- KU: SHACBIGA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
- KU: SALAADIINTA BEELAHA SOMALILAND
- KU: XUKUUMADDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
- KU: GOLAHA BAARLAMAANKA IYO GUURTIDA SOMALILAND
- KU: AXSAABTA SIYAASADDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
- KU: WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IYO GUDAHA EE
SOMALILAND
UJEEDO: KHATAR HORLEH OO KU SOO WAJAHAN SOMALILAND
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Laga soo bilaabo qabanqaabadii iyo madal dhigidii
ururuka IGAD ay iskugu yeedhay Beelaha Soomaliya inay ku heshiiyaan dalka
Kenya, waxaa jiray shirqoolo toos ah oo la doonaayey in lala beegsado
Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo la doonayo in loo hello fursad qayaxan oo
lagu burburiyo masayrka shacabku gaadheen 1991 18 May, laga soo bilaabo
caqabadaha hor yimid shirka ay ururka IGAD ugu tallo galeen Beelaha SOOMALIYA,
waxaa jiray khiyaamooyin xirfadaysan oo loo adeegsanaayo agab iyo addin iyo
ficil iyo dawlado la jaar ah Jamhuuriyadda Somaliland oo loo adeegsanyo in lagu
dumiyo go,aankii ay gaadheen shacabka reer Somaliland 1991, kaasi oo dhigaayey
in Qaranimada iyo gooni isu taagga iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland
aan cidnaba lagala gorgortami karayn, si kastaba ha ahaatee, waxaa jira warar
soo baxaayey dhawaanahan oo qeexaayey in Salaadiin ka tirsan beelaha Somaliland
go,aan ku gaadheen in ay wax loogu yeedhay dhex dhexaadin ugu yaboohayaan qaar
ka tirsa! n beelaha Soomaliya, hadaba waxaa arrinku yahay sida tani:-
1. Cidda la dhex dhexaadinaya ma aqoonsantahay
Somaliland? jawaabta su,aashaasi waxa weeyan Maya, run ahaantiina waxay taasi
tusaysa in haddiiba ay jirto oo ay dhabtahay Go,aan ka soo yeedhay Salaadiin
Somaliland ahi dhex dhexaadin ay sheegayaan inay u yaboohayaan qaar ka tirsan
qabaa,ilka Soomaliya ay tahay fal khaayinimo ah oo la doonayo in lagu
mu,aamaradeeyo shacabkii shallay gaadhay go,aanka ah inay xorriyadooda dib ula
soo noqdaan, waayo arrinka meesha imanaya wuxuu yahay maadama oo aan beesha
caalamku (The international community) aanay aqoonsanayn madax banaanida
Somaliland, Maadama oo aanay dawladaha dariska ahi (the Neighbour nations)"IGAD"
aanay aqoonsanayn Madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland, maxaa kellifaya
inay Somaliland yaboohdo dhex dhexaadin aan meeshaba oolin
2. Waxaa la ogsoonyahay in shir uga socdo Soomaliya
magaalada Nairobi, kaasi oo beesha caalamku taageersantahay shirkaasi, si
kastaba ha ahaadee, waa maxay sababta keeni karta in qaran aan la aqoonsanayn
Salaadiintiisu afkaba soo mariyaan dhex dhexaadin iyada oo kuwa la dhex
dhexaadinayaaba aanay aqoonsanayn jiritaanka kuwa yidhi waanu dhex
dhexaadinayna (Mediators), hadaba taasi waxay u muuqata khiyaamo cad oo la
doonayo in lagu mijaxaabiyo qaranimada Somaliland, waxaanan uga digaya
Salaadiinta sidaasi gartay haddii ay arrinkaa isaga ah ku dhaqaaqan inuu noqon
doono mid aayahooga iyo sharaftooda iyo cisiga ay ku dhex lahaayeen
jamhuuriyadda Somaliland ay waayi doonan.
3. Qodobka meesha yaalla ee in laga hadla tahay waxa
weeyan cidda Somaliland matalli karta kuna hadli karta magaca iyo sharafta
Somaliland? taasi waxay u caddahay sida daruurta waana mid ay faraha dhegaha
iskaga gudbayaan Maamulka Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, oo shacabku u
doorteen arrinkaasi isaga ah, Waxaa hubaal ah in magaca jamhuuriyadda
Somaliland aanay beelna si gaar ah ugu hadli karayn, Suldaan beeledna ugu hadli
karayn, Oday reer ka qabqabla ahina u tallin karayn ee cidda Somaliland
masayrkeeda ka hadli karta tahay cidda is og oo ah Madaxweyne Riyaale Kaahin
iyo dawladiisa oo dadku doorteen, taasi oo dastuurkana ku dhigan, hadaba waxaan
Madaxweynaha si naxariisleh uga codsanaya in Xaaladani ugu danbaysay ee
jahawareerka dad badan ku ridday ee axsaabta siyaasadda qaar ka mid ahi
mawqifkooga muujiyeen sida xisbiga Kulmiye oo sheegay inay bari ka yahiin
arrinkan suldaanadu sida khaayinimada ah ugu dhaqaaqen ay dawladdu ka soo
saarto bayaan cad oo ka turjumaya ! Masayrka shacabka Somaliland ee ku wajahan
siyaasaddii loo dajiyey dalkani ee dastuurka loogu dhigay dadkeeduna ugu
codeeyen %97 dhigaysayna in maalinta la helo dawlad Soomaliya leedahay ay
Dawladda Somaliland ula fadhiisan doonto ulana hadli doonto dawladaasi si laba
dal oo daris ah oo kala arrinsanaaya, haddii ay Somalia uga baahato dhex
dhexaadin Somaliland na ay dhammaan siyaasiyiinta, hogaamiyaha beelaha,
qabqablayaasha mooryaanta, iyo dhammaan beel madaxeedyada Soomaliya Aqoonsadaan
in Jiritanka Somaliland aan sinaba gor gortan loo gallin karin haddii kale
aanay jiri doonin in Somaliland dhex dhexaadiso beelaha Soomaliya.
4. Qodobka ugu danbeeya ee aan doonaayo inaan u cadeeyo
bulshada Reer Somaliland iyo guurtida iyo Baarlamaanka Somaliland waxay tahay
Mu,aamaradkani(assasintion) dhexdhexaadinta iyo cidda ka danbaysa iyo siduu ku
yimid,
horta marka hore waxaynu la soconay in shir uga
socday beelaha Soomaliya magaalada Nairobi xaafad ku taalla oo la yidhaahdo
MBGATHI, shirkaasi oo ay faraha kula jireen ururka IGAD, shirkaasi wuxuu
socday muddo dheer oo ururka IGAD isku taxalujinaayey inuu cillan saaro
mushkiladda Somaliya ka jirta, hadaba waxaa shirkaasi sidaad la socotaanba
ka duday dhawr hogaamiye kooxeed sida Hogaamiye Kooxeedka Cabdiqaasim
Salaad Xasan, Muuse Suudi Yalaxow, Barre Hiiraale, iyo qaar kale sababta ay
uga baxeena waxay ahayd iyaga oo mar marsiyo ku raadinaayey markay arkeen
in aanay shirka meel uga banaani jirin, waxay la xidhiidheen dawlado
carbeed oo Qaranimadeena qodax ku ah oo ay ka mid yahiin Masar, Sacuudi
arabia, iyo weliba dawlado kale oo aan qaddiyadeena si waafiya uga war hayn
sida Dawladda Malesia oo kale, waxaanay dawladahasi u ballan qaadeen
dhawrkaa hogaamiye kooxeed ee shirka ka baxay inay hadday soo qaban
qaabiyaan shir kale oo sida la sheegay lagu qabanaayo Magaalada Muq! disho
ay ka caawin doonan xagga dhaqaalaha iyo farsamadaba, taasi waxay keentay
markaa inuu noqdo barnaamij la balaadhiyo, waxaa jira rag u dhashay
Jamhuuriyadda Somaliland oo muddooyinkan danbe ba ku sugna Emirate ka
carabta oo hawlahaasi faraha kula jiray siday doonan ha ugala jireene,
kuwaasi oo Cabdqaasim iyo rag kale si toos ah ula xidhiidheen barnaamijkana
lala socodsiiyey loona ballanqaaday rasamaal farabadan, ragaasi waxay in
badanba ku jireen olole ay ku wadeen gudaha Somaliland, hadaba arrinku
iyada oo uu halkaa marayo ayaa saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay
khashiftay (Revealed) hawlaha ragaasi gacanta kula jiraan, waxaanay markaa
raggii ku noqotay inay arrinta bedelaan oo ay wajji kale u yeelan, waxaa la
adeegsaday Salaadiinta yidhi waxbaanu aqbalay, kuwaasi oo hawlgalku yahay
in Muqdisho salaadiintaasi laga dejiyo iyaga oo lagu kaxaynaayo nidaam ah
waxaanu heshiisinayna beelo ka tirsan beelaha dega Soomaliya, dabadeedna
shirkaasi oo qorshahiisa ay wadeen! ina Salaad boy iyo rag kale halkaa laga
sii amba qaado lana y! idhaahdo waa shir loo dhanyahay oo xitaa Somaliland
salaadiinteedu waa ku jiraan, markaa arrinku waa sidaasi
Waxaan Golaha Guurtida, Baarlamaanka, Dawladda,
Wasaaradaha, iyo dhamaan haayadaha madaxa banaan iyo inta qaddiyadda Somaliland
danaynaysaba ka codsanaya in la dhaleeceeyo go,aanka khaayinimada ah, oo dhan
looga soo wada jeesto qaranimadeena iyo jiritaankeena, waxaan si gaar ah
codisgan u gudbinaya Golayaasha qaranka oo aan leeyahay waa in laga soo saaro
bayaan cad sida ugu dhakhsaha badanleh haddii kale "Timir laf ayaa ku jirta".
WA BILAAHI TAWFIIQ.
KA : MAXAMED CABDI XASAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN
diridhaba2001@hotmail.com
-dhammaad-
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay
gaar u tahay qoraaga
ku saxiixan
Xaalada Magaalada
Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka
akhri warbixintii
Asad Cadaani
YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY
LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay....
GUJI 8/12/2002
Bayaan ay soo saareen jaaliyada
SSH ee Kuwiat
Annagoo ah
Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag
iyo Hawd in badan ayaanu
GUJI
12/12/2002
Jaaliyada dhulbahante ee w/america
warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in
GUJI
11/12/2002
Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi
oo ku sugan Eldoret ayaa..
GUJI 8/12/2002
Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood,
kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha...
GUJI 8/12/2002
DUX
LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji
June 7
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
|