SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Goormay Reer Sool Carta Noqon?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Assalaamu calaykum

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.

Waxaa la sheegaa in Cumar Binu Khidaab (RC) uu Baxrayn madax uga dhigay Saxaabigii Muqiiratu Binu Shucbah (RC). Reer Baxrayn way dhibsadeen wayna ka xanaajisay arrintaas. Marka waa la casilay Murqayrah (RC). Si aan loogu soo celin waxay u dageen been-abuur. Midkood baa yiri haddaad taladayda yeeshaan ninkaasi dib idin ku soo noqon maayo. Waxay dhaheen waan yeelaynaa. Wuxuu yiri waxaan isku dar-daraynaa 100, 000 (boqol kun) oo dirham waxaana leeyahay waxaa ii dhiibtay Muqayrah (RC) ilayn magaalo dhan 100 kun waxba kuma ahee kaddibna sidee bay yeeleen. Waxay ula yimaadeen 100,000 oo dirham Cumar Binu Khadaab (RC) waxuuna ninkii ku yiri waxaa ii dhiibtay Muqayrah (RC). Wuxuu ka wadaa Muqayrah lacagta wuxuu ka xaday Baytul-Maalka.

Cumar (RC) wuxuu u yeeray Muqiirah (RC) oo yiri ninkaan iyo ergadaan waxay isoo hordhigeen 100,000 oo dirham maxaad ka leedahay? Muqiirah (RC) wuxuu yiri been bay sheegeen Amiirkii Muuminiintoow, lacagtu waxay ahayd 200,000 (labo boqol oo kun) oo dirham. Cumar (RC) wuxuu yiri maxaa kugu xambaaray arrintaas Muqiiroow (RC)? Muqiirah (RC) wuxuu yiri ciyaal iyo fakhri. Cumar (RC) wuxuu ku soo jeestay qolyihii been-abuurka oo yiri maxaad ka leedihiin 200,000 oo dirham? Ninkii isagoo ku dhexjira saaxibadii wuxuu yiri Amiirkii Muuminiintoow haddaan kuu run-sheegayaa Wallaahi inuusan waxyar iyo wax badan midna noo dhiibin. Cumar (RC) wuxuu ku yiri Muqriirah (RC) maxaad sidaas u tiri? Muqiirah wuxuu yiri khabiithku waa igu been-abuurtay marka waxaan rabay inaan hoojiyo.

Hadda reer Sooloow waad aragtaan in la leeyahay Maxamed Cabdi Xaashi iyo C/hi baa is-haya. C/hi iyo taageerayaashiisa waxaa caado u ah qofkii ay is-qabtaan inuu argagixiso yahay hadday wanaag u sameeyaan waxay ugu yeeraan inuu Carta yahay. Mar waxaa jirtay ay Carta ku sheegeen Islaam Maxamed, Maxamed Abshir Haamaan, Xasan Abshir, Jaamac Cali Jaamac, caaqilo jooga Mudug, iyo siyaasiyiin badan.

Aniga marar badan bay igu dhaheen C/Qaasim baad taageertaa, C/Qaasim iyo Zenawina waxaa fiican Zenawi. Markaan ka xaqiiqsado inay arrintu dhab ka tahay ayaan dhahaa C/Qaasim xididnimo ayaa na dhexmari kartee ka warrama Zenawi? Marka waa iska dareeraan.

Bal aan fiirino beydadkan uu Khaliif Sh. Maxamuud tiriyey:

  • Haddaad geel mulki ah leedahoo, xero u meegaarto Mareerkiyo galoolkiyo hadday, Magacley daaqayso  
  • Oo kuraygu murraha u sidoo, Maraq u heesaayo;
  • Ninkii maagistaadiyo fidnada, muhashadeed hayso  
  • Haddii uu martabaddaadi hore, sax u malayn waayo  
  • Marka hore mid buu kaa qalaa, muunad loo dhaline;
  • Murre hadday dhadhami weydo iyo, dacar la soo miiray Oo uu raggii maali jiray, soo mur bixi waayo  
  • Mulush iyo hadday wada noqdaan, mohologiin tuunsan;  
  • Doqontii maldahan hawga biqin, maayal dirireede  
  • Mar labaad rogaal weerarraa, lagu mayiiraaye  
  • Oo muqalladoodii rag kale, galab ka meershaaye.
  • Reer Sool shalay baad aqbasheen in “waqooyi Barina” madaxweynaha yeelato idinkuna ku-xigeenka. Ilaah baan idin ku dhaarshee maxay tahay qaybtaas? Qayta anna ii ogol inaan madaxweyne Putlnad u tartamo, Maxamed Cabdi Xaashina aan u ogolayn? C/hi siyaasiyiinta reer Sool wuxuu u arkaa masaakiin oo waxaa u haystaa inay celin karaan kun doolar iyo wax la mid ah ee aan dadnimo iyo sharaf kale midna rabin. Haddaad u rumaysan waydo waa kee horjoogaha hogaamiye dhaqameedyada Puntland ee jooga Kenya? Waa Garaad Saleebaan oo reer Sool ah. Aawaye kuwayagii? Waxay rabaan haddii meesha wax ka soo baxaan in ay dhahaan waxaa wakiil noo ah Garaad Saleebaan haddii lagukala tagana ma ahan iyaga cidda sharaftu ka dhacday.

