Laga soo bilaabo markii mustacmaradahii xukumaayey dhulka Soomalidu degto ay
siiyeen xorriyadooda, waxaa saxaafadda Afka Soomaliga ku hadasha taariikhdeeda
lagu tiriya inay ka bilaabantay qarnigii ina dhaafay ee 21-aad, waxaa idaacadda
laanta afka Soomaliga ee B.B.C-da la aas-aasay sannadkii 1957-kii, waxaana lagu
tiriya inay idaacadaas afka soomaliga ku hadasha ee B.B.C-du noqotay isha
keliya ee laga dhegaysto wararkii ugu horeeyey ee lagu baahiyo luuqadda Afka
Soomaliga, waxaa xusuus mudan in luuqadda Soomaliga oo aan lahayn qoraal u
dejisan ay dhibaato ku noqotay weriyayaashii ugu horeeyey ee ka hadla idaacadda
Laanta Afka Soomaliga ee B.B.C-da sidii ay u baahinlahaayen wararka,
taasi
waxay ku keliftay in ay iyaga oo idaacadda warka ka akhrinaya ay si toos ah u
turjumaan luuqadda ingiriisiga, taasi waxay sii socotay ilaa 1970, naadkii
markaasi oo dawladdii militery-ga ahayd ee Soomaliya ka tallinaysay ku
guulaysatay inay uruuriso aqoonyahanada dalka laguna guulaystay! in la dejiyo
qoraal ama xarfo isku dhaffan oo ay luuqadda Afka Soomaligu leedahay, hadaba
dulucda qoraalkaygani wuxuu diiradda la beegsan doona sidee saxaafadda
Soomalida oo maanta 46 jirsatay ay dumarka Soomaliyeed uga dhex muuqdaan, laga
soo bilaabo akhristow qarnigii ina dhaafay ilaa hadda oo aynu dul cararayno
qarnigan ay reer galbeedku ugu yeedhen "Milleniumka" waxaa Dumarka Soomaliyeed
ee ka dhex muuqda masraxa saxaafadda Soomalida lagu tiriya mid aad u yar, marka
lala barbar dhigo xagga ragga, ama aan idhaahde mujtamacyada kale ee
dunida,
Ikraam Cali kaar Suxufiyad Soomaliyeed Kuna Sugan waddanka
Sweden.
|
markaad dhinac ka eegto idaacadaha waaweyn ee tebiya wararka dunida
waxaa markiiba dhegahaaga ku soo dhacaaya ama indhahaagu arkayaan dumar si aad
ah loo carbiyey oo wararka kala gedisan tabinaaya, tusaale markaynu usoo
qaadano Idaacadda B.B.C-da, Qaybteeda la iska arko ee dunida u waranta waxaa
lagu qiyaasay dumarka u shaqeeya inay tiro ahaan ka badanyahiin ragga ka
shaqeeya idaacadaasi, sannadkii 1998-kii ayaa haweenay uga
soo warami jirtay idaacadda maraykanka ah ee CNN ee xarunteedu tahay
magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, waxay ku guulaysatay weriyaha ugu
wanaagsan ee qarnigii ina dhaafay waa Christian Amanpour, Christian waxay ahayd
haweenayda keliya ee reer galbeed ah ee si toos ah uga soo warami jirtay
dagaaladii ka socday waddankii Bosnia, intaanay ciidamada maraykanku halkaasi
soo gelin, markaynu usoo degno mujtacama Soomalida arrinku sidaasi maaha,
Idaacad aan caalami ahayn oo Soomalidu leedahay waxaa ugu horaysay idaacadda
Radio Hargeisa, oo la bilaabay 1946-kii, hadda haddii aad booqato idaacadda
Radio Hargeisa
Aamina Muuse Weheliye Weriyaha Idaacadda laanta afka Soomaliga oo ay ku xayndaaban yahiin Weriyayaal
badan oo ah ragga Idaacadda ka tirsan.
|
waxaad arkaysa dumar faro ku tiris ah oo werlaliyayaasha idaacadda dul
fadhiya, markaad weydiiso maamulka idaacadda sababta ugu weyn ee keliftay in
aanay dumarku ka shaqayn ama ku badnayn idaacadda, ka heli maysid jawaab rasmi
ah oo ku qancisa, sidoo kale Idaacadda keliya ee Mujtamaca Soomalidu u dhego
nugushahay waa Laanta Afka Soomaliga ee B.B.C-da badiba waxaa Idaacadaasi soo
maray afar haween ah, balse waxaa ayaan darro ah in laba ka mid ahi uun hadda
ka shaqeeyan, 1. Jawahir, 2. Shamsa Cabdilaahi Baybuuk 3. Shadia Rooble oo
Hargeisa ka soo waranta, iyo 4. Aamina Muuse weheliye oo noqotay gabadha keliya
ee ku hadhay xarunta idaacadda laanta afka Soomaliga ee B.B.C-da ee magaalada
London, akhriste hadaba waxaa markiiba ku soo dhacaya Su,aalo tiro badan
maskaxdaada, Ma Dumarka Soomaliyeed ayaa doorbiday inay Saxaafadda ka durkaan?
Ma aqoon la,aan xagga Saxaafadda ah ayaa jirta? mise arrinku waa si kale,
runtii su,aasha labaad waa daw in ay meesha ooli karto waayo ma j! iraan
jaamacado dalka gudahiisa ku yaalla oo hanaanka saxaafadda lagu barto, balse
hadana dhaliisha ma la saari kara haayadaha Saxaafadda Caalamiga ah iyo weliba
kuwa maxaliga ah oo iyagu hoos u dhigay sumcadda Saxaafadda haweenka
Soomaliyeed, taasi jawaabteedu waxay u taalla haweenka Soomalidu cidhif wal oo
ay dunida kaga noolyahiin, waxaanse ku baraarujinaya Dumarka Soomalida ah inay
dedaal u galaan sidii codkooga looga maqli lahaa cidhifyada dhulka Soomalidu
degto.
Wa bilaahi tawfiiq
Waxaa soo diyaariyey MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2003
Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay....
GUJI 8/12/2002
Bayaan ay soo saareen jaaliyada
SSH ee Kuwiat
Annagoo ah
Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag
iyo Hawd in badan ayaanu
GUJI
12/12/2002
Jaaliyada dhulbahante ee w/america
warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in
GUJI
11/12/2002
Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi
oo ku sugan Eldoret ayaa..
GUJI 8/12/2002
Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood,
kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha...
GUJI 8/12/2002
DUX
LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji
June 7
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri