Faallo: Wax Ma-Qore, Kadaba-qore iyo Qoraal Xume
(Dhibaatooyinka heysta qoraalka Somalida)
C/raxman
Ceynte
Minnesota, USA
abdirahmanceynte@yahoo.com
Oct 20, 2003
Qoraalku illaa iyo haatan waa dhabaha ugu wax ku-oolka badan ee dadyaw wax
lagu fahamsiiyo. Guud ahaan, Somalia qoraalku waa uu ku cusub yahay. Sida eey
sheegeyso hey'adda Qaramada Midowbay, ku dhawaad 70% Somalidu wali waa Ummiyaal
aan waxba qorin, waxna aqrin. Kacdoon xagga shabakada caalamiga ah ee
Internet-ka ayaa hormuuday indhawaalaba in boqolaal Somali ahi wax uun qoraan,
kadaba-qoraan ama qoraal-xumeeyaan. Seddex qeybood baan u kala bixiyey
aafooyinka ku habsaday qoraalka Somalida: Wax ma qore, Kadaba-qore iyo
Qoraal-xume.
Wax-ma-qore:
wax-ma-qoreyaashu waa kuwa aan qoraalkaba u bisleyn, dhan farsamo
(Technical) iyo dhan akhlaaqeedba (Ethics). Sida lawada ogsoon yahay, qoraalku
wuxuu leeyahay affar tiir oo udub-dhexaad u ah: 1= Gogol-dhig (Introduction).
2= Guud-marid (Thesis). 3= Gun-dhismeedyo (Paragraphs). 4= Gunanad
(Conclusion). Farsamo ahaan, waa in gogol-dhigu uu si guud u dul-maro gunta
qoraalka. Guud mariduna waa ineey si gaar ahaaneed u carabowdo gunta hoose ee
qoraalka, halka eey gun-dhismeedyaduna eey tahay ineey sharaxaan oo ku
gaaf-wareegaan, iyagoo tusaalooyin wata, gunta qoraalka. Qoraal walbaayi waa
inuu kusoo gadaanaadaa dhibco cad-cad oo lagu soo sharaxay qeybihii hore ee
qoraalka. Akhlaaq ahaan, wax-maqore-yaasha aan farta ku fiiqayo wexeey ku
fashilmeen ineey xafidaan sharafta qoraalka. Qoraalku, si kasta oo uu fikrad
ahaan kaaga soo horjeedo, ma ahan inuu marnaba horseedo in qoraaga
shaqsiyadiisa loo gafo, lana af-lagaadeeyo. Waxaan arkay iyadii oo qorayaal
firfircoon oo leh mustaqbal ifaya lagu yiri iska fariista oo iskuuladiina iska
dhigta! Waa yaabe, hadii aanuu arday maskax curdan ah oo wax-baratay leh uusan
wax noo soo qorin, yaan ka fileynaa inaan qoraalkiisa ku raaxeysano? Ma
fadhi-ku-dirirayaasha? Mise..?. Diinteena islaamku weey amaantay qoraalka qofka
muslinka ah. Cumar-ibnu-khadaab, madaxweynihii seddexaad ee muslimiinta ayaa
laga wariyey inuu yiri " Walaalkiin hadii uu qoraal aadan jecleeyn qoro, isku
daya inaad todobaatan macno oo wanaagsan u sameysaan, ka hor intaadan macno xun
u yeelin" Ama hadal sidaa u dhow. Si kasta oo xaalku ahaadaba, waxma-qorayaasha
aan sheegayo waa kuwa aanan laheyn fikrad eey curiyaan oo macno leh. Wax walba
oo eey qoraana, wuxuu daba marsiisan yahay qawaaniinta u degsan qoraalka.
Ka-daba-qore:
Waa muhiim inaan bidhaamiyo inaanan soo jeedineyn in laga aamuso wax-ma-qore-yaasha
iyo qoraal-xumayaashaba. Waxaan u dig & dam leeyahay waa in si hanaan
qoraaleedi ku dheehan yahay loo iftiimiyo khaladka qoraalka, iyadoon lagu soo
gaban dhufeysyo diimeed ama kuwa qabiilba. Sidoo kale, waa muhiim inaan shaqo
laga dhigan radinta qofkasta oo hadla. Run ahaanti, sharafta iyo wanaagu wexeey
ku jiraan in leysaga aamuso qoraal-xumayaal badan, illeeyn hadii la sii wad-wado
wexeey heleyaan bablishitaa baaxad leh.