    Dadka waxaa jira qaar haybad leh oo aan isu-haysan, oo u baahan in la dhiiri-gasho. Sidaan siyaasiyiinta udabo-joogay baan ka baqayaa inaan siyaasi noqdo laakiin markaan maqaalka soo qorayo waxaan jeclahay inaan soo raaciyo macluumaad. Inkastoon marar badan duray Maxamed Cabdi Xaashi laakiin run ahaantii waa siyaasi waxgarad ah. Sabab? Markay u dhamaatay seddexdii sano ee kal hore wuu iskaga tagay Puntland si uusan uga qayb-qaadan dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee C/hi qaaday. Markii C/hi qabsaday Boosaaso ayuu yimid oo yiri haddee dastuur baa jira oo anagu waxaan leenahay madaxweyne ku-xigeenka halkaas ii saar. Wallee C/hi raali kama ahayn laakiin sankuu ka tolay oo waxaa C/hi ku furnaa jamhaddii Jaamac Cali Jaamac. Waa kuma siyaasiga Soomaaliga ah ee isagoon shacabkiisa dhibin jagadiisii helay oo ka ahayn Maxamed Cabdi Xaashi?

    C/hi markasta Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ugu tukubayey ulo booc ah. Wuxuu baadi-goobayey fursad uu kaga takhaluso. Fursadii hadday usoo dhowaatay markii Cadde iyo ciidankiisii gudaha soo galeen oo C/hi la heshiiyeen. Sheekadu soow waqtigaas ma bilaaban? Waxaa kaaga daran Maxamed Cabdi Xaashi waa geesi maxaa yeelay wuxuu wajahay C/hi oo xittaa issimada uu magaalooyinkooda joogo aysan fooda-gelin karin. Waa arrin qof kasta ogyahay. C/hi hadda wax kasta waa iska soo xireen oo qab-qablayaal badan baa dartiis u midoobay marka wuxuu aaminsanayahay inuusan Maxamed Cabdi Xaashi waxba ka qaadi karin maaddaama uu helayo mid kale oo reer Sool ah oo uu madaxweyne ku-xigeen ka dhigto. Nasiib wanaag waxaad mooddaysaa inay shacabkii wax fahmeen oo ay garteen in shilin la qaatay uusan waarayn ee sharaftu muhiim tahay. Waxaana shakki iiga jirin in bedelid la’aanta ku timid Maxamed Cabdi Xaashi ay ka timid reer Sool ee aysan ahayn degenaansho C/hi.

    Maxay xukuumada ku-sheega C/hi u caadaysteen dabeecadihii reer Banuu Israa’iil laga sheegi jiray ee ay dadka wax haystana uusan xukunku u qaban jirin dadka masaakiinta ahna ay ugu oogi jireen.

    Maalmo ka hor waxaa Laascaano joogay Fu’aad Aadan Cadde oo ah Wasiirka degaanka Somaliland mana jirto cid saas u fiirisay halka Ismaaciil Ibraahim Xaaji Ducaale (Basbaas) ay daraawiishta Puntland xireen. Waxay Basbaas ku sheegeen basaas! Maxaa Garoowe laga basaasaa? Muxuuse yahay faraqa u dhaxeeya magaalooyinka “Puntland”? Indho-adaygooda Allpuntland waxay qortay inuu ninkaasi Laascaano u dhashay! Arrintu waa nimaan C/hi Puntland keenin ma iman karo. Wuxuu keenay Caato, Xuseen Caydid, Hilowle Iimaan iyo koox la socota oo Xamar ka timid halka ninkii Laascaano ku dhashay uusan tagi karin Garoowe! Muddo ka hor waxaa Gaalkacyo joogay nin C/Qaasim warqad ka waday.

    Fu’aad Aadan Cadde wuxuu waraysi siiyey Horn Afrik isagoo leh Puntland iyo Somaliland midna Laascaano ma xukunto. Maqaalkaygii kan ka horreeyey ee aan lahaa Daraawiishta C/Qaasim iyo tan C/hi kee dadnimo badan waxaan aqaan dabcigooda. Waakaas Fu’aadna ka tagay, Basbaasna gudaha dhigay. Fiicnaan layadaa haddii qoraalada iyo qaddiyadu saas isu leeyihiin.

    Waxaan aaminsanahay inay tahay abaal-marintii reer Sool oo u soo deg-degtay. Dad badan oo iyaga ka mid ah ayaa C/hi waxay u taageereen si dhego iyo indho la’aan ah ilaa aan marar is-dhaho war dadku maxay gooniyoo C/hi wadaagaan? Waxaa yar inaad aragtid qof reer Sool ah oo C/hi mucaarad ku ah oo hadlay ama wax soo qoray oo is-caddeeyey. Marka kama wado reer Sool oo dhan baa khaldan waana ogahay in dadweynuhu yihiin dad akhyaar ah laakiin siyaasiyiintoodii waa dayaceen dadkaas. Laascaano waxay ahayd magaalo ay waxbarasho iyo ganacsi ka socdo 1998 ka hor laakiin wuxuu C/hi halkaas dhigay dhibaato isagoo ku raadgadanaya Somaliland. Meeday waxbarashii iyo madaxyadii Laascaano? Meeday ganacsigii iyo barwaaqadii? Wiilashadoodii ku dhintay dagaalkii ahliga ahaa yaa u bedelaya? Maxaase uga soo kordhay dhiiggii ay C/hi u daadsheen.

    Maxamed Cabdi Xaashi, Xaabsade iyo Cadde Muuse kee ka muuqda Puntland? Kollay waad ii cududaaraysaan maaddaama aan horray u xussay inaad shalaayi taageerada aad C/hi dagaalka ku siiseen, dadkaasina yihiin dad walaalo ah oo waqti kasta heshiin kara.

    C/hi hadduu talo iga yeelayo waxaan oranlahaa naga fariiso oo Maxamed Cabdi Xaashi ku wareeji bilaha kaaga harsan Puntland ilayn isagaan la lahayn waa Carta. Teeda kale waxay daawo u noqonaysaa af-xumadii ahayd reer Sool waxay leeyihii madaxweyne ku-xigeenka ee madaxweyne shuqul kuma leh. Ama qofkii kale aad rabtid. Siyaasada C/hi meelna uma socoto, xooggiisuna waa mid xargaha Puntland jaraya. Haddii C/hi taas diido waxaan kula talin lahaa in siyaasiyiinta reer Sool ku dhawaaqaan inaysan C/hi shuqul ku lahayn, colaada iyo badda uu leeyahay dad baan ku darayaa uu kaligiis ku yahay. Adiguna Maxamadoow soo aad Kenya waxaan aaminsanahay waxaan qaybta u helno in lagu siin karo. Adigu waxaad tahay nin aqoon leh oo aan dadka la hortagi karno.

    C/hi waa u sahlantahay inuu siyaasiyiin badan oo “Puntland” u dhameeyo sida Maxamed Abshir, Xasan Abshir, Jaamac Cali Jaamac iyo kuwo kale marka taloow Maxamed Cabdi Xaashi malagu dari doonaa? Mid baan ogahay haddii reer Sool maya dhahaan cidna ma marsiin karto.

    Sidaan soo aragnay markii Muqiirah (RC) lagu been-abuurtay wuu ka badbaadey dhagartoodii waana hoojiyey. Suurtagal ma ahayn inay beentooda kusii adkaystaan sababahan darteed:

  • 1. Horta mar hore lacag aad u badan bay isku soo aruursheen waa iyadoo manta la yiri dhowr malyan oo Doolar reer ha isku dar-daro.
  • 2. Iyadoo lacagtu aysan dib ugu noqonayn
  • 3. Waxaa laga sii rabaa 100,000 oo dheeraad ah
  • 4. Inay been sheegeen
  • 5. Inay boqol kun qarsadeen
  • Marka xalka ugu sahlan wuxuu noqday in sidii Muqiirah (RC) ay arrintu u dhacdo. Marka reer Sooloow adinkay idin jirtaa sidaad uga dabaalan lahaydeen.


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

     Faafin: SomaliTalk.com | OCT 16, 2003

     QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


    Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    xayaysiis

    mahuraan 
    MAHURAAN
    : Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


     

    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD