SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Seddex Beri ma-suge, seddex Toddobaad buu sugaa

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Assalaamu calaykum

Ilaah baa mahadleh, nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Akhristayaal waxaa la sheegaa in nin maskaxdiisa wax ka dhimannaayeen oo joogi-jiray Baladweyne oo u shaqaysan-jiray sidii xammaali uu alaab Baladweyne ka qaaday isagoo u qaaday Jeenta-kundisho (115). Qofkii alaabta loo qaaday markuu waydiiyey lacagta uu rabo wuxuu yiri shan shilin dabadeedna shantii baa la siiyey. Shantii shilin oo dhan wuxuu dib ugu soo raacay xaajiyad-khamsiin ka dhex shaqayn-jirtay Baladweyne iyo Jeenta-kundisho (115). Dhabcan waa inuu markii hore soo lugeeyey isagoo culaabta sida markii uu culaabtii iska dhigayna uu Xaajiyad ku dhacay iyadoo shantiiba ka qaadatay!

Maxay SRRC ku diidday seddexdii beri ee uu C/Qaasim iyo saaxiibadii qabsadeen? Meeqa ka soo wareegtay maalintii ay saxiixeen daas-tuur (guri-tuur/guri-dumis) oo ahayd 15/09/03 iyo maanta? Ilaa 21/10/03 gaarsii? Waxaan shakki ku jireen in seddexdaas beri ka dib uusan C/Qaasim heleen cududaar mana garanayo wuxuu mar marsiinyo ka dhigan lahaa. Iyagaa C/Qaasim dabinkii ka saaray.

Maxaa C/Casiis-ka Zenawi ka socda ka galay in shirka dib loo dhigo iyo inkale? Abuu Daa’uud wuxuu wariyaa in nin Nabiga (SCW) ag-fadhiyey uu hindhisay. Ninkii wuxuu yiri “Assalaamu calaykum”. Nabigu wuxuu yiri “Wacalayka wacalaa umuki” oo salaantu korkaaga iyo korka hooyadaa ha ahaato. Kaddib Nabigu (SCW) wuxuu baray in ay dhahaan “AL-XAMDULLILLAAH”. Ninka Zenawi ka socda, C/Casiis ma aabbihiis baa shirka iska leh? Shirku waa shir Soomaali yuusana faraha la gelin ilaa ay iyagu ka heshiiyaan.

Markaan ka hadlayey maqaalkii ahaa Madhibaan iyo Ajji waxaan soo xussay in qolo dhan midgo laga dhigay ugaas ay dileen dartiis. Waxaan soo xussay in Puntland Suldaan lagu dilay aysana wax u dhimin sidoo kale sidii dad madhibaanno ahba caddeeyeen in qof baahan oo gaajo u dhimanaya loo banneeyey inuu cuno bakhtiga marka dadka doofaarka iyo xaaraanta kale cunaya mey midgo noqdaan? Bal sheekadan kale oo madhibaanada laga sameeyey arag:

Waxay sheegaan in nin Goray la oran-jiray uu qabay haweenay Gooha la oran-jiray. Ninkaas iyo walaalkiis Goray la oranjiray ayaa goroyo raadsaday. Waxay dhaheen Goray wuxuu dilay goray (gorayada labka ah), ninkiina waxaa xabbad uga dhacday walaalkiis Goray. Ninkii isagoo cago-jiid ah ayuu u yimid Gooha markaasuu ku yiri: Gooha Goray goray dilyaa anna Goray dilaa. Waxay dhaheen Gooha waxay u qaadatay inay labo goray (gorayada labka ah) kala dileen markaasay tiri:

Goray goray dilyaa, isna goray dilyaa ilma gani ekoow gurigiin ma ba’o.

Waxay dhahaan ninkii Madhibaanka ahaa inta xanaaqay buu haweenaydiisii ku yiri ma geerida walaalkey baad iigu goohaysaa markaasuu iyadiina dilay.

Waxaan shakki ku jirin inay ahayd sheeko la allifay maxaa yeelay markay sheegayaan oo ay leeyihiin ninku haweentiisa ayuu u sheegayey waxay u jilaan isagoo ooyaya oo murugaysan marka islaantiisu way fahmi kartay in dhiillo jirtay. Ma qof imtixaan baasay iyo mid dhacay baa hadalkooda la isku khaldi karaa? Laakiin markii 15 September la saxiixay daastuurka ayaa bulshada Caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ahi waxay dhaheen war ma nabad baad rabtaan mise is-gaashaanbuursi cusub? Haddaad nabad rabtaan saxiixan waa lagu kala tagine nimankaas seddex beri siiya? Puntland iyo Jowhar dadkii waa dabbaal-degeen. Dadkaas Khilaafka naruurada iyo guusha u qaatay iyo ninkaas iyo haweenaydaas Madhibaanka ahaa ee beenta laga sheegay yaa waxgaradsan? Xattaa haddii aan ka dhigno inay tahay qiso sax ah, haweentu way u qaadan kartaa in labo goray la dilay laakiin hala ii sheego taageerayaashaas waxay u dabbaal-degeen? Ogoow waxay na barayaan in gorayadu xun tahay! Ka warran gaalo-raacnimo? Gorayo cunideed gun baa lagu noqdaa, gaalo-raacnimada waxba kuuma dhinto!

