SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Daraawiishta C/Qaasim iyo tan C/hi tee dadnimo badan?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Asalaamu calaykum

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Akhristayaal niman muslimiin ah oo Xaj u socday ayaa kusoo baxay reer lagu sheegay inay ujoogeen seddex gabdhood oo quruxdooda la yaabay oo ku xeel dheer daawaynta iyo tufidda. Nimankii si ay u arkaan gabdhahaa la sheegayo ayey waxay dhiseen qorshe. Waxay dhulka ka qaateen qori yar markaasay mid lugta uga xoqeen si ay uga dhiigeeyaan oo u dhahaan wax baa qaniinay. Kaddib ninkii bay u qaadeen gabdhihii. Waxaa u soo baxday gabdhaha tii ugu yarayd oo qorraxda u eg. Waxay u sheegeen beentii ay soo dhisteen in ninka la qaniinay. Gabadhii inta lugtiisii saas ufiirisay bay tiri ninkani wuxuu dhimanayaa marka qoraxdu soo baxdo waxaana muday qori ay abeeso lab ahi ku kaadiyey (qori sumaysan). Ninkii sheekada warinayey wuxuu yiri markii qorraxdu soo baxaysayba ninkii mayd buu ahaa. Ilayn qoriga ay ninka ku xoqayaanba waa sumaysnaa. Marka qurux raadis bay ahaayeen laakiin ninkaas qabri bay u direen.

"C/laahi Yuusuf ma laha Puntland ee Dadkaa leh" Guji..

Waxaan uga golleeyahay kursiga Soomaliyeed oo dadka laga reebiwaayey oo qab-qablayaashu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen si midkasta ugu fariisanlahaa isagoo dhisanaya been-abuur uu cadow uga helo qiil iyagoon dhaafayn Diin, dad iyo dal midna. Marka rag badan oo kursi raadis ah kaffan bay qaadan sidii aan horay usoo aragnay.

Akhristayaal sidii aan maalmo dhowayd maqlaynay waakaas ilaaladii C/Qaasim ee garoonka Bali-doogle u diideen C/Qaasim inuu ka dhoofo halkaas, sababo jira awgood. Waxaa loo badinayaa in ay mushaar iyo dhaqaalo doon ahaayeen. Taasi waxay tusinaysaa inay raadinayeen xuquuq ka maqan halka daraawiishta Puntland ay sameeyeen cabashooyin ku saabsan mushaarooyinkaas marar badan laakiin waxay xiri-jireen jidadka isku xira deegaanka Puntalnd oo waxay baad ka qaadi jireen gaadiidleyda iyo dadka musaafurka ah. Lama sheegin hal maalin iyagoo C/hi, wasiiradiisa ama taliyahooda hor istaagay. Daraawiishtu Puntland waxay ku dhacday maahmaahdii ahayd arigayga geel ma layne giiraa laysay halka kuwa C/Qaasim dhaheen adaa lacagtii haystee halkaas noo dhig haddii kale ma baxaysid iyagoon shicibka raadsan.

Taageerayaasha kornaylka iyo qolyaha saxaafada ee caawiya, afka ayey qaylo ku shubteen markii Muuse Suudi yiri ciddii badan baa waddanka madaxweyne u noqonaysa. Muuse taas xaq uma lahayn laakiin Muuse iyagaa uga horreeyey. Waxaa nasiib-darro ah in C/hi samaystay sharci ah in Puntland madaxweynaheeda uu ka yimaado “Waqooyi Bari” micnaha waa Majeerteen, madaxweyne ku-xigeenka Sool (Dhulbahante), ra’iisul wasaarahana Sanaag (Wersangeli)! Waligiin qayb noocan ah ma aragteen? Xittaa waagii madaxtinimada Puntland loo tartamayey ma jirin nin reer Sool ama reer Sanaag ah oo isa soo sharraxay ee qolo kasta booskeeda ayey u tartamaysay. Halka Somaliland ay Rayale ka dhigteen madaxweyne. Waxaan la yaabay ma arag qof reer Sool ama reer Sanaag ah oo arrintaas ka cabanaya.

