Asalaamu calaykum
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Akhrisyayaal waxaa la sheegaa in nin reer miyi ahi soo
ag-fariistay niman culumo ah oo sheekaysanaya. Kaddib waxay is-waydiiyeen
mid walba wuxuu habaynkii saqda dhexe qabto? Midi wuxuu yiri Salaatu-Leyl
baan tukadaa. Mid kalana wuxuu yiri Ilaah baan dambi dhaaf waydiistaa. Mid
kalana wuxuu yiri Kitaabo cilmi ah ayaan qoraa. Waxaa la soo gaaray reer
miyigii markaasaa la yiri maxaad qabataa? Wuxuu yiri waan soo toosaa
dabadeedna waan soo kaadshaa kaddibna hurdadaydii baan ku noqdaa.
Walaalkeena maqaalkaas qoray wuxuu ku bilaabay farqiga u
dhaxeeya geela aan dhaqanno iyo doofaarka Sweden. Anigu markaan indhaha
saaray ayaan gartay dantiisa. Waxaana markiiba u qaatay nin isna Sweden
jooga oo soo qoray wadaaddadu ma dad baa mise waa diin, Maaweelada, IWM.
Marka inay saaxiibo yihiin iyo inkale ma aqaan. Ma ogola xalaal iyo xaaraan
wuxuuna u danleeyahay Diinta Islaamka. Xittaa dan kama leh in maqaalka la
akhriyo maxaa yeelay haddaad geel iyo doofaar simid ku bilowdid dad badan
baa horay ka fahmaya sheekada oo aan akhrinayn. Aan u galno maqaalkiisa ahaa
ilbaxnimada iyo badownimada. Aan soo koobi-gareeyo micnihii uu siisay
ilbaxnimada.
“Ereyga ”Ilbaxnimo” waa soomaali dhalad ah oo isugu
dhafan il iyo bax. Magaca ”il” wuxuu yeeshaa saddex macne:
1) Il ah ta wax lagu arko.
2) Il ah bannaan yar oo meel jiq ah looga baxo.
3) Il ah biyo dhulka ama buur gunteed ka soo burqada.
Haddaba sida muuqata ”ilbaxnimo” waxaa laga soo qaatay ta
koowaad oo looga jeedo ilfurnaan ama si fiican wax u arkid. Waxayna lid ku
tahay indho la’aan ama arag liidasho, taas oo qofka qaba ku ridda qardojeex
iyo ambasho”.
Waxaan leeyahay horta magac la soo qaatay khasab ma ahan
inuu ka turjumo erayadii laga keenay. Tusaale dab-dhul waa nabaro aad u
qaab-daran oo kasoo baxa jirka oo malax iyo dheecaan badan leh sida dabka
qaarkiis. Marka nabrahaas dabka shuqul kuma leh kamana imaan laakiin waxaa
la isku xiray wax ka dhaxeeya. Dhulka dib looga dhajiyeyna ma garanayo waxay
ka wadaan waxaan u qaatay in ay iska aamineen dhibaato dhulka ka timid sidii
dadkii islaamka ka horreeyey ama misiixiyiintu udhahaan samada ciqaab ama
raxmad baa nooga timid. Kii Ilaah aaminsan waxay tusaysaa in Ilaah kor jiro.
Sidoo kale aar-goosi shuqul kuma leh libaax ama waxaad soo goosatay midna.
Erayada noocaan ah ee ku jira Soomaaligu waa badan yihiin.
Ninkii reer miyiga ahaa cilmi iyo cibaado muu aqoon wuxuu
noo sheegay wuxuu qabto markuu hurdada ka soo baraarugo. Marka Hawdka/baadiyaha
la joogo waxyaalaha ay dadku maanka ku hayaan waa baad, biyo iyo sahmintood
haddaad u rumaysan waydo xasuuso heestii ahayd:
Meel baad ku yaaloo, biyuhuna umuuqdaan, isla baadi-goob.
Walaalkeen isha ku jirta ilbaxnimada seddexdaas maaddo
buu ku sharxay maxaa yeelay wuxuu yiri mar waxay noqotaa il, araga marna il,
banaaan yar oo jiq ku taal (baad) iyo isha biyaha ah (biyo).
Waxaa ugu darnayd markuu yiri isha ku jirta ilbaxnimada
waxaa laga soo qaatay tan koowaad oo aragga ah! Waa arrin kale oo ku
tusinaysa inuu indho-xiranyahay. Tilmaanta aragga wuxuu ka dhaxeeyaa dadka,
duunyada, xayawaanka kale iyo waliba cayayaanka qaarkood. Sida la ogyahay
way jiraan xayawaan u nool si bulsho ah laakiin ilbax ma yihiin? Daanyeeradu
waxay unoolanayaan sidaas ay hadda u noolyihiin kama filaysid in
tiknoolajiyad aliftaan.
