"...waxaa soo huleeshay xoogagii USC
oo aan runtii sidaa looga aqoon hirdankii halganka, Maxamed Faarax Caydiid,
oo wakhtigaasi hammi badan ugu jiray sidii uu reerka uu ka dhashay ugu
celin laha mansabka Siyaasadeed ayaa wuxuu isticmaalay Hammuun aan cadawga
lala beegsan balse xanuun ku noqotay runtii birma gaydo farabadan oo
degenayd xaruntii dhexe ee dawladi siyaad bare waa Muqdisho eh, waxaa
halkaasi ay xoogagii USC ee magaalada soo gelay ka gaysteen falal
foolxumo ah oo aargoosi lala beegsaday dumar iyo caruur... "
Diridhaba:
June 15 2003
"...hortaantii 91 kii ayaa ciidamadii halyeeyada ahaa ee SNM
waxay si ismiidamisa u hujuumeen magaalooyinka Burco, berbera, iyo weliba
xaruntii ay muddoyinka badan hiigsanayeen ee Hargeysa, Keligii
taliye Maxamed Siyaad Barre iyo weliba Hogaankii Ciidamada aagga gobolka
Hargeysa ee loo yaqaanay qabta 26aad, Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Xirsi
Moorgan, iyo xubno sare oo kalaba waxay ku sugnaayeen tuulada Hawash oo ay
kala arrinsanayeen hogaankii sare ee dalka Ethiopia...",
Diridhaba:
June 15 2003
"... SNM
Hargaysa iyo burco waxay soogaleen 1988.."
Aden Mohamed:
Oct 11, 2003 |
Mahad waxay u sugnaatay ilaahay subxanahu watacalaye naxariis iyo nabadgelyo
korkiisa ha ahaato nebigeena suuban Maxamed (C.S.W), akhristayaal waxaanu
halkan ku soo bandhigi doona dhacdooyin nabadgelyo darro ah iyo weliba qaska
siyaasadeed ee ku xayndaaban geyiga Somaliland, laga soo bilaabo sannadkii 1991
markii lagu dhawaaqay xornimada iyo gooni isu taagga jamhuuriyadda Somaliland,
waxaa jirtay nabadgelyo iyo xasilooni ay ku taamayeen shacbiga reer Somaliland
taasi oo xaqiiqdii ka midho dhallisay in geyigani ka duwanaado dhamaan dalalka
ku xayndaaban, waxaa xusuus mudan markii dhamaan beelaha, siyaasiyiinta,
waxgaradka, cuqaasha, mutacalimiinta iyo culuma awdiinka dalkan Somaliland ay
iskugu tageen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco in halkaasi lagu fallan
qeeyey arrimo badan lagana midho dhalliyey, taasi akhrist! ow waxay horseeday
in dalkani muddo 13 toban sanno ku dhaqmayeen xeerarkii ay waxgaradkoodu ku
gaadheen magaalada burco kuna soo gaadheen hanaanka dimuqradiyada axsaabta
badan si xishmadlehna uga midho dhallay, balse su,aasha meesha taalla ee in
laga jawaab ku habooni waxay tahay Sidee xaaladda nabadgelyo iyo siyaasadeed ee
Somaliland ku suganyahay, akhristayaal waxaan halkani ku soo bandhigayna hadaba
dhacdooyinkii ugu xuma ee soo mara jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba
qalafnaanta siyaasadeed ee ka soo bildhaamaysa ardaayada kala duwan ee kulaala
qaddiyada Somaliland aan ku bilaabo dhacdooyinka ka dhacay sannadkan:-
1. DILKII LOO GAYSTAY MUWAADINKII SWIZ-KA AHAA IYO WAXQABASHO LA,AANTA
DALWADDA
Sannadkan aynu ku jiro horaantiisi waxaa ka dhacay magaalo madaxda
Somaliland ee Hargeysa dilkii ugu foosha xuma ee soo mara abadan ka dib muddo 8
sanno ah, waxaa habeen ka mid habeenadii badhtamaha sannadkani aynu ku jiro si
badheedh ah loogu toogtay meel u dhaw dukaanka Star Super Market ee magaalada
hargeysa nin ay dhallashadiisu tahay waddanka Swizerland, ninkaasi oo u yimid
hawlo ganacsi, una yimid Somaliland xasiloonida iyo ammaanka ay kaga duwantahay
dhamaan dawladaha ku xayndaaban, akhristow muwaadinka Swiz-ka ahi isaga oo aan
waxba galabsan wuxuu ku waayey noloshiisi ammaan darro ay u horseeday Dawladda
Somaliland, waxaa xusuus mudan in Dawladda Somaliland ay ka qaaddo shakhsi
kasta oo ajanabi ah lacag xad dhaaf ah oo aan sharciga waafaqsanayn sannadkii,
sababta ugu weyn ee looga qaado lacagtaasina waxay tahay in lagu sugo
ammaankooga, waxaa nasiib darro weyn ah in Dawladdu dhinac iska dhigtay
dabagalka iyo raadraaca dilkaa loo gaystay ninkaa miskiinka ah.
2. TOOGASHADII LOO GAYSTAY LABA NIN OO U DHASHAY WADDANKA JIBOUTI
Bilahii ina dhaafay muddo hadda laga joogo muddo kooban waxaa badhtamaha
magaalada Hargeysa kaga sii darane meel u dhaw Wasaaradda Arrimaha Gudaha aan
sidaasina uga sii durugsanayn Madaxtooyada looga taliyo Jamhuuriyadda
Somaliland, toogasho badheedh ah loogu gaystay laba nin oo u dhashay
Jamhuuriyadda Jibouti oo waddanka u yimid fasaxa xagaaga, labadaa nin oo midna
markiiba naftu kaga baxday isla goobtii lagu toogtay kii kalana dhaawac halis
ahi gaadhay kuna waayey laxaadkiisa, ayaandarrada ugu weyn waxay tahay in aan
dawladda Somaliland iyada oo og cidda ka danbaysay toogashadaa sababtayna dilka
iyo dhaawaca aanay ka daba tegin cid loo raacayna jirin, markaa arrintu
miyaanay noqon Karin “Timir laf ayaa ku jirta”</! SPAN
3. DILKII LOO GAYSTAY ANNELINA TONNELI
Muddo hadda laga joogo dhawr todobaad waxaa ka dhacay magaalo Madaxda
Gobolka Awdal ee Boorama dilkii ugu foosha xuma ee soo mara abadan taariikhda
Somaliland, ka dib markii dil toogasho ah loo gaystay gabadh u dhalatay
waddanka talyaaniga oo u joogtay magaalada Boorama hawlo samafalnimo ah (Aid
worker activist), oo ay u haysay boqolaal qof oo u dhashay magaalada Boorama,
waxaa marag ma doonto ah hawlahii samo falnimo ee Annelina Tonneli sida
shakhsinimada ah ugu qabatay boqolaalka qof ee u dhashay magaalada Boorama,
hospital-adii iyo dugsiyadii ay sida hagarla,aanta aha uga furtay magaalada
Boorama, inkasta oo qaddarka ilaahay meesha yaallo oo aan nafna maalinta ay
dhimanayso seegaynin waxaa annelina tonneli si amaan darro ah u seeg! tay
nafteedi, waxaanay hadda u muuqata in kiiska annelina aanu waxba ka duwanaan
doonin kuwaa hore aan u xusnay.
4. MASHAQADA SIYAASADEED IYO MURANKA SALAADIINTA
Qodobka ugu horeeya Dastuurka Somaliland ayaa wuxuu dhigaya in aan cidina
gor-gortan looga galaynin Madaxbanaanida iyo qarranimada Somaliland, waayo
Shacabka ayaa kasbaday, Dastuurka aan akhristow xusnay waxaa %97 codkooda
siiyey Shacabka Somaliland, waxaa kale oo Dastuurka ku qeexan in awoodda dalka
iyo magaciisaba keliya ay matali karto Dawladda markaasi xukumaysa dalka ee
shacabku doorteen, waxaa ayaan darro ah in Salaadiin hawabwsan oo dhuuni raac
ahi ay magaca iyo sharafta iyo cisiga umadda Somaliland,doonayaan inay matalaan
taasi oo inbadan la iskugu dayay in lagu waxyeeleyo, balse ay noqotay hal
bacaad lagu lisay, dadkani maaha dadkii hore dalkuna maaha halkuu maraayey
wakhti hore, ummadu way ka daashay baratayna ashkhaastaasi, balse ayaandarradu
waxay tahay Suldaan sheeganaya inuu matallo ama xukumo beel hadana do! onaya
inuu dhabarka ka jabiyo ummad dhan ama qaran dhani waxay isla citiqaadeen, ma
odhan kara akhriste Suldaanku waa kii shallay jawaabta Su,aashu waa maya? Waayo
suldaan marka ay beeli samaysanayso ama magacaabanayso waxaa laga dhex xuli
jiray ninka ugu miisansan uguna caqli galka badanleh, balse Suldaanka maanta u
baanbaxay inuu dumiyo qaranku ka dhashay waa waxaan caqliga iyo garaadka
caafimaadka qaba liqi Karin, waxaa taasi ay muujinaysa in kala danbaynti
qaranimada Somaliland ay u muuqato inay meesha kaba sii baxayso, waxaa hadaba
meesha taalla in hawshan hadda jirta iyo salaadiinta u baanbaxay duminta
qaranka Somaliland meel looga soo wada jeesto, dhammaan shacbiga iyo
waxgaradkooduba, xil wuxuu ka saaranyahay shacabka oo looga baahanyahay inay
gacmaha is qabsadaan kana hortagaan wixii u keenaya carqalad iyo duminta
qarankooga, xil wuxuu ka saaranyahay siyaasiyiinta daacadda ah ee Somaliland oo
ah inay qaddiyadda Somaliland ka difaacan cadawga gudaha, xil wuxuu ka sa!
aranyahay culuma awdiinka Somaliland oo looga baahanyahay inay! si bala adhan
uga qayb galaan hadafka shacabkooga, xil wuxuu ka saaranyahay Mutacalimiinta,
iyo waxgaradka iyo dhalinyarada Somaliland, xil wuxuu ka saaranyahay
Salaadiinta Wanaaga dalkooga iyo aaya tallinta shacabkooga u heellan, waxaanu
usoo jeedinayna shacabka Somaliland inay gacmaha isqabsadaan xaaladdana uga
gudbaan sidii kuwii hore usoo maray.
5. DILKII LOO GAYSTAY RICHARD GARDENER IYO HAWEENAYDIISA MAGAALADA SHEEKH
EE GOBOLKA SAAXIL
Waxaa 20 Bishan October, si badheedh ah oo aan qarsoodi ahayn loogu toogtay
Richard Gardener iyo Haweenaydiisa oo ahaa Macalimiin wax ka dhigaayey dugsiga
Sare ee Sheekh ee Gobolka, Saaxiil, akhristow hadda ma qarsoona awooda iyo
itaalka Dawladda Somaliland ay ku tahli wayday inay sugto amaanka Mujtamaca
ajanabiga ee u jooga Somaliland inay caawiyaan bulshadeena ka tabaalaysan
dhinacyada Bulshada, waxaa uun laga jooga seddex todobaad in ka yar markii
haweenay talyaani ah oo taakulanaysay boqolaal qof magaalada Boorama ee Gobolka
Awdal si badheedh ah loogu toogtay, Waxaa cad oo aan meesha laga saari Karin in
falalkani ay si toos ah uga danbeeyan dadka la yaqaano ee qaranimada Somaliland
lidka ku ah, hadaba iyada oo Dawladda Somaliland og galdaloolooyinka iyo
carqaladaha siyaasadeed ee aan inoo ogolayn horumarka, waxay Dawl! addu
dayacday inay tusaale ku qaadato dilkii hore loogu gaystay Annelina Tonneli,
tani waxay dhaawac weyn ku tahay dedaalkeenii aynu ugu jiray in beesha caalamku
garawsiiyo ka muujiso hanaankeena dimuqradiyadeed, aqoonsi buuxdana aynu ku
kasban lahayn, weli Somaliland 13 sanno ee ay jirtay may soo marin
dhacdooyinkani sida isdaba jooga ah u asiibay dadka sida gaarka ah shacabka
Somaliland ula saaxiibka ah ee u jooga wadddanka inay taakuleeyan umadda
Somaliland, Waxaan kalsooni buuxda ku qabna in Shirk u sheega ka socda tuulada
Mgathi ee magaalada Nairobi loogu arrinsanaayo sidii dhaawac loogu gaysan lahaa
qaranimadeena iyo sharafteena iyo cisiga aynu ka kasbanay beesha caalamka,
waxaan shaki ku jirin hadda in qabqablayaasha kooxaha Soomalida iyo weliba
dawlado kale oo ka caawinaya ay asiibayaan geedi socodka hanaanka umaddani
kasbatay, hadaba waxaanu Dawladda Somaliland usoo jeedinayna laba arrimood oo
ah inay kala doorato (ultimum decision)
1. In Dawladda Somaliland u duurgasho xaaladda Amaanka ee dalku ku
suganyahay iyada oo adeegsanaysa
a) Sugidda amaanka Ajanabiga ku sugan waddankeena Somaliland.
b) Ka warhaynta xogaha Sirdoonka ee cidhifyada Somaliland
c) Iskaashi lala sameeyo dawladaha aynu saaxiibka nahay sida dawladda
Ethiopia iyo Djibouti</ST! 1:country-region si argagixisada dagaal loogu wada
qaado
d) Qalabaynta iyo tayaynta ciidanka amaanka qaranka Somaliland
e) Sugidda Xuduudaha Somaliland.
f) Ka warhaynta siyaasiyiinta aan u dhallan Somaliland ee ku sugan waddanka
Gudahiisa
g) In dalka laga caydhiyo dadka aan u dhallan Somaliland ee sida sharci
darrada ah waddanka ku jooga (Waayo waxay fududayn karaan in loo adeegsado
hawlgalada Argagisada)
h) Adkaynta Hawlaha Socdaalka dalka, khaasatan soo galaytiga ka imanaya
Soomaliya iyo xaqiijinta hawlaha ay dalka u imanayaan.
i) Dabagalka iyo xaqiiq ka sheegidda dadkii gaystay dilkii loo gaystay
dhamaan dadka kor ku xusan.
j) U hogaansamidda xeerarka iyo qodobadda Dastuurka ee qeexaya hawlaha
amaanka iyo kala danbaynta qaranka
2. Qodobka labaad waa qodob u ah Dawo dhamaan geyigeena Somaliland oo ah
haddii ay dawladda Somaliland tahli kari waydo qodobada kor ku xusan in ay is
casisho oo dalka ay ku soo dabaasho doorasho xor ah.
Ururka Qurbe Jooga Difaaca Somaliland
South East Asia (Koonfur Beri Aasiya)
Waaxda Karachi
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan.
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2003
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA