1. Annagaa markii horaba C/hi dooraney.
Markuu arkay inaysan dadku kala aqoon waxa danta ugu jirto iyo waxa kale
doorashadiisa darteed, ayuu goostay inuu khasab ku haysto Puntland oo uu
diido go’aankii dadkii awal doortay.
2. Isagoo jebiyey sharcigii uu dhigtay
oo ah in madaxweyne ku-xigeenku sii hayo maamulka haddii uu isagu
waddanka ka maqanyahay waana arrinta keentay khilaafka jira hadda.
3. Wuxuu nagu diray dadkii dariska ahaa
sida Somaliland isagoo abuuray colaad been-abuur ah oo aan jirin. Waa
arrintaan waxaan u rabno inuu Maxamed Cabdi Xaashi u sheego Somaliland
inuu yiraahdo anagu Soomaali baan nala yiraahdaa ee naga daaya
dadweynaha aad beenta ku affuufaysaan. Ilayn C/hi cid lama shiri karo.
Reer Waqooyigu way yaqaanaan sidii loogu soo dhoweeyey degaanka Puntland
markay ka soo qaxeen Xamar wayna ogyihiin in Puntland ay tahay dalkooda.
Markii ay joogeen dadkii ruug caddaaga ahaa sidii Ina Cigaal iyo Maxamed
Abshir oo qaxooti meelahaas ku ah arrintu way degenayd waxaan shacabka
ka dhaxeeyey walaaltinimo. Meeday walaaltinimadii? Waydiiya C/hi?
4. In Maxamed Cabdi Xaashi uu u baqoolo
waddamada muslimiinta iyo kuwa dariska ahba. Wuxuu ka bilaabayaa Jibuuti
oo ay naga dhaxayso diin iyo walaaltinimo. Ma C/Qaasim iyo Rayaalaa naga
xiga? Sidoo kale markii dowladdii Maxamed Siyaad jirtay waxaan kaalmo ka
heli jirnay walaalaheenna Carbeed waxaan filayaa inaan haddeer uga baahi
badanahay maalintaas. Marka haddii shacabku doono in C/hi fariisiyo
waxaa suurtogal in uu Maxamed howshiisaas sida ugu dhaqsaha badan u
gudo-galo. Sidoo kale wuu tagi karaa Itoobiya isagoo u sheegaya in
degaanka aan la wadaagno aysan wax dhib ah ku qabin bal iyagoo iska
lugaynaya ay maraan. Degaankaas aan sheegayo waa dhul Soomaaliyeed
laakiin hadda Itoobiya ayaa xukunta.
5. In Maxamed uu sii wado shirarka
Soomaaliyeed ee Kenya ka socda. Shirarkaas waxaa Puntland geed ku xiray
C/hi maxaa yeelay ma ahan qof ka gadmi kara Soomaali. Waxaan shakki ku
jirin haddii cod la qaado oo Soomaalida la waydiiyo ninkee Soomaaliya
ugu dhib badan oo ugu cadow-jecel waxaan labo iswaydiinayn in C/hi koow
noqonayo.
6. Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu tusay
inuusan ahayn nin xukun u waashay oo waatuu ka sariigtay inuu dhiig u
daadsho markii seddexdii sano ee hore dhamaatay waana tuu dibadaha iska
aaday. Marka haddii uu shirarka tago ma filayo in qab-qablayaashu la
tartami karaan maxaa yeelay isagu halkii mar oo la islahaa xukun buu wax
u layn ma samayn.
7. Waa nin heli kara codadka ergooyinka
Daarood halka C/hi uusan wada helin karin kuwa ay isku magaalada ka
yimaadeen.
8. Maxamed Cabdi Xaashi waa nin geli
kara arrinta Kismaayo oo C/hi iyo Moorgan wax ka qaban waayeen. Waxaana
shakki ku jirin inay is af-garankaraan Isbahaysiga Dooxada Jubba. C/hi
iyo Moorgan waa roobkii loo yaqaanay geel-jire bi’iye. Waa roob shuux ah
oo uusan qofku ku qabaysan karin kaliya ku kaakiciya wasakhda iyo
habeedda. Horrayna waataan ugu sheegay bil-seddex. “gudcur roobaboow ah
iyo Alloow ood hanagu goynin”. Waxaan filayaa bil-seddexda waxaan ka
waday in hadda la fahmay.
9. Waa nin ogol in la raaco waxa dadku
kala saxiixdaan. Sidii horay aan u soo marnay markay seddexdii hore ka
dhamaatay waa yeelay. Waa arrintaas waxa ay C/hi isu hayaan oo uu
leeyahay dastuurku wuxuu qabaa haddaad maqantahay anaa meesha mas’uul ka
ah laakiin C/hi waa diiday. Waxaan ognahay waxaa Xirsi Gaataa shaqada ka
qaaday nin sheegtay inuu Maxkamad milatari joogo waana ogayn inuu C/hi
taas socodsiiyey halka tii sharciga ahayd ee Maxamed uu C/hi warqad ka
soo horjeeda ka soo qoray Kenya.