Haddii uu qoraagani kalsooni saaran lahaa Ilaah iyo Nabi
Muxamed (SCW), khaladka intaas le’eg kuma dhaceen. Markii Ilaah gaalada ka
hadlayey wuxuu yiri way indho la’yihiin, indho-la’aantuna ma ahan tan
indhaha ee waa tan qalbiga. Sidoo kale isha ku jirta ilbaxnimada ma ahan tan
aragga caadiga ah ee maxay tahay? Isma lahayn nin qoraa ah ayaa ilahan ka
tagi kara. Waxaa jira ilo kale sida:
Il: meesha cilmiga, akhbaarta, warka asalka ahi ka yimid
(source)
Il: meesha ugu muhuumsan wax sida lowga/jilibka ishiisa
ama arrinta ishuu farta ka gashay micnaha meeshii ugu muhiimsanayd ayuu
taabtay/abbaaray.
Il/arag: “basiiro” caddaan/maalin.
Qoraagu markuu khalday meeshii erayga laga soo qaatay
ayuu wuxuu qaaday waddo qardo-jeex ah. Waa arrintaas wuxuu u yiri
kasoo-horjeedka ilbaxnimo uma hayo Soomaali. Horta ilbaxnimo waxaa ka soo
horjeeda indho-xirnaan ama ilbaxnimo la’aan/darro. Khasab ma ahan in erayga
caksigiisu noqdo eray kale oo uusan ku jirin.Bal weerahaan milicso sida
awood iyo awood la’aan. Luuqadaha kale xittaa waa saas sida “air” airless”
“Saalix iyo geru saalix”. Haddii lagu yiraahdo qofkaasi waa qof indho-xiran
lagama wado waa qof indho-la’ waxaa laga wadaa waa qof badow ah.
Dhego-xirnaantuna waa la macno.
Waxaan aaminsanahay in isha ku jirta ilbaxnimo laga
keenay basiirada iyo isha kale ee cilmiga. Waadna aragtaa inaan horay ka
helnay eray Soomaali ah oo ku lid ah. Culumadu waa ilbax maxaa yeelay waxay
yaqaanaan ilaha culuunta iyo asalkeeda, waxay leeyihiin arag/basiiro, waxay
yaqaanaan wixii tagay, waxa jooga iyo aakhiro xittaa culumada cilmiga
maadiga ah way yaqaanaan shaqadooda.
Magaalada iyo xadaaradda uu isku xiray waa suu usheegay
oo reer baadiyuhu ma ahan dad sugan oo usoo jeeda cilmi uruuris sidoo kale
wuu helay markuu yiri magaalo joognimo iyo ilbaxnimadu iskuma xirna. Sidoo
kale wuxuu si qurux badan ukala dhig-dhigay dhalashada, kobcinta iyo
dhimashada ilbaxnimada. Wuxuu sheegay inaan reer Galbeedka loo dayn
horumarka, aanan la isku dhajin dhaqan duugoobay. Markuu lahaa maxaa lagu
kala gartaa bulsho ilbax ah iyo mid badow ah wuxuu keenay tusaalayaal sax ah
laakiin markuu ka hadlayey fikirkeena iyo Diinteena wuxuu yiri:
“Kuwa inoogu dedaal badani xalka waxaa ay ka raadiyaan
buug uu nin carbeed ama caddaan ahi beri hore qoray. Dabadeed waxaa si ba’an
loo hirdiyaa waaqica iyo duruufaha jira oo ka duwan kuwii fekerkaasi dartood
u dhashay. Natiijaduna waxay noqotaa waxqabad silloon oo aan danta
waafaqsanayn. Weli hanka iyo garashadu inama ay siin in aynu waddo cusub
danteenna u xagaafno. Waa caajisnimo iyo kalsoonixumo yaab leh oo aynu
afrikaanka kale la wadaagno”.
“Nin meelu u caddahay meeli ka madoow” War iskuul waan
soo dhiganee goormaa naloo dhigi jiray buug Carbeed? Xittaa maaddada Diinta
waxaa laga dhigi jiray waqti qaanfuurka (harkii). Ninka Carbeed ee uu
sheegay wuxuu noqon karaa Saxaabadii, Taabiciyiintii, kuwii Taabiciyiinta
raacay, Imaamada waaweyn, Bukhaari, Muslim iyo Muxadithiinta kale. Wuxuu
diinta ka sheegay aan inta ugu horaysa ka soo qaato:
“Diinta sida loo fahmo looguna dhaqmaa ma aha wax sugan
ee waxaa ku dhaca isbeddel joogto ah. Taa waxaa u sabab ah in ay tahay hadal
hadalkuna yahay mergi. Sabataas ayey ilaa maalintii uu nebi Maxamed
xijaabtey (scws) ay dadku aragtiyo kala duwan diinta uga haysteen, kala
duwaantaas oo towxiidka iyo fiqhiga labadaba gashay. Shan iyo tobankii qarni
ee ay diinta islaamku jirtey, boqollaal caalim ayuu mid waliba si gooni ah u
arkay nas uu caalim kale si kale u arkayey. Dabadeed mid waliba koox dad ah
ayuu aragtidiisa gashaday”.
“Weel kasta wixii ku jira ayaa laga shubtaa”.
Maahmaahyihii uu maqli jiray ayuu diinta ku dabakhay markaasuu Hadalkii
Ilaahay margi jiidma ku sheegay! SUBXAANALLAAH war ninku af-adakaa! Ilaahay
Hadalkiisu waa Xaq. Ninkaani wuxuu sheegay xittaa in Towxiidkii la isku
khilaafay. Way jiraan dad Soomaali ah oo bidco aaminsan laakiin haddii la
iskhilaafay ma Hadalka Ilaahay baa qallooc ku jiraa? Ma cid Ashahaadad isku
haysa baad aragtay? Shanta salaadood? Soonka? Zakada? Xajka? Waxaan ka
hadlayaa waajibnimadooda kama wado arrimo fiqi ah. Wuxuu sii yiri diintu waa
hadal hadalkuna waa mergi. Wuxuu u danlahaa buu sii gudo-galay oo ah cayda
wadaaddada Soomaaliyeed isagoo sheegay inay Carab iska raaceen. Wuxuu kaloo
wax ka sheegay Wahaabiyada Sacuudiga.
Sidaan horay usoo sheegay Imaamu Shaafici (RC) hadduu
arko qof wuxuu qiyaasi jiray xirfadiisa. Ninkan iyo ninka kale ee qoray
wadaaddadu ma dad baa mise waa diin waxaan aaminsanahay inay u danleeyihiin
Diinta Islaamka. Waxaan filayaa in ay yihiin dad kusoo barbaaray miyi
dabadeedna yimid waddamadaan oo arkay nolashaan Galbeedka. Marka
Islaamnimada iyo Soomaalinimadaba waxay u arkaan nolasha qalafsan ee miyiga
halka ay ilbaxnimada iyo barwaaqada u arkaan nolasha Sweden taal. Marka
halbeegga ay isticmaaleen baa khaldan. Bal aan fiirino dhibta Soomaaliya
haysta cidda keentay sidoo kale Diinta Islaamku Soomaalida ma dhib bay u
keentay mise kheyr?
Diintu waa tan Soomaaliya ka badbaadisay inay raacdo
mabaa’diidii gumaysiga cad iyo kan madoowba. Kenya oo nagu dhagan dadkii
muslimka ahaa markii gumaysiga Yurub soo galay wali waa muslim dadkii aan
muslim ahayna ugu dhowaan kulligood waxay noqdeen kiristaan. Qofka muslimkaa
inuu ilbaxyahay ma aragtaan? Muslimiinta Kenya way garteen in qof u yimid
inuu ku gumaysto oo ku addoonsado aadan diin ka qaadan karin laakiin
nasiib-darro dadkii aan muslimka ahayn waxaa iskaga qasmay addoonsi
(slavery) iyo bad-baado (salvation/Christianity). Maanta kiristaan baan wada
noqonlahayn, hilibka ceeriina waan cuni lahayn haddaynaan muslim ahayn.
Muxuu Sayidku u diiday inuu canshuur ku bixiyo Berbera markuu soo bartay
cilmi diineed. Dadkii kale waa bixin jireen. Muxuu yiri:
Waxaan ahay nin Islaamoo ummaddii Nabigii iyo
Ashahaado qiraayee ma aqaan Ingiriis iyo halka eega la
joogee
Ummaddaa ku dhex-nool buu amarkeedu socdaaye
Bal su’aal isagoo markuu eega yimaaday yuu canshuurta u
dhiibay? Mise waa iska ilaaway?
Ingiriisku way garteen inuu Sayidku (Ilaahay ha
unaxariisto) ahaa nin waxgarad ah marka suusan dadka u dhiiri-gelin oo aan
doodiisa loo maqal way is-dhaafiyeen ilayn hadday xiraan ama dilaan
sheekadaa caan noqonaysa.
Islaamninadaa taas bartee ma ceeb baa? Dadka aad ilbaxa u
haysatid ninka Sayidka oo kale ah kulligood waa ka dambeeyaan. Ina Gahayr (Naxariistii
Janno Allaha siiyo) markuu lahaa:
England baa gubanaysa maxaa iiga gidhiisha.Maxaan
labo gaal oo abtirsiinyo ii gudboon midna aan gar u siin midna aan u
guhaadin. Xaggee ka keenay caqligaa? Ma gumaysi? Maya Islaamnimo.
Barkhad Cas (Allaha u naxariisto) hadduusan Islaamka aqoon ma tirsheen:
Ninkaas aragiisa uurkaan ka nacee aan ooyee albaabka ii
xira. Wuxuuna la bixi lahaa John ama Michael. Xattaa balwadiisii kama
leexin wuxuu citiqaadsanaa.
Ninkaan inuu Diin ceebayn kaliya u danlahaa waxaa u
daliil ah dhibta Soomaaliya haysta laga soo bilaabo 1960 ilaa hadda oo la
joogo waxa dhibta ku hayey waa siyaasiyiin inkastoon qab-qablayaasha lagu
sheegi karin siyaasi. Nimankii 13 sano kumaankun qof dilay, intaas oo dumar
ah kufsaday, waddankii rartay, cadow hoos galay wax kama sheegin halka uu
Hadalkii Ilaah iyo Diinta uu mergi ku sheegay. Halka uu sidoo kale wadaado
ka caayey. Hal mar baa wadaado wax xukumeen sidii Luuq iyo meelo ka mid ah
Gedo, wanaagii halkaas yaalayna waligeed Soomaali ma soo marin. Waxaa
arrintaas ka markhaati kacay hay’adaha samafalka ee halkaas joogay iyo
dadkii geyigaas degenaa.
Teeda kale waxaan waydiin nimankaan waa qofkee qofka sida
Nabi Muxamed (CSW) dad 100 sano dagaal ku jiray habayno ku heshiisiiyey?
Horayna uma dhicin waligeedna ma dhacayso. Waa dadkee dadka aan muslimiinta
ahayn ee iyagoo caga-cad oo tiro iyo tayaba ugu hooseeyey adduunka,
gaarsiiyey diintooda mudo rubuc qarni ka yar. Miyeydaan akhrin waxa ay
qoraan qoraayaasha reer Galbeedka sida Michael Hart oo Nabi Muxamed (SCW) ku
sheegay hogaamiyihii ugu saamays badnaa dunida. Adiguna waxaad hadalkii
Ilaah ku sheegtay mergi.
Haddaan qoraagan waydiino dadka hadda adduunka ugu
xaddaarad badan waxaan filayaa inuu oranlaha waa dadka Yurub iyo kuwa Japan
ilayn kuwa Waqooyiga Ameerika iyo Australia waxaa bud-dhige u ah kuwii Yurub
ka yimid. Ma taqaan waxay Yurub isku samaysay muddo aan saa u fogayn sida
dagaaladii 1-aad iyo labaad iyo kuwii ka horreeyey? Waliga ma maqashay waxay
Yurub ku sameeyeen muslimiintii degenaa Spain, dadkii degenaa USA? Waxa
Japan ku samaysay Kuuriya? Haddaba arag sida muslimiintu ula mucaamiloodeen
Afrikaanka madoow sida kuwa Galbeedka, Dhexe iyo Bari iyo Bartamaha. Ma
aragtay dad madoow oo badan oo laga keenay Afrika oo Sacuudiga, Ciraaq ama
Siiriya la geeyey? Muslimka kun sano ayey adduunka hogaaminayeene ii sheeg
wax dhib weyn ah oo ay sameeyeen? Akhri sida ay u horumariyeen Spain iyo
Turki.Turki maxay ahayd Islaamka ka hor, Maxayse ku danbaysay Islaamka ka
dib?
Su’aasha aan ku soo xirayaa waa yaa sameeyey West Indies
sida Jamayka iyo kuwa ku dhow? Yaa soo qaaday Maraykan madoow, kuwa ku nool
Brazil, Kolambiya, iyo meelaha u dhow-dhow? Muslimiintii Carbeed ee Kenya
iyo Tanzaaniya degay way guursadeen dumarkii Kenya halka reer Yurub
“civilised nations” ay ku addoonsadeen guryahoodii. Yaa Koonfur Afrika
midabtakoor ku sameeyey? Waa arrintaas waxa Michael Hart u lahaa Nabi
Muxamed baa ugu lahaa dhinac kasta.
Affeef: maqaalkan si fiican uma soo diyaarin oo waxaan ku
dul qoray markaan akhrinayey kaan u jawaabayo. Marka wixii khalad ah waxaa
sixi doonaa walaalaha kale.
Ilaah baan talo-saaranaynaa.
Assalaamu calaykum