Kadaba-qoryaashu waa kuwa ugu badan ee dhawaanahan kusoo xoomay mihnada
qoraalka, iyagoo ka faa'iideysanaya kacdoonka shabakada caalamiga ah ee
Internetka. Ka-daba-qoruhu waa shaqsi aan isagu laheyn fikrad tiisa ah, ama mar
mar dhif ah fikrad daciif ah soo gudbiya, laakiin aad ugu dheereeya
kadaba-qaadashada qorayaasha himada wanaagsan leh. Ka-daba-qoryaashu wexeey soo
maraan dhabooyin badan oo eey kamid yihiin: Ineey dhanka diinta isku soo sahaan,
isla markaana qoraal uu qore uga dan lahaa arrimo kale u weeciyaan guluf
diineed. Sidoo kale, wexeey inbadan kadaba-qorayaashu qoraalka fiican ee
qoryaasha u bedelaan qabiil iyo qurun siyaasadeed, illeeyn xirfad eey wax ku
qoraan malahane. Aalaaba, kadaba qoryaashu waa kuwa la buka hinaase xaasidnimo
ku dheehan tahay. Maadaama eey u quuri la'ayihiin horumarka uu sameeyey qoraagu,
wexeey isku dayaan ineey shacbiga u tusaan inuu qoraagaasi yahay; diin-laawe,
qabyaaladiiste iyo sifooyin kale oo qaab-daran. Sumadaha eey leeyihiin
kadaba-qorayaashu waxaa kamid ah ineey isticmaalaan magacyo lasoo deynsaday oo
eeysan laheyn, iyo E-mailo aan la hubin jiritaankoodaba, si eey u maldahaan
shartooda.
Qoraal-Xume:
Qoraal-xume waa noocyo badan yahay. Wuxuu isugu jiraa mid qoraalkiisuba uu
la il-daran yahay qaab-darada xulashada mowduuca ama farsamooyinkii aan soo
sheegay ee qoraalka. Aalaaba, qoraal-xumaha wexeey ilma-adeer yihiin labadii ka
horeysay ee Wax-ma-qore iyo kadaba-qore. Wexeey iska shaabahaan sumadu mug leh.
Inta badan, qoraal-xumuhu wuxuu soo saaraa qoraallo eey la ceegaagaan
af-lagaado, akhlaaq-xumo iyo diin-xumaba. Nooca kale ee Qoraal-xumaha waa midka
u gafa diimaha muqaddaska ah. Waxaan arkay rag soo daliishanaya aayado iyo
axaadiis eey ku sheegeen in eey Qur'aanka kariimka ah ku qoran yihiin oo
oranaya in muslimiinta, masiixiyiinta iyo yuhuuduba jannada galayaan kolba
hadeey Alle SWT aaminsan yihiin. Dhab ahaan, been abuurku waa qoraal-xumada ugu
faca weyn ee soo jirtay taariiqda qoraalka. Iskabadaa wax kale, axaadiista
nabiga SCW ayaa si taxadar leh looga soo shaandheeyey axaadiis la
qoraal-xumeeyey. Haa, waa qoraal-xumanimo in loo gafo diimaha, sharafta
shaqsiyaadka, qabaa'ilka iyo waliba akhlaaqda guud. Tusaale ahaan, hadii mid
qoraal-xume ahi uu si qayaxan uga faalloodo arrimo eey tahay in laga dhowro
indhaha shacabweynaha (marka laga reebo faalooyinka dhaqaatiirta uga gol leh
arrimo caafimaad ) dabcan waa qoraal xumanimo.
Muhimadu wexeey tahay in qoraa walbaayi xil mug leh iska saaro u
faa'iideynta bahweynta Somaliyeed ee taageerada maskixiyan-ka ah uga fadhida.
Isla markaana uu qoraa walbaayi qoraalkiisa uga jeedo gudbinta dhibco mucayan
ah oo waxtar u leh bulshada. Waxaa ku dayasho mudan aqoonayahano Somaliyeed oo
shacabka la wadaaga aqoontooda caafimaadeed, dhisme, siyaasadeed, suxufinimeed,
abuukaatanimo iyo mihnado kale oo u baahan in si curdan ah looga faaloodo. inta
eey fursad eey siin lahaayeen Wax-ma-qorayaasha, Ka-daba-qoryaasha iyo
Qoraal-xumayaasha.
C/raxman Ceynte
Minnesota
abdirahmanceynte@yahoo.com
QORAALADII HORE EE CEYNTE
|