10. Doorashada Maxamed waxay
yaraynaysaa is-qab-qabsiga iyo guul-darrada soo wajahday Puntland. Hadda
waad aragtaan in odayaal issimo ahi leeyihiin waxaan la xiranaynaa
golaha samatabixinta. Kuwii mucaaradka ahaana waa kuwaas Jibuuti joogo.
Gar bay u leeyihiin maxaa jira ninna Soomaali kama maarmo. Qofna ma
yeeli karo in C/hi madax-furasho u haysto. Marka haddaynaan hal qof
dooran waxaa dhacaysa burbur ku yimaada Puntland.
11. C/hi iyo kuwa la taliya, Cadde
Muusaba ha ahaadee ma garan karaan sida arrimuhu u kala horreeyaan.
Waxaa burbur ku dhow Puntland oo waxaa is-haya isagii iyo xukuumadiisii
isna wuxuu ka hadlayaa arrin kale oo dib loo dhigi karo. Maxay yihiin
issimada tagi waayey duugtii Suldaan Hurre oo hadda Gaalkacyo jooga?
Anigu waxaan u arkaa inuu caadifad ku raadinayo maaddaama ay is-hayaan
madaxweyne ku-xigeenkiisa ayuu is-leeyahay soo jiido qoloda Maxamuud
Saleebaan oo dadka tus inuu issimadoodii isu keenay. Isaga iyo Cadde
waxay garan la’yihiin sida arrimaha loo kala hormarsho. Arrimahan hadda
ka hor waxaa geli jiray issimada Daarood oo dhan laakiin hadda waa arrin
cusub. Dilka Suldaanka waxaa loo haystaa C/hi iyo ciidamadiisa marka
C/hi iyo ciidamadu ma Maxamuud Saleebaan baa?
12. Abaaraha ka jira degaanka waxba
lagama qaban halka lacagtii Puntland lagu khasaariyey sharraxaadda C/hi
iyo in martiqaad loo siiyo SRRC timid Puntland. Waa arrintaan waxaan
Maxamed u rabno inuu soo shaxaad tago sidii awalba Soomaali caado u
ahayd.
13. Waxaan kaloo u sheegi karnaa golaha
samatabixinta ee aad mooddo inay C/hi dartiis u midoobeen in Puntland
aysan ninna cadow ku ahayn sidoo kalana cadow Soomaaliyeed aysan dabada
ku wadan. Inuu u sheego inaan diyaar u nahay dowlada Soomaaliyeed iyo in
dadka walaalaha ah wax wada qabsadaan.
14. In Maxamed Cabdi Xaashi uu soo
booqdo waddama Yurub iyo Maraykanka sidii uu u saxo caydii ay SHASNA,
waa calooshooda-u-shaqaystayaal C/hi taageera oo waxaan Amxaaro ahaynba
caaya.
15. Ceebta ugu daran waxay ka soo
socotaa inay sheekadu ku socoto marna C/hi marna Cadde Muuse. Mar horaba
waxaa geeska la gashay qolyihii markii hore C/hi wada socdeen sidii
Xaabsade iyo Seefta Banaanka.
16. Qofkii raba inuu madaxweynanimada
Puntland isu sharraxo ha sameeyo ilayn waxa Maxamed xukunka hayaa waa
bilo marka ninkii sumcad ku leh Puntlandoow intaad dadka tusi lahayd
qabyaalad iyo waxaan fiicnayn la sugo doorashadaas adoon hadhoow ciddi
ku dhahayn qabiil baad wax ku heshay.
17. Arrintaas waxaa wax ka qabankara
taliyayaasha ciidamada sida Carays oo ay mucaaradka GBP qireen inuu ahaa
ninkii ugu macquulsanaa saraakiisha C/hi. Waxay dhaheen inkastoo dagaal
naga dhaxeeyey kamuu tagin ehelnimo iyo wada-hadal. Cadde Muuse
heshiiskii buu ka baxay markii la isku ogaa in ay GBP hesho taliye
booliis ama mid daraawiish laakiin waxaa booliska haddana loo dhiibay
Afguduud. Meeyey Cabdi Yaasiin? Waxaa la waydiin Cadde?
18. Haddii aan wax laga qaban
qodobadaas aan soo taxay oo aynaan ninkan u dirin isbitaal waxaa
dhacaysa in nin walba tuuladii uu ka yimid ku noqdo oo aan sugno waxaa
Muuse Suudi iyo golaha samatabixintu Soomaali u keenaan ilayn waakaas
Muuse Suudi uu martiqaadka ka helay Qadaafi iyo Carabe. Marka qofkii
C/hi qabiil ku raacoow ogoow in marka isagu tago aan ka dabo tagayno.
19. Waxaan dadweynaha Puntland ka
codsanayaa gudo iyo dibadba inay taageeraan arrintaas oo ka soo saaraan
baaqyo ama sidoo kale ka soo saaraan baaqyo ay leeyihiin taladaydu way
khaldantahay. Dadku wuxuu ehel u yahay waa in la isla tasho. Marka
talada hala qaato ama inaan khaldanahay soo caddeeya.
20. Haddii shacabka iyo C/hi arrintaas
wax ka qaban waayaan waxaan Maxamed kula talinlahaa inuu ka soo tago oo
shirarkaas Soomaalida ama dibadaha iska yimaado.