Marar badan baan damcay inaan wax ka iraahdo arrintaas laakiin markaas waxay ahaayeen garbaha C/hi oo dad badan oo ka yimid Sool iyo Sanaag ayaa C/hi taageeray. Marka sidii quwaax uu ka dhamaystay buu iska tufay. Heshiiskii Puntland ka dib wasaaradahii uu u qasday oo uu gogtay waxaa ka mid ahaa tii mas’uuliyiinta reer Sool. Wuxuu waax goostay wasaaraddii Xaabsade. Waxay ugu darnayd markii Boosaaso yeelatay dhowr duq-magaalo muddo asbuucyo ah. Sida aad ku aragteen boggagga Puntland waxay yiraahdeen wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha! Madaxweynuhu ma isagaa wax kasta xula? Maxay ku towrantahay Wasaaradda Arrimaha Guduhu? Markii ciidan larabo ayey qiimo leedahay laakiin hadda C/hi ciidan badan uma baahna. Doodda Maxamed Cabdi Xaashi miisaan bay leedahay marka uu leeyahay C/hi wax kasta isagaa isku koobay xittaa waakaas hadda duqa Boosaaso magacaabay markuu Garoowe ku soo noqday. Waa suu u sheegay Maxamed Cabdi Xaashi. Taageerayaasha C/hi waxay Puntland ku sheegaan madax-ka-nool iyagoo ammaan u qaba halka ay Maxamed Cabdi Xaashi, Saciid Caduur, Xaabsade iyo kuwo kale u yaqaanaan dhuun-ka-nool. Ogaada madaxa dhuuntaa/qoortaa ku xigta! Waxaad arkaysaa iyagoo cay bareer ah kusoo qora boggoggooda.

Sida aad la socotaan degaanka Sool iyo meelo kale waxaa ka jira abaar ba’an laakiin maamulka C/hi iskama xilsaarin inuu wax ka qabto. Wuxuu ku bixiyey boqolaal kun oo doolar siyaasiyiinta kooxaha kale. Dadku waxay sheegaan inuu lacag siiyey Muuse Suudi waagay isku fiicnaayeen, Xuseen Caydiid, Shaatiguduud, Hilowle Iimaan iyo kuwo kale. Sidii mukulaashii haweentu iska xiratay ayaa C/hi Sool go’doonshay oo Somaliland dhaafi isna wax uma tarin bal wuxuu usameeyey cadow markii uu magacaabay gobol cusub. Horay baan usoo xusay sheekadii abwaankii ka shaqayn jiray Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya oo isagoo abaartii dabo-dheer ka ololeeynayey dhigidda Afsoomaaliga isagoo joogay buuraha Golis markii saaxiibbadiis Xamar joogay warqad usoo qoreen iyagoo yiri sheeko iyo akhbaar noo soo dir. Isna wuxuu tirshay gabay ay ku jirtay.

………………………………….. duni abaaroowday

  • Dab cadaab ah oo la isku shiday dooxyadii gubanka

  • Oo haaddu soo daadatoo deeradii dhimatay

Wuxuu sii yiri:

  • Dusha Golis cadceedii niman dubatay oo leeftay

  • Oo socodka daayoo lugaha maro ku duubaaya

  • Oo degtii waysada ugu jirtay deeqi kari wayday

Wuxuu sii yiri:

  • Dacas laguma waaree markay doogsin roob curato

  • Diifta olalaha markaan dib uga raaxayso

  • Adi iyo daalinkii kaa yaraa doodda wa ufurine

  • Ha dadnaato xaajada mar baan diirka ka caddayne.

Marka gobolka uu Cayn u baxshay ma in aysan caysh u raadsan Somaliland buu usameeyey? Mise degaanka xiisadaas oo kale ka jirtaa waqtigaan oo kale faraha lala galaa?

Lama rabin in degaan abaaro ba’ani haysto loo sameeyo wax kicinaya dadka dariskood ah. “maqaal kasta iyo meeshiis”

Calaa kuli xaal sheekada ah in aysan reer Sool iyo Sanaag madaxweyne ka noqon karin Puntland waa wax-kama-jiraan waana in ay raaligelin ka baxshaan af-xumadaas. Marka ninka reer tolkiis ka dhigay dabaqado miyaa Soomaaliweyn loo dirikaraa?

C/hi ma siyaasi baa?

Akhristayaal waxaa jiray mar ay soo dhowayd doorashooyinkii Kenya ee kal hore in uu Mombasa booqday Odinga Odinga. Muxuu sameeyey si xisbigiisa loo doorto? Wuxuu soo gashaday qamiis markaasuu masaajidda Mombasa soo galay. Waxaa isna masaajid lagu arkay Tony Blair-ka Ingiriiska markii uu rabay in xilligii labaad loo doorto jagada ra’iisul wasaaraha. Waxaa taas dheer dadka madaxweynanimada u tartamaya waxay dadkooda ku soo jiitaan balanqaadyo sida iyaga oo dhaha waxaan kor uqaadaynaa waxbarashada, caafimaadka iyo adeega bulshada. Waxaan badinaynaa booliska si dambiyada loo yareeyo.

Dhibaatooyinka BBCda AfSoomaaligu
Ku hayso Soomaalida..
1aad
| 2aad

Kornaylku isaga dadkaas wuu khilaafay oo si uu madaxweyne Soomaaliya uga noqdo wuxuu been ka sheegay degaankii uu ka soo jeeday markuu ku sheegay in aragagixiso joogto xittaa magaaladii xigaaladii joogtay ee Gaalkacyo kama fakan oo wuxuu yiri dukaamada ka furan waxaa maalgeliya argagixiso. Weraysigii uu BBC laanta Afsoomaaliga siiyey bilowgii shirka Kenya wuxuu yiri waddan aan tabar lahayn oo wadaado ka adagyihiin waddan ma ahan marka haddii loo baahdo waxaan kaashanayaa dowlado shisheeye.

Soomaalidu waxay tiraahdaa doqon baa la yiri hal geel ah qaad markaasay tiri ma qaadayo. Waxaa la rabay inay tiraahdo ma qaadi karo. C/hi waxay ku fiicnayd inuu yiraahdo waxaan Ilaah ka rajaynayaa in xinka, cuqdadda iyo dhibta Soomaaliya ka jira uu roobka dayrto naga mayro oo badda ku daro. Waagay Kulmis banaanka jirtay heesihii radio Muqdisho laga qaadi jiray waxaa ku jirtay (walaalo iga maqan baan waa’ beryeyba u yeeraa). Waxaa mirahaas lahaa Maxamed Nuur Shareeco (Allaha u naxariisto). Maxaa u diiday inuu yiraahdo waa walaalahayo, qofka kama maarano ha soo noqdeen, aan wax-wada-qaysano. Muuse Suudi ayaa hadda erayadaas isticmaala si uu qab-qablayaasha kale ugu casuumo is-bahaysigiisa.

Haddii ra’iisul wasaaraha Ingiriiska dani ka gashay in uu masaajidda aado si uu muslimiinta laga badanyahay u doortaan ka warran haddii kornaylku uu rabo inuu Diinta, dadkeeda iyo masaajidda ka raadgato? Marka Tony Blair iyo C/hi yaa siyaasi ah?

Puntlandeey waa tan Soomaalidu tiraahdo qofka soo gar-dhigta intaan geedka la imaan oo arrimihiisa u kuur-gala badanaa lagama raayo marka ma waxay idin la tahay in C/hi ciddi dooranayso?

Waxaan shakki ku jirin in C/Qaasim iyo Muuse Suudi ay C/hi ciidda uga tageen. C/Qaasim awalba diyaarad ingeyr ah iyo casuumado waa ka heli jiray madaxweynayaal laakiin hadalkii C/hi waxaa ugu soo kordhay cudud weyn sida isagooy isku jaal noqdeen niman Xamar awood ku lahaa sida Muuse Suudi, Caato iyo kuwo kale. Marka waakaas ay C/hi isku dhegenyihiin ku-xigeenkiisii iyo wasiiradiisii.

Markaan lahaa “ma shir dib-u-heshiin baa mise dib-isu-bahaysi” ma jirin is-bahaysiga Balcad. Waxaan fahmayey meesha sheekadu ku socoto. Hadda waa kaas markii Shaatiguduud iyo Shiikh Aadan madoobe heshiiyeen horay dagaalka iskaga bilaabay. Marka Carabtaa waxay leedahay magacyo micnahoodu waxa lagu sheegayo ka soo horjeeda sida qofka jiran waxay dhahaan “saliim”, dhulka lama-degaanka ah oo bah-gooyaha ahna waxay dhahaan “mafaazah”. Marka ergo-qaybsiga maxay ka wadaan?


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | OCT 11, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD