SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Ardayda Somalida Minnesota oo Doortay Maamul Cusub.

"Doorasho Xor ah iyo Dimoqoraadiyad waarta"

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

abdirahmanceynte@yahoo.com  

 Oct 2, 2003

Doorasho xor ahi wexeey asal u tahay bulsho walba oo caalamka joogta. Hadii la waayo rabitaanka shacbigana, waxaa meesha ka baxaya hogaansanaanta shacbiga. Haddaba, Indhawaalaba wexeey Ururka Ardayda Somaliyeed ee reer Minnesota noqonayeen xiddiga bidhaamaya oo cirka isku shareeray. Wexeey muujiyeen karti aqooneed, mid bulshadeed iyo maamuleed oo eey naftooda iyo tan jaaliyadaba horukac ugu noqdeen. Wexeey abaabuleen shirar wax-ku-ool ah, doodo cilmiyeed, hanaan deeqo waxbarasho, barid bilaash, isu-keenid heybta ardayda Somalida ee woqooyiga America iyo howlo kale oo aan cadad laheyn.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Sida eey jagada madaxweynanimada Somaliya dad badan muhiim ugu tahay ayeey ardayda Minnesotana lagama maarmaan ugu tahay ineey la socdaan cidda u arrimineysa. Wexeey leeyihiin maamul sanad walba mar si xor ah (Dimoqoraadi) loo soo doorto. Maalintii sabtidii oo bisha September-na eey 27-ka aheyd ayeey ku beegneyd maalintii eey ugu ekeyd maamulkii hore ee ardayda oo soo gaarsiiyey ururka heer caalami ah.

Boqolaal arday ah ayaa isugu yimid qol ku yaal Machadka daraasaadka maareynta ee ka tirsan jaamcadda Minnesota (Carslon School of Management). Waxaa halkaas ereyo guubaabin iyo sagootinba isugu jira ka soo jeediyey Xaaji oo ah mid kamid ah ardayda ugu caansan uguna waxqabadka badan ee soo mara jiritaanka ururka. Xaaji oo waxbarashadiisii u dhamaatay August ayaa isaga guuraya waddanka Mareykanka. Sidoo kale, waxaa halkaas ereyo macno-dhiiri-galin xambaarsan ka soo jeediyey macallin cusub oo wax kadhigi doona jaamcadda oo la yiraahado Prof. Sidow Cabdi Shariif oo shaadada phD-da ka soo qaatay dalka Sudan.

Nasiib wanaag ayeey u tahay jaaliyada Somalida Minnesota ineey aqoonyahano gobolka ka tilmaaman u soo bataan. Dabadeed, waxaa halkaas warbixino looga dhageystay musharixiintii u tartameysay jagada xasaasiga ah ee madaxa ururka. Fadil Sh.Max'ed iyo C/rizaaq Diini oo ah labadii qof ee isu soo taagtay jagada muhiimka ah ee madax ururka. Mid walba, wuxuu soo bandhigay qorshe-maamuleedkiisa ku aadan: Aqoonta, balaarinta ururka, sii wadida barnaamijka deeqaha waxbarasho, dhexgalka jaaliyada guud, is barida sharci-dajiyayaasha gobolka IWM. Intaas waxaa sii dheer, jagooyinka Madaxweyne kuxigeenka, Dhaqaalaha, Xogheynta iyo Xiriiriyaha oo min hal qof kaliya eey si tartan la'aan loogu doortay. Waxaana loo kala doortay Sidan: Hodan Max'ed, Max'ed Sandheere, Safiyo Qanyare iyo Yasin Garad. (Sida eey jagooyinku isugu xigaan ayeey magacyaduna isugu xigaan). Xaqiiqo ahaan, waa sawir indho-qabowsi leh i naad aragto wiilal iyo gabdho Somaliyed oo si wadajir ah u daadihinaya maamul cusub, iyagoo ajandayaal u gaar ahna qof walba oo wato.

RASMITEL SOOMAALIYA
Shirkada Rasmitel International waa Shirkad Isgaarsiineed oo xarunteedu tahay magaalada London ee carigan Engriiska...Guji...

Cod-bixintii ayaa halkii ka bilaabatay, isugeyn 95 cod ayaa aftooday, 2 kamid ah meeysan go'aansan, 31 wexeey u codeeyeen C/rizaaq Diini oo kasocda College-ka MCTC (Minneapolis Community & Technical Collge) halka eey 64 qofoodna u codeeyeen Fadil Sh.Max'ed oo noqon doona guddoomiyaha cusub ee ururka MSSU. Isagoo baddeli doona C/rizaaq Cabdi. Fadil Sh.Max'ed wuxuu dhigtaa Jaamcadda Metro State University oo uu ka dhigto Maamulka iyo Culuumta Siyaasadda.

Gudoomiyihii hore, Mr.C/rizaaq Cabdi ayaa si xushmad leh xilkii ugu wareejiyey Mr.Fadil. Shaqsiyan wexeey ii aheyd daqiiqado xasaasi ah, maxaa yeelay qof Somali ah oo Somali kale si iskiis ah isaga dhiibay xil baaxadaas leh waa taariiq in la xuso mudnaan doonta, xilkaasi inta uu doono hala ekaadee. C/rizaaq Diini, Musharixii laga adkaadayna, wuxuu u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub, isagoo ku qanacsan natiijada dooras! hooyinkii ku qotomay Dimoqoraadiyadda.

Sheegid waxaa mudan, in Jaamacadaha iyo Koleejooyinka ka soo qeyb galay shirkan eey ka badnaayeen dhamaan kuwii hore. Waxaa halkaas joogay: University of Minnesota (Minnapolis/St.paul), Metro State University (St.paul/MPLS) Mankato State University(Mankato), St.Cloud State University (St.Cloud) Southwest State University (Marshall), Normandale Community Collge (Bloomington), MCTC (Minneapolis), St.paul Technical College (St.paul). Guddiga dhexe ee ardaydu wuxuu isugu jiraa 16 qof oo min laba loogu qeybiyey jaamacadaha aan soo xusay, 5 kamid ah 16-kaasna waa gudiga fulinta (Excutive Committee).

C/raxman Ceynte

Carlson School of Management

University of Minnesota

abdirahmanceynte@yahoo.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD