, siiba Itoobiya iyo Jabuuti oo waxay
kala taageerayaan kooxaha, ka dibna dawladda Jabuuti oo taageersan kooxaha
shirka ka soo baxay ayaa la leeyahay waxay lugta la soo gashay Somaliland oo
iyadaa arimahan wad-wada, taa maxaad ka odhan ?
J: Horta taasi ma aha mid inaga ina khusaysa, arimaha
jaararkeenana inaynu faragelino wax inoogu jiraa ma jiraan, taasna hadda ka
jawaabi maayo.
S: Guddigii aad dhowaan u magacowday bariga Somaliland maxaa
hortaagan inay xukuumadda Somaliland maamulkeeda gaadhsiiso bariga Somaliland ?
J: Dhakhso ayey u tegayaan guddigaasi, mana jiraan wax
isbedelay.
S: Waxa jira dad badan oo had iyo goor ku dhaqaaqa arimo ka
soo horjeeda jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, kuwaas oo dalka yimaadda
cidina aanay waxba la qaban, waa maxay ku tala-galka xukuumadda ee dadka
noocaas ahi ?
J: Horta berigaa hore golayaasha iyo xukuumaddu go’aan
ayey ka soo saareen dadka noocaas ah, go’aankaasna waxa la yidhi ciddii cafis
ku soo gasha yaan la xukumin, markaa dadkaa intooda badani cafis ayey ku soo
galeen dalka, koleyba inaynu dadkeenu urursano maslaxad baa ku jirta ayaan
qabaa anigu.
S: Waxa jira wefti wasiiro ah oo Jabuuti qabtay oo ay
weheliyaan dad shicib ahi, kuwaa ka waran ?
J: Anigu saddex wasiir oo keliya ayaan diray, dad
shicib ah ma ogi.
S: Ma jiraa xidhiidh gaar ah oo adiga (Rayaale) iyo Ina
Cumar Geelle idinka dhexeeyaa ?.
J: Waxa naga dhexeeya xidhiidh dawladeed, waayo dal aynu
jaarnahay, oo aynu walaalo nahay hadii aydaan garanayn waxa aynu isu nahay ama
inaga dhexeeya, taas ayaa naga dhexaysa, maslaxad ayaana inoogu jirta inaanu
dawladda Jabuuti iyo dawladda Itoobiya labada la yeelano xidhiidh sokeeye.
S: Weftiga wasiirada ah ee Jabuuti tegay maxaad u dirtay ?
J: Hawlo gaar ah oo aanan iminka idiin sheegayn ayaan u
diray oo dano kale ah oo aan xataa Jabuuti ahayn, intaana u dhaafi maayo.
S: Hore waxaad u sheegtay inaad samayn doontaa guddi la
dagaalanka argagixisada ah, xagee bay guddigaasi ku dambaysay ?
J: Waqtigeeda ayaanu samaynaynaa.
S: Salaadiintani waxay sheegeen inay ka hortegayaan ninkii
Laas-caanood kaa soo saaray (C/laahi Yuusuf), taa sidee baad u aragtaa ?
J: Taa dagaalkeedu Somaliland oo dhan ayuu u wada yaal.
-dhammaad-
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2003