Markaan Soomaaliya joogay in dayaxu madoobaaday waxaan ku garan jiray waxaan arki jiray dad carruur u badan oo inta foox soo shitta dariiqyada ku wareega iyagoo leh “ Yaa muslimiin khaafuu Rabbakum, LAA ILAAHA ILLALLAAH”. Hadda in qab-qablayaashu is-khilaafayaan waxaan ku gartaa mudaharaadka iyo damaashaadka taageerayaashoodu sameeyaan.

Akhristayaal Maraykanka iyo Ingiriisku waxay dhahaan waxaan Ciraaq u weerarnay waxay haysteen waxay ugu yeereen “WMD” (weapons of mass destruction). Waxaa ummadda Soomaaliyeed u cad in Zenawi haysto “WMD” oo Soomaaliya u haysto. Waxaad arki doontaan in “WMD” dilay kumaankun Soomaali ah. Maxay tahay waxaan qumbulad-duriyihii Saddam lagu tuhmay ka dhib badan ee Zanawi noo haystaa? Waa “ Warlords of Mass Destruction”. Ma u baahannahay in loo diro khuburo soo baarta in Zenawi haysto qab-qablayaal u adeega iyo in kale?

Siyaasiyiinta Soomaalidu ma ahan kuwo ceebta ka sariigta. Cimaamaddu inay ka dhacdo iyo in kale ma kala jecla. Sumcad xumo ma yaqaanaan. Taageerayaashoodu hal dariiq bay yaqaanaan. Markaan halbeega/calaamadda xisaabta ee isku-darka iyo kala-jarka ka hadlayno, qab-qablayaashooda wixii ka soo horjeesta ama dadka kale oo dhan waxay ka soo qaadaan eber. Marka haddii ciddi ka go’do ama ku darsanto waa isku mid. Tusaale haddii midkood qab-qablayaasha kale oo dhan usu raacaan, taageerayaashiisu waxay ku oran “hanqaraarac lug uma dhuttiyo”. Markaan isku-dhufashada iyo isu-qaybinta ka hadalnana waxa kale oo dhan waa u koow (hal), marka ama ku dhufo ama u qaybi waa “jug jug meeshaadii joog”

Waxaa la sheegaa in nin Soomaaliyeed uu wiilkiisa oo arday ahaa u soo dhiibay 30 cad oo hilib ah iyo tabbad buuxda oo subag ah. Odaygii ninkii uu amaanada u soo dhiibayey wuxuu ku yiri waxaad wiilkayga ku tiraahdaa bishu waa soddon, balliguna waa buuxaa. Ninkii loo soo dhiibay alaabta, hilib iyo subagii buu qaar cunay, dabadeedna farriintii wiilka u sheegay. Tuuggu hadduu caqli lahaan lahaa wuxuu dhihi karay aabbahaa wuxuu yiri bishu waa bil seddex, balliguna wuu guray oo markaas wuxuu heli karay hilib iyo subag isagoo wiilku u qaadan lahaa in seddex cad oo hilib ah loo soo dhiibay. Wiilkii wuxuu yiri amaanadii la igu kaa soo dhiibay iima dhamaystirin. Waxaan ka baqayaa in qab-qablayaashu ay wataan “saxiifadii mutamalis” ama dheh ninkii wadkiisa gacmahiisa ku sitay. Ilayn qab-qablayaashu waa dheg-weyne waxaan ka baqayaa inay belaayo aan la aqoon noo soo jiidaan.

Hadda waxaa la balansanyahay 21 Oktoobar. Kollay Kacaankii Oktoobar bay na xassuusinaysaaye ma waxay ka wadaan dar-dartii Kacaanku waddanka gashay ha xassuusteen mise dhibkiisii? Mise waa sarbeeb kaloo waxay leeyihiin kaasi wuxuu ahaa cinqilaab aan dhiig ku daadan, anaguna waxaan idiin haynaa cinqilaab kale oo dhiig ku daadan laakiin hadhow dhiig daadin doona oo waxaan wadanaa dad noo shaqeeya oo aan madaxweyne ka dhigaynaa?

Qab-qablayaasha Xamar waxaad mooddaa inaan madaxweynanimo dani ka hayn oo waa kuwaas is-feer ordaya laakiin Puntland maxaan ku dhahaa? Ha qaateen taladii hore ee Nabi Ibraahim (CS) markuu raadinayey Ismaaciil (CS). Marka reer Puntlandeey darajada xiddig ku darsada ama xidigahoo dhan iska xayuubiya. Yaa reer Puntland oo sarbeebtan dambe garan kara? Yaa Soomaalida kale ah oo sidoo kale garankara? Qofkii gartaa e-mail ha isoo diro.

Mahadsanidin.

Asalaamu calaykum


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | OCT 3, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD