Garaad C/qani oo Beeniyey in uu Wax Xidhiidh ah
oo ku Saabsan Baahinta Maamulka La Yeelan Riyaale Kaahin.

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com
Laascaanood, Soomaaliya
I I D H
E H
|
|
Garaad C/qani Garaad Jaamac ayaa ku tilmaamay mid aanu
waxba ka jirin warar uu qoray wargeys ka soo baxa magaalada Hargeysa, oo
sheegay in ay wadahadalo u socdaan Garaadka iyo xubno ka tirsan Maamulka iskii
isu magacaabey ee Soomaaliland.
Wadahadaladaas oo ku saabsan, sida wargeysku ku
andacoodey, sidii maamulka Somaliland loo gaadhsiin lahaa Gobolada Sool, Sanaag
iyo Cayn.
Wargesy kasoo baxa Hargeysa ayaa cadadkiisii 428 ee soo
baxay 29-9-03, waxaa uu ku qoray war uu sheegay in uu iloxog-ogaal ah ka soo
xigtay oo sheegay in ay xidhiidh yeesheen Madax Maamulka Iskii isu magacaabey
ee Somaliland Riyaale Kaahin iyo qaar ka mid ah Garaadada deegaanada Sool,
Sanaag iyo Cayn, waxayna carabka ku dhufteen in uu Riyaale si gaar ah Garaad C/qani
la tashi kala yeeshay sidii loo fidin lahaa maamulka Somaliland, isla markaa ay
uga hawlgeli lahaayeen deegaankaasi guddidii uu dhawaan magacaabey Riyaale ee
loogu talo galay in ay ka soo taliyaan arrimaha gobollada kor ku xusan.
Mar uu Radio Lascaanood arrintaa wax ka weydiiyey
Garaad C/qani sida ay wax uga jiraan, garaadku wax uu sheegay in aanu wax
xidhiidh ah iyo wada tashi arrintaasi baahinta maamulka iyo guddida la sheegay
toona kala yeelan maamulka la magac baxay Somaliland iyo mas'uuliyiintiisa
toona, wuxuuna garaadku intaasi ku daray in lagu been abuurtay oo aanu warkaasi
sal iyo baartoona lahayn.
Laascaanood Soomaaliya.
e-mail: asadlaska@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2003
Qoraalkii hore ee Caddaani.... Guji...
DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ...
Guji [Diridhaba]
Xaalada Magaalada
Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka
akhri warbixintii
Asad Cadaani
YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec
14, 2002
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay....
GUJI
8/12/2002
Bayaan ay soo saareen jaaliyada
SSH ee Kuwiat
Annagoo ah
Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag
iyo Hawd in badan ayaanu
GUJI
12/12/2002
Jaaliyada dhulbahante ee w/america
warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in
GUJI
11/12/2002
Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi
oo ku sugan Eldoret ayaa..
GUJI 8/12/2002
Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood,
kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha...
GUJI
8/12/2